Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Waa maxay Saynis?

Darik Badawi

-

3/23/2022

Waa maxay Saynis?

Waa maxay saynis?

Inta aanan faahfaahin qeexitaankeyga, aan bal eegno sida ay u qaateen dadka kale. Qaar badan oo dadka ka mid ahi waxay u haystaan in uu saynisku matalayo waxqabadka saynisyahannada xirfadda leh: qofka sita labbiska shaybaarka oo beecinaya kareenkii ugu danbeeyay ee loo soo saaray ka hortagga laalaabka maqaarka oo ku xayaysiinaya ereyada “sayniska ayaa dhahaya… ” Kuwa kale waxay qabaan in saynisku yahay aqoonta ay soo saaraan saynisyahannadu: xaqiiqooyinka lagu dhigo fasallada kimistiriga, bay’olajiga, fiisigiska, jiyoolajiga iyo wixii soo raaca. Xaqiiqooyinkaasna ay isku gaddiyaan tiknoollijiyad, amase u dabaqidda si baraaktikaal ah aqoonta sayniska sida—hormarinta daawada antibiyootiga, kombiyuutarro, layzarro iyo wixii la mid ah.

Balse aqoonta saynisku inta badan waa mid ku meel gaar ah, qaar ( ma aha dhamaantood) waxa aan helno aakhirka waa laga gudbaa, amase waxaa buriya waxyaabo kale oo aan dib ka helno. Taasi ma aha daciifinimo ee waa awood, fahankeenna ugu fiican daahiro dabiici ah wuu isbeddelaa kolka uu isbeddelo hab fikirkeennu, qalabka aan ku eegayno dabeecadda iyo waxaan ka ogaanno dabeecadda qudheedana ay isbeddelaan. “Aqoon” kasta oo aan la muraajaceen karin kolka uu sare u kaco xogaha aan hayno iyo hannaan fikirkeennuba uma qalanto magaca aqoon. Noloshaydii, waxaan soo gaaray xilli la aaminsanaa qaaradduhu in ay taagan yihiin, laakiin hadda waxaan ognahay in ay socdaan— heerka ay ku koraan ciddiyaheennu mid la mid ah in ay ku socdaanna. Kownka sidoo kale waxaa loo haystay in uu neg yahay, ebedkiisna uu ahaa sida hadda uu yahay, ilaa la soo gaaray 1929kii kolkuu Edwin Habbal (Edwin Hubble) uu caddeeyay in uu kownku fidayo, goor danbena, 1964tii, ay saynisyahannado daahfureen shucaacii soo baxay bilowgii kownka kuna baahay caalamka oo dhan, kaasi oo loo garan ogyahay Baakgaroond raadiyeeshan (background radiation)¹ waxay xujo iyo caddeen u noqotay in kownku hal bar ahaa bilowgii dabadeedna uu fiday “big bang”. Xitta sanaddii aan dhashay 1949kii, kana hor wax ka yar saddex sano kolkii ay daahfureen Watson iyo kiriik ( Watson and Crick) qaab- dhiska DNAeeda² dad badan waxay u moodayeen in walaxda dhaxaltooyada noolaha ay tahay borotiin.
Waxa la ogyahay mararka qaar way isgeddiyaan, sidaa owgeed saynisku maahan aqoon taagan.

Waxaa soo haraya markaa, waxa aan u arko dhab ahaan in uu yahay “saynis” kaasi oo ah manhaj/hab loo adeegsado fahanka sida kownku uu dhab ahaan u shaqeeyo ( maaddada, jirkeenna iyo dabeecaddeena, dunida iwm). Saynisku waa xirmo aalad ah, oo taniyo aamanuu, isa soo hagaajinaysay, oo aan ugu hiranno jawaab u helidda su’aalaha aan iska waydiinno dabeecadda. Waa hannaanka aan tixraacno kolka nala su’aalo ” sidee ku ogaateen arrinkaa ?” Kadib markaan ku andacoonnay “shimbiruhu waxay ka soo tadawureen Daynasoorro” amase aan ku doodno “walaxda dhaxaltooyada in aysan ahayn borotiin, ee ay tahay DNA.”

U arkiddayda sayniska sidii aaladdii oo kale waa waxa uu Michael Shermer ku tacriifiyay ” urur manhajyo ah oo soo saara aqoon la tijaabin karo una furan xaqiijin iyo burin.” Taasi waa qeexitaan fiican, balse sababta adeegsida manhajiyaddaas ka dambeesa waxay ka imaanaysaa oo sheegay fiisigisyahankii xiisaha lahaa caankana ahaa Richard Feynman:
“Waa in aadan naftaada sirin, adigu waxaa tahay qofka ugu fudud ee la siri karo, sidaa awgeed waa in aad arrinkaa ka feejignaato.”
Si la mid ah qof kasta, saynisyahannada waxaa ibtilayn kara waxaa loo yaqaan konfarmeeshan baayas ‘confirmation bias’ oo ah u xaglinta ateeshan siinta xogta waafaqaysa aaminaadeenii iyo filashooyinkeenii hore. Laakiin si la mid ah dhammaan dadka maanshiilka ah, waan in aan qiranno hal uu Foolteer (Voltaire) xusay 1763dii: ” xiisaha aan u qabo rumaynta shay cadayn uma aha jiriraanka shaygaas.” Shakiga iyo dhaliisha sayniseed waxay mihim u yihiin sababta uu sheegay Feynman: in ay naga ilaaliyaan iska rumaynta waxaan jecelnahay in ay run ahaadaan. Feynman oraahdiisa qaybta siridda naftaada waa mihim, maxaa yeelay sida uu u arko in saynisku runta u helo waxay lid ku tahay sida ay diintu runta u hesho. (Feynman wuxuu ahaa alle-koood, waxaana tuhmayaa markuu sidaa qorayay in uu ka fekerayay diin.) Sidaan arki doonno, diintu waxay aad ugu raran tahay nooca confirmation biaska dadka ka yeela in ay diintooda u arkaan run, kuwa kalena been. Si kale, diintu waxay wadataa astaamaha ka caawinaya qofka in uu naftiisa siro.

Marka aan ku sifeeyo sayniska in uu yahay waddada loo maro helidda runta, runta aan ujeedo waa “runta ku saabsan kownka” — waa nooca runta uu qeexayo qaamuuska Englishka ee Okisfoodh “Oxford English Dictionary” oo ah “waafaqifda xaqiiqada, heshiis la’anshihiyaha runta, saxnaanta hawraar ama aragti.” Haddii aad ka baarto ereyga “xaqiiq” wuxuu ku qeexayaa ” shay dhab ahaan u dhacay amase run ah; shay dhab ahaan loo ogyahay in uu yahay sidaa. Sidaa awgeed, wax run ah waa wax lagu ogaaday dhugasho dhab ah ama marqaati lagu kolsoonaan karo, taasi oo lid ah ku ah wixii malo ama khiyaali ah.”

Si kale aan u dhigee, si fudud runtu waa waxa dhab ahaan u jira oo ay hubin karaan eegayaal garaadleh oo kala madax bannaan. Waa ‘run’ in DNAeedu tahay ‘dhabal hiilakis’³, in qaaraduhu socdaan, iyo in dhulku ku meeraysto qorraxda. ‘Run’ ma ahan, ugu yaraan siduu qaamuusku u arko, in qof la soo hadashay awood sare (waxyi). Sheegashada sayniska waxaa xaqiijin kara qof kasta oo haysta qalab sax ah, Halka waxyiga uusan run aheen madaama aan qof kale xaaiijin karin, in kastoo uu ka tarjumayo qof dareenkiisa (Nebiyadu iyaga unbuu Eebbe la hadlay oo qof kale lama ogo). Buuggaan dhexdiisa kuma isticmaali doono mecnaha ‘runta’ ee lagu jaahwareerayo ee Ipistimoolajiga⁴, waxaan un adeegsan doonaa ereyada ‘run’ iyo ‘xaqiiq’. Ogaal/aqoon qeexitaankiisa waxaan u qaadanayaa ” ku fahmidda maskaxda xaqiiqada, haleelid cad oo dhab ah xaqiiqada.”

Sida aan kor ku soo xusnay, haddii saynisyannado si wayn isugu waafaqaan waxa runta ah kama dhigno in runtaas aysan weligeed isbeddali doonin. Runta sayniseed waa mid ku meel gaar ah: ma jiro gambaleel dhawaaqaya oo kuu sheegaya markaad saynis sameenayso inaad gaartay runtii kama danbaysta ahayd, oo aadan u baahnayn in aad sii socoto. Runta kama danbaysta ah ee aan la baddali karin waxaa iska leh loojiga iyo xisaabta, ee malahan sayniska ku salaysan tijaabada. Sida uu sharraxay Faylasuufkii Walter Kaufmann, “waxa soocaya aqoonta/ogaalka ma ahan hubidda ee waa daliilka.” Daliilkuna wuu isbeddeli karaa. Way sahlan tahay in aad hesho xaalado run sayniseed la aqbalsanaa, goor danbase la buriyay. Kor waxaan ku soo xusnay qaar, kuwa kaloo badannna way jiraan. Taariikhda sayniska waxaa jirtay xilli la aaminsanaa in uu dhulku yahay bartanka kownka (geocentrism), waxaa kaloo la aaminsana fikraddii giriiga aheed ee “dheellitirnaanta afarta dareere (four humors)” oo dheellitir-la’aantood cudurradu ka dhashaan oo kala ah (Dacarta madow, dacarta jaallaha ah,diifka iyo dhiigga). Xilligaan casriga shucaac dad badan arkayn oo uu saynisku aqoonsaday 1903, loona bixiyay (N rays) waxaa dib laga ogaaday in uusan dhab ahayn, oo uu ka dhashay confirmation bias.
Atamyada⁵ waxaa jirtay xilli la aaminsanaa in ay yihiin qurubyo maaddo oo aan la sii qaybin karin. Xitaa waxaa jirta mar daahfuryo been ah Noobal Barayz lagu abaalmariyay oo ahayd in gooryaanka “Spiroptera carcinoma” uu sababo kansar
Daahfuryadaas aan saxda ahayn Johannes Fibiger waxay siisay amaalbarinta “Nobel Prize in Physiology or Medicine,” cilmibaarayaal ayaa gawr danbe xaqiijiyay in natiiijada uu gaaray ay khalad ahayd: gooryaanku waa mid ku sababa burro unugyo kolkii hore kansar ku dhacay. Balse Fibiger lagama ceshan abaalmarintiisa, maxaayeelay daahfuryadiisu run bay u muuqatay markii la siiyay.

Isgedinta qaar runaha sayniseed waxaa hub ka dhigta koox diimeedyo oo ku dhalleeceeya sayniska isrogrogiisa. Saynisku wuu khaldami karaa, balse arrinkaas wuxuu si khalad u qeexayaa isku-day kasta oo lagu ugaarsanayo xaqiiqada, ha ahaado mid sayniseed amase diimeed.
Haddii hab fikirkeenna ama qalabyada sayniseed isbaddalaan, muxuusan isku baddaleen fahankeenna dabaceedda ? Saynisyahannada dhexdooda waxaa caan ka ah oraahda “waxaas waan burin karnaa,” tusaale in la caddeeyo qaaciddada biyaha in aysan ahayn H₂O, iyo in la caddeeyo runnimada qaacidadaas waxaa fudud tan hore. Maxaayeelay eegmooyin cusub ayaa imaan kara oo qallibi kara aqoonta aan haysannay. Tusaale aragtida tadawurka, dhammaan saynisyahannada garaadka lihi waxay u tixgeliyaan in ay run tahay, maxaayeelay waxaa caddeemo ku taageeray cilmiyo badan oo kala gaddisan. Laakiin waxaa jira waxyaabo burin kara aragtidaas hadday soo baxaan, sida waqti khalad ah, in laga helo foosil noole⁶ lakab dhagaxeed, sida haraadi naasley in laga helo lakab dhagaxeed jira afar boqol milyan oo sano, ama aan aragno laqabsi noole oo u faa’ideenaya noole kale oo qura, sida jeeb ku yaala woolabi (wallaby) oo qaada dhalaanka Kawaala (koala)⁷. Ilaa hadda ma aysan soo bixin caddeemo noocaas ah, marka tadawurku waa xaqiiq sida saynisku u arko, waa waxa Istiif Gooldh (Steve Gould) ku qeexay Eegmo la xaqiijiyay ilaa heer ay noqonayso dhaga-adayg iyo macangagnimo in aad si ku meel gaar ah u aqbali diiddo.

