Waan hadli kari waayay!
Maxamed Haybe
-12/6/2021
Waan hadli kari waayey!
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa aan raaceyey bas u baxa Xaafadda Sheeddaha ee
magaaladda Hargeysa. Duhur ayaa lagu dhuftey. Waa xilli dadku soo wada
rawaxaan. Waxaa la boobayaa gawaadhida. Sida ay dadku isku cidhiidhinayaan,
waxa aad moodaa in bas la,aani jirto. Albaabka waxaa markiiba ku kulmaya labba
qof ama saddex qof. Aduu hor soco…aduun hor gel… Xageed ku carrareysaa…
Xagee noo jidheysaa…shalmada iiga kac.. hore u kala socda… Maxaa dadka hor
taaggan… Waar islaanta ha jiidhina… Waar odeyga u banneeya…
Dumaroow idinku socda… Dumarku ha idinka horreeyaan… Kadinkii ba ma
dumar baa qabsadey…dadow aayara; ma bas la,aan baa dhacdey…Xagee lagu
wada cararayaa… Miyuu buuxsamey… Kuraasta dhexe ayaa bannaan… Meelihii
wanaagsanaa, malaha waa la inaga qabsadey… Malaha xagii dambe, ayuun baa
hadhey…Qof ba haddal ayuu soo tuurayaa, dadkii raacayey. Buuqa ayaa is-
oogsadey.
Anigu marka aan fuulley, waxa aan u socdey xagga hore. Waxa inta badan
fadhiista wada rag.
Waxaa xagga dambe ka soo kacdey, gabadh dhallinyaro ah. Iyadu hore ayey usii
fadhidey. Qiyaastii waxa ay ka mid aheyd, dadkii ugu horeeyey ee galla
gaadhiga.Waa gabadh yaroo dheer oo dhuuban. Waxa ay xidhan tahay xijaab madow.
Indhaha wey shareeratey ama niqaaman tahay. Marka ay albaabka mareyso, ayaa
waxa ay ku kulmeen gabadh kale oo iyana soo fuuleysa. Ta soo fuuleysa buska,
waxaa garabka biddix u sudhan boorso madow. Labbada gacmoodna, allaab eyey ku
laad-laadsaneysaa. Ileen iridda eyey ku kolmeene, si cidhiidhiya eyey isku
dhaafeen.
Gabadhii dhallinyarada aheyd, marka ay sidaa u dhulka cagaheedu u taabteen,
ayaa la maqley cod. Waa cod dheer oo leh: NAA DHIG… NAA DHIG.! Waa codkii,
nin dhallinyaro ah oo la socdey gaadhiga. Wuxuu dhinac taagnaa albaabka.
Yaab wuu dambeeyaaye, ileen gabadhii dhallinyarada aheyd, markii ay
cidhiidhineysey gabadha kale, eyey boorsadii garabka u sudhneyd, kala baxdey
moobeyl.! Markuu ku qeylyeyna, intey moobeylkii Dhulka ku tuurtey, eyey cagaha
wax ka deydey.!
Moobeylkii, waxaa dhulka kasoo qaaddey, ninkii dhallinyarrada ahaa. Dabadeed,
gabadhii laheyd, ayuu ku yidhi: “Hoo moobeylkaaga.” “Alla! Keen wallaal, goor
muu iga dhacey”?! Show, warba uma heyso, in la- jeeb-siibey.!
” Kaamuu dhicine, gabadhii albaabka aad isku dhaafteen, ayaa ka saartey
boorsadaada”, ayuu ugu jawaabey.
” Maahee! Alla! Wallaal waad mahadsan tahay”.
Islaan weyn, ayaa halkaa kasoo hadashey, iyada oo la hadleysa odey fadhiyey
kursiga albaabka u xigga oo ku tidhi: ” Ee miyaannad arkeyn adigu, marka
inanta moobeylka kala baxeysey?"
" Mayee, wallaahi caadi baan u arkayey”, ayuu ku jawaabey. Yaab!
” Haddaad arkeysey, maxaa aad u hadli weydey ama uga qaban weydey?
” Maxaa aan hadlaa, waan naxee…Waxa aan u qaadan waayey, gabadh ayaa wax
xaddeysa… Waxa aan garan waayay, iney riyo tahay iyo in kale…waxan
dhacayaa ma dhab baa, mise waa dhallanteed… lugaha iyo gacmuhu ba wey i
cuslaadeen… Hadalkii dabnaheyga wuu soo dhaafiwaayey,ayey jawaabtiisii
noqotey.!
Haddaba, sheekadda baska halkaa aynu kaga dagnee, maxaa ay ina tusineysaa
sheekadani?
Sheekaddani waxaa ay ina tusinaysa, kuwan soo socda:
1. In Soomaali ahaan ayna dhaqan u lahaan jirin, gabadh wax xadda ama tuuggad
ah.! Waxaa taas dalliil inooga ah: sida odeygu uga dareen celiyey ee maankiisa
iyo damiirkiisuba u qaaddan waayey, gabadh ayaa wax xaddeysa.!
Ab iyo isirtoona uma lihin, laakiin waxaa aad moodaa maanta, in dhaqankeenii
wanaagsanaa daadka la raacinaayo.
2. Daacadnimadda iyo akhlaaq-wanaaga odeyga.
3. In meelaha buuqa ah, ay tuuggadu wax ku xaddi karaan, oo ay tahay
fursadaha wax ku gaaddaan,loona baahan yahay in qofku taxaddir yeesho.
4. In tuugnimadu ayna kala laheyn, rag iyo dumar.!
FIIRO GAAR AH: Sheekaddani maaha Male-awaal, laakiin waa sheeko dhaba oo aan
goob-joog ahaa. Sababta kaliya ee aan u baahiyey ama danaha aan ka leeyahay
waxaa ay tahay:
WACYI-GELLIN oo kaliya. Yaan loo qaadan in aan ceebeynayo dumarkeenna iyo
dhaqankeenna suubban. Xaasha.!
Xaqiiqdii, kuwa ceebeynayaa waa dumarka wax xaddaya ee Illaahay haka baqaan.
Waxaa la yidhi, Gacantii wax qaadka barata, gumudkaa dhaqdhaqaaqa.!
W/Q Maxamed Haybe Axmed