Maxay tahay aragtida Daarwiin (Evolution)?
Waxaa loo yaqaanaa isbaddal ku yimaada astaamaha la iska dhaxlo ee noolaha, taasoo muddo gudaheed keenta iney samaysmaan noocyo cusub oo noole ah ama is beddel ku yimaaddo noole hore u jiray.
![](https://i1.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2018/07/1200px- Charles_Darwin_01.jpg?resize=126%2C163&ssl=1)
Charles Darwin
Caalim-ka English-ka ah ee Charles Robert Darwin ayaa daahfuray aragtidan isaga ayaa loogu magac daray, Darwin waxa uu dhashay 12-kii Febraayo 1809, waxa uuna ka dhashay qoys tanaad ah, aabihiis waxa uu ahaa dhakhtar caan ah xilligaas.
Sannadku markuu ahaa1839 ayuu bilaabay Darwin diraasaynta noolaha iyo
isbedalka ku yimaada iyo isbedellada dhalan-geddis-ka (mutation), waxa uuna
hormariyay aragtidiisii caanka ahayd ee Natural Selection (Xulashada-
deegaameed).
Dabshidkii 1859 ayuu Darwin suuqa keenay kitaabkiisa caanka ahaa ee (On the
origin species) kaas oo uu ku caddeeyey aragtida Evolution oo ku fadhida
caddaymo.
Kadibna waxa uu bilaabay diraasaynta dadka, sannadii 1871 waxa uu soo saaray
kitaab la yiraahdo (The descent of man, and selection in relation to sex).
Kitaabo badan ayuu qoray Darwin, wuxuuna ka qoray qaarkood dhirta iyo
cayayaanka.
Darwin waxa uu dhintay 19-kii April 1882, waxaana lagu tiriyaa dadka ugu
saamaynta badnaa ee adduunka ku dul socday.
WAA MAXAY ARAGTIDA EVOLUTION?
Aragtida Evolution waxey dhigaysaa in noolaha oo dhan ka yimid hal unug oo si kadis ah u suurta gashay inuu samaysmo kadib markii uu helay(unugaasi) cimilo physics-eed ku habboon; sida: heer kul iyo hawo…. taaso keentay ama u fududaysay unugga inuu bato, badnaanshahaas ayaa keenay iney soo baxaan silsilad noole oo isugu jira dad, dhir iyo xayawaan.
CADDAYMAHA AY CUSKANAYSO ARAGTIDA EVOLUTION
(Credit: Javier Trueba/MSF/Science Photo Library)
Aragtida Evolution waxey ku dhisan tahay caddaymo xooggan oo lagu soo koobi karo karo sidan:
- Noole kasta wuu ka duwan yahay noolaha kale , taasi waxey u laabanaysaa hiddo-sidaha(gene) la’iska dhaxlo.
- Jiilka dhasha oo ka tira badan inta uu deegaanku hayn karo , taasoo keenaysa iney meesha ku soo haraan koox yar, inta deegaanka ka hiiliyo ama u kaalmayn waayaana ay dhintaan ama dabar go’aan.
- Qolooyinka leh astaamaha adkaysiga waxey ka baadbaadi ogyihiin qolooyinka kale , tusaale ahaan balanbaalista marka ay dhalato noolaha kale ma arki karaan taasoo yaraynaysa qatarta in la cuno, taa micnaheeduna wuxuu yahay iney balanbaalista sii jirayso.
- Xubno aan noolaha hadda ku jurin: lafaha iyo qolfoofyada noolihii innaga horreeyey ee la soo qufay waxay tilmaamayaan in qaar kamida xubnaha ay la dheerayeen dadka, kuwaas oo waqti kadib markii ay shaqadoodu dhamaatay ka baxay meesha.
- Xubno isku shaqo ah laakiin labo noole oo kala duwan ku jira: sida gacmahha nibiriga iyo insaanka gacmihiisa.
- Cilmiga dhaxalka (genetics): laf dhabar leeyda waxey isaga mid yihiin ilmo-galeenka hooyada
Caddaymaha la taaban karo ee aragtidan way badan yihiin.
WAA MAXAY XULASHO-DEEGAAMEED?
Sida muuqata noolaha badankoodu waxay ku jiraan hardan dhinaca cunnada,
deegaanka iyo jiritaanka.
Dagaalkaas ayuu Darwin ugu magac daray Xulashada dabiiciga ah (Natural
Selection), shaqadaasi oo ka dhigtay noolaha midka leh astaamaha ku habboon
deegaanka, una suura galisay inuu ahaado mid sii jira.
Duruufta uu ku dhaco Natural Selection waa:
- U dagaaltan si aad u sii jirtid; noolaha noolaan kara wuu noolaanaa, kan kale wuu dhimanaa.
- Kala duwanaanshaha iyo la qabsiga; nooluhu way ku kala duwan yihiin la qabsiga, noolaha sifooyinka la qabsiga leh waa kan sii jira.
- Jiritaanka iyo noloshu waxay u sugnaatay kan ku habboon deegaanka.
ASALKA DADKA IYO ARAGTIDA DARWIN.
Sawirka ama fahanka laga haysto aragtida Evolution ayaa ah inay dadku
asalkoodii ka yimaadeen danyeer!
Laakin xaqiiqda qoran ayaa ah in innaga awoowgeen uusan daanyeer iyo insaan
midna ahayn, laakiin innaga iyo danyeerkuba ka soo wada jeedno hal awoowe!
AHMIYADDA AY U LEEDAHAY ARAGTIDANI NOLOSHA.
Aragtidani waxey ka caawisay culumo fara badan qaab dhismeedka insaanka, dhanka dawooyinka waxey ka caawisey sida loo daaweyo xanuunada qaarkood iyada oo laga tagay ka dhalinta daawada dhirta loona gudbay ka dhalinta daawo noolayaal kale hormone-kooda, sidoo kale aragtida Evolution waxey sababtay inuu dilaaco cilmi cusub oo lagu magacaabo cilmiga dhaxalka (genetics).
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida