Percy Shelley: Gabayaagii falsafadda
Maqaalkii kan ka horreeyay waxaan kaga hadlay Mary shelly oo ahayd qoraa caan ah oo hadana ahayd afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee Percy Shelley. Hadaba waxaan jeclaystay in aan wax-yar ka sheego kaalintii uu ku lahaa Shelly aqoonta iyo wacyiga iyo iftiimiinta cilmiga suugaanta iyo falsafadda.
![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2019/07/Percy_Bysshe_Shelley_by_Alfred_Clint.jpg?resize=187%2C230&ssl=1)
Percy Shelley
Shelley wuxuu ku dhashay Field oo ah goob u dhow Horsham oo ah magaalo ku taal Ingiriiska sannadkii 1792. Shelly wuxu ka dhashay qoys hodan oo ka tirsan qaybta sare ee bulshada Ingiriiska. Aabhiis Sir Timothy Shelley wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Halka hooyadii Elizabeth Pilfold ay ahayd hantiile dhul-beereed wayn leh taas oo u suura galisay in uu helo wax barasho heer sare ah asaga oo ku biiray jaamicadda caanka ah ee Oxford sannadkii 1810.
Taariikhyahannadu waxay sheegeen in uusan Shelly imaan jirin fasalka jaamicadda asaga oo ka door bidi jiray in uu asagu wax akhrin madax- bannaan wax ku gaaro oo in ka badan 16 saacadood ayuu maalintii wax akhrin jiray.
Sanaddii 1811 Shelly wuxuu soo bandhigay qoraal ciwaankiisu yahay “[ _The Necessity of Atheism_](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/the-necessity- of-atheism/)” ama qasab ahaanta diin-diidka ama eebbe-diidka. Qoraalka oo aan la sheegin qofka qoray ayaa waxaa lagu soo dhajiyay kadinka ama iridda laga galo jaamicadda taas oo jaah-wareer ku abuurtay maamulkii jaamicadda.
Shelly waxaa laga codsaday inuu horyimaaddo maamulka iyo aradada si uu uga jawaabo una qirto qoraalka, balse wuu diiday taas oo keentay in jaamicadda laga eryo bishii Maarso ee 1811. Hayeeshee Shelly oo ka dhashay reer saamayn ku leh bulshada waxaa la damcay in lagu celiyo jaamicadda kadib markii aabihii oo ahaa mudane ka tirsan barlamaanka Ingiriiska uu soo farageliyay, balse arrinkaas laguma guulaysan kadib markii Shelly diiday in uu bixiyo wax raalli-galin ah halkaas oo hadana uu kala kulmay iska hor-imaad xagga qoyska ku saabsan.
Shelly wuxuu ahaa sida ay sheegeen taariikhyhanku qof madax adag oo niyad wanaagsan taas oo ka dhigtay gabayaa caan ah iyo qof saamayn kaga tagay fikirka adduunka iyo kan Ingiriiska.
Inkasta oo jaamicadda looga eryay qoraalka uu ku duray diinta hadana taariikh- yahanku waxay qabaan in meesha ay ku jirtay siyaasadayn sababtuna waa S helly oo kamid ahaa dhaq-dhaqaaqii “Anarchism” oo ka soo horjeeday nidaam- xukunkii boqortooyada Ingiriiska, dhaq-dhaqaaqaads oo uu madax u ahaa William Godwin oo ahaa aqoonyahan faylasuuf iyo siyaasi taageero ku lahaa bulshada gaar ahaan aqoonyahanka. William Godwin wuxuu ahaa soddogga Shelly, wuxuu aabbe uhaa Mary Godwin ama Mary Shelley oo ahayd xaaskii labaad ee Shelly.
Shelley wuxu ka mid yahay gabayaagaa ugu caansana xilligii Romanticism ama (Romantic era) dhaq-dhaqaaqaas oo bilawday dhammaadki qarnigii 18aad ilaa bartamahii isla qarnigaas.
Inkasta oo Shelly ka mid ahaa dhaqdhaqaaqii Romantic-ga hadana wuxuu saameyn weyn kaga tagay suugaanta English -ka iyo tan caalamkaba sababtuna waxay ahayd gabayga Shelley oo ahaa gabay falsafadeed “Philosophical poets” habkaas oo ah hannaan ay adeegsadaan gabayaagu markay rabaan in ay ka weecdaan ama ka leexdaan habka ay falsafaddu wax u tilmaanto hab ka fudud taas oo fudayd ka dhigta in falsafadda lagu fahmo habka gabaygu wax u tilmaamo. Maanso yahankii kala duwanaa ee caanka ku ahaa habkaasna waxaa ka mid ahaa gabayaagii talyaaniga ahaa ee Dante Alighieri, William Blake oo ahaa gabayaa Ingiriis ah, Lucretius gabayaagii roomaanka ahaa, Hafid Shirazi, Jalaaluldin Rumi iyo Cumar Alkhyam oo dhammaan ahaa gabayaal Iraaniyiin ah ama ku gabyi jiray afka faarisiga, Abu Calaa Al-Macarri oo ahaa gabayaa caan ah iyo falsafadyaqaan carbeed.
Intii hore gabayga Shelley lama soo baahin ayada oo uu ku jiray Shelly aqoonyahankii hor-u socodka “ Progressive thinkers ” kuwaas oo dawladda ingiriisku ay dagaal kula jirtay. Dadka buugaagta daabaca iyo wargaysyaduba waxay ka baaqsadeen in ay soo gudbiyaan gabayga iyo qoraalka Shelly ayaga oo ka baqdin qabaa in lagu qaado xeerka “Blasphemy” ama af-lagaadada diinta iyo kicinta dadka oo dawladda laga hor-keeno “ Sedition ” arrintaas oo xarig lagu mudan karay. Taas ayaa waxay qasab kaga dhigtay dadkii taageersanaa Shelly in gabaygiisa iyo qoraalkiisa ku akhristaan si qarsoodi ah. Hayeeshee figradihiisii xagga siyaasadda iyo bulshada waxay saamayn ku yeesheen gudaha waddanka Ingiriiska inkasta oo ay dawladdu isku dayday in ay ka hortagto. Dhaq-dhaqaaqii “ Chartism “oo ahaa is badal-doon ay wadeen dadka xoogsatada ayaa ahaa saamayntii oogu horreeyaysay ee Shelly figradihiisu ku gaarto dalka Ingiriiska.
Figradaha dhaqaalaha iyo kuwa anshaxa ama mooralka ee Shelly waxay saamayn kaga tageen faylasuufkii waynaa ee Karl Marx. Leo Tolstoy oo ahaa faylasuuf iyo gabayaa qoraa Ruush ah baa asna aad ula yaabay figradaha Shelly ee ah iska caabbinta aan gacan ka hadalku ku jirin “ Nonviolent resistance “. Figraddaas oo markii danbe caan baxday qarnigii tagay ayada oo ay adeegsadeen gobannimo-doonkii Hindiya oo uu hogaaminayay “ Mahatma Gandhi” iyo dhaqdhaqaaaqii sinnaanta dadka madaw iyo kuwa cad ee dalka USA “ Civil rights movement “oo uu hogaaminayay Martin Luther King, Jr. inkasta oo gabayga Shelly uusan caan ahayn markii uu noolaa hadana afar fac oo suugaanta Ingiriiska ayuu saamayn kaga tagay gaar ahaan xilligii boqoraddii Fiktooriya.
Shelly wuxuu ku reebay raad-wayn suugaanyahankii waa-waynaa ee Ingiriiska sida
Oscar Wilde,
George Bernard Shaw iyo Bertrand Russell oo ahaa faylasuuf caan ah oo
noolaa dhammaadkii qarnigii tagay. Si kastaba ha ahaatee Shelly wuxuu saamayn
ku leeyahay suugaanta casriga iyo siyaasadda wuxuuna meel wayn kaga jiraa
aqoonyahankii kaalinta wayn ku lahaa is badalkii ku dhacay hab-fakarka iyo
illbaxnimada adduunka.
Sannadkii 1822 Percy Shelley wuxuu si lama filaan ah ugu dhintay waddanka talyaaniga kadib markii ay la qallibantay doon uu saarnaa isaga oo markaas da’diisu ahayd 29 sano jir. Waxaana maydkiisa lagu gubay halkaas.
Wargeyska The Courier oo saldhiggiisu ahaa London ayaa ka bixiyay faallo ay ka muuqato cadaawad iyo digasho kadib markii uu soo gaaray warka ku saabsanaa geerida Shelly , qaabkan ayuuna u dhigay:
Shelley, the writer of some infidel poetry, has been drowned; now he knows whether there is a God or not.
Shelly qoraagii gabayada gaalnimada wuxuu ku qaraqmay biyaha, hadda ayuu ogyahay in eebo jiro iyo in kale**.** The Courier
Gabayada Shelley qoray ee caanka baxay waxaa ka mid ah kuwaan.
Ode to the West Wind , The Cloud , The Masque of Anarchy , Queen Mab
iyo The Revolt of Islam.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...