Dhalaanrogmadka iyo aragtida tadawurka
Dhalaanrogmadka iyo aragtida tadawurka.
Inta aanan dhexmaquuran mawduuca dhalaanrogmadka (mutation) iyo tiyoriga tadawurka, waxaa mihim ah in aan hordhac yar ka sameeno arrimo laga maarmaan u ah fahanka mawduucaas.
Noolaha oo dhami waxa sida xogtiisa dhaxaltooyada hal Koromosoom ama wax ka
badan, noolaha waxaan u qaybin karnaa labo kuwa dhibloydh la dhaho (diploid
species), kuwaani bar koromosoomyada waxay ka dhaxlaan aabaha barna hooyada¹,
iyo kuwa loo yaqaan Habloydh (unpaired species) kuwaanse waxay leeyihiin hal
xirmo oo koromosoom ah waana noolaha aan is-abaahinta ama galmada ku tarmin
(asexual).
Koromosoomku waa silsilad dheer oo molikiyuullo DNA ah.
DNAdu waa afar rmolikiyuul Naytrojiin ah oo dhaadheer kuwaas uu u wada socda
lalabo.
Afartaas molikiyuul waxay kala yihiin: Adhaniin (A), Guwaaniin(G), Saytasiin
(C) iyo thaymiin (T). Ogow, Adhaniin (A) waxay ku dabarmantaa thaymiin (T),
Saytasiin (C) waxay iyana ku dabarmantaa oo qura Guwaaniin (G).
Molikiyuulladaas waxaa laga yaabaa in aan marar badan u qaadano xarfaha
koobaabinta ku jira.
Fir-sidayaasha qaar badanoo ka mid ahi waxay sameeyaan borotiinadda, qaar
kalena wax shaqo ah ay qabtaan ma jirto, tusaale dadka 2 baarsanti DNAdoodu
ayaa sida amarrada samaynta borotiinada 98deeda kale shaqo cad malahan oo
mararka qaar waxaa loogu yeera DNAda qashinka ah "Junk DNA."
Waa maxay dhalaanrogmad ?
Dhalaanrogmadku waa isbedel ama qalad ku dhaca DNAeeda. Qaladkaas wuxuu dhacaa kolka DNAeeda la Koobiyeeyo¹ amase wuxuu ka yimaadaa bay'adda sida falaaraha sumeesan ee qorraxda ama sigaarka. Dhalaanrogmadku wuxuu saameen karaa hal xaraf oo DNA ah —xaraf DNA waxaan ula jeedaa mid ka mid ah afartii moolkiyuul ee DNAda— markaas waxaa la yiraahdaa 'point mutation', tusaale tax xarfo DNA ah oo u qoran sidaan CTG ayaa waxaa Tdii badalay C, markuu saameeyo wax ka badan hal xaraf waxaa la yiraah (structural mutation).
Dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay daniyaan haddii hal xaraf bedelmo in aysan
dhib lahayn laakiin 'point mutation' waa mid halis badan mararka qaar tusaale
cudurka dhiig-yaraanta ee loo yaqaan Sickle cell anemia, waa isbedel ku
yimaada xaraf ka mid ah DNAeeda Homoglobiinta oo ah borotiinka qaada
oxsijiinta. Isbeddelkaas wuxuu ka dhacaa hal aamino asiidh². Aamino asiidhkii
ahaa Faliin (valin) ayaa noqday gulutaamik asiidh(gulamic
acid).Miyuuteeshanka qaar waxay saameeyaa dhoor astaamood (traits).³
Bil matal cillinimo loo yaqaan akondorobaleesiya (achondroplasia) waxaa sababa
hal firsade oo dhalaanrogmad ku dhaco, waxaa adkaanaysa kolkaa in carjaawdii
laf noqoto, taasi oo sababaysa in lugihii iyo gacmihii yaraadaan. Sidoo kale
waxay yaraysaa cimriga qofka. Jilaaga caan ka ah Peter Dinklage ee ku jira
taxanaha game of thrones ayaa qaba cillinimada noocaan ah.
Miyuuteeshanka ku dhaca unugyada taranka ( ukunta iyo xawada) amase unugyada
kuwaas ka sameesmaan, ayaa muhiim u ah tadawurka maxaayeelay kuwaas unban
jiilka xiga loo gudbinayaa.
Dhalaanrogmadku mid waa helis, midna waa mid faa'ido u leh noolaha oo ka
caawiya la qabsiga bay'adiisa, sida kan ka caawiyay bakteeriyada in ay iska
caabbiso daawada antibiyootiga, midna faaido maleh sidoo kalena helis maahan.
Noocyada miyuuteeshanka:
• Tirid (deletion) noocaan sida uu magagiisuba maldahayo waa marka ay lunto
xog dhaxaltooyo, lumintaas waxay noqon kartaa mid yar sida luminta hal xaraf
oo DNA ah, amase mid wayn sida luminta jab koromosoom ah. Saddex xaraf ooo ka
lunta fir-sidaha la dhaho CFTR gene waxaa la dhasha xanuun loo yaqaan sistik
faybroosis (cystic fibrosis) xanuunkaan dhinaatooyin farabadan ayaa la socda
sida malax in ay xirto tubooyinka hawada ka qaada una geeya sanbabada.
• ku darid (insertions) kan wuxuu lid ku yahay kan kore, waa marka jab DNA ah
ku darsanto koromosoom, xanuun maskaxeedka Hantinton ee la iska dhexlo
(Huntington’s disease) wuxuu yimaadaa kolka ay saddex xaraf oo DNA ah ku
darsamaan firsadaha 'huntington gene' dadkay arrintaas haleeshayna waxaa dhib
ku noqda hadalka iyo wax liqidda.
• Qallibmid (inversed) waa kolka qayb DNA ah ey ka fuqdo koromosoomka
dabadeedna dib ugu dhagto koromosoomka ayadoo qalliban sidaan xarfa sidaan u
ratibnaa TGC ay noqdaan CGT.
• Beddelid (substitution) waa kolka xaraf DNA ah ama ka badan ey booskeeda
gasho mid kale sida Saytasiin in ay bedesho Adhaniin.
• 'Duplication' Dhalaanrogmadkaan waa kan ugu cajiibsan gebigood. Waa hal
dhalaanrogmad oo soo saaraya dir cusub (new species), ogow, "species" marka la
joogo baayoolajiga waxaa loola jeeda koox nooleyaal ah oo aan la tarmayn
kooxaha kale. Waa maxay dhalaanrogmadkaan?Waxaa dhacda in noole soo saaro
ugxaan(gametes) sidda dhamaan hiddo-sidihii halka sida caadiga ah ay ugxaanto
siddo hiddosidaha barkiis, haday suurtowdo ugxaan kaloo iyana sidaa ah in ay
isbacrimiyaan waxay soo saaraa dhalaan afar koobi ka haysta koromosoom kasta.
Dhalaankaas lama tarmi karo bulshadii waalidkiisa wuxuu la tarmi karaa oo qura
midna isna afar koobi ka haysta koromosoom kasta marka wuxuu noqonayaa dir
cusub (new species). Inta badan arrinkaa wuxuu ka dhacaa dhirta. Bilawgii
qarnigii labaatanaad waxaa mareekanka la keenay saddex dir oo geedka
wildflowerka ah, saddexda dir wey isla tarmaan laakiin dhalaankoodu wuxuu
noqdaa madhalays, kun iyo kontonaadkii ayaa la ogaaday in ay soo saareen laba
geed oo kale oo dir cusub ah oo ku dhalatay miyuuteeshanka noocaan ah.
Dhalaanrogmadka iyo aragtida tadawurka
Si kooban, haddii aysan jiri lahayn qaladaadkaas ku dhaca DNAeeda, tadawur ma
jireen iyo kala-kaanimada noolaha. Hiddasadaha noole kasta wuxuu ku yimid
dhalaanrogmad. Dhalaanrogmadka faa'idada leh iyo midkaann dhib wayn iyo dheef
toona lahayn ayaa ka dhiga jiil kasta kuwa ku kala duwan hiddaha.
Aragtida tadawurku waxay leedahay isbeddeladaas ku dhaca DNAeeda ee ay
noolayaashu isku gudbiyaan jiilba jiilka ka danbeeya ayaa soo saarta nooc kale
waqti dheer dabadii oo kuwii ka horeeyay aad uga duwan.
Sida aad soo aragnayna mararka qaar waxaa dhacaysa in hal dhalaanrogmad uu soo
saaro noole cusub oo ka duwan kuwii uu ka yimid oo aan la tarmayn. Laba noole
oo waqti dhaw kala go'ay muuqaalkoodu weli waa isku egyahay laakiin jiilal
badan dabadood waxaa suurowda in ay aad u kala gedisnaadaan oo ay adkaataba in
la aamino in ay wada dhasheen, maxaayeelay mid kastaba miyuuteeshannada ku
dhaca ilmihiisa oo qura ayuu u gudbinayaa.
Mar kalena waxaa dhacda in hal firsade uu koobi sameeyo, kii asalka ahaa
shaqadiisii hore uu sii wato kan cusubna shaqo cusub yeesho.
------------------------
Lifaaq:
¹DNAeedu waxay koobi iska sameesaa kolka uu unuggu qaybsamayo,
² hemoglobintu waxay ka kooban tahay 147 aamino asiidh.
³ astaan(trait)cilmiga baay'olajiga wuxuu u yaqaan tilmaamaha gaarka ah ee
noole sida midabka tintiisa.
—————————
Raadraac:
Evolution —Douglas J. Futuyma
The power of point mutation-Lynne E Maquat
Biology — Joseph S Levine and Kenneth R. Miller
Your genome (websayt lagu kalsoonaan karo)
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...