Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Qawlaysatada ugaarsata gabdhaha da’da yar

Dhudi Cigaal

-

1/7/2022

Qawlaysatada ugaarsata gabdhaha da’da yar

“Nin ku dhali kara ayaa ku dhaqi kara”.
“Waa bilic’e boob, waa bakhtiye jiid”.

Waxaa laga yaabaa in badan waad maqasheen maahmahyadan kor ku xusan ama qayb kamid ah. Micnahoodu waa mid iska cad, waxay khuseyaan guurka ama xiriirka galmo ah ee ka dhexeeya nin weyn iyo gabar yar oo ku jirta kuraynimo ama madaxa la gashay labaatanka.

Qaar badan oo idinka mid ah waxaa dhici karta inaad is waydiinaysaan; maxaa dhib ah oo ku jira in xiriir dhex maro gabar da’ ahaan ka yar 25 iyo nin 26, 30, 36 ama ka waynba jira?

Haddii ay sidaa dooratay oo ay ku qanacsan tahay wax dhiba ma jiro waayo labadooduba waa dad qaangaar ah. Taas waan kugu raacsanahay oo gabadhu markii ay 18 gaarto go’aanka iyo dookha iyadaa iska leh oo cidday ku qanacdo ha raacdo waa qof iyo dookhii. Hase yeeshee waxyaalo badan ayaa ka khaldan caadaynta dhaqankan.

Tusaale ahaan markaan ragga qaar waydiiyo bal adigoo 30 gu’ jira maxaad ku falaysaa gabar yar oo hadda dugsi sare ka baxday ama wali ku guda jirta?

Markaas waxaan arkaa rag difaacaya arrinkaan iyagoo ku doodaya “dumarku isku mid maahan, waxaad arkaysaa gabar da’deeda ka caqli iyo garaad badan oo wax garad ah aanan isfahmi karno”. Arrinkaan labo midba wuu ku khaldan yahay iyadoon koritaanka qofka maskaxiyan iyo jir ahaanba la isla aadin.

  1. Ta hore, tusaale ahaan qofka jira soddon waa qof wayn oo si buuxa u koray, noloshana heer kale ayuu ka joogaa, waxbarasho wuu dhameeyey, shaqo iyo hoy waa uu haystaa oo waa qof isku filan ayaa la dhihi karaa. Qofka noocaas ah haddii uu xariir la yeesho qof ka yar 25 maxaa la oran karaa? Waa maxay sababta qofkani u raadsan waayay qof le’eg ama ku dhow da’ ahaan oo nolasha ay isku heer ka jogaan? Waayo dhamaanteenba waan garanaynaa koritaanka jidheed, garaadka iyo khibradda inoo siyaaday laga bilaabo da’da 18ka ilaa bartamaha 20ka oo farqi wayn ayaa u dhexeeya.
  2. Tan kale dhaqanka soomaalida kaliya kuma koobna ee dhaqamo badan oo aaminsan ayaad arkaysaa in gabdhuhu sidoodaba wiilasha ka korriimo dhow yihiin, kana caqli badan yihiin, waxaana laga yabaa gabar 15 jir ah iyo will 15 jir ah inaanay isku si u dhaqmin. Taasina waa mid sahlan oo waxaa u sabab ah korinta caruurta oo aad u kala duwan. Wiilka yari marka uu tallaabo qaad yahay ilaa qaangaarkiisa marka laga yimaado waxbarashada wax hawla uma taal aanan ka ahayn inuu bannaanka banooniga kula ciyaaro ciyaalka xaafadda, hadii uu soo dagaalamo waa caadi oo waa ilmo yar oo soo koraya balse dharka sida loo dhaqo, sida cuntada loo kariyo, nadaafadda guriga iyo xalitaanka weelka midna lama baro oo wax masuuliyad ahi uma taallo wiilkaas yar ee koraya. Dhanka kale gabadha yar ee faciisa ah intaa aan kor ku soo xusayba waa la baraa oo waa waajibaad saaran inay nafteeda wax u qabsan karto oo waliba ay walalkeed iyo qoyskaba jaariyad u noqoto. Korinta kala duwan ee wiil iyo gabar waxay kallifeen in wiilka yari si tartiib tartiib ah u koro halka gabadha yar caruurnimada oo dhan loo qoonsado oo masuuliyad loo xanbaariyo. Dabcan kala duwanaasho wayn ayaa u dhaxaynaya, hasayehsee taa micnaheedu maahan gabadhu guur ayey gaartay. Hab korintaankani waa gabar yar oo laga filanayo inay u dhaqanto sidii naag wayn waana dulmi balaaran.

Dulmigan la caadaystay waa dhaqan xadgudub ah, waayo wuxuu fududaynayaa in rag waawayn ka faa’idaystaan gabdho yaryar oo aan caqli ahaan bislayn, wayna sahlan tahay in wixii la rabo laga samaysan karo waayo gabadhani maahan naag wayn oo aqoon leh dejisatayna xuduud caafimaad leh oo garanaysa micnaha xiriir wanaagsan ayna adag tahay in lagu gafo. Laakiinse ragga noocan ahi ma rabaan naag le’eg, waxay rabaan gabar yar oo ay majaraha u qabtaan, fududahayna in caqligeeda xakameeyaan oo goobtii ninka oo qudha dani ugu jirto u jiheeyo, wixii uu rabana ku shubto.