Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Big Bang miyaa lagu sii sheegay Quraanka ?

W/Q: Darik Badawi
Saynis 1
9.5k
·

3/17/2022

Big Bang miyaa lagu sii sheegay Quraanka ?

Sida ugu yaraan badankiinu la socotaan, wadaad diimeedyo badan waxay aaminsan yihiin oo ay ku doodaan in Quraanku ka sii warramay oo ay muush ka tahay aqoonta sayniska uu dhawaan insaanku gaaray. Anigu waxaan ka mid ahay dadkii markii hore qaayibay oo ay ka dhaadhacday arrintaas laakiin goor danbe oo aqoontaydii iyo daalacashadaydii korortay way ii cuntami waysay, waxaana ku baraarugay waxyaabo aan horey u ilduufay. markaan wax badan baaray waxaa ii soo baxday in waxa la yiri waa "icjaazu cilmi" qolyaha buunbuuniya ay saddex khalad ku dhacaan inta badan; waa koowe, mecnaha carabiga oo ah afkii uu Quraanku ku yimid oo ay baddelaan si ay qoorta ugu geliyaan sayniska kuna qasbaan quraanka fahan aanba ku soo dhicin racii hore ee Quraanku u yimid, waa labee, inay u gefaan fahanka sayniska oo aayad iyo xadiis si ay u warrameen ay ka dhigaan saynis, waa saddexe, in been faafiyaan oo ay yiraahdaan saynisyahanno ayaa sidaa sheegay sida borobogaandadii "NASA ayaa soo ogaatay in dayaxa hadda ka hor la kala dillaaciyay oo laba laga dhigay"

Intaas waa hordhac e, aan u daadago mawduuca qoraalkayga, waxay ku andacoodeen in Quraanku ka sii xog-warramay aragtida shaac-baxday ee "big bang" ee dhahaysa kownku kolkii hore wuxuu ahaa 'hal' kadib ayuu fiday ee markeedii hore uu tibaaxay baadarigii biljamka ahaa Joorj Lematra (George lemaitre), oo xoogaysatay laba sano ka dibn amrkuu Edwin Habbal (hubble) teleskoobkiisa ku ogaaday in galaksiyadu – Galaksi waa koox xiddigo ah oo ay awoodda cufis- jiidaadku isku hayso - naga durkayaan jihooyinka oo dhan.
Qoraalkaan dhexdiisa waxaan isku koobi doonaa siday ku qeexeen aqoonyahanka sayniska iyo waxa la yiri Quraanka ayaa ka sii warramay in uu qeexitaankaas soo gelayo. Bulshada sayniska qeexitaanka ay ka haystaan aragtidaan waa isku mid, laakiin waxaan soo qaadan doonaa laba nin oo ka mid ahi sida ay u dhigeen, ugu horayn Niil Digaraas tayson (Neil deGrasse Tyson) oo ah aqoonyahan ku takhasusay 'astrophysicska' – astrophysics waa cilmi lagu daraaseeyo walax cireedyada - wuxuu ku qeexay:

"Bilowgii, ku dhawaad 14 bilyan sano ka hor, dhamaan walaxda, isbeeska iyo tamarta kownka aan garanayno wuxuu ku jiray mug ka yar dhibicda dhameenaysa jumladaan oo loo qaybiyay 1 tiriliyan qaybteed."

Ninka labaad waa Matt Williams ooo ah aqoonyahan wax ka qora sayniska wuxuu yiri :

"Asaasiyaadka aragtida big bang waa mid aad u fudud, si kooban, aragtidu waxay sheegaysaa maaddadii hore iyo tan danbe ee kownka, hal waqti ayay jiraalka soo galeen, kudhawaad 13.8 bilyan oo sano ka hor. Waqtigaa maaddada oo dhami waxay iskugu-cufnayd kubbad aad u yar cufnaanteedu aysan xad lahayn, kuleelkeeduna uu aad u darnaa oo lagu magacaabo "mid ahaansho" (Singularity), si dhakhsiyo ah, in ay u fiddo ayay bilawday singilaaratigii."

Adigoo intaa maanka ku haysta aan u soo daadagno waxay Aayaddu tiri, Allah wuxuu yiri:

( أولم ير الذين كفروا أن السماوات والأرض كانتا رتقا ففتقناهما وجعلنا من الماء كل شيء حي أفلا يؤمنون ) سورةالأنبياء 30

Mecnaha: "Kuwii gaalooway miyayna ogayn, in cirarka iyo dhulku isku dhaganaayeen, dabadeedna aan kala fujinay, biyahana aan ka abuurnay wax kastoo nool, miyayna rumeenayn."

Ibnu Cabbaas oo loo yaqaan 'macneeyihii Quraanka' waxaa laga soo tebiyay in uu yiri sida ku dhigan tafsiirka Ibnu Kasiir " Way isku dhaganaayeen dabadeed Eebbe ayaa kala fujiyay"

Sidaa aad araktaan Aayaddu waxay ka sheekeenaysaa dhul iyo cirar la kala fujiyay, sida ay aaminsan yihiin saynisyahannadu dhulku wuxuu sameesmay 4.5 bilyan sano ka hor, kownkuna in uusan la bilaaban sameesanka dhulka, Taa ku darsoo saynisku ma aaminsano wax jurmi leh oo cir la dhaho, qofkii run doon ah wuu arki karaa sayniska iyo aayaddo waxay ka kala hadlayaan in ay tahay kaaf iyo kala dheeri.

Qalinka waan dhigay, in aad i naqdisaanna waan sugayaa.

———————
Raadraac:

Astrophysics for people in hurry– Neil deGrasse Tyson
What is the Big Bang Theory?–Matt Williams phys. org
Ibnu kasiir Suuradda AL anbiyaa fasirka aayaddaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...