Jawaabaha aan waafiga ahayn ee quraanka
Mo Yare
-10/19/2019
Haddii aad quraanka akhriday waxa aad marar badan ishaadu ku dhacday odhaah soo noq-noqonaysa oo u dhigan sidatan “Waxay ku weydiinayaan… – ويسألونك” iyada oo laga hadlayo dadkii waqtigii Maxamed noolaa ee aan rumayn nebinamadiisa, kuwaas oo isugu jiray Yuhuud iyo Carab intooda badani sanamyo caabudi jireen.
Dhammaan ayaadaha ay weedhaasi ku jirto waxa loogu jawaabayaa su’aallo ka imanayey labadaa qolo ee aan xusnay midkood. Madaama, nebigu dhex jooggay, waxay doonayeen in su’aallo maankooda ku taagnaa looga jawaabo. Waayo, nebigu waxa uu sheegtay in Ilaahay xiriir toosa la leeyahay oo farriin ugu soo dhiibay malagga Jibriil, kaas oo sidoo kale waydiimaha ka soo fula dadkana loogu sii dhiibi karo Ilaahay si ay dadku u helaan jawaabo waafiya oo qanciya.
Tusaale ahaan waxay ka warsadeen nabiga sababta dadku u dhintaan. Waxa uuna kaga jawaabay ayaaddan; (Naf walibaa geerida way dhadhimanaysaa, goob walba oo aad ku sugan thiinna geeridu way idin haleelaysaa – كل نفس ذائقة الموت وأينما تكونوا يدرككم الموت). Ilaahay baa xummaan ka nasahan ee sidee ku keenay jawaabtan cajiibka ah Nebigu!. Naf kastaba in ay dhimanayso wax cusub ma ahaa ee waa wax la iska wada ogyahay. Jawaabtan waxa garan kara dadka caadiga ah ee xittaa noola Maxamed hortii iyo gadaashiis ba. Su’aasha la weydiiyey waxay ahayd waan ognahay in la wada dhimanayo, laakiin, maxaynu u dhimanaynaa? Nasiib xumo way hungoobeen qoladii maalintaas ilaahay jawaabtiisa xikmadaysan u hanqal taagaysay iyo cid walba oo su’aashaas jawaabteeda quraanka ka raadisa.
Su’aal labaad baa la weydiiyey, oo ah maxay isu beddeshaa qaabka bishu maalmaha bisha, oo marna u weynaato marna u yaraato. Waxa uu kaga jawaabay ayaaddan odhanaysa; (Waxay ku weydiinayaan bisha iyo wixii ku sabsaan, waxaad ku dhahdaa; Waa waqtiga dadka iyo xajka -يسألونك عن الأهلة قل هي مواقيت للناس والحج). Mar kale darjiidh buu sameeyey, oo lama weydiin faa’iidada is beddelka dayaxa ee waxa laga warsaday sababta ka dambaysa is beddelka dayaxa ee marna uu iftiinkiisu yar yahay marna buuxo, taas oo aan maanta ka warhayno cilmi ahaan sababta ka danbeysa balse waqtigaas aanan aqoon durugsan cidi u lahayn sidaa darteed jawaabta Ilaahay kama duwanayn jawaabta ay bixin lahaayeen habraha waqtigaas noolaa.
Markale waxa la weydiiyey, waa maxay ruuxdu? Qisadii Nadar Binu Xaaris ee caanka ahayd waa laga war hayaa. Waxa uu kaga jawaabaya mar kale; (Waxay ku weydiin ruuxda, waxaad ku dhahda ruuxdu iyo warkeedu waa mid arrimaha Ilaahay ah, wax cilmi ah, oo aynnu ka ognahay, oo jira ayaa iska yar – يسألونك عن الروح قل الروح من أمر ربي وما اوتيتم من العلم إلا قليلا). Mar kale darjiidh baa halkaas ka muuqda oo ilaahay wuxuu u muuqdaa mid ka war-wareega inuu ka jawaabo su’aalaha dadka. Runtii haddii arday qaabkan uga jawaabi lahaa su’aalaha imtixaanka waxa hubaal ah inuusan darajo ku heleen jawaabtaas balse Ilaahay waxaa la qumanaatay inuu qaabkan iska daba wareegga ah ugu jawaabo cid walba isaga oo ka warhaya inay tahay farriintiisa u danbaysay ee uu adduunka u dirayay.
Su’aal kale ayaa laga warsaday, oo odhanaysa waa goorma qiyaamahu, waxa uu yidhi; (Ku dheh warkaas waxa innooga ogaal badan Ilaahay). Jawaab waafi ah halkaas lagama bixin mar kale.
Guntii iyo gebo-gebadii kolkii su’aalo baxar ah, oo aanu ka bixi karin lagu wareeriyey, jawaab waafi ah, oo lagu qancana aan mar qudha laga bixin ayaa waxa soo degtay aayad afwaajin ah, oo is hortaaga su’aalaha faraha badan lagu farayo dadka. (Kuwii eebbe rumeeyow, ha waydiinina(nabiga) su’aalo haddii la idinka jawaabo idin dhibaya – يا أيها الذين آمنوا لا تسألوا عن أشياء إن تُبد لكم تسؤكم).
Wixii aan jawaab loo hayn ee fashil laga dhaxlayo waa in taako la isaga dhiga si aan la isu baran, oo warku beenoobin.