Dadka qaar intaa waa ka sii durugsan yihiin, waxay ku andacoodaan in ‘run sayniseedku’ ku meel gaar un aysan aheene, ey aalaaba isbeddesho. Waxay ku haaraamaan sayniska in uusan ku fiicneen sideedaba fahmidda runta, oo ay wacan tahay in laga feejignaado.

Inta badan doodaha ‘isrogrogidda’ sayniska ku eedeeya waxay khuseeyaan daraasadaha cilmiga caafimaadka—sida tayada ka hortagga wadne xanuunka aaspiriin uu leeyahay maalin kasta la qaato, iyo wanaagsanaanta raajo saarista sanad kasta naasaha si loo sii ogaado kansarka naasaha(mammograms)— oo ay badanaaba natiijadoodu isbedesho kolka sambal laga qaato dad kale. Waxaa mudan in la xasuusto, badanaa baaritaannada sayniska waxay run noqdaan kolka lagu soo celceliyo marar badan, saynisyahannado tuhun ku jiro ay ku soo celiyaan, amase loogu soo celceliyo si loogu saleeyo waxqabad kale.
Ogoobey, waxaan u tixgelinnaa ‘run sayniseedyo’ badan in ay yihiin hubaal aan laga yaabin in ay isbeddesho. Nolosheeda waxaan lacag shaqeestay waan ugu qamaari karaa in DNAeeda unugyadeeda ku jirta uu qaab-dhiskeedu yahay dhabal hiilakis, in moolkiyuulka biyaha caadiga uu ka kooban yahay laba Haydorojiin iyo oksijiin, in xawaaraha iftiin ku safraya meel maran uusan isbeddeleen (uu ku dhaw yahay 186,000 mayl halkii sikin), iyo noolaha nool ee u dhow isir ahaan insaanka ay yihiin labada dir ee Shimbaansiiga. Si kastaba, nafsadaada ayaa ugu qamaartaa maalin kasta sayniska, markasta oo aad qaadanayso daawada antibiyootiga, insiliinta⁸ iyo daawooyinka ka hortagga kolistaroolka.
Haddii aad doonayso in “caddeentu” noqoto mid xooggan oo aad gurigaaga ugu khamaari karto, saynisku mararka qaar waa sidaa.

