Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Milicsiga aqoonyahanka; Aristarchus of Samos & John Michell

Cumar Cali

-

3/3/2019

Milicsiga aqoonyahanka; Aristarchus of Samos & John Michell

W axaa jira laba saynisyahan oo aan caan ku ahayn aragtiyihii saynis ee ay soo bandhigeen, inta badan na aragtiyahaas saynisyahano kale loo tiriyo. Labadan saynisyahan waxaa ay kala yihiin, Aristarchus of Samos (Dh. 230 CH), iyo saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Michell (Dh. Abriil 1793).

![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2019/03/aristarchus- of-samos_large.jpg?resize=190%2C245&ssl=1)

Aristarchus of Samos

Aristarchus waxa uu ahaa inta laga warqabo shaqsigii ugu horeeyay ee soo bandhigay aragtida ah in qorraxdu ay tahay xudunta bah qorrexeedkeena iyo guud ahaan ba kawnka. Ha yeeshee aragtida heliocentric ah ee Aristarchus soo bandhigay waxaa laga doorbiday aragtida geocentric -ga ah ee tilmaamaysay in Dhulku yahay xudunta bah qorrexeedka oo ay qabeen Aristotle, Ptolemy iyo aqoonyahanno kale. Aragtidan heliocentric -ka haatan waxaa ku caan ah Nicolaus Copernicus oo 18 qarni Aristarchus dabadii si habsami ah u sharaxay.

![](https://i1.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2019/03/260px- John_Michell.jpg?resize=170%2C209&ssl=1)

John Michell

John Michell isaguna isagoo addeegsanaya xeerarka cufisjiidadka ee Newton waxaa uu qarnigii 18aad sii saadaaliyay jiritaanka god madoobayaasha. Michell, waxaa uu ka warqabay haddii madfac/madhfac kor loo rido in qunbuladda madhfaca ka finiintay ay dhulka dib ugu soo noqonayso, waxaa kale oo uu fahmay haddii qunbuladaasi ay xawaare aad u sareeya ku socoto in ay gaadhi karto heer ay ka baxsato cufisjiidadka Dhulka.

Michell sidoo kale wuxuu ka warqabay in uu jiro xawaare laga ga baxsan karo cufisjiidadka Dhulka, qorraxda iyo shay walba oo cuf leh—xawaarahan waxaa loo yaqaanaa Escape Velocity. Shay ba shayga uu ka cuf badan yahay waa uu ka cufisjiidad weyn yahay, sidaas darteedna walxaha cufka badan sida xiddigaha waxaa sareeya xawaaraha looga baxsan karo cufisjiidadkooda. Michell waxa uu is weydiiyay, ka waran haddii ay jiraan xiddigo aad u waawey aadna u cufan oo xawaaraha cufisjiidadkooda looga baxsan karaa uu la mid yahay ama ka sareeyo xawaaraha ilayska? Jawaabtu waxaa ay noqotay in xiddigaha caynkan ah cufisjiidadkooda ilayska na ha noqdee aanay wax ka baxsan karaa jirin, sidaa darteedna ilayskii xiddigta noocan ah ka iman lahaa uu dib ugu noqonayo xiddigta taasi na ay horseed u noqonayso in xiddigaha caynkan ahi ay noqdaan kuwo madaw oo aan la arki karin, maadaama dhankooda aanu ilays ka imaanayn. Xiddigahan madaw ee cufisjiidadkooda aanu ilaysku ka baxsan karin haatan waxaa aynu u naqaanaa ‘god madoobe’ saadaalintooda na waxaa caan ku ah aragtida Isu Dhiganta Guud (General Relativity) ee Einstein oo qaacidooyinkeedii laga saadaaliyay laga na soo dhirindhiriyay jiritaanka god madoobayaasha.

Labadan nin, waa Aristarchus iyo Michell e, aragtiyahooda ma ay wehelin qaacidooyin, xisaabaad iyo xog sayniseed oo kaabta ama laf dhabar u noqota aragtiyahooda. Sidaas awgeedna, waxaa kaga magac weynaaday ragga danbe oo la yimi xog xisaab iyo saynis ku qotonta.