Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ducadu wax ma tartaa?

W/Q: Keenadiid
Diimaha 1
12.8k
·

1/10/2022

Ducadu wax ma tartaa?

Ma is weyddiisay weli: "Soomaalida yaa ka cibaado badan? yaa ka duco badan?"
Jimce kasta salaadda duhur waxa masaajid walba laga akhriyaa "اللهم اعز الاسلام والمسلمين "
Ma is weyddiisay ducadaasi xagga ay marto?
Ma Soomaalida ayaan muslimiin ahayn?
Ma wadaaddada oo dhan ayaan ducadooda la aqbalin?
Ma ducada ayaanba gebi ahaanteed waxba tarin?
Mise eebbaha aynnu baryaynno ayaanba jirin ee kaliya ah wax aynnu iska dhaadhicinnay?
Muslim ahaw, yeelkadaa, waxaase aan la iska indha tiri karayn, duco haddii ay waxtarayso, eebbe aqbalaana uu jiro, in aynnu noqon lahayn dadyawga adduunka ugu hodansan, ugu garaadka badan uguna nimcada badan, se taas liddigeed ayaa aynnu haynnaa, innaga oo ah dadyawga adduunka ugu ducada badan!
Aaway hee markaa?
Haddii ducadaas aan la arkayn aqbalaaddeeda kolka loo baahanyahay, ama gebi ahaanteedba aan la arkeyn, maxaad iska hawli?
Maxaad u ducaysan?
Haddii se aad rumaysantahay in ay waxtarto, maad, kali ah, ducaysatid? Maxaad cusbitaalka ka doontaa, jirro kolka ay ku haleesho maxaad daawooyinka ugu oroddaa?
Maxaad eebbahaaga ugu kalsoonaan wayday?

Aan kaaga warceliyo/jawaabo!
dhabta ayaad ogtahay, ma se rabtid in aad aqbasho!
Waxa aad maankaaga ku hurdisiinaysaa in eebbe kuugu soo dhiibayo daawada noole adiga oo kale ah!
Maad is weyddiisid, muxuu eebbahaa cid kale kuugu soo dhiibayaa muu isagu si toos ah kuu siiyo?
Cusbitaalka haddii aadan tegin, waa aad u dhimanaysaa jirrada, ama kama bogsoonaysid!
Kolkaasna waxa aad isku ma'weelinaysaa "eebbahay sidaas buu ii qoray, qoraalkiisa ayaanna rumaysnahay, waayo waa tiir ka mid ah tiirarka rumaynta"!
Waryaa/naayaa toos!
Eebbe sheegashadiisu waa circle argument!
Circle argument-gu Af Soomaali ahaan waa "ILA MEERAYSO"!
Day, haddii aad dhakhtarka tagto, oo adigu aad lugahaaga ku aaddo, waxa aad leedahay "eebbe ayaa i geeyay"!!
Haddii aad joogto oo aadan caafimidinna waxa aad leedahay "eebbe ayaa qoray"!
Kaalay, ma adiga ayaa eebbe ah?
Eebbe doonis aadan adigu lahayn ma leh miyaa?
Hadba sida aad adigu doonto, miyuu eebbe doonaa marwalba, ahna sida qoran?
Waxaasi maangal ma aha!

Haddii aan ahaan lahaa baante/diktoor, waxa aan ku odhan lahaa "Eebbahaa u doono daawo ee i dhaaf aniga"!
Bal markaas tijaabi, oo dheh "eebbow dhakhtarkii i diid, ee i bogsii/caafi adigu"
Markaas haddii aad bogsato, markaas ayuun baad eebbahaa odhan kartaa, "eebboow adiga ayaa i shaafiyay, baryadiina aqbalay ee MAHADSANID".
Se aniga -oo dhakhtarkii ah- kolka aan ku baanto ee aad bogsato, mandiq ama maangal ma aha in aad tidhaah "eebboow waa kugu mahad" hadde ma anaa eebbe ah?
Muxuu yahay eebbaha qolkaaga kugu shaafin kari waayay ee aniga ii kaa keenay?
Adiga iyo eebbihiin meelahaas isla aada, inta aad soo caqliyaysanaysaan oo garasho idiin kordheyso.

Ha cadhoon jaalle muuminoow, wajah xaqiiqada hortaada taalla!
Duco waxba ma tarto, shaqayso, dedaal, baahida aad qabto duco kaga bixi maysid, waxa se aad kaga bixi kartaa, fal ku habboon in uu dhalo natiijo aad kaga bixi karto, in aad la timaaddo.
Tusaale ahaan, waad haraadday, duco harraadka kaa bi'in mayso, se in aad biyo doonato ayaa kuu dhalaysa natiijo aad ku harraad baxdo, maxaan ka wadaa?
Falka aad la imanaysaayi, waa in aad biyo doonato, kolkaasaad soo helaysaa, kolkaasaad harraad baxaysaa.
Ama waad waayaysaa biyo, kolkaasaad harraadkaagii ku sii jiraysaa.
In aad waydo biyana, kama dhigna in uusan eebbe kula rabin ama kuu qaddarin, ee waa in aadan u dedaalin si qumman oo aad biyo ku heli karayso.

Tusaale labaad, waxa aan ku ducaysannaa "اللهم اعز الاسلام والمسلمين " waxa aan eebbahaas ka tuugnaa in uu sharfo muslimiinta aynnu ka mid ka nahay, balse ma helno sharaf!
Sababta oo ah bacaad cidlo ah, ayaynnu qoor sagaaro ku haynnaa!
Maxaynnu haddaba sharaf ku heli karnaa?
Way fududdahay, fal wanaagsan oo kuu dhalaya natiijada aad rabto ayaad la imanaysa, kolkaasaad sharaf yeelanaysaa!

Tusaalaha ugu danbeeya:
Weligeen waxa aynnu maqalnaa "roob doon ayaa la tukanayaa"!
Haddaba, roob doon wax tartay ma aragtay weli?
Bilo ka hor, waxaa Soomaalilaan laga tukanayay ROOB DOON, bilo ayaa ka soo wareegay, haddana weli hal dhibic ahi ma di'in!
Hawdkii harraad ayaa loogu le'anayaa!
Xoolihiina gaajo ayaa ay u baaba'ayaan, dadkiina "eebboow" daas ayay hayaan!
Aaway eebbaha la baryayaa?
Ma mid dhego la' baa?
Ma mid dhego adag baa?
Ma mid aan naxariis lahayn baa?
Muxuu u aqbali la'yahay waxayaga????
Muxuu.... muxuu... muxuuu?
Innaga ayaa doqommo ah!
Waxaas yaynnaan isku hawlin, gaalada dadka aan u naqaanno fiiri, ma ducaystaan!
Eebbahanba xaraabaysi bay u arkaan!
Sidaas oo ay tahay waa hodan, waa nimcaysanyihiin, roob la'aani ma hayso!
Maxaa khaldan markaa?
Eebbe ma innaga ayuun buu xarash inoo hayaa, maxaa ka xun?
Dadka isaga raaca wax wanaag ah uma quudho miyaa?
Mise wuxu maba jiro?
Yaab iyo amakaag!

Walaal toos, waxa dadyawga kale inaga reebay waa isku hadlaynta doqonnimada ah ee aynnu u haynno eebbahaas qarsoon ee aan hal caddayn ah loo hayn!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...