Maxay ka kooban tahay aaladda saynisku ?
Inteenna badan si la mid ah, waxaa dugsiga sare la igu soo baray in uu jiro wax loo yaqaan manhaj sayniseed “scientific method” oo ka kooban ” malo (hayboosasis),⁹ tijaabo iyo hubin (confirmation).” Waxaad maleesay tusaale in DNAeedu ay tahay walaxda dhaxaltooyada noolaha, ka dib waxaad ku tijaabisay malahaaga shaybaarka (sida middii kalaasigga ahayd ee la sameeyay 1944, oo ku luglahayd ku talaalidda DNAeeda Bakteeriyo cudur sababeesa mid aan cudur sababeen, kadibna la eegay in bakteeriyadaas ay sababi karto cudur una gudbin karto ‘awooda cudur sababidda’ dhalaankeeda). Haddii odoroskaaagii run noqdo ‘malahaagii’ daliil baa ku xoojisay, haddii lagu soo celceliyo oo ay sidaa run ku noqoto dhawr mar malahaagii waxaa loo tixgelinayaa run. Balse saynisyahannada iyo falaasifaduba waxay hadda isku waafaqsan yihiin in uusan jirin hal manhaj sayniseed. Inta badan waxaa qasab ah in aad soo uruuriso xaqiiqooyin inta aadan hayboosasis samayn. Waxaa tusaale noo ah dhugashooyinkii Daarwin, kolkuu ku safrayay markabkii Biigal in jasiirad baddeedyada¹⁰ ku nool yihiin shimbiro, cayayaan iyo dhir dhalad u ah oo aan adduunka meel kale laga helin, tusaale diraha kala geddisan ee shimbiraha finjiga ee jasiiradaha Galaabagooska iyo tixsiga furuutfalaay ee jasiiradaha Haawaay. Intaa waxaa dheer jasiirad baddeedyadu inta badan malahan xamaarato, berri-biyood iyo naasley dhalad ah, hadana noolahaasi waxay ku baahsan yihiin qaaradaha iyo jasiirad qaaradeedyada sida biritan (great Britain) oo mar ku dhaganeed dhul wayn. Xaqiiqooyinkaas ayaa ka caawiyay Daarwin in uu allifo aragtidiisii tadawurka, eegmooyinkaasi ma sharrixi karto abuuris Eebbe (abuure wuxuu gayn karay noolaha meeshuu doono). Balse waxay na tusinayaan in shimbiraha, cayayaanka iyo dhirta u dhashay jasiirad badeedyada ay ka soo tafiirmeen isir awooday in uu u soo haajiro meelahaas. Cayayaanka, miraha dhirta iyo shimbiruhuba waxay awoodaan in ay u soo haajiraan meelahaas, duulimaad, heehaabid biyaha dushooda amase sooraacidda hawada ha ku yimaadeene, halka aysan u suuroobi karin naasleyda, xamaaratada iyo berri- biyoodka.

Mararka qaarna tjaabadinta hayboosasis kuma lug laho ‘baaris’ iyo tijaabo toos ah, balse eegmo—weliba waxyaabaha dhacay waa hore.¹¹ Way adag tahay in aan baaris ku sameenno cilmiga Kosmoolajiga¹² laakiin waan ku kalsoonnahay aragtida ‘big bang’ maxaayeelay waxaan aragnaa waxyaabaha ay odorasayso aragtidaas sida fidista kawnka iyo shucaaca background radiation oo xujo u ah. Dib-udhiska taariikheed waa hab sax ah oo sayniska loo sameeyo in allaaliyo intaan awoodno in aan u isticmaalno eegmooyinka tijaabinta aragtiyaheenna (tan ayaa ka dhigaysa aarkiyoolajiga iyo maaddooyinka taariikhda mid saynis ah).

Abuurista kuwa aaminsan waxay ku dhaleeceeyaan tadawurka in aan la arki karin asagoo dhacaya hadda, wayna caddahay in ay moogaan kaga sugan yihiin daliilka wayn ee taariikheed, oo ay ku jirto kaydka foosilka ( fossil record), haraadiga DNAeeda ee hiddosidaheenna ku jirta¹³ iyo naqshada juqaraafiga nolosha ee aan kor ku soo sheegnay. Haddii aan aqbalno wixii aan dhaayaheennada ku aragno inta aan noolnahay oo qura, waxaan daaqada ka tuuraynaa taariikhda insaanka oo dhan.

Halka ay aragtiyaha sayniseed ay odorosyo sameen karaan, sidoo kale waxaa lagu tijaabin karaan waxaan u aqaan “retrodictions” oo ah: xaqiiqooyin hore loo yiqiin oo aan la sharrixin, kuwaasi oo mecno sameeya kolka ay soo baxdo aragtidu. Aragtidii Aynistayn ee general theory of relativity waxay awood u yeelatay in ay sharraxdo tubta/marinka meeraha Dusaa (Mercury) oo ay sharrixi waysay aragtidii Newton ee socodka walaxaha waaween (classical mechanics). Tinta yixda ee ku taal ilmaha dadka ee lix bilood ah, oo inta badan daadata dhalashada kadib, waxay mecno ku sameen kartaa aragtida tadawurka dhexdeeda un, tintu waa haraadi ka haray isirka aan la wadaagno baraymetka¹⁴ kuwaasi oo ay u soo baxdo yixdaas marxaladda dhalaanka insaanka oo kale markuu marayo laakiin aysan ka daadan. ( tintu sideedaba uma fiicna uurjiif dhex dabaalanaya dareere qandac ah).

