Farqiga u dhaxeeya Soomaalidii hore iyo Soomaalida Maanta!!
Ahmed Jidaal
-2/25/2022
Waan halkan ku soo gudbinayaa maqaal gaaban oo aan kaga hadli doona farqiga u
dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii shalay, walaalayaal sida aad ka warqabtana
dadka Soomaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta tirada badan ee ku nool
caalamkan, waxa ayna dadka Soomaliyed haystaan nimcooyin badan oo ay yar tahay
cid haystaa Gaal iyo Muslim, waxaana nimcooyinkaasi ka mid ah iyagoo alle ka
dhigay dad isku diin ah, isku af, isku midab iyo isku dhaqan, laakin sidaas oo
ay tahay hadana waxa ay maanta noqdeen dadka dunida ugu xun ee ku rafaadsan
buqcad kasta oo ku taal dunidan, marka waxaan rabaa inaan maqaalkan uga hadlo
bal farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii hore.
Soomalidii hore
Soomalidii hore uma baahno inaan wax badan ka waramo maxaa yeelay waan ognahay
waxa ay ahaayeen iyo taariikhdooda laakin si aan isu barbardhigno iyaga iyo
Soomalida maanta waxa aan u baahannahay inaan wax ka niraahno si aan u helno
farqiga u dhaxeeyo iyaga iyo kuwa maanta jooga, Walaalayaal Soomalidii hore
waxa ay ahaayeen dad intooda badan xoolo dhaqato iyo kuwa beeraley ah, kuwaas
oo si sharaf leh ugu noolaa dhulkii uu ilaah ku abuuray iyagoo dhaqanayo
xoolaha uu alle ku maneystay sida Geela, Lo’da, Ariga iyo wixii soo raaca.
Waxa ay ahaayeen Soomalidii hore dad leh xeerar iyo dhaqamo wanaagsan oo
intooda badan ka soo burqanayey diinta Islaamka, waxaana dhaqamadaasi ka mid
ah geesinimada,deeqsinimada,martisoorka, iyo caawinta dadka maasaakiinta iyo
kuwa kaloo badan, waxa ay ahaayeen dad qab leh oo u arko in cunsurka Soomaliga
uu uunka ugu sareeyo, waxa ayna ku taamayeen in mar un la qotomiya dowlad
xoogan (SOMALIWEYN) oo ka hanaqaada dhulalka ay Soomalidu ka degan tahay
Geeska Africa, waxa ay xaqiijinta ahdaaftaasi u u hureen kumanaan kun, iyagoo
la dagaalay Gumeystayaashii cadaa iyo kuwii Madoobaa.
Inkasta oo Soomalidii hore aysan ku nooleyn magaalooyin leh system dowladeed
hadana Waxa ay ahaayeen dad neceb waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo
kufsiga,dilka dadka loo yaqaano birimageydada, dhaca, bililaqada iyo
dawarsiga.waxa ay sidoo kale aad u necbaayeen in la gumeysto sida aan ka arki
karno taariikhdeena, waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah xitaa markii laga
xuruubay Gumeysigii reer Yurub in Soomalidii diiday in afkii gumeystiyaashaasi
lagu hadlo sida ay sameeyeen wadamo badan oo la soo gumeystay sida wadamada
Galbeedka Africa iyo Koonfur America.
Gaba gabadii waxa aan dhihi karaa Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad is
jecel oo cadowgooda si guud isaga celiya,waxa ayna dunida kaga tageen taariikh
wanaagsan oo maanta baal dahab ah uga jirto guud ahaan taariikhda Wadankeena,
waxaana ka xusi karaa Soomalidaasi Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan,
Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo kuwa kaloo badan, kuwaasi oo la dagaalamay dhamaan
Gumeystiyaashii soo hunguriyeey dhulka ciziga iyo sharafta ee ay Soomalida ku
nooshahay.waxaana gunaanudki leeyahay ilaahay ha u naxariisto Soomalidii hore
wixii danbi ah oo ka dhacayna ilaahay ha u dhaafo maadaama ay naf iyo maalba u
hureen jirintaanka Umaddeena ayna ku guuleysteen iney taagaan dowlad
Soomaliyeed oo xoog badan taasoo iyadana hamigeedu ahaa in la xaqiiyo dream-
kii ahaa SOMALIWEYN.
Soomalida Maanta
Soomalida maanta waxa aan dhihi karaa waa Soomalidii ugu xumeyd ee soo marta
qowmiyadda Soomalida ah, maxaa yeelay waxaa ay ka gudbeen dhamaan maxaariimtii
ilaahay dadka ka reebay haday ahaan lahayd dhiig la daadiyo, dumar la kufsado
bililiqo iyo dhac aan gabasho lahayn iyadoo waliba mararka qaar lagu faanayo,
Intaasi kuma aysan ekaanin waxaa ay u soo horkaceen wadankoodii cadowgoodii
soo jireenka ahaa ilaa ay soo dhex istaajiyeen caasimadoodii, waana wixii ugu
xumaa ee ay Soomalida maanta sameyso.
Walaalayaal waxyaabaha ay Soomali sameysey, waa wax maanta oo dhan hadii la
yiraahdo halaga sheekeeyo aan la soo koobi karin, maxaa yeelay waxa ay ku
kaceen waa waxii ugu xumaa oo dad bani’aadam ku kaco, miyaad aragtay dad inta
doomo lasaaro waliba iyadoo lacagi laga qaatay hadana badda bartankeeda lagu
daadinayo iyadoo aan mar ahayn oo labo ahayn, ma waxaasi ayaad aragteen ama
maqasheen ma jirto cid aan Soomali ahayan oo waxaasi sameyn karta.waxaa ka sii
xun markii ay yiraahdeen waxaan kala jareynaa Jamhuuriyaddii la oran jiray
Soomaliya halka dunida aan maanta ku noolnahay uu qof kasta doonayo isbahaysi
iyo cid uu bah wadaag la noqdo, cajiib!!!!!