Sidee loo xasuustaa, wixii aad akhridey?
Inaad wuxuun akhrido. Inaad saacado badan ku qaadato kursi iyo miis dushiis.
Inaad boqolaal buug akhris ku dhammeyso, indhuhuna kugu madoobaadaan. Iyada oo
sidaa tahay, lagu weydiiyo:
Buugii aad akhridey, muxuu ka hadlayey? Maxaad ka fahantey, wixii aad
akhridey? Bal ka waran,haddii, intaad indhaha gabbadh-gabbadh kasiiso, aad
garanweydo, wax aad ku jawaabto, sow ayaandarro maaha? Waxaa laga yaabaa,
marka uu akhistuhu la-kulmo dhacdada noocana, inuu ka dido wax-akhriskii.
Inaga oo ogsoon, inuu wax-akhrisku yahay isha aqoontu ka soo burqato. Akhrisku
waa ka inoo horseedaya, iney maskaxdeennu balaadhato. Akhrisku ma yahay, wax
aynu ka haajiri karno? Waa MAYA.
Arrintani, waa dhibaato ay la-kulmaan akhristayaal badan: Waxaa soo baxey dad
akhriska jecel. Dad had iyo goor gacanta ku sita buug, laakiin aanu
akhriskoodu midho-dhal laheyn.! Wixii ay akhriyaan wey siidaan, waxna kama
xasuustaan. Waxa ay la mid yihiin, nin la yidhi: " foosto daloosha
dhaami".!Aduu akhriste ma aragtey xaaladdan oo kale? Haddii, jawaabtaadu HAA
tahay, bishaareyso, waxa aan kuu hayaa habab lagaga bixi karo. Wax kasta oo
aad akhrido, wuxu doonaba ha ahaadee, buug ahaado; qormo ahaato, kitaab
ahaado, waxa ay degi doonaan xasuustaada.! Wax walba, waxaa ay u baahan yihiin
xeelad iyo deddaal. Arrintan, waxa aynu ku qaadaa-dhigi doonaa dhowr qoddob.
Ma ila socotaa? Waa kuwan tallaabooyin aad qaadi karto, si aad xal waara uga
gaadho:
Qoddobka 1aad: Uga sheekee qof kale, wixii aad akhridey!
Waa maxay sababta aynu sheekada u dooranay? Waxa aynu odhan karnaa, sheekadu
waa hab fudud oo wixii aad akhridey aad ugu tababanareyso naftaada. Waxa ay
ku siineysaa kalsooni. Waxa ay xoojineysaa aqoontaada iyo wixii aad akhridey.
Waxa ay kabeysaa xasuustaada.
Sababaha kale ee aan u doortey sheekada waxaa ka mid ah:
- Ineynu beddelno hab-dhaqanka aynu u sheekeysano. Waxa aynu ogyahay in Soomaalideenu tahay dadkii sheekada oo ay jeceshahey sheekada iyo maxaa la yidhida. Waxa ugu badan ee ay ku sheekeysaana ay u badan tahey, qabyaaladda, siyaasadda iyo xanta.! Dhallinyarrada waxaa u dheer murranka ciyaaraha; koox heblaayo ayaa bedisay; hebel ayaa ka xarrifsan hebel. Waxaa cadaata dhuunta. waxaa ku qallala dabnaha. Waxaasi oo dhanina aanu faa'iido ugu jirin. Sidaa daraadeed, waxaa ugu fiican ee ay ku beddi karaan ay tahay, inuu qof waliba ka sheekeeyo buug uu akhriyey. Waxaa halkaasi ka dhaceysa aqoon-isweydaarsi.
- Waxaa la jeclaanayaa wax akhriska, maxaa yeelay marka aad uga warranto buugg wanaagsan oo aad akhridey, qofkii kalena wuxuu ku dhiirranayaa isna inuu akhriyo. Sidaana, waxaa ku badanaya dadka wax-akhriska la-nool.
- Sheekadu waxa ay ku sawirrantaa maskaxda. Wixii aad sheeko ku maqashona dhayal looma sii daayo. Waxaa tan la mid ah, wixii adiga laftaadu ka sheekeyso. Aan ku idhaahdo, buugga aad akhridey ee qof kale uga sheekeysay, ogow xusuustaada ayuu dagayaa.!
- Waxaa lagu helaa ajar.! Marka aad soo akhrido kitaab ka hadlayo Hadalkii Illaahay ama Hadalkii Rasuulkeenna ee aad qof kale uga sheekeyneyso, waxa aad helleysaa ajar. Maxaa yeelay, waxa aad fidineysaa Hadalkii Illaahay iyo Hadalkii Rasuulka. Iyaga ayaana ugu wanaagsan, wax laga hadlo ama laga sheekeeyo.
Tani, waxa ay la mid tahay, adigoo dib u eegis ku samaynaya, wixii aad hore u akhridey. Hadda ba, si aad uga sheekeyso wixii aad akhridey, si hagaagsan oo hufnaan leh, raac dariiqan:
Hel cid ku dhageysata
Waa muhiim inaad hesho cid sheekada kaa gurta oo aad la wadaago, waxa aad soo
akhridey. Cidaasi, waxa ay noqon karaan, saaxiibbodaa, wallaalahaa, waalidkaa
ama qofka aad wada degan tihiin qol. Miyaad ka khajili, wax aad akhridey Inaad
la-wadaagto?
Waxa aad ogaataa in dadkani yihiin kuwo kuu daacada. Waa ku aad kuugu dhow,
waana hubaal iney si fiican kuu dhageysan doonaan. Talladu waxay tahay
akhriste, ha la seegin dadkan, inaad la wadaagto buuggii aad soo akhridey.
La-wadaag, waqtiga ku habboon
Ha ka soo qaadin sida aad waqtiga u heysato adigu, iney dadkuna kula mid
yihiin. Adigu, haddaad fursad heysato, waxaa laga yaabaa inaanu qof kale
heysan.Haddaad sheeko la gasho qof shaqadiisii gacanta kula jira, wuu ku
karhayaa. Lagama yaabo inuu dhagaha ku amaahiyo. Niyadiisa ku soo jeedin
maayo. Waxaad deldaleysana qalbigiisa dagi maayo. Sidaa awgeed, qofka ha la-
wadaagin waxa aad akhridey, marka uu shaqadiisa ku dhex jiro.
La-wadaag marka aanu mashquulka aheyn, sida marka aad wada lugeynaysiin. Marka
aad meel ku wada caweyneysiin.
Marka aad la-wadaagto, waqtiga ugu habboon, qofku hadalkaaga wuu dhuuxayaa.
Sheekada xiiso u yeel
Waxa loo baahan yahay in aad soo jiidato saaxiibka aad uga sheekeyneyso,
wixii aad akhridey. Waxaa lagaa rabaa inaad soo jilaabato dareenkiisa oo dhan.
Waa inaad sheekadaada macaaneysaa oo dhadhan u yeeshaa. Waa inaanad xawaashka
iyo milixda ka ilaawin.
Haddaba, si aad xiiso ugu yeesho wixii aad akhridey ee qofka uga sheekeynayso,
waa inaad sidan sameysaa:
Uga warran wixii ku cajab-geliyey ