Fursad iyo xorriyad
Cawil Cabdille
-2/5/2020
M aalin dhawayd ayaa waxa aan dhagaystay muxaadiro uu jeedinayo wadaad Soomaaliyeed (Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil). Waxa uu ka hadlayay arrin aynaan uga baran wadaad Soomaaliyeed in uu ka hadlo. Wadaad waxaa lagu yaqaannay in uu ka hadlo aakhiro iyo adduun; adduun qofka joogaa hamayn-dhaxmo ku yahay iyo aakhiro lama huraan ah. Adduunyadu agtiisa macno kama leh oo waxaa liibanay qofkii cimrigiisa oo dhan cibaado ku khasira. Qofkii isaga oo aan tukan ama soomin ama xajiyin dhintay, isaga oo boqol jir ah, miyuusan khasaarin – Xitaa haddii uu ka tagay boqollaal buug oo cilmi ah? Wadaadka Muslimka ah adduun-araggiisu waa sidaas.
“Meeshaan adduunyada la yiraahdo ma ahan wax sii ridan oo uu qof caqli lihi wakhti isaga lumin karo in uu ammuureheeda kaga fikiro. Waa huteel aad hamayn iyo labo kusii hoyanayso adiga oo safar ah, marka maxaad uga fikiraysaa in aad sariirihiisa badasho, suuliyaashiisa hagaajiso, qolalkiisana dayac-tirto?!”
Haddaba, marka uu wadaadkeenna adduun-araggiisu caynkaas yahay, in uu ka hadlo mushkilad ijtimaaci ah waa arrin aan looga baran. Waa sababta aan ula yaabay markii aan arkay wadaadkaani isaga oo ka hadlaya; dadka Soomaalida ah ee Yurub iyo Ameerika aadaya misana aan laga filayn in ay dib u soo noqon doonaan. Wadaadku waxa uu sheegay in kunkii qof ee dhoofa uu hal mid oo keli ahi soo laabto. Tusaale ahaan, waxa uu yiri, “Waddanka Norway oo keli ah afartan iyo labo kun oo qof oo Soomaali ah ayaa galay, kun qof oo keli ah ayaa soo laabaatay. Inta kale rajo laga ma qabo in ay soo laabtaan.” Dadkaasi weli waa jiilkii koobaad ee waddanka ka tagay, sidaas awgeed, la fili maayo in is- baddal ballaaran oo dhaqan iyo diinneed ku dhoco. Balse, arrintu sidaas ma sii ahaanaysaa marka ay dadkaasi dhintaan ee kuwii ay Yurub ku dhalleen ay sii dhallaan kuwo kale?
Isla wadaadka ayaa isaga jawaabaya su’aashaas. Waxa uu sheegayaa in jiilkii koobaad ee Yurub ku dhashay – wax yar mooyaane – intii badnayd ay durba afkii, dhaqankii iyo diintiiba ka tageen. Haddii ay arrintu sidaas tahay, muran kama taagna kuwaasi kuwa ay Yurub kusii dhallaan in ay jinsiyaddoodii iyo diintoodiiba ka sii fogaanayaan. Waxa uu waddaadku intaas ku darayaa in jiilka koobaad ee Yurub ku dhashaa ay aqoontooda diintu ku koobnaan doonto in ay yiraahdaan, “wax un baannu soo gaarnay, ayeeyooyinkayo oo tuktukada!” Balse, jiilka kuwaasi kasii dambeeya iyagu ayeeyo tukatana ma aysan soo gaarin ee maxaa laga fili karaa? Waxa laga filayo waa un in ay sii libdhaan oo ay ku milmaan deegaanka iyo dadka ay u tagaan.
Arrinta is-waydiinta mudani waxa ay tahay: wadaadku sidee ayuu u arkaa in mushkiladdan lagu xallin karo? Xalkiisu waa uu fudud yahay. Marka koobaad waxa uu leeyahay “af-Soomaaligu waa diin” , oo waa in carruurta af-Soomaali la baro. Markaas ayay iyaga iyo wadaaddadu is af garanayaan, maxaa yeelay “wadaadka Soomaaliyeed kuma hadlo luuqaddaha Yurub looga hadlo.”
Marka labaadna waxa uu leeyahay, waa in aan carruur dambe Yurub lagu dhalin, dadka waawayn ee soo hijroonayaana ay waddankooda iska joogaan. Labadaas arrimood oo keliya ayuu wadaadku ku xalliyay mushkiladdii waynayd ee aynnu soo sheegnay.
Haddaba, su’aasha is-waydiinta mudani waxa ay tahay, maxay dadkaani dhulalkooda uga tacabirayaan? Waxaa laga yaabaa in aynu dhahno dagaallo. Waxaa jira dalal aan dagaallo sokeeye ka Jirin haddana dadkoodu ay Yurub iyo Ameerika buux dhaafiyeen. Tusaale ahaan, sagaashan kun oo Keenyaan ah ayaa Mararkanka ku nool, boqol iyo konton kun oo Itoobiyaan ah ayaa iyaguna Maraykanka deggan. Sannadkii 2017-kii, soddon iyo lix kun oo Nayjeeriyaan ah ayaa Yurub galay. Dadkaas oo dhani ma dagaallo sokeeye ayay ka carareen?
Jawaabtu waxa ay tahay, dadkaani haddii ay dagaallo ka carareen waa ay suurowdaa in ay waddankoodi dib ugu soo laabtaan, balse xaqiiqadu sidaas waa ay ka fog tahay. Dagaallo kama kaxayn dalalkoodi dadkaan. labo arrimood oo ay dalalkoodi ka waayeen, kuwa ay aadeenna ay ka heleen ayaa sabab u ah safarkooda. Waa xorriyad iyo fursad. Meeshii labadaas arrimood laga helo cid waliba waa ay kusoo hirataa, meeshii laga waayaana waa laga hijroodaa.
Xorriyaddu waa madaxbannaanida uu shaqsigu u madaxbannaanaado fikirkiisa, dhaqankiisa, diintiisa iyo doonistiisaba. Dalalkii ugu xorriyadda badnaa dunida ayaa ugu bulsho badnaa intii aan la soo rogin shuruucda socdaalka iyo dalkugallada. Yurub markii ay xorriyadda fikirka innaga ina ga la mid ahayd, dadkeenna qafaal ayaa lagu gayn jiray, maantana barbaarteennu naftooda ayay halligaan si ay u gaaraan.
Arrinta labaad ee muhiimka ahi waa fursadda, waayo fursaddu waxa ay abuurto maadada. Maanta ilmaha ku dhasha dhulka saxaraha ka hooseeya fursadda qura ee uu haystaa waa abbihiis. Waxaa uu baran karaa wixii aabbihiis awoodo, waxaa uu cuni karaa wixii aabbihiis siiyo, waxaa uu caafimaad heli karaa wixii aabbihii awoodo. Intaas oo dhanna waxaa la wadaaga wixii aabbihiis dhalay. Fursad loo siman yahay dhulkaani kama jirto. Hoddannimada iyo saboolnimaduna ma ahan wax karti iyo dedaal qof ahaaneed ku xiran ee wax uurka hooyo laga la soo boxo.
Labadaas arrimood ayaa dadka madow iyo dunida muslimka ah ba asaaggood ka reebay. Tusaale ahaan, in aad aamminto ragga iyo dumarku in aysan waxba ku kala duwanayn marka laga reebo ‘sida ay u kaadjaan’ ayaad noloshaada oo dhan ku waayi kartaa ama madaxwayne ku waayi kartaa.