Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Soomaalida gaalada ahi lacag miyay ku qaataan dhalleecaynta Islaamka?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 2
13.8k
·

2/13/2018

Soomaalida gaalada ahi lacag miyay ku qaataan dhalleecaynta Islaamka?

Q ofka soomaaliga ahi waxa uu tusaale u yahay badowimo iyo aqoon darro, siiba marka laga eego aragtiyaha uu ka haysto ummadaha kale. Waxa ay soomaali badani aamminsan yihiin in dadka aan muslimiinta ahayni ay aad u neceb yihiin diinta islaamka oo ay ka fakaraan sidii wax loogu dhimi lahaa islaamka. Sida loo fakarayo waxaa nacaybkaas islaamka loo qabo ugu daran yuhuudda iyo caddaanka! Waa aragti aan haba yaraato ee sal lahayn oo shacabka yuhuudda iyo caddaanku mashquul ku ma aha diin. Badankoodu diimihii ay haysan jireen maanta ma ay haystaan oo in ay shaqaystaan baa diin u ah. Midda kale dadku wax bay barteen oo in ay dhaqan dad iyo diin dad necbaadaan waa ay ka horumarsan yihiin. In diin la isu necbaado waxa ay u arkaan badownimo xilli hore jirtey oo aan maanta munaasib ahayn. Inta uu qofka soomaaliga ahi ku jiri lahaa aragti gaaban oo ah in ay yuhuud iyo caddaan diintiisa neceb yihiin waxaa u fiican in uu dadka barto oo uu la sheekaysto si uu u ogaado in aysan cid diin wakhti ku lumisa ama ka fakartaa jirin. Waa ay jiri karaan dad siyaasadda caalamka kor ka indha indheeya oo aan jeclayn in uu islaamku ku faafo meelo hor leh, laakiin kuwaasi waa qofqof sare ee ma aha hummaagga guud ee bulshada yuhuudda iyo caddaanka.

Aragtida kale ee ay soomaalidu qabaan ee khaldani waa in qofkii soomaali ah oo diinta islaamka ka baxa ama dhaleeceeya ay yuhuudda iyo caddaanku lacag siiyaan! Lacagtu sidaas u ma fududa oo qof soomaali ah oo diin uu ku jirey ka baxay oo dhaleeceeyey cid lacag siinaysaa ma ay jirto. Sida la og yahay dalalka ay yuhuudda iyo caddaanku joogaan waxaa tuugsada dad badan. Maxay inta diin wax ka sheegaan lacag ugu heli waayeen si ay tuugsiga uga maarmaan? Dalalka horumaray dad badan baa waxa ay ku nool yihiin lacag aad u yar oo ay soomaalidu ”Cayr” u yaqaanniin. Maxay dadkaasi diinta islaamka inta wax ka sheegaan u taajiri waayeen? Xataa qofkii reer galbeed ah oo kaniisadda galaa ka ma uu helo cunto iyo meel uu seexdo oo kaniisaddu dadka ma biisho. Sidaas darteed kaniisaddu lacag cidna ma ay siiso oo qofkii diin ahaan u galaa inta uu wax ku caabudo ayuu gurigiisa ama makhaayad cunto u raadsadaa. Galbeed ka ma uu jiro qof maalqabeen ah oo diin lacag ku bixiyaa, isla markaas ma ay jiraan hay’ado qof diin ka hadlay lacag ku siiyaa. In lacag la helaa waxa ay ku xiran tahay in uu qofku shaqaysto oo uu xammaalo ama uu ganacsi sameeyo haddii uu hanti iyo fakrad isla hayo.

Sida aynu og nahay qofka soomaaliyeed ee sannadihii danbe wax ka sheegga islaamka ugu afdheerayd waxa ay ahayd Ayaan Hirsi Magan. Waxa ay noqotay dadka aan jiritaanka Eebbe rumaysnayn ee u arka in uu Eebbe yahay wax ay dad ku soo fakareen oo khiyaali ah, ka dibna waxa ay ku fogaatey dhaleecaynta iyo ka hadalka islaamka. Ayaan waa ay shaqaysataa oo buugaag bay qortaa oo ay indhuhu ku madoobaadeen si ay masruufkeeda u la soo baxdo, cid lacag ku siisay in ay islaam wax ka sheegtayna ma ay jirto. Haddii aysan shaqaysateen waxa ay geli lahayd xafiiska cayrta ee Holland si ay cunto u hesho. Ma ay jirto cid naag madow oo diin waddamo kale laga haysto dhaleecaysay lacag ku siin lahayd. Adigu qof caddaan ahi haddii uu kaniisadda caayo lacag ma siin lahayd? Haddii lacag sidaas lagu helo dad badan baa ku hodmi lahaa ee madaxaaga ka saar waxaas liita! Lacagtu dunida oo dhan waa wax aan dhib yaraan lagu helin.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...