Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Jeegaan Iyo Jahawareer

W/Q: Saacid Kaahiye
Aragtiyo 2
15.3k
ยท

8/7/2021

Jeegaan Iyo Jahawareer

Shaqsiga soomaaliga ah waa shaqsi uu uga dhacay khalkhal ahaanshihiisa ama shaqsiyadiisa oo qaba cudurka la yidhaa Dissociative personality disorder. Waa shaqsi ay ku dhex noolyihiin boqolaal ruux oo muuqa iyo magaca guud mooyee wax mideeyaa aysan jidhin.

Shaqsiga soomaaliga waa jeegaan boqol midab oo kala jaan ah leh. Waa TV boqol janal oo is wada diidan ay halmar ka wada daaran yihiin. Waa jiraal jahawareer uu asal u yahay oo ay dabeyshu kolba dhinac u jiidheyso.

Shaqsiga soomaaliga waa mid shuruuc iyo kala dambeynta adduunkaa kale ka jirta maxaa inaga inoo diiday gelin is waydiiya isagoo burburka dalkiisa ka murugsan, gelinka xiggana marka ay qof is qabtaan iska soo jara maahmaahda qaran-dumiska ah ee tidhaa, "nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo!"

Waa mid galabta marka uu fadhi ku dirirka joogo walle iyo bille ku mara in soomaalidu ay xoog iyo muquunin mooyee axsaan iyo wada hadal wax ku lahayn, caawana hadduu idaacadda ka maqlo igaar shaarub wayn oo kali-gii talis ah baa yimid, "amar-ku-taagleyn dooni mayno waa ta halkaa na dhigtay," ku cabaada.

Waa mid xorriyad jacayl la soo toosa saaka oo ku faana gumayste iyo kaligii- taliye umadda arrintii dhex taalay boobay baan kicinnay, duhurkase markuu Ina- Malmal soo qoro dimuquraaddiyad iyo in umadda wixii quseeya iyada la dhex dhigo waa qallad iyo dambi, love cas ugu dhajiya kana hoos dhaha, "waa runtaa!"

Waa mid khudbaddii jimcaha ee lahayd "dastuur iyo doorasho waa gaalnimo," ka soo baxa isagoo qiiro qanjaha buuxdo oo madaxda dalka kufaar u wada arka, galabtase odayaasha qabiilku marka ay yidhaahdaan "war reer hebel yeysan golaha baarlamaanka ee sharci dajinta inoogaga badan," hebelka ay ina adeerka yihiin qabiilnimo ugu shuba codkiisa.

Waa mid qurbaha marka uu joogo bacda qashinka meeshii loogu tala galay la doonta, axadkii meesheeda meel aanan ahayn uga tagana la yaaba oo badow u arka, dalkiisa se marka uu dib ugu soo noqdo, qajafyada wadada dhexdeeda uga dhaqaaqa, jidka kuu ku arko isagoo wax ka gurayana, mooda in uu yahay qof ay wax u dhimanyihiin.

Waa cunsuri cunsuriyadda diiddan. Waa mid caddaan markuu madow luqunta uga istaago boodh ay ku qorantahay, "sinaan iyo caddaalad" soo qaata oo bannaanbaxa is keena isagoo qiireysan. Haddana dalkiisa isla madowgaa uu u xiiqayo ku dhex yasa oo "adoomeey" ugu yeedha, 4.5 wax ku siiya, guuriyo ganacsi iyo in uu bulshada si quman u soo dhex galana marna aan u ogalayn!

Waa mid hadduu arko qormo leh dumarku guriga ha joogaan oo jikadda haku ekaadaan ee yaan wax la barin umaddana lagu dhex dayn, weji cas ugu dhejiya isoo ku andacoonaya fikiradaa in ay tahay dibu socod, isla markaana aan hablihiisa iskuul gayn, gurigiisana saxan siijaada aan soo jeedin ee ooridiisa un yidhaa, "naa orad jikada galoo bakeeri ii soo dhaq/maydh."

Waa mid shareeco islaam raba dhulka looga dhaqmase aan rabin. Waa mid caawa dhan lacnadaya dhul fiisadii uu ugu dhoofi lahaa ay u xareysantahay. Waa mid ku xiiqaya diinta oo lagu dhaqmo kaliya in uu horumarku ku jiro, wadamada horumaray soo tiri haddaad tidhaahna, Mareykaniyo Jabaan kaaga bilaaba

Waa mid booli iyo dhac iyo in boob lagu noolaado u arka axmaqnimo iyo dulmi diinta iyo damiirkuba ay diidayaan haddana isku daya in ragga ay is qabtaan uu ku xagxagto in uu isagu uga gobsanyahay maadaama awoowayaashiisii hore ay geela ka dhici jiray awoowayaasha yarka kale, sidii in gobnimada la sheegayaba tahay xadgudub iyo xaaraan quudasho.

Waa mid hooyadu waa lagama maarmaan iyo waa lama gaadhaan ku haya oo ay dhakada u saarantahay darajadeedana tix iyo tiraabba kuugu sheega haddana haween oo idil liida una arka inay yihiin wax biniaadamnimadii dhameyd nus uun laga siiyay oo laga faano, isaga oo ilowsan in hooyada qudheeduba ay haween tahay.

Waa mid maatada iyo caruurta lagu gumaadayo siiriya iyo falastiin ay damaqdo kana bannaanbaxa isagoo calanka wadamadaa ruxaya balse maati iyo caruur soomaaliyeed marka lagu qarxiyo magaalada uu geeska ka daganyahay, bannaanbax iyo calan soomaaliyeed oo la ruxo iyo dulmi laga dhiidhiyo iska daayee kuba farxa oo "baga" yidhaahda.

Waa mid hanti-wadaag ku qureecda, hanti-goosad ku qadeeya, shuucinimo badhax tidhanna ku casheeya. Waa mid siyaasadiisu gelinna horu-jeed iyo liberal tahay gelinka kalana dibu-joog iyo asal raac tahay. Waa mid aan garanayn xeer dhaqameed, xuduud diimeed, iyo xukun dastuureed mid uu ku dhaqmo iyo waxa ay aslanba ku kala duwan yihiin toonna.

Shaqsiga soomaaliga ah waa shaqsi aan af garan waayay. Waa shaqsi aan gacan u taagay. Waa shaqsi jeegaan iyo jahawareer wax aanan ahayn oo aan ku sheegaa aysan jidhin.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...