Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maxad kala socota diinta cusub ee ibraahimiyada

Cabdiraxmaan macalin cilmi

-

7/4/2022

Maxad kala socota diinta cusub ee ibraahimiyada

Asc magacaygu waa cabdi raxmaan cilmi xuseen

Kusoo dhawow xog ku saabsan diinta cusub ee ibraahimiyada

Ibraahimiyada waa diin cusub oo larabo in laga sameeyo waxa ay islaamla,kiristaaniyo yahuda isku waafaqsan yahiin lagana tago waxa ay isku khilaafsan yahiin muhiimada ugu wayn waxay waa in laga tago waxa la isku khilaafsan yahay
Ibraahimiyada waxa la raba in laga sameeyo waxa ay isku waafaqan muslimka,kiristanka iyo yahuuda iyo hale kale oo hada laqoro taas oo keenaysa in muslimka ay katagaan quraanka iyo nabi muxamad scw maadama ay kiristan iyo yahuuda ay rumaysneen quraanka iyo nabi maxames scw

Waxay rabaan diimahas ay isku dareen in ay kasoo saaran diin yahuuda iyo kiristaanka dantooda ku jirto ayna ayaga maamulan gacantoodana ku jirto ileen meel quranka looga tagay nabi muxamed scw na lagu caasiyay islaam dantoda kuma jirto
waxay raban in islaamka la marin habaabiyo isku dayo badan oo larabay in lagu marin habaabiyo way suurto galiwaysay waxa kamid ah in kuwa aan iimanka lahayn lacag lagu gaalaysiiyo oo way usocon waysay oo maanta markay 10 gaalaysioyan 100 aya islaamaysa markas bay uso jeesten idinka diintina kasoo taga anagana waan kasoo tagyna si dhax isugu imaano dad ka kiristaanka way raacayaan oo waa dad aan aqoon xita baybalkooda oo ma akhriyan ayaga aya baadariyadooda is khliaafsan yahiin sidaas darteed hadii loo sheekeyo oo waxan jirin lagu akhriya way raacayan 90% yahuudna ayada ayaba wadata diintan cusub laakin anaga muslimka ah wax walba quraan ayan naloogu cadeeyey oo kii iiman leh maraacayo
Siwalba oo ay ku doonayan in islamka ku gaalaysiyaan way samaynayaan oo xita diintoda way kabaxayan si ay qofka muslimka ah kaga saaran islaanimadiisa oo watay nabi muxamed scw gaaladii ku dhaheen maalin diintena noorac oo sanamka nala caabud anagana maalin ayan ilhaga kula caabudayna oo watay kusoo dagtay suurada alkafirun oo nabi muxamed ku yiri لكم دينكم ولي دينو

Anaga maanta waxan u baahanahay inaan dhahno wardiina haysta ama kamabaxa i
dinkay idiintala anaga muslim ayaan nahay alle oo kaliya ayaan caabudna kitaabka quraanka iyo dhamaan nibiyadi lasoo dirayna waan rumaysanahay

Sababta loogu bixayay diintan cusub magaca ibraahimiya
Sababta aya ah in dhamaan sadaxdan diimos ee islaamka,kiristanka iyo yahuuda ay kasiman yahiin rumaynta ay rumaysan yahiin nabi ibraahim cs ayado midba qaab gooni ah urumaysan yahay
Sadaxda diimod

1 islaamka waa diinta labaad ee caalamka dadka ugu badan rumaysan yahiin waana diinta ugu badan ee maalin walba ay soo galaan dad aad u tiro badan oo waxa lasadalinaya inay ay noqon doonto diinta dadka ugu badan aamin sayihiin marka lagaaro 2070 islaamku waxay caabudan allha xaqa lagu caabudo oo kaliya waxay rumaysan yahiin dhamaan nabiyadi lasoo diray nabi muxamed iyo ku wii ka horeeyey ba

2 kiristaanka waa diinta ay dadka ugu badan caalamka haystaan waxay caabudaan nabi ciise cs waxay haystaan injiishi lagu soo dajiyay nabi ciise cs inkastoo ay aheen mida ay hada haystaan injiishi saxda ahayd oo ay wax badan ka badaleen

3 yahuud waa dad gaaraya 15 milion waxay heestan kitabki lagu soo dajiyay nabi muse cs ee towraad inkasto iyadana ay wax ka badaleen oo ay ka dhigeen mid lagu aflagaadeyey islaamka,nabi muxamed scw iyo nabiyo badan oo ka horeeyey
Waxyaabaha ugu waa wayn ee ay isku khilaafen sadaxsa diin ee islamka kiristan iyo yahuuda

Kiristanka waxay nabi ciise cs u rumaysan yahiin inuu yahay wiil ki alle iyo ilaah

islaamka waxay nabi ciise cs urumaysan in uu aha nabi alle soo diray oo uusan ahayn wiil ki alle ama ilaaah oo alle lama dhalin waxna ma dhalin

yahuuda waxay nabi ciise cs ka aamin san yahiin mid beenale ah oo dadka indho saracaad sixir iyo wax aan jirin kusoo jeedin jiray dadka subxana allah

kiristaan waxay qudus ka aamin san yahiin halkii lagu istilaabeyey nabi ciise cs laguna dilay oo dhiigisa ku daatay

yahuuda darbiga kaga yaala dhanka galbeed aya u aamin sanyahiin inay tahay halkii aduunka laga unkay waana darbiga ay madaxa saar saran oo loo yaqano western wall waxa kale oo ay aaminsan yahiin in ay tahay goobti nabi ibrahim ku gowracay wiilkisi isxaaq cs

islaamka waxa uu runausan in baytul maqdis tahay messhi laga dheelmiyay nabiga NNKH habeenki
الاسراء والمعراج

kiristanka waxa kale oo ay aamin san yahiin in nabi ibraahim uu aha kiristan balse anaga quraanka aya naloogu sheegay
مَا كَانَ إِبْرَٰهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفًا مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينi
waxa maanta socda waa waxii quranka naloga digay

ولن ترضى عنك اليهود ولا النصارى حتى تتبع ملتهم
yahuud iyo ansaar kama raali noqonayaan inaad diinto raacdo ma ahe

Fg waxii khalad ah oo iga dhacay waad iga sixi karta waxad ka shakisana baar oo raadi
Mahad sanid
w/q cabdiraxmaan cilmi xuseen