AABIHII RUUXAANIGA AHAA EE DAGAALKII SHAHIIDIYIINTA XORNIMADA ALJEERIYA.
AABIHII RUUXAANIGA AHAA EE DAGAALKII SHAHIIDIYIINTA XORNIMADA ALJEERIYA.
(XAWAARI BUMADYAAN)
• Xawwaari Bumadyaan (Houari Boumédiène) amaهواري بومدين wuxuu dhashay 23kii
Ogosto 1932kii wuxuuna geeriyoodey 27kii Deesember 1978kii). Wuxuu noqday
Gudoomiyaha Golaha Kacaanka ee Aljeeriya intii u dhaxeysay 19kii yuunyo
1965kii ilaa 12kii Diisember 1976kii ka dibna wuxuu noqday Madaxweynihii
labaad ee Aljeeriyaa ilaa intii uu ka geeriyooneyay 27kii Disember 1978kii.
Wuxuu ahaa mid kamida hogaamiyaashii ugu halganka dheera ee gumeysi la dirirka
ahaa wuxuu 20 sano oo kamid cimrigiisa ku qaatay afafka hore ee dagaalka
xoreynta aljeeriya ama aljazaa'ir. Waana mid kamida hogaamiyaashii ugu
saameynta badna ee soo maray caalamka islaamka, afrika iyo adduunkaba. Waxaa
uu ahaa taliyihii sare ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka
aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nololeed ama geeri aakhiro ah
la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee faransiiska dulliga ah. boumediene
adeeggiisii ciidan ee Aljeeriya wuxuu bilaabmay 1950-yadii, oo ah xilligii
uu dalkiisa halganka ugu jiray ka madax-bannaanida gumeysiga Faransiiska. ka
dib markii uu wax ku bartay jaamacadda al-Azhar ee Qaahira, wuxuu ku biiray
xoogaggii mucaradka ee jabhadihii xoreynta aljeeriya. Inta taariikhda laga
hayo, Xuwaari Bumadyaan Wuxuu fuliyay mid kamida weeraradii ugu casrisanaa ee
ka dhaca gudaha qaaradda afrika kaaso kadhan ahaa ciidamadii gumeystaha, gaar
ahaan ciidankii Faransiiska ee xilligaas. Jabhadihii xoreynta aljeeriya waxay
dalka u kala qaybiyeen degmooyin milateri, Boumedienne wuxuu xukumay xooggagii
ama guutadii ku xeernayd gobolka Ooraan(Cuuraan). Guutadaasina waxay ahayd
guutadii guulaha ugu badan ka soo hoysay dagaalkii Milyanka shahiidka ee
Mujaahidiintii aljeeriya isku xoreeyeen. Sannadkii 1960-kii wuxuu noqday
madaxa shaqaalaha ee Jabhadda Xoreynta Qaranka, wuxuuna xuddun u ahaa
dadaalladii ku aaddanaa sidii uu dhisi lahaa ciidan Aljeeriya ah oo ka socda
naf huriyaal Marooko iyo Tuniisiyiin ah, dalalkaaso xilliga ahaa dalal ka
madaxbanaan gumeysigii Faransiiska dulliga ah.
• Ka dib markii heshiis nabadeed lala saxiixday Faransiiska bishii Maarso
1962kii, xiisadda ka dhex aloosan hoggaamiyeyaasha Aljeeriya ayaa sii
korodhay, isla markaana bishii Sebtember ciidankii ama guutadii uu
hogaaminayay bumadyaan (Boumedienne) ayaa qabsaday caasimadda Aljiyeer
(Algiers) isagoo taageereya hogaamiyihii jabhaddi xoreynta aljeeriya ee Axmed
Ben Bella. Ben Bella wuxuu noqday madaxweynaha aljeeriya dabayaaqadii
sanadkaas, isagoo abaalinaya Boumedienne'a wuxuu uu magacaabay wasiirka
Gaashandhiga ama difaaca iyo madaxweyne kuxigeenkiisa.
• Kadib sanado yar, Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labada hoggaamiye, waxaana bishii yuunyo 1965kii uu Boumedienne ku kacay afgembi ka dhan ah jaallihiisii sare ee Axmed Ben Bella wuxuuna iska dhigay madaxweynaha iyo saciimka cusub ee aljeeriya. Boumedienne intii hore ee uu taliska aljeeriya hayay waxaa uu la'aa taageerada ballaaran ee shacbiyadda leh ee shacabka aljeeriya, wuxuuna xukumay markii ugu horreysay isagoo adeegsanaya 26 xubnood oo ka tirsan golahii kacaanka. Natiijo ahaan ama muuqaal ahaan hoggaamintiisu waxay ahayd mid waddaniyadeed oo nafhurnimo leh, Isagoo si xikmad leh u adeegsanaya saameyntiisa, wuxuu u dhisay Aljeeriya xoog siyaasadeed lagu xisaabtami karo wuxuuna go'aansaday inuu sidoo kale ka dhigo awood warshadeed. Wuxuuna dhisay awood milateri oo laga cabsoodo iyo awood warshadeed oo waxsoosaar leh, balse horumarkiisi iyo taliskiisi waxaa ku liddiyay awoodo shisheeye oo ka baqay in 30ka sano ee soo socda ee la sadaaliyay xilligaas ay muuqatay in aljeeriya ay isku filnaasho dhan walba ah ay gaari kartay, welina dhinaca milatariga waxay noqon lahay awoodda koobaad ee afrika iyo awoodda 9aad ee caalamka. laakiin ka dib isku day ay saraakiisha milaterigu ku doonayeen inay ku afgembiyaan maamulkiisa ayaa ugu dambeyn gacmo-marnaan ku fashilmay bishii Diseembar 1967kii, wuxuuna marka muujiyay ama caddeeyay hoggaankiisa adag ee tooska ah ee aan muranku ka jirin ee isla markaana aan la loodin karin ee Dalka Aljeeriya. Sannadkii 1971-kii wuxuu ku soo rogay gacan ku hayn dawladeed oo ka dhan ah warshadaha saliidda ee shisheeye, waxaana uu quusta uu diray oo uu iska fogeeyey xiriir lala yeesho dalka faransiiska oo uu arkayey cadawga tooska ah ee Aljeeriya. Wuxuu halis u galay dagaal uu la galo Marooko sanadkii1975kii isagoo isku dayaya inuu marin u ka helo marinka badweynta Atlantik ee ka gudba Saxaraha Isbaanishka ( ee markii dambena loo bixiyay Galbeedka Saxaraha " Westren Sahara"). Boumedienne wuxuu noqday shaqsi iyo abaabule horseed ka ah dhaqdhaqaaqyadii xorta ahaa ee (Non Aligned or Third World) ee aan uu kala xaglin jirin hanti-wadaaggii barriga iyo hanti-goosigii galbeedka.
• Sannadkii 1978-kii, muuqaalkiisu ama in la arko wuxuu noqday mid naadir ah.
Ka dib markii uu ku soo raagay miyir beel muddo 39 maalmood ah, wuxuu ugu
dhintay magaalada Algiers cudur dhiigeed dhif ah oo magaciisa la yiraahdo "
Waldenström macroglobulinemia ", ka dib daaweyn aan lagu guuleysan oo loogu
qaaday magaalada Moscow ee Midowgii Soofiyeed. Intii lagu guuda jirey waqtigii
ay aljeeriya gashay qalqalka siyaasadeed waxaa soo baxay Xan ku saabsan
dilkiisa ama in la sumeeyay ayaa mararka qaar ku soo shaac baxday siyaasadda
Aljeeriya, gaar ahaan ka dib markii laba kale oo kamid ahaa kaqeybgalayaashii
dhacdooyinkii heshiiskii Algiers ee 1975kii, kuwaas oo kala ahaa Boqor Shaahii
Iiraan iyo Wasiirkiisii Maxkamadda ee Asadollah calam, ay sidoo kale u
dhinteen isla cudurkan dhifka ah.
• Dhimashadii xawaari bumadyaan (Boumediene) kadib ma jirin musharrax uu
dhigmi kara oo beddeli kara boumediene (bumadyaan), si kastaba ha noqotee ,
mid kasta oo ka mid ah sideedii xubnood ee ugu sareeyey Golaha Kacaanka
aljeeriya ama xitaa siyaasiyiin shisheeye oo aljeeriyaan ah ama galbeed raac
ah ayaa ugu dambayntii ku hirdamay hoggaaminta Aljeeriya. Dhimashadii
Boumédiène waxay sababtay faaruq awoodeed oo ku yimadda siyaasadda Aljeeriya
kaas oo aan si fudud loo buuxin karin. Isbeddel taxane ah oo uu milateriga
Aljeeriya sameeyey ayaa aakhirkii ogolaaday in dhinac loo rido isla markaana
meesha laga saaro tartamayaasha kala aaminsan afkaaraha bidixda iyo midigta,
Talada dalkana loo qoondeeyo taliyaha ugu sareeya militariga Aljeeriya kaas oo
ahaa Colonel ama gaashanle sare Chadli Bendjedid, kaas oo ku yimid xulasho
tanaasul ah.
▪︎Oraahyadii laga hayay Jeneraal Xawwaari Bumadyaan.
1. " Maalin maalmaha ka mid ah, malaayiin rag ah ayaa ka tegaya Koonfurta Hemisfiyeerka si ay u aadaan Waqooyiga Hemisfiyeerka. Oo halkaas saaxiib uma aadi doonaan. Sababtoo ah halkaas waxay uu aadayaan si ay u qabsadaan. Sidoo kale waxay qabsanayaan iyago indhaha wiilashoodu arkayaan si ay wiilashoodu uga dhaxlaan halganka. Ilmo galeenka haweenkeenu guul buu ina siin doonaa, oo waxay dhali doonaan halgamayaal aan xaqqa ka waaban doonin. "
2. " Aljeeriya ma diidi karto mabaadi'deeda siyaasadeed iyo xaqqa ay u leedahay inay ku dhawaaqdo mabda'a aayo-ka-tashiga ah, iyadoon laga fekerin mowqifkeeda ugu dambeeya ee ku aadan mustaqbalka gobolka, haddii gobolka saxaaraha galbeedku ay noqoto Moroccan ama Mauritanian, haddii 'qayb ka mid ah ay tagto Morocco iyo haddii mid kale ay u tagto Muritaaniya, waxaa inoogu weyn waa in Saxaraha galbeedku uu noqdo dhul Carbeed iyo dhul Muslim markale leeyahay. "
3. " Madaxbanaanidu waxay inaga dhigtay qaar jilicsan oo aan weli gaarin heerka adkaha xadiidka ah. "
DHAMMAAD
Waxaa Qoray : Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
Taariikhda la baahiyay :- 14 Maayo, 2021
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...