5 dabeeco oo ay leeyihiin dadka guul darreystaa
Maxamed Haybe
-8/25/2021
Wax badan ayaa laga hadley, guuleystayaasha, sida guusha loo gaadho, astaamaha ay leeyihiin guuleystayashu; sidaa si la mida ayaa qorayaasha Soomaaliyeed qalinka ugu qaateen, iney farta ku fiiqaan guuldarrada iyo waxa ay tahey.
Anna qormadeydu, kama beydhin sunnaha ay jideeyeen qallinleyda soomaaliyeed, balse, waxaan doonayaa inaan ka istaago dhan aan wali laga istaagin; inaan ka eego dhan aan wali laga eegin. Waxaan diiradda ku saari doonaa, dad haya dariiqii guuldarrada, laakiin aan dareensaneynba oo u heysta iney jidka guusha ku joogaan! Wali hore ma u aragtey akhristoow dadkaa?
Wax badan ma ka fikirtey, waxaa guuldarrada kugu wacan. Ma aragtey, inaanad sannadahan ba wax guula urinba? Ma garanweydey halka wax ka khaldan yihiin? Marar badan ma go’aansatey inaad is-beddel sameysid, laakiin ma kari weyday?
Haddaba, haddii jawaabtaadu haa tahay, aan kuu sheegee, waxaad leedahay dabeecaddahan aynu ka warami doonno. Aan hadalka kuu jilciyee, haddii qof xannuunsanayo sida kaliya ee uu isku daweyn karaa sow maaha, inuu dhakhtar tago; dhakhtarkuna uu sheybaadho. Dabadeed uu ogaado cudurka haya, ugu dambeyna uu siiyo dawo uu ku bogsado; laakiin, ka waran hadduuna qofku aanu iskuba qabin, inuu xannuunsanayo? Miyuu is-daweyn? Waa maya. Waxaa gadden oo kale ah, lagana garan dadka aynu ka warameyno, kuwaasi oo ah kuwo lugaha kula jira guuldarrada, laakiin aan garaneyn.
Dadku waxay u kala baxaan guuleystayaal iyo ma guuleystayaal. Waxaa inta badan la yidhaa, waxaa badan dadka guuldarreysta.! Haddaba, waxaa jiro astaamo ay leeyihiin dadka guuldarradu ay ku badan tahay, waana kuwan ee Iska eeg inaad ka mid tahay:
Qorshe la’aan
Waa dadka aan laheyn wax qorshe ah. Waxaa lagu magacaabaa caajislayaal. Waxaa kale lagu magacaabaa dadka riyooda; waxay leeyihiin riyooyin, laakiin ma hirgaliyaan riyooyinkaa.
Riyada aan ka hadlayaa maaha tii hurdada; waa tii hadafka iyo hirgelintiisa. Maxaa u hirgali ba, waxaa ka maqan noloshooda qorsheynta. Qorshuhu waa dhaqaajiye, wuxuu qeexaa halkaad taagan tahay iyo halka aad u socotid. Dadkan noocan ahi, waxaa caaddo u ah, iney nacaan waxa qorshaha la yidhaaba. Haddaad maqli jirtey, qorshaa lagu meel maraa ama meel lagu gaadhaa; kuwani uma arkaan qorshaha inuu wax muhiima leeyahay.
Maalinta, wuxuu qaban lahaa uma qorsheysna. Todobaadkii, wuxuu qaban lahaa uma qorsheysna; Qorshe sannadle ahna, maxaad ka sheegiba!
Sababaha ay dadkani qorshaha u sameysan waayeen, waxaa ka mid ah:
- Waxay ka baqaan iney qorshe sameystaan, iyagoo naftooda ku qanciya iney qorshoyaal hore ay sameysteen aaney u hirgelin, sidaa awgeed ay ka baqanayaan iney ku guuldareystaan.
- Waxay aaminsan yihiin, inaanu qorshuhu wax muhiimadda aannu laheyn.
Dadkani, waxay caan ku yihiin dayacaadda waqtiga, maxay yeeley malaha wax qorsho ah. Afar iyo labbaatanka saac ee ay hastaan, saacad badhkeed kama faa’iideystaan. Sida dabeyshu u kaxeyso qashinka kolba jihada ay ka dhaceyso, ayey dadkanina u dhaqaaqaan, kolba halka ay naftoodu doonto. Si kale kuma garatide; “waa dameeri dhaan raacdey”. Hadallada ay mar walba afka ku hayaan, waxaa ka mid ah: “halkeen waqtiga ku lumiyaa…” “Inamari, aynu iska damashleynee…”, “saacadda aan iska soo gaabiyo…”. Qorshe la,aantu, waxay keentaa in la garan waayo qiimihii waqtiga. Haddaad leedahay sifadan aynu soo sheegney, ogow guuldarrada wallaalo ayaad tihiin.!
Tusaale ahaan, waxaa ka mida ah riyooyinkooda: howshan bari baan qaban doonaa… Balwaddan bishan soo socota ayaan joojin doonaa…ardey wanaagsan baan noqon doonaa… Sidan iyo sidaa ayaan yeeli doonaa… Wax walba dhag iyo dhag ayaan ka siin doonaa…
Howl yari guulayso
Waa mid aan dooneyn inuu halgamo, wuxuu raadiyaa hab gaaban uu guusha ku gaadho. Safarka guushu wuu dheer yahay, wuxuuna wataa daal, haraad iyo hagardaamo.
Taasi waa mid la isla wada-yaqaan, laakiin qofkan aynu ka warameynaa; wuu inaga fikir duwan yahay. Ma aammisana waxaa aynu ka dhureyno. Wuxuu naftiisa ku qanciyey inuu Iska seexdo, iskana soo tooso; guushana uu aayar hortiisa ka qaato.
Ma ogaba, in hore loo yidhi, ” lama helo wadaadoow, waxaan cidi ku howshoon”. Isaga dhaguhu uma doloolaane, waxana dhageysan maayo; wuxuu wax ku doonayaa inuu ku helo, ishaa biligteed. Wuxuu baadi doon ugu jiraa, dariiq gaaban oo uu guusha ku helo.
Haddaad ka mid tahay, dadka dabeecaddan leh, ogow inay adag tahay hanashada guushaa fudud ee aad hiigsanayso.
Cabsashada
Waa kuwo ka baqa iney sameeyaan khalad. Qaladka waxay u arkaan fashilaad. Waxay ula muuqataa ceeb. Tani, waxay dabar adag ku noqotey iney gaadhaan guul.
Haddii, marka kowaad ay khalad sameeyaan, iskuma dayaan iney mar labaadka saxaan; kamana bartaan cashar iyo cimri qaadasho. Iska daa iney wax ku qaataane, waxay ka cago jiidaan isku deyga. Waxay naftooda ka dhaadhiciyaan, haddii hadafkan ama howshan qaldaan, iney dadka kale, kala kulmi doonaan fadeexad ama bahdil.!
Dadkan, waxaa lagu yaqaan, kuwo qarsada qaladka ay sameeyaan. Ma jecla iney bulshadu ogaato. Waxaa dhiba in la yidhaahdo, “hebel wuu guuldareystey ama heblaayo ma guuleysan”.
Taasina, waxay dhaxalsiisaa iney caawin, talo iyo tusaale ka helaan dadka aqoonta ama waayo-aragga u leh dhibtooda. Haddaba, haddaad tahay dadka sifaddan leh, ogow in guuldarrada aad gacantaada ku dooratay.
Beel-darraynta fursadaha
Waa kuwo ammisan fursadda, laakiin iskuma diyaariyaan iney soo qabsadaan. Waxay rabaan in fursaddu iyadoo cagaheeda ku socota, ay soo istaagto iridda aqalkooda hortiisa. Kadib ay ku tunto ama ku garaacdo albkaabka; kama qasnaba oo kama furaan albaabka. Fursaddii ayaa ku noqota halka ay ka timid. Wey maqlayaan jabaqda ay sameynayaan kabaheedu iyo sii socodkeeda, jaqaf… Jaqaf, laakiin dhagahoodu uma doloolaan. Dareenkoodu uma soo jeedo.
Diin baa hadduu dhaqaaqo dhul dhan maree, bal ka warran fursadda oo dabeysha ka dheereysa?
Markey fursadu galbato, ayey sidii kuwo soo miyirsadey, madaxa lasoo boodaan. Dhankan iyo dhankaa ayey u boodaan. Waxay garwaaqsadaan, iney fursadii waa hore dabeyshatey.
Niyad jab awgeed eyey jilbaha u dhacaan.! Waxay ku calaacalaan, aaah! “Maxaan fursadda u dayacney?” Ma mid bey aheyd; fursad iyo badh bey aheyde… Yaa dib usoo celiya…alla waan ka faa’iideysan lahaa.
Waxaa kale oo jira dad yaqaan qiimaha fursadda, laakiin mooggan sida looga caana dhamo.
Haddaba, haddaad tahay qof leh dabeecaddan, ogow, adaa doortey dariiqii guuldarrada.!
Dib dhigasho
Waa kuwo summaddoodu tahay astaanta Dib u dhigashada. Wax kasta oo ay qabso leeyihiin, dib eyey u dhigaan. Hamigooda iyo hiigsigooda, waxaa halis ku noqdey dib u dhigashada. Markuu uu qofku arko, halka uu shan sanno ka hor taagnaa, inuu maantana taagan yahay, waxaa naftiisa ku abuurma ciil iyo caloolyow.
Sababaha ku keena iney hadafkooda iyo howshooda dib u dhigaan, waxaa kamid ah:
- Waxay amminsan yihiin in howshan hor taalaa ay adag tahay. Sidoo kale, hadafkan uu xariiqdey, wuxuu ka baqayaa inuu ku guul darreysto. Hal-ku-dhagyada ay dadkani ku caan baxeena, waa kuwan: ” howshan wey adag tahay, kuma guuleysan doono”. “Hadafkan ma hirgelin karo.”
- Waa kuwo aan laheyn go’aan. Waa kuwo aan lahayn kalsooni ay go’aan ku gaadhaan. Waxaa ugu wacan kalsooni la’aanta shaki! Waxay shaki ka qabaan naftooda iyo kartidooda. Waa kuwo aan ku dhiiran iney ku dhaqaaqan hadafkooda.
Haddaba, haddaad tahay qof leh sifadan sare, ogow, iney guuldarradu gondahaaga taal, mar walba.
Guntii iyo gabagabadii, waxaad akhriste ogaatey khatarta ay leeyihiin sifooyinkaa aynu soo dhex mushaaxaney. Waxaad dareentey, halka guuldarradu kasoo shidaal qaadato. Sidaa awgeed, waxaan kugula talinayaa, inaanad yeelan dabeecaddahaa.
Haddii aad leedahay, mid kamid ah ama qaarkood, fadhi kuuma yaalee, waa inaad dhakhso u badaddashaa. Qof kasta oo iska ilaaliya caadooyinkaa, waxaan ku hanwaynahay inuu nolosha guul ka gaarayo ama ugu yaraan uu dhabadii guusha saaran yahay.
Waxaan rajeynayaa in qormadani noqon doonto, qormo wax lagu qaato. Mid u horseedda dhalinyarrada Soomaaliyeed, iney noqdaan guuleystayaal.
FIIRO GAARA: Akhriste, arrinta cajiibka leh ee aan kuu hayaa waxa weeye, in qormadan aniga oo qore ah, ay saameyn igu yeelatey. Waxaa saameyn igu yeelatey qormadan dhammaanteed, gaar ahaan qodobka 5aad(Dib dhigashada). Haddaba, siduu iigu yeeshay? Intii aan ku gudo jirey qoraalkeeda, mar kasta oo aan caajiso ama aan arko anoon qormadii aanan dhammeyn, waxaan nafteyda ku odhan jirey: ma adigii baa wax dib u dhigtey? Ma adigii dadka dib dhigashada ka dardaarayey ayaa wax dib u dhiganaya?!
Runtii, qodobkaasi joog iyo jiifba wuu iidiidey, ilaa ugu dambeyntii aan dhammeys tirey oo idin soo gaadhsiiyey. Akhristoow, adiga qodobkee ayaa saameyn kugu yeeshay?
Waxaan kaga baxayaa, guushu sahal kuma timaadee, waxay ku timaadaa dedaal.
Waxaan jecelahay guusha, dadka kalena waxaan la jecelahey guusha.