Habab uu Qoraagu ku horumarin karo, xirfadda qoraalkiisa
Maxamed Haybe Axmed
-12/11/2021
Habab uu ku horumarin karo Qoraagu, xirfadda qoraalkiisa
Waxaa jira, dad badan oo harraad u qaba, iney noqdaan QORAA. Hadda ba, waxaa
aad ogaataa in wax waliba leeyahay hab iyo hannaan loo maro. Laga yaabaa in
aad marar badan, raadisey wadadda loo maro. Marka aad jidka cagta saar
istidhana, ay kugu noqotey raf. Dabadeed,aad aragtey xirfadaadii Qoraanimada
oo aan shaag ba rogeyn.!
Haddaba, Bishaareyso,Haa adigaan kula hadlayaa Qoraa. Waxa aan kuugu deeqayaa
farsamooyin, kuwaasi oo aan hore cid kale loogu sheegin.! Irumeyso, wali cid
kale looma sheegin. Isoo dhawow, aan dhegta kuu saaree. Hareeraha inaga eeg
yeyna dadku ina maqline;
Laakiin, ballan qaad, marka ay hababkani ku anfacaan, in aad usii gudbineysid
dadka kale ee daneeya qallinka.
Waxaa aan ku leeyahay Qoraa,Waxaa jira nidaamyo aad u fudud oo uu qoraagu ku
horumarin karo qoraalkiisa. Wey noocyo kala jaadda. Midna mid uma eega,
laakiin mid kasta, waxaa ay diyaar u tahey, in aad baratid. Marka aad baratid,
waxaa kuu sahlanaaneysa,inaad noqotid Qoraaga qarniga.!
Qoraa, ila soco. Tallaabooyinka, weynu kala horeysiineynaa oo kolba hormo
ayeynu soo deyneynaa. Tolow, yaa u soo horreyn? Maxayse noqon? Maxaadse
fileysaa?.
Habka iyo hormadda ugu soo horeysaa, waa tan:
Qodobka 1aad:Ha ku celinin khaladkii!
Horta, waxaa aad si guud u guntantaa, qalladka iyo gefka, waxaa loo yahay
bashar. Ka aan qaldamin waa ILLAAHAY. Qofkii wax qalda, ayaa wax saxa. Haddii,
la yidhaa, yaan wax qallooca la arkin, macnaheedu waxaa weeyi: yaan wax ba la
isku dayin.!
Halka aynu u soconaa, wey ka sal ballaadhanbtahey intan. Aynu hoos u
daandegno.
Soomaalida ayaa tidhaa: ” Mar i degge Alle ha deggo, mar labbaad I deggase
anaa Isdeggey”.
Sidaa awgeed, marka ruuxa Qoraaga ahi sameeyo qallad, waxaa waajiba inuu wax
ka barto qalladkii oo uu cashar u noqdo. Inta badan, qallinleydu wey
moogyihiin. Aan tusaale kuugu iftiimiyo, Haddii, maqaal aad qortey oo aad
sameyso iinahan:
- waxaa ka tagtey, summadihii qoraalka;
- waxaa aanad xisaabta ba ku darsan, xarfaha labalaabma;
- waxaa is-diidan ama aan is-laheyn maqaalka iyo magaciisa.!
Intaas oo dhan ayaa aad ka gaabisay hab-qorista qumman, dabadeed, waa lagu saxey. Wax baa laguu sheegey, waxaana laguuna saarey farta.
Biddo ma waantowdee, waxaa aad qortey qormo kale. Waxaa aad ku celisay isla qalladkii hore, aan soo magacowney.! Magacaa ba!
Haddaba, haddey kaa go’an tahay, inuu qallinkaagu horusocod sameeyo, waa inaanad qalladka aad mar sameysay, aanad mar dambe ku laabban.
Haddii, aad mar labbaad isku qaaddo halkii qoraalka tolmoon dakharadda ugu geysatey, waxaa ay kaa noqoneysaa dabeecad. Dabeecadiina, waxaa ay isku baddeli dhaqan; dhaqankuna sida uu isku beddelaa, wey adag tahay. Waxaa aad arkeysaa, Qoraa in badan ku soo dhex jirey qoraalka. Waxaa caddaadey madaxa. Waxaa kaatir noqdey tobbanka farood, siduu wax ugu qoraayey.! Qofkaa lagu tuhmayo labbeentii qallin-maalka, ayuun baa soo saari buug. Waxaa aad is odhan, Alleylehe qoraagii gaamurey baa soo saaraye, akhri. Waxaa aad ku arki, waxaannad ku seexan, kuna soo toosin.!
Waxaa ay dhaayaagu qabanayaan, qallalaad yar oo cidaa ka badan. Qallad, wuu dhacaaye, laakiin kuwuu sameyey maaha kuwo looga garaabi karo. Waa ceebbo, xitaa ilmaha yar ee Dugsiga Hoose dhiganayaa, aanu gali karin.! Sababtana waxaa weeyi, Qoraagani, wuxuu ahaa mid aan qalladkiisa wax ka baran; markuu socod-baradka ahaa. Wuxuu ahaa mid qalladkii uu mar sameeyo, haddana mar labaad ku celiya.!
Tanina, waxaa ay ku dhaxalsiineysaa, inaanu qoraalkaagu korrin oo aanu kaalin gellin.
Inuu qoraalkaagu, taagnaado halka uu maanta taagan yahay.!
Sidan si ka geddisan, marka uu Qoraagu qalladkiisa wax barto, waxaa kordheysa aqoonta xirfadda qoraalkiisa. Tusaale ahaan, waxaa aad qortey sheeko gaaban. Waxaa gashey gefaf.
Qallalaadkii, ayaa aad saxdey. Dibna ugumaad cellin.Halkaa waxaa kaaga kordhey horumar.
Tallada ugu dambeysa ee qoddobkani waxaa ay tahay, qallalaadka qoraalka ee aad fashid u qaaddo waayo-arag. Wixii dhacey toosi, halkaana hore ugasii dhaqaaq. Qoraalka aad ku rafatey ee aad ku dul kuftey, doqoniimadda ka sii darrani, waxaa weeyi inaad sii dul hawaartid.!
Waxaa ka wanaagsan, in aad boodhka ka tuntid oo qaabeysid, si u noqdo qoraal qurxoon.
DARDAARRAN: mar kowaad, mar labbaad iyo mar saddexaad ba, waxaa aan ku leeyahay: iska jir inaad raadkii qodoxda lahaa ku noqotid oo aad kusii dheganaatid( khalladka ha ku laabban).
Waxaa aan sida wadkeyga u hubbo, aan u hubaa, in Qoraaga qoddobkan sideeda u weeleeya, una dhaqan galliya, in hab-qoraalkiisa ay wax badan iska beddeli doonaan. Keliya ha hirgelliyo.. bas… Waa intaa uun.
Waxaa aad sugtaaba, waa qoddobka labbaad oo foodda kugu soo haya.
Ha mooggaan oo ha u deymo la,aan.
W/Q Maxamed Haybe Axmed
bilow…