Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

DHAXALKII SEEMTEMBAR : DHAXALKA HANTIWADAAGGA CHILE IYO SALVADOR ALLENDE EE LAATIIN AMEERIKA.

W/Q: Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
Sooyaal 0
6.0k
·

12/23/2021

DHAXALKII SEEMTEMBAR : DHAXALKA HANTIWADAAGGA CHILE IYO SALVADOR ALLENDE  EE LAATIIN AMEERIKA.

DHAXALKII SEEMTEMBAR : KACA KUFKII IYO KACAANKII CURDINKA AHAA EE HANTIWADAAGGA LAATIIN AMEERIKA.

  • Inqilaabkii uu dejiyay jeneraalkii iyo taliyihii ciidanka xoogga qaranka ee chile ee Augusto Jóse ramón " Pinochet " Ugarte, oo ku magac dheeraa " El Cuidillo Augusto Pinochet " ayaa inqilaabkaas uu ka oogay Chile 11kii Sebtembar ee 1973kii ayaa beddelay taariikhda sooyaalka nidaamka siyaasadeed ee hantiwadaagga ee ammintaas la loollamayay afkaarta kale ee siyaasadeed ee xilligaas ka jirtay caalamka. Waxaanay ahayd bar-bilawgii uu ka bilaabmay kacaanka shuuciyadda ee qaabeyn doonna noocca iyo muuqa siyaasadeed ee ay uu janjeersami doonto siyaasadda qaaradda laatin ameerika. nidaamkanina xilligaas kala bar dalalka caalamka ayuu haystay. Dalka chile, marka laga yimaaddo siyaasadihii iyo nidaamyadii uu soo talin jirey wixii ka horreeyey sanadkii 1970kii, oo ahaa sanadkii ay shuuciyiinta chile iyo hogaamiyohoogii caanka ahaa ee Salvadore Allende ay qabsadeen talada dalka chile, Wixii ka horreeyey waqtigaas xaaladda dalka Chile waxay ku sugnayd qar iska tuurnimo siyaasadeed oo aad uu daran, waxaanay ahayd waqti ay adkayd in la helo nidaam iyo dawlad adag oo suurtogelisa ka bixitaanka dhibaatadan uu dalku ku soo jirey afartankii sanno ee xillgaas ka horreysay. Sidaa caadada ahaydna Dalka Chile ma ahayn dalka kaliyaata ee dhibaatadan iyo loollankan siyaasadeed ka jirey, see waxay kala mid ahayd badanka dawladaha ay qaarad wadaagta ay ahaayeen ee Coloombiya, Beeruu, Ikwaaddoor, Arjantiin iyo ugu dambeyn dalka Fenesweella oo ilaa haatan uu loollanka iyo dhibaatooyinka siyaasadeed uu ka socdo. Si lama filaan ah Dalka Chile, wuxuu la kulmay isbeddel siyaasadeed oo ay ku dheehnayd rajo dhalasho ah, taaso ahayd dhalashada kacaanka shuuciyiinta Chile ee rajada yar ee soo noolaatay ee shacabka Chile dareenkooda iyo doonistooda kiciyay, balse ugu dambeynta curashada kacaankaas saddex sanno kadib la waayii doono, Jeneraal mayal adka ahina uu rajadaas yar ee la la kicitamay 1970kii uu ugu dambeyn soo gabagabeyn doono. Bal aan gu'yaal dib ugu noqono oo aan jaleecno rajadaasii yar siday ku timid.

  • Ku dhawaad ​​kun maalmood ka hor, Salvador Allende iyo isbahaysiga Midnimada ee caanka ahaa ayaa xafiiska la wareegay iyaga oo ballan qaadaya "Waddada Chile ee ku aadan dabiqidda nidaamka Hantiwadaaga" kuwaaso ku salaysan mabaadi'da dimuqraadiga ah. Jidka Chilean-ka ee ku wajahan hantiwadaagguu wuxuu ahaa tusaale muhiim ah iyo farriin digniin uu ah dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo bulsho ee haystay 40-kii sano ee la soo dhaafay Laatin Ameerika.
    Dawladda Salvadore allende ee hanti-wadaagga ihii waxay aasaastay oo ay bilawday barnaamij dib-u-habayn beeralay ah (An agrarian reform), waxaanay aqoonsatay xaqa ay shaqaaluhu u leeyihiin inay la wareegaan warshadaha oo ay si wada jir ah u maamulaan, waxaanay la wareegtay inta badan bangiyada dalka, waxaanay la wareegtay shirkado caalami ah sida Kennecott iyo ITT, kuwaas oo dhamaantood ku jira qaab dhismeedka dhaqaalaha ee dastuurka Chile uu dhigayo. Bilowgiiba, badi hayn-waynta iyo hantiilayaasha ganacsiga Chile oo ay taageerayaan dawladda Maraykanka iyo shirkadaha caalamiga ah waxay u dhaqaaqeen inay wiiqaan oo ay burburiyaan tijaabadan hantiwadaagga dimuqraadiga ah ee uu dejiyay madaxweynaha rajada chile ee Salvadore Allende. Sida uu ku dhawaaqay lataliyihii amniga qaranka madaxweyne Richard Nixon ee Henry Kissinger: " Ma arko sababta aan ugu baahanahay in aan is garab istaagno oo aan daawano waddan ku socda waddada shuuciga ah sababtoo ah waxaan arka masuuliyad darada iyo isdhigasashada dadka Chile ee uu haysta inay geli doonaan waayaha rajada iyo aayaha ee ay aaminsanyihiin. " Bartamihii 1973-kii waxay u caddaatay qaar badan oo reer Chile ah, in aanay hay’adaha hantiwadaagga dimuquraadiga ahi ku sii dhaqmi doonin xeerarka xorriyadda ee ay dhigayso dimuqraadiyaddu, kadib markii ay mucaaradku bilaabeen in ay si bareer ah ugu baaqaan ciidamada chile in ay xoog ku ridaan dawladda. dhinacyada bidixda ahina ( waa shuuciyiinte ) waxa ay ku doodeen in loo baahan yahay in la laalo nidaamka dastuuriga ah ee jira iyo xorriyadda badan ee dimuqraadiyadda. Isla markaana ay lagama maarmaan tahay in shaqaalaha shuuciga ah iyo dabaqadaha caanka ahii ay la midoobaan qaybaha daacadda ah ee milatariga si loo dhiso nidaam-talis siyaasadeed oo cusub. Laakiin hal nin, waa Salvador Allende'e ayaa diiday inuu ku xad-gudbo hay'adaha dimuqraadiga ah ee keenay isaga iyo isbahaysiga Midnimada caanka ah ee talada haysta ee uu isna ka tirsanyahay. Madaxweyne Salvadore Allende Waxa uu ku dhacay isdiiddooyin iyo laba daran mid dooro: Haddii uu xukunka uu ku qabsado sii awood leh, isagoo adeegsanaya ciidanka daacadda uu ah oo uu digreeto ku xukumo dalka waxa uu ku tumanayaa mabaadi’dii dimuqraadiga ahayd ee uu aaminsanaa, haddana, isaga oo aan ka tagin mabaadi’daas waxa uu halis galinaya in uu dalka u horseedo xukun aan ahayn xukunkiisa ay dadku ku niyadsamaanyihiin oo laga yaabo in isaga xukunka ay ka tuuraan, kuwo adeegsanaya quwado fal-celin ah (Reactionary forces), isla markaanna doonaya burburinta bulshadan hantiwadaagga ah ee curdinka ah.

  • 23kii Juun 1973kii, ayaa Koloneel sare oo la yiraahdo Roberto Souper oo ka tirsana ciidanka Chile isku dayay in uu qalaalaase siyaasadeed oo afgembi ah ka dhex abuuro dalka Chile kadib markii uu ciidamo uu watay ay isku hareereyeen madaxtooyada Dalka, waxaana uu tangiyo ku wareejiyay dhammaan aaggaggii bixitaanada ee madaxtooyada, balse wuu ku fashilmay in uu ku guuleysto isku daygiisaas Afgembi, ugu dambeyntiina waxaa gacanta ku soo dhigay ciidankii daacadda ahaa ee taageersana Madaxweyne Salvador Allende. Afgembigaas dhicisoobayna waxaa lagu magacdaray " Afgembigii taangiyada, (Tank Putsch) ". Waxaana la sheega inay ka dambeeyeen dhacdadan, qoomiyiintii midigta fog ee ka tirsana xisbiga Qoomiga ee Chile ee " Patria y libertad " kuwaaso adeegsanayay isku dhafka calooshood uu shaqeeystayaal ka tirsana xisbiga iyo qaar kamida saraakiisha iyo askarta ciidanka chile. Laba bilood kadib dhacdadaas waxaa ugu dambeyn soo gabagabobay Hantiwadaaggii dimuqraadiga ah ee saaxadda hogaanka hayay laga soo bilaabo doorashadiii 1970kii ilaa iyo heerkan waa 1973kii'e, kadib markii la soo sheegay in uu ku dhintey Madaxweyne Allende, gudaha La Moneda, oo ah qasriga madaxtooyada Chile. Saacado ka hor intaa aan lama filaanadanii aanay dhicin waxaa dalka la geliyay in uu jiro afgembii ay qorsheynayaan xubnaha ugu sarsareeya ciidanka qaranka iyo qaar ka mida hantiileyda Chile ee liddiga ku ah nidaamkan hantiwadaag ee uu Salvador Allende ka hirgaliyay dalkan Chile, waxaana maalinimada la arkayay ciidan iyo gaadiidkii militariga oo lagu wareejiyay dhammaan qasriga madaxtooyada Chile, tanina waxay ahayd Neeftii iyo hawo qaadashadii ugu dambeysay ee ay neefsanayaan dhammaan Dawladdii hantiwadaagga ahayd ee Chile iyo libaaxooga lama taabtaanka ah ee Salvadore Allende. Waxaa la cabsi geliyay dhammaan xubnihii ka tirsana dawladdii Allende iyo xisbigiisii Hantiwaddaagga ahaa " Populista Chile ". Waxaana la bilaabay qaraxyo iyo rasaasadeyn ku wajahan dhammaan aagg walba oo loo tuhmi karo inuu yahay raadka Shuuciyiintii Chile. Inta aan gudaha loo gelin qasriga " La Moneda " waxaa la maqli karay qaraxyada iyo rasaasadaha ku wajahan qasriga, taaso si waafi ah looga maqli karay gudaha Madaxtooyada Chile. Ka hor inta aan la gaarin gudaha qasriga, wuxuu madaxweyne Salvadore Allende soo galay tabin toos ah oo raadiyaha qaranka ka soo jeediyay farriin nabadiino ah oo uu jeedinayay Shacabkiisa Chile, waxaana uu kaga hadlayay tagtadii adkayd ee uu dalku soo maray, sidoo kalana wuxuu ugu jeediyay jacaylkii iyo rajadii uu uqabay dalkiiisa iyo shacabkiisa, sidoo kalana waxaa uu usheegay doonistii qotada dheereyd ee uu kalaha timaaddada iyo mustaqbalka dalka Chile. Waqti kadib khudbaddaas iyo soo jeedintaas, waxaa gudaha qasriga si xoog leh uu galay Askartii Afgembiga waday, waxaanay in yar kadib ku hadaaqeen in uu isqur-gooyey Salvadore Allende. Warbixin sii rasmi ah loo soo saaray waxay sheegtay in hubkii uu isku qurgooyay ay ahayd hubka darandooriga uu dhaca ee la yiraahdo " Automatic Rifle ". Ka hor sanado inta aan la soo gaarin dhacdadan, waxaa la sheega in dhowr jeer lagu sawiray madaxweynaha qoriga darandooriga uu dhaca ee AK-47, qoorigaaso ahaa hadiyad iyo abaalmarin uu hogaamiyihii kuubba ee Fidel Castro uu soo siyay Madaxweynaha. Waxaana la sheega in la arkay maydkiisii oo uu ag yaalo qorigan darandooriga ah, iyado warbixinahanna ay soo dhaahiyeen xubno rasmi ah oo katirsanaa taliskii Cusbaa ee qabsaday dalka, afgembigaas kadib.

  • Salvadore Allende, Baadigoobkiisii ​​ahaa u guuritaan dimuqoraaddiyadeed oo nabdoon looguna guuri lahaa hantiwadaagga waxay caddeeynaysaa in ay is burinayaan marka la eego qaab-dhismeedka dimuqraadiyadda uu doonayay iyo Hanti-wadaaggii uu aaminsanaa. Afgembigii lagu oogay dawladdiisii Midnimada caanka ah " Popular Unity Government " waxa ay ka dhigan tahay in aanay jirin wax beddel ah oo lagu beddeli karo hannaankii hantiwadaagga dawladeed ee jiray ee uu qeexay Midowga Soofiyeetii, waayo nidaamka hanti-wadaagga ihii marnaba kuma dhisnaan karo xeerarka xorriyadda ee ay dhigayso dimuqraaddiyaddu, waana isdiiddo afkaareed oo aan la kulmin karin. Intaa sooyaalka la hayana ma jiro afkaar is ku liddi ah oo la kulmiyay. Haddii aan mala awaalno xaaladda kulmintaasna waxaan oran karna xaqiiqdii waxaa iman kara qilaafyo iyo burbur dhinaca siyaasadda iyo nidaaminta bulshada ah, waayo dimuqraadiyaddu ilaa heer fogaansho ah ayay ka fogtahay nidaamka adag ee shuuciga ah, bulshooyinka isku dayay in ay kulmiyaan shuuciyadda iyo dimuqraadiyadduna ugu dambeyntii way jabeen oo xaqiiqdii way ku guuldareysteen xaqiijinta himiladaas ay ka lahaayeen afkaarahan sooyaalka dhexdiisa unkumay.

  • Sida dalka Chile'na, dawladaha laatiin Ameerikana, sida dawladihii horusocodka ahaa sida Argentina iyo Dalka Urugauy waxay hoos galeen talisyadii garabka midig ee caburinta ahaa, iyagoo ku biiray Brazil oo millatarigu la wareegay awoodda 1964kii, Kuubbana (Cuba) waxay mar kale kaligeed istaagtay Ameerika. Fidel Castro waxa aad u jeclaaday dariiqii hantiwadaaga ee Chile, isaga oo 25 maalmood halkaas ku joogay booqasho dawladeed dabayaaqadii 1971-kii, waxay isweydaarsadeen aragtiyo iyo wada sheekaysi ku saabsan waddooyinka kala duwan ee hantiwadaagga.

Inqilaabkii kadib......

Dhammaadka Qaybtii Koowaad.

La soco Qaybta 2aad.

📝 Maxamed Xasan (Beer-dilaacshe)

http.maxamedbeerdilaacshe.wordpress.com

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...