Wahaabi wabxay
W aa konton jir garweyn, bidaar leh oo calooshu in door ah ka horrayso. Waxa uu xoogaa dhaqaale ah ka gogtay, lacag loogu talagalay dhismeyaal masaajid iyo maddarasado lagu madalgeeyo fikirka Wahaabiyada shilimaadkaas oo Sacuudigu baxshay.
Hawlahaas ayaa uu ku talaxtagay oo ka taajiray, dadka waxa uu ku qiimeeyaa
garka, khamiiska, cimaamadda iyo surweelka gaaban ee boqonta jooga.
Waxaa u dhaxda afar xaas oo aan guriga ka soo bixin, isla markaa na uu sida
addoomaha u maamulo.
Xaasaskiisa waxa uu u daaraa oo ay dhageystaan cajalad wadaad xuurtaysani duubay oo ka hadasha wax loogu yeeray (Xuquuqul Zawjayn) cajiladdaas waxaa ka dhex hadlaya wadaad xiiqsan.
Muxaadarada wadaadku waxa ay daarran tahay, cadaab iyo ciqaab dumarka raggooda ku afceliya uun ku wajahan. Waxa uu ka soo horjeedaa in dumarku wax bartaan, isla markaa na kartidooda soo bandhigaan iyaga oo aan shareecada ka tallaabsan.
Waxa uu og yahay in aan gabar waxbaratay oo nolosha fahamsani yeelayn in uu maanduubo oo santuuq ku xirto, sida bahalka yar ee duula ee loo yaqaan nirgodhoobka; kaas oo tobanaanka dirindiirood dhoobada ku xaraysta.
Wahaabi
Isagu sida uu doono ayaa uu yeelaa oo waxa uu rabo waa uu u madax bannaan
yahay.
Haddii reerkoodu cid kale u shirayo ama duullaan galayo waxa uu wax ka bixiyaa
qaaraanka.
Marka uu masjidka tago khudbadda Jimcaha waxa uu kaga hadlaa, arrimo ay ka mid
yihiin in aan gabdhaha seetada laga dabcin ee la xakameeyo si aanay dunidu u
fasahaadin iwm.
Ka ma hadlo raashinka, daawooyinka iyo agabyada dhacay ee ganacsatada ay isku
xisbiga yihiin keento. Ka ma hadlo canshuurta qaadisteeda dadka lagu laayo iyo
waxyaalaha gurracan ee maamulku sameeyo. Waxa uu cabbaa xulbad, xabbatul-sowda
iyo toon, safka haddii aad salaadda ku dhinac xiratid matag ayaa ku qabanaya;
hadda na waxa uu u qabaa in uu yahay midka dunida inta saaran ugu wanaagsan!
Waxa ay sheekaystaan rag ay jaal yihiin oo u badan qawlaysato agabyada dhacay ka taajiray. Galabtii ayaa la soo fadhiistaa meherad shaaha iyo cuntada lagu iibiyo oo uu leeyahay mid ururka ka tirsan.
Shaqaaluhu waxa ay adeegga dadka u kala siiyaan sida ay u kala garweyn yihiin,
iyaga oo dadka surweelka boqonta dhaafiya ku canaadaya shaaha; isla markaa na
dhego-adayg u muujinaya.
Waxaa lagu yiri qof aan sunnadu ka muuqan ha u dhego nuglaanina!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...