Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Hidde-sidaha danaystaha ah iyo noolaha nafhurka ah

W/Q: Aadan Cali
Saynis 0
14.0k
·

3/22/2019

Hidde-sidaha danaystaha ah iyo noolaha nafhurka ah

Hidde-Sidaha danaystaha ah (The Selfish Gene)
Noolaha Nafhurka badan (Altruistic Animal)

N afhurka iyo doorbidka noolayaashu sameeyaan, waxa ugu cajiibsan kan hooyadu ilamaheeda u samayso, waxa aanu gaadhaa heer ay hooyadu nafteeda halis u geliso bedqabka dhallaankeeda, arinkani kolka xayawaanka iyo xeerka badbaaddada lagu eego waa mid aan caqligal ahayn, sidee ayaa ay dabeecaddan cajiibka ahi kusoo horumartay, waayo waxa ay noolaha gayaysiinaysaa geeri, faa’iido iyo badbaado (Survival) ay u leedahay na ma ay jirto, kolka se arinkan lagu eego indhaha aragtida Daarwiin ee hidde sidaha, arrinkuba waa doqoni ma garatay, sidee! Xasuuso xoogga riixa (Natural Selection) -ka ama xulashada dabeecaddu ma ahan badbaadada noolaha oo keliya, balse waa taranka (reproduction) noolaahaas.

Kasoo qaad laba noole oo si walba oo kale iskugu mid u ah, keliya farqiga u dhaxeeyaana uu yahay, midkood waxa uu daryeelaa dhallaankiisa si ay u badbaadaan halka kan kale aanu ka daryeeliin dhallaankiisa ayna badanaa aad u saqiiraan. Si kasta oo ay ku yimaadeen ba astaamahan noolaha ka dhigaya ku dhallaankiisa daryeelaa, waxa ay ku dhex faafi doonaan noolahaas. Waayo noolaha astaamahan leh ayay dhallaankiisu badbaadi doonaan, halka dhallaankuna isla astaamahaas sii gudbin doonaan. Kolka ay jiilashu is bedbedelaan waxa ay u badan tahay in astaamaha ilmo daryeelku ay noqdaan kuwa keliya ee xayawaankaas ka dhex jira, tanina waa caqliyadda xullashada dabeecaddu ku shaqayso, oo haddiiba ay jirto astaan ay noolaha isku jinsiga ah i ku kala duwan yihiin, astaantaasina faa’iido u leedahay taranka noolahaas, astaantaas ayaa noqonaysa midda dabeecaddu xulan doonto.

Sidaa darteed xulashada dabeecaddu, waxa ay damaanad qaadaysaa in noolayaashu u dhalan rogmaan sida ugu haboon ee u saamaxaysa inay tarmaan dhallaankooduna sii tarmo, dabeecaddan wanaagsan, ee ka dhalatay danayste nimada hidde sidaha, ayaa ay culimada Baayoolijugu u yaqaanaan Altruism ama Nafhur.

Nafhurka xayawaanku waxa uu sidoo kale gaadhaa qaraabadiisa, arrinkan laftiisa waxa lagu sharraxi karaa aragtida “Kin selection” ama qaraabo kiilka, aragtidani waxay sheegaysaa haddii aan arrinka ka eegno dhinaca Hidda-sidaha, hidda sidahayaasha badbaadayaa waa kuwa koobiga ugu badan iska sameeya, laakiin hidda siduhu sidiisa isuma koobiyayn karo ee waa in uu helaa noole shaqadan u qabta sida xayawaanada kala duwan, dhirta, iyo fayraska.

Noolayaashani waxay hidde sidayaasha ku gudbiyaan taran jinsi la’ sida dhirta, ama sida xayawaanka taran jinsi leh, kaas oo dhex mara noole kale oo ay isku sinji yihiin, sidaa darteed xulashada dabeecaddu waxay ka dul shaqaysaa hidde sidayaasha si’ ay u soo saarto noolayaal qaada hidde sidayaasha. Haddii ay jirtay odhaah tidhaahda “Digaaggu waa habka uu beedku beed kale u sameeyo” xayawaanka laftiisuna waa uun habka ay hidde sidayaashu, hidde sidayaal kale u sameeyaan.

Innaga oo wadana adduun araggeenan cusub ee hidde sidayaasha ka duulaya, maxay tahay sababta aan u hindhisno una qufacno kolka duraygu ina hayo?! Haddii aynu tix gelino xayawaanka duraysan, arrinkani waxuu noqonayaa uun isku aadooyin fayrasku sababay. Haddii se aynu arrinkan ku eegno aragtida Hidde sidayaasha, jawaabtu waa mid ta hore ka qurxoon waana sidan: fayrasku waxa uu saameeyay habdhiska neefsashada ee noolahan hoyga u ah, si uu nooluhu debada ugu soo bixi karo una sii faafi karo oo sideyaal badan oo kale u samaysan karo.

Haddaba, aragtidan hidde sidayaasha ma aha wax cajiiba in nooluhu nafhur u sameeyo ilmihiisa in ka badan inta uu u sameeyo noolaha kale ee xigaalkiisa ah. Tusaale ahaaan: waxa jira jaanis 50% ah in hidde sidayaasha noole laga helo dhallaankiisa, sidoo kalena isla boqolaydaas 50%’ ah ayaa hidde sidayaashiisa laga helayaa xigaalkiisa kan ugu dhow (walaalkiis). Sidoo kale 12% noolaha ay ilma adeerka yihiin. Sidaa daraadeed maadaama uu horumarka noolayaashu (Evolution) ku ka dhaco heerka hidde sidayaasha, ma jiro wax farqiya oo u dhexeeya noolaha iyo kan xigaalkiisa ah. Hooyada dhallaankeeda bahalka ka dhicinaysa, iyo xayawaanka kale ee xigaalkiisa difaacayaa waa uun isku mid. Aragtida hidda sidaha saddex walaalahaa ah ama shan ilmaadeeradaa ah in aad difaacistooda ku qudh baxdo ayaa ka qiima badan in aad baxsato oo adigu badbaado. Waana wax aad u caqli gal ah in ay dabeecaddu door bidi doonto maskaxaha sidan u fikira, nafhurka noolayaashuna waa natiiijada tooska ah ee danayste nimada hidde sidaha waayo ma jirto sabab uu hidde siduhu u sameeyo “side” keligii noole ah oo la dhinta.

Ugu danbaytii arrinka cajiibka ah i waxa uu yahay, in sidii Daarwiin saadaaliyey aan ay suure gal ahayn in astaamo ama dabeecado aan noolaha faa’iido badbaado iyo taran midna u lahayn in lagu arkaa. Balse tani waa sida dhacda xaaladahan nafhurka, kolka nooluhu naftiisa ku difaacayo ku kale, inkasta oo aanay faa’iido u lahayn noolaha ficilka samaynaya balse waxay dabeecaddani faa’iido u leedahay Kooxda uu noolahani ka tirsan yahay tanina waa waxa loo yaqaan “Group selection”- ka ama xulashada kooxda.
Nafhurku xayawaanku waxa uu u gubdaa xayawaanka aan xigtadiisa ahayn, waayo waxaa ay marmarka qaar khatar u geliyaan naftooda si ay ugu baaqaan xayawaanka ka kale kolka khatar soo waajahdo, oo shimbir madawda iyo yaryaradu waxay sameeyaan waxa la dhaho “oohinta digniinta” si ay shimbiraha kale u war geliyaan kolka ay arkaan gorgorka, walow taasi ay sababi karto in uu gorgorku iyaga kusoo jeesto.

Dadku, ruuxa dhaqamada foosha xun sida dilka kufsiga iyo boobka ku kaca, waxaa ay ku tilmaamaan “Xayawaan” balse arrinkani gef ayaa uu ku yahay xayawaanka, waayo waxaa u asal ah xayawaanka wanaag iyo is kaalmaysi.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...