Soomaalida iyo waalida
W axyaalaha yaabka leh oo ay soomaalidu dadyowga kale kaga duwan tahay waxaa ka mid ah aragtida ay soomaalidu waallida ka haystaan iyo sida ay dadka waalan u la dhaqmaan, waxaana la isweydiin karaa bulsho qarniyo badan soo jirtey in ay sidaas waallida u la dhaqmaan.
Ugu horrayn cudurrada waallidu waa boqollaal ka la duwan oo ay dadyowga adduunku midba si u daweeyaan ama ay u la dhaqmaan. Dadka soomaaliyeed waxa ay waalli u yaqaanniin in uu qof carcaro ama uu dagaallamo oo la xirxiro, in uu qof hadallo wada khaldan ku hadlo iyo in uu qof nolosha gabo oo uu guriga uu ku nool yahay guryaha kale ka garan waayo. Waa run in waxyaalahaasi ay waalli yihiin, laakiin waa 3 nooc oo ka mid ah boqollaal nooc oo waalli ah.
Tusaale ahaan wahsidu waa nooc wallida ka mid ah oo illowshaha badani waa waalli oo qofka wax uu sameeyey in uu sameeyey hubiyaa waa uu waalan yahay sida kuwa salaadda dhowr jeer xirta. Midda labaad waallidu dhaqanka soomaalida waa ceeb qofkii mar waashaba weligiis lagu caayo, taasina waxa ay keentaa qofka maskaxda laga daweeyaa in uu soomaalida ka qariyo in ay maskaxda wax ka gaareen, waxaana la wada og yahay in aysan jirro ceeb ahayn. Midda saddexaad soomaalidu qofka waalan dhaqankiisa iyo hadalkiisa waa ay ku maadsadaan sidii qof majaajillo samaynaya. Sida la og yahay marka uu qofka waalani dhaqamada iyo hadallada khaldan samaynayo aad buu u dhibban yahay oo waxa uu maqlayaa ama arkayaa waxyoo xunxun oo aan dadka kale u muuqan ama aysan maqlayn, marka uu cararayana dhibaato ayuu ka cararayaa, waxa uuna u baahan yahay in loo turo oo la la tacaalo ee in lagu maadsadaa waa carruurnimo.
Waxa ay ku maahmaahaan “Qabiilo uusan qof u waalani qosol ka ma dhergaan”, waana cadownimo iyo nacasnimo. Markii loo fiirsado sida ay soomaalidu jirrooyinka maskaxda u qaabbilaan waxaa la is oran karaa “Dadkani ma dad aan dunida joogi jirin oo maanta cirka laga soo daadiyey baa?”. Waxyaalaha la la yaabo waxaa ka mid ah in qof waalan ay kumanyaal soomaali ah oo qayb kasta oo bulshada ah ka koobani ay isku raacaan in uusan waallayn mar haddii uu gurigiisa garanayo ama uu bas raaci karo, taasina waxa ay keenaysaa in ay u haystaan qofka keli ah ee waalani in uu yahay qofkii miyir beel ku sugan, waayo qofku in uusan bas ama diyaarad raaci karini waa miyir beel ee waalli ma aha.
Soomaalidu waxa ay u haystaan in qofka waalan ay wax kastaa ka suurtoobaan maaddaama ay maskaxdii ka tagtay oo ay ninkii waasha ka suurtowdo in uu u galmoodo hooyadi, walaashi, soddohdi, dumaashidi iwm, taasina waa been oo qof kasta oo waalan weli maskaxdiisa qaybo ayaa fayow.
Dadka dunida ku nool wax dhanka waallida soomaali la mid ahi ma jiraan, taasina waa midda keentay in uusan qof soomaali ahi shir ka sheegi karin in uu mar waashay sida uu shir uga sheegi karo in uu neef qabo. Khuraafaadka ay soomaalidu waallida ka aamminsan yihiin waxa ay keentaa in uu soomaaliga waalani inkiro in uu jirran yahay iyo in uu diido dawada ay dhakhaatiirku u qorto. Soomaalida gudaha joogtaa ma ay helaan daryeel iyo dawo oo waxaa laga yaabaa in markii uu xanuunku aad ugu xumaado dhakhtar la geeyo, laakiin soomaalida waddamada daryeelka leh ku nool labo arrimood baa u diida in ay dawada qaataan. Midda kowaad waa in uu ceeb u arko in uu waalan yahay oo uu cunay dawo maskaxda ah, midda labaadna waa in uu gaalada u arko cadow sun siinaya, sidaas darteedna qofkii aan wacyi iyo aqoon lahayn waxaa lagu daweeyaa in waddankii la geeyo iyo in quraan la saaro, sida badanna labada midna xal ma noqdo oo waddankii in la aadaa iyada ayaaba jirrooyin keenta.
Dalalka horemaray sida badan waallida dadku ma gaarto heer ay qofka xaaladdiisu aad u xumaato oo qofkooda waddaniga ahi markii uu walwal ama xanaaq yar dareemo ayuu dhkhtarka aadaa inta uusan xanuunku maskaxda ku faafin, sidaas darteedna dadka lagu hayo meelaha waallidu ajnebi bay u badan yihiin oo dadkoodu heer meel lagu xiro ma gaaraan. Cawaannimada soomaalidu waallida ku ma koobna ee waxyaalo aad u badan bay bulshooyinka caalamka oo dhan kaga soocan yihiin, laakiin qoraalkani waallida uun buu ahaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...