Ugu danbayn, Badanaa waxaa la yidhaahdaa astaanta soocaysa saynisku waa tirada: wuxuu saynisku ku saleesan yahay nambaro, xisaab iyo cabbirro. Laakiin taase run ma ahan mar kasta. Hal isle-eg xisaabeed kuma jirto buugga Daarwin ee “On the Origin of Species” iyo dhamaanba aragtida tadawurka, inkastoo, mararka qaar xisaab ahaan loo tijaabin karo tadawurka, haddana si cad ayaad u sheegi kartaa adoo tiro u baahan.

Waxaa jira astaamo mihim ah oo ka soocaya sayniska diinta, saynis-beeneedka iyo waxayaabaha kale ee aan ugu yeerno “hababka kale ee wax lagu ogaado. “
Inkastoo falaasifadu ku doodaan mihiimadda ay leedahay, saynisyahannado balse si wayn ayay u aaminsan yihiin karayteeriyada suuroobidda burinta (falsifiability)¹⁵ in ay tahay daw mihim ah oo lagu raadiyo runta. Taa uu mecnaheedu yahay aragti amase xaqiiq si loogu arko mid saxan waa in ay jiraan waddooyin lagu tusin karo in ay khalad tahay ama ay guuldareesatay. Waxaan soo xusay sida aragtida tadawurku u tahay mid ay suurto gal tahay in la buriyo: waxaa jira habab badan oo tusin kara in ay khalad tahay laakiin weli ma soo bixin, u xusul-duubid farabadan oo lagu burinayo aragti marka ay guuldareesato aragtidu waxay noqonaysaa sharraxaada ugu fiican daahiro dabiici ah, sidaa ayaana ugu arkeenaa in ay run tahay.

                    ***  

Qaybtaan yar ee aan ka soo gogtay buugga Jeeri A. Koyn ee “Faith Versus Fact” uma tarjumin si xarfi ah ee waxaan ku sameeyay tarjumo nuxurka soo koobaysa.
***

—————————

Sharrraxaad iyo siyaado:

¹”Background radiation” waa iftiinka ugu da’da wayn, saynisyahannado maanta waxay aaminsan yihiin in shucaacaas soo baxay bilowgii kownka, kuna baahay kownka idil ahaantiis, wuxuuna ka mid noqday adilladii xoojisay aragtida “big bang.”

²DNA Waa Moolkiyuullo laga helo unugyada noole kasta oo sida dhamaan xogta mihimka u ah dhisidda jirka noolaha. Uuna u gubiyo noole dhalaankiisa. “DNAdu waa afar moolikiyuul oo Naytrojiin ah oo dhaadheer kuwaas uu u wada socda lalabo. Afartaas molikiyuul waxay kala yihiin: Adhaniin (A), Guwaaniin(G), Saytasiin (C) iyo thaymiin (T). Xigasho: qoraalkii “dhalaanrogmadka iyo aragtida tadawurka”

³Double helix waa qaab-dhismeedka DNAda, Moolkiyuullada DNAeedu waxay iskugu duuban yihiin sidii laba jaranjaro oo isku maran.

⁴Epistemology waa laan falsafadda ka mid ah oo baarta “aqoonta” waxay isku daydaa ka jawaabidda su’aalaha sida: waa maxay aqoon? Sidee wax lagu ogaadaa ? Waa maxay run ?
Qoraagu wuxuu iska fokeeyay doodda madhaleeska ah ee falsafad kolka ay baarayso “runta” qolo walba dhinac ayay u jiidaa oo warkoodu ma dhamaado.

