Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nabinimada Einstein

Saacid Kaahiye

-

8/8/2020

Nabinimada Einstein

A lbert Einstein 1905-kii wuxuu sheegay in haddii walax mug culus sida qorrax, god madoobe (black hole) ama bah-qorraxeed ay kala dhex galaan ileyska meesha uu ka soo unkamayo iyo isha eegaysa uu iftiinku leexsamayo oo meeshiisii meelaan ahayn laga arkayo. Dhacdadaas waxaa lagu magacaabaa gravitational lensing.

Gravitational lensing in action | ESA/Hubble

Gravitational lensing

Cir-dhugte lagu magacaabi jiray Eddington ayaa u ban-baxay in uu ka gun gaaro warkaa. 1919-kii qorrax madoobaadkii dhacay ayuu ka faaidaysaty oo waxa uu eegay xiddigaha ka dambeeya qorraxda ileyskoodu inuu dadab galayo marka ay qoraxdu ku aaddan tahay iyo in kale. Siduu Einstein yiri bay u dhacday oo ileyskii xittaa xisaab ahaan intuu yiri uu leexsamaa ayuu leexsamay!

1916-kii Einstein wuxuu sheegay in goobtiyo goorta markay walax mug culus dhex maraan ay qaloociyaan goobtiyo goortaba, dhex markoodana uu soo saaro hirar loo yaqaan hirarka cuf-isjiidka, kuwaas oo ku goosha xawaaraha ileyska si darandoori ahna isku daba yaala.

14-kii September 2015-kii, mar uu Einstein mootanyahay in ka badan 60 sano ayee bahda cilmigu la kulmeen wixii uu Einstein sii sheegay, markii laba black hole oo isku dhacay in kabadan 1.3 billion oo sano kahor uu hir cuf- isjiidkoodu dhulka soo gaaray oo ay qalabkooda ku arkeen.

1905-kii sidoo kale Einstein wuxuu sii sheegay in goortu ayna ahayn wax isku wada midaa balse ay samayso is badbadal loo yaqaan time dilation. Wuxuu yiri laba saacad haddii isku waqti lagu buuxiyo kadibna mid la saaro wax xawaare ku socda ama meel cuf-isjiid badan, midna meel caadi ah la iska dhigo, ta xawaaraha ku socota ama meesha cuf-isjiidka taal ayaa ka socod gaabnaanayso ta kale.

1976-kii mar uu Einstein mootanyahay 21 sano, ayee bahda cilmigu ay laba saacadood oo ah noocyada loo yaqaan atomic clocks-ka oo ah kuwa ugu saxan ay isku waqti ka dhigeen kadibna mid ay oogada sare geeyeen halka ta soo hartay ay dhulka ku reebeen. Siduu Einstein sheegay baa u soo baxday oo time dilation bay isha saareen.

1916-kii ayuu Einstein sii sheegay in ay jiraan meelo ka mid ah goobta (space) oo uu cuf-isjiidku aad ugu badan yahay wax kastoo soo ag marana jiita oo wax kabaxsada jirin. Meelahaas waxaa lagu magacaabaa black holes sida magacooda ka muuqatana xattaa ileysku kama fakado oo wax kaste way liqdaa!

![God madoobe](https://i1.wp.com/www.sciencenews.org/wp- content/uploads/2019/12/122119_YE_1_main_1440.jpg?resize=720%2C350&ssl=1)

Black Hole

April 2019-kii ayee markii ugu horeysay black hole sawirkiisa soo heleen bahda cilmiga iyagoo isticmaalaya 8 radio observers oo saaran 6 buurood oo ku kala yaala 4 qaaradood. Einstein oo 60 sano wax ka badan mootan ayaa la caddeeyay waxa uu sii sheegay in ay run tahay.

Einstein muusan sheegan nabi nimo, malaaigta ayaan la sheekeystaa muusan oran, ilaahii furayaasha cilmiga adduunka haayay ayaa ila soo hadlay muusan oran ee waxaas oo waxyi ah waxa ku soo dajiyay waa qalinka oo kaliya haddana kun nabi mey sheegin uunkana kumaysan soo kordhin inta uu isagu ku soo kordhiyay!

Nabiyadiinu haddii uu ilaahay la soo hadlay maxay cilmi intaa le’eg ama xattaa ka daba dhow usoo daah rogi waayeen ama waxay sii sheegeen cilmigu indhaha u saari waayay inta ay ku meereysanayaan sida musqusha loo galo iyo gacanta wax lagu cuno?

Nabi nimo haddii ay cizo tahay Einstein baa ku xaragooday!