Casrigii qaska iyo qalaanqalka!
Hiirad Golongol
-4/25/2022
Inkasta oo dadku wax qori jirey waxna akhrin jirey waxa aad u koobnaa cilmiga oo aan dadka wada gaarin, isdhexgal bulsho iyo xaddaarad wax la isugu gudbiyo aad ayey u yarayd. Dadku waxa uu ahaa raacato iyo beeraley. Waxa badnaa fakhriga iyo jahliga taas oo dhabbaha u xaartey in dadku isku tix geliyaan sidaa loo kala xoog weyn yahay amaba loo kala maal badan yahay. Tani waxay keentay in sharci loo arko kala riixashada maalka iyo mansabka tiiyoo ay sax tahay in uu qofka labadaa haysta ama middood uu kugu xukumo qaab muruq-maamul ah.
Qofka hantida leh ciidan u shaqeeya ayuu isku dubba ridan jirey, waxa uu ku weerari jirey deegaamo hor leh si uu u qaniimeysto awooddiisana u fidiyo. Gar iyo gardarroba isaga ayaa jid lahaa oo la dhegeysan jirey. Jasiiradda Carabta ama Gobolka Bariga Dhexe waxa intaa u dheeraa rag boqorro ah oo hibo gaar ah sheegtay, Boqornimada waxa u dheeraa in ay sheegtaan in uu Eebbe iyaga soo wakiishay.
Waxa kamid ahaa Maxamed (570-632) oo muddo isaga oo goonni socod ah dadka u sheegayey in uu yahay nin la weheliyo oo xagga rabbi ka socda. Waxa uu ku dhashay oo ku koray magaalada Maka, 40 markii uu gaarey ayuu dadka u sheegay in axad Jibriil uu ku sheegay uu dhegta wax ugu sheegay kuna yiri “waxa tahay Nebi, mid kale oo kaa dambeeya ma jiro mana soo bixi doono, adiga ayaa dadka ugu khayr badan ee xukun, qofkii hadalkaaga iyo xukunkaaga raaci waaya waa kaafir gaal ah oo dhiiggiisa iyo maalkiisu kuu bannaan yihiin”
Maxamed lama iman wax caddayn ah oo sheegeysa in uu ka dhex hadlayo wax uu isagu ula baxay “Allah” su’aalaha la weydiiyo kama jawaabi jirin. Kolkii uu helay koox yar oo dad ah waxa uu u guurey Madina halkaas oo uu ka helay askar fardooley ah (rakuubley) iyo taageerayaal. Waa Markaa marka uu la soo baxayo midabkiisa runta ah ee uu qaadayo guluf uu xoog ku socodsiinayo fikradda cusub ee uu la yimid, waxa uu bilaabay in uu burburiyo dadkii isaga ka horreeyey aaminaaddoodii iyo iimaankoodii.
Maxamed lama iman dhaqan cusub, waxa uu ka bilaabay deegaankii ku xeernaa muruq maamul iyo in qoorta loo dheereeyo qofkii ka hor yimaada ama aamini waaya hadalkiisa waayo sebenkii lagu jirey ayaa ahaa ‘midkii qaska iyo qalaanqalka’ in dad nool la addoonsado oo xero lagu xeraysto waxay ahayd wax iska caadi ah, hantida duullaanka uu ku soo bililiqaysto waxa uu ula baxay ‘qaniimo rabbi raalli ka yahay’ dumarka dagaalka lagu soo dhaco waxay ka mid ahaayeen hantida la qaybsado, Maxamed waxa uu ka xulan jirey intii uu doono oo waxa uu sheegtay in Allah uu u banneeyey.
Boqorradii hore ee Bariga Dhexe waxa Maxamed ka horreeyey Muuse iyo Ciise waxay ka sinnaayeen in ay nebiyo sheegtaan ama Ilaahyo halka boqorrada Afrika iyo Asia ay ku ekaan jireen xayndaabka dadka caadiga ah. Boqorka Reer Bariga Dhexe isaga waxa u dheeraa in uu diin ku dhuunto si uu ujeeddadiisa u gaaro isaga oo sheeganaya in uu xiriir toos ah la leeyahay awood sare. Maxamed inta badan wax cusub lama iman waxa uu sharciyada badankood ka soo min guuriyey diimihii ka horreeyey maadaama uu ahaa nin aan waxna qorin waxna akhrin badi waxa uu diin dadka uga dhigay cilmi dhegood iyo ku tiri ku teen uu hareerihiisa ka maqlay.
Maxamed amarkiisii, rabitaankiisii, diidmadiisii iyo damaciisii waxa uu ula baxay ‘Qur’aan’ oo uu ugu yeeray hadalkii Allah. Qofkii liqi waaya ama ay ka daadegi weydo waxa uu oran jirey soo qabta oo gawraca waa murtade. Ciidankii u fulin jirey amarrada ee uu ku shaqaysan jirey waxa uu ula baxay ‘saxaabadii nebiga’ waxay ahaayeen koox qawleysato ah oo dhac, burbur iyo duullaan ka shaqaysata, qayb ka mid ah ayuu ugu bishaareeyey jannada. Haa isaga ayaa ugu bishaareeyey jannada waxay ahaayeen ciidamo daacad u ah. Kolkii uu Maxamed dhintay meydkiisii oo aan la aasin ayey ku dul dagaalameen xukunkii iyo maalkii oo ay birta iska asleen.
Waa sababta uu fekerka Islaamiga ahi ugu qotomo cadaawad iyo rabshado, waa sababta meel kasta oo Muslimiintu ku badan yihiin uu dab uga baxayo waayo diinta Islaamka ayaa soo baxday ‘casrigii qaska iyo qalaanqalka’