Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Mary Shelley

W/Q: Warsame Jaamac
Sooyaal 0
4.2k
·

6/28/2019

Mary Shelley

I nkasta oo aqoonyahankii iftiinku u badnaayeen rag sababo jira awgood,hadana waxaa jira haween kaalin mug-wayn ka qaatay dhaq-dhaqaaqaas. Hadaba waxaan jeclaaday in aan halkan ku xuso qof aan u arko in uu muhiim u yahay iftiiminta cilmiga suugaanta iyo falsafada, waa Mary Shelley.

![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2019/06/MaryShelley.jpg?resize=203%2C284&ssl=1)

Mary Shelley

Waxay dhalatay 30 August 1797 waxayna dhimatay 1 February 1851. Mary waxay ahayd xaaskii ama afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee Percy Shelley oo ay magaciisa ku xusan tahay.
Hayeeshee aabaheed waxaa weeye siyaasigii, aqoonyahankii, wariyihii iyo faylasuufkii
William Godwin. Hooyadeedna waa faylasuufaddii u doodi jirtay sarraynta iyo xuquuqda haweenka “Feminism” ee Mary Wollstonecraft. Inkasta oo Mary hooyadeed ay dhimatay bil kadib markay dhalatay hadana aabaheed William Godwin oo ahaa nin ladan ayaa ku soo koriyay nolal ladnaan ku jirto.

Sanaddii 1814 Mary waxay baratay Percy Shelley oo ahaa gabayaa caan ah oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen aabaheed, kadib markii ay ka wada hadleen suugaanta iyo falsafadda, waxaana dhex-maray jacayl Shelley iyo Mary. “Mary Shelley” oo ah magaca filim soo baxay sannadka 2018 ayaa lagu saleeyey jacaylka dhex maray Mary iyo Shelley.

Filimkan oo dhamaystiran halka ka daawo Mary Shelley (2018)

Sanaddii 1818 Mary waxay soo bandhigtay buugga caanka ah ee ay ku caan baxday “Frankenstein” waa qoraal ka hadlaya Victor Frankenstein oo ah nin dhalin yaro ahaa oo isku dayay in uu sameeyo dad nool oo caqli leh. Buuggaas waxaa loo aqoonsaday buugaagta sheekada cilmiga (Sci-Fi) kuwa ugu qiimaha wayn ilaa iyo maantana waxa uu kamid yahay buugaagta aadka loo akhristo filimo badanna laga dhigay.

Mary waxay jirtay 18 sano oo kaliya markay curisay buuggaas. Taariikhyahannadu waxay sheegeen in Mary ay qortay buugag badan oo ka mid yihiin; Valperga (1823), Perkin Warbeck (1830), The last Man (1826), Lodore (1835), Falkner (1837), Rambles in Germany and Italy (1844).

Kadib markii uu dhintay [Percy Shelley](https://kaashomaanka.com/percy- shelley/) oo ahaa saygii Mary waxay Xoogga saartay in ay uruuriso gabayadii saygeeda kadib markii si lama filaan ah uu u dhintay sannadkii 1822. Halkaas oo biyaha baddu ku liqeen gacanka La Spezia ee dhinaca galbeed ee wadanka Talyaaniga.
Maray waxay ku dhimatay magaalada London sanadii 1851 ayada oo jirtay markaas 53 sano.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...