Waa nabi bay ku leeyihiin!
Waa nabi bay ku leeyihiin.
Isaga oo 99 naagood qaba ayuu nin kale naagtiisa damcay markaa buu ninkii
dagaal socday furuntiisa ku tuuray markii la soo dilayna naagtiisa la
wareegay!
Waa nabi bay ku leeyihiin.
Wiilkii uu soo korsaday oo uu iskugu magac daray iyo ina adeertii oo is qaba
ayuu maalin soo booqday, markaa buu arkay ina adeertii jidhkeeda oo qayb ka
qaawan, markaa buu yidhi kow, ilmahaad korsataan magiciina ma siin kartaan.
Labo, ina adeertey cirka ayaa la igaga soo meheriyay ee igu soo wareeji!
Waa nebi bay ku leeyihiin.
Marti baa u timid markaa buu soo dhaweeyay kadibna rag qooqan oo kufsi u soo
baxay inta ay u yimaadeen ayey ku dhaheen ragga inoo soo bixi, markaa buu
yidhi mayee gabdhahayga hooya waa kuwaan haddii aad wax samaynaysaane!
Waa nabi bay ku leeyihiin.
Magaalo ayuu yimid markaa buu wiil yar oo iska ciyaaraya inta uu qoorta soo
qabtay ayuu gawrac ugu jiiday. Sabab markii la waydiiyayna “Wiilku uu gaaloobi
doonaa!” Ayuu ku marmarsiyooday! Gaal haddii uu dilayo kuwa hadda gaalada ah
muu laayo inta uu dilayo ilmo aanan wali gaaloobin!
Waa nabi bay ku leeyihiin.
Nin ay isku qabiil yihiin oo ay mid kale is haystaan ayuu arkay markaa buu kii
qabiilkiisa ahaa u hiiliyay oo uu kii kale feedh qudha kaga jaray! Kadibna
dambigiisa si aana loogu oogin ayuu magaaladii dhamaydba ka cararay!
Waa nabi bay ku leeyihiin!
Fardo tartamaya intii uu daawanayay ayuu gabalkii ka dhacay isaga oonan tukan
markaa buu xanaaqay oo uu yidhi waxaan ayaan cibaadadii ka jeclaaday. Farrdaha
ii soo celiya kadibna fardihii oo aanan waxba galabsan ayuu qoorta iyo lugaha
ka wada jaray!
Waa nabi bay ku leeyihiin!
Wiilkii uu dhalay oo 13 jir ah ayuu inta uu duurka geeyay oo uu xidhxidhay
ayuu in uu gawraco isku dayay! Taa markii ay u suuro gali waydayna isaga iyo
hooyadii inta uu kexeeyay ayuu meel saxaro ah kaga soo dhaqaaqay iyaga oo
aanan sahay xitaa wadan!
Dadkaan ay na leeyihiin waa nabiyo waa dad haddii ay maanta nala joogi
lahaayeen aan qaarkoodna xabsi dhigi lahayn qaarka kalana cisbitaalada dadka
waaalwaalan u diri lahayn. Waa dad aan ilmaheena ku aamini lahayn iska daay
diin in aan ka dhagaysanno ooy inoogaga warramaan dhimashada dabadeed iyo wax
cilmi qayb la yidhaahde!
Waa dad ama xadgudubka aad u jeclaa ama xiskoodu uu kala dhantaalnaa!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...