⁵Atom waa waxa ugu yar oo ay ka kooban tahay maaddo/walax( maaddo waa wax kasta oo la taaban karo). Kol hore waxaa la qabay in atamku sii qaybsamin, balse Hadda waxaan ognahay in atamku u sii qaybso oo uu ka kooban yahay saddex baartikal oo kala ah: Boroton, Niyuutoron iyo elektron.

⁶Fossil: waa haraadi duugmeed, summad amase raad noole ka hara, oo ku dhawrsammay oogada dhulka, foosilka noole ma ahan isaga qudhiisii ama lafihiisii ee waa qaybta jirkiisa adag oo ku shaqlamantay ama ku dhagtay ciid iyo lidiq isqabsaday dhagaxna isku rogtay. saynisyahannadu waxay awoodaan in ay sheegaan taariikhda foosilku sameesmay, haddii la helo haraadi dadeed oo jira 1 milyan oo sano aragtida tadawurku way buraysaa, maxaayeelay insaanku wuxuu soo baxay 300 kun sano ka hor, ka hor waxaa jira noole dad lamood ah oo isir u ah insaanka.

⁷Kawaala iyo Waalbi waa laba xayawaan oo ilmahooda moqor jeeb ah ku koraya sida Kanguruuga, haddii aad soo hesho jeeb Kawaala oo koriya un dhalaanka Waalbi way buraysaa aragtida tadawurku.

⁸Insaliintu waa dheecaan lagu duro qofka qaba cudurka sokorowga(diabetes) wuxuu ka caawiya qofka in ay u dareerto sokorta dhiigga ku jirta nudayaasha kale ee jirka si loogu isticmaalo tamar ahaan.

⁹Kolka aad wax dhugato oo su’aal iswaydiiso waxaad u sameesaa waxaad dhugatay sharraxaad la tijaabin karo kolkaas waxaad maraysaa Hayboosasis, Hayboosasiskaadu waxbuu odorasayaa, haddii odoroskaadu sax noqdo laguna soo celceliyo natiijooyinka aad gaartay waxay hayboosasiskaadu u gudbaysaa run sayniseed.

¹⁰Jasiirad baddeedyo (oceanic island) waa dhul ka soo baxay badda sagxaddeeda oo aan weligeed ku xirnayn qaarad. Jasiiradahaan lagama helo inta badan naasleey iwm (marka laga reebo kibilliga oo ah naasley duusha) maxaayeelay badda ma soo dul mari karaan mana kor mari karaan. Noolaha ku neg jasiiradahaas waxay ka soo tafiirmeen kuwa yimid waa hore halkaa. Daarwin wuxuu garawsaday in Eebbe haduu doono uu keeni lahaa jasiiradahaas naasleyda iyo kuwa kale ee aan biyaha ka soo tallaabi karin, madaama taasi aysan dhicin waxaa u soo baxday sharraxaada ugu fududi waa in uusan Eebbe soo faragashan halganka iyo socodka nolosha.
Jasiirad qaaradeedku (continental islands) waxay ku dhaganaayeen qaarad laakiin goor danbe ayay ka hareen, waxaa sababa bi kara sara u kaca heerka badda.
Waxaa ka mid ah Jabbaan iyo Madagaskar.
Jasiiradahaas waxaa laga heli karaa naasley iwm maxaa yeelay waxay joogeen inta aysan qaaradda ka harin.
Maxaa nooleyaasha qaar looga helaa jasiirad baddeedyada, qaar kalena ay uga maqan yihiin ? Suaashaas iyo kuwa la tow ahba waxaa ka jawaabi karta aragtida tadawurka waxaana lagu baaraa cilmiga juqaraafiga nolosha (biogeography).

¹¹Wuxuu u jeedaa waxyaabaha qaar kuma hubin karno itus oo itaabsii ee waxaan ka fahmi karnaa waxyaabha kale ee aan dhugan karno.

¹² Kosmoolaji: waa cilmiga lagu barto asalka kownka iyo halkuu ku danbeen doono.

¹³Waa DNA kolkii hore waxqabad lahayd laakiin hadda aan waxba qaban. Waxaa tusaale ah firsadaha GLO oo noolayaal kale u soo saara dheecaan oo ay u adeegsadaan sameesashada vitamin C, laakin aan u shaqeen baraymetka kooxda la dhaho oo ay ka mid yihiin Shimbaansiiga iyo dadkuba, maxaayeelay si toos ah ayay cuntadooda kaga helaan vitamin Cga. Firsadaha wuxuu la shaqayn waayay waa xarfo DNA ah oo ka maqan, markii la baarayna isla xarfaha ka maqan dadka ayaa ka maqan Shimbaansiiga iyo baraymatka kale, taasi oo caddenaysa in dhalaanrogmadkii tuuray xarfahaas aan kawada dhaxalnay hal isir. Eeg buuggisa kale ee “Why evolution is true.”

¹⁴Primates waxaa la isku dhahaa koox ay ku jiraan Shimbaansiiga, gorillaha iyo dadka.

¹⁵Aragtida “Falsificationka” ee Faylasuufkii sayniska ee qarnigii 20aad Kaarl Bobbar (Karl popper) waxay sheegaysa in waxa kala soocaya sayniska iyo saynis- beeneedka ay tahay suurtagalnimada burinta odorrosyada ay sameenayso aragti. Bil matal, aragtida tadawurku sidaan ognahay waxay sheegaysaa in noolaha oo dhami ka yimid hal isir dabadeedna u kala go’ay nooleyaal kala duwan, waxyaabaha ay odorosayso waxaa ka mid ah, in la heli karo nooleyaal u dhaxeeya laba noole oo kala jabay sida Shimbaansiiga iyo insaanka, odoraskaas in badan waa la xaqiijiyay, oo hadda kaydka duugyada (fossil record) waxaad ka helaysaa nooleyaal u dhaxeeya dad iyo daanyeer sida Astaraloobisikaas (Austra lopithecus), oo lahaa astaamo u dhaxeeya dad iyo daanyeer, sida dadka, wuxuu ku socon jiray labada lugood, balse maskaxdoodu way yarayd sida Shimbaansiiga, wajigodana wuxuu u dheeraa sida daanyeerka.
Sidoo kale aragtida tadawurka waxaad ku burin karta haddii aad soo hesho laba noole oo uu kaydka Foosilku kuu sheegayo in ay isku isir yihiin balse DNAeedu sheegayso amase cilmi kale in ay kala fog yihiin, tusaale Nibiriga iyo afar- qoobleyda kale foosilku waxuu noo sheegayaa in ay hal isir ka yimaadeen, Nibiriguna yahay Naasley biyaha la qabsatay oo waxaan haynaa foosilkii awoowayaashiisa oo ku xiraya afar-qoobleyda, haddii DNAeedu ay noo sheegto in Nibirigu u dhow yahay kalluunka aragtida tadawurku way buraysaa. Balse DNAeedu way waafaqday foosilka.
Sidaa ayay aragti sayniseedku kaga bayraysaa waxyaabaha aan sayniska aheen, diin ha noqdaan amase saynisbeeneedyo. Haddii qof ku andacoodo in Ilaah la soo hadlay ma jirto waddo lagu buriyo iyo mid lagu xaqiijiyo toona. Waxaa kaloo baxaya aragtiyaha fasir sameesatka kaga baxsada hubinta. Miisaale, qof haduu dhaho Eebbe ayaa ducada aqbala, oo aad damacdo in aad xaqiijiso oo aad tiraahdo bal aan barinno Eebbe bal in uu na ajiibo, kolkaad waysaan cid idin ajiibta fasirro uu ku baxsado ayuu sameesanayaa, sida Eebbe ducadeenna wuxuu la aqbali diiday danbiga aan galnay, Eebbe wuu noo kaydinayaa ducadeena, Ebbe wuxuu ogyahay in ducadeena aqbalkeeda aysan maslaxad noogu jirin, Eebbe wax kale ayuu noogu baddalaya ducadeenna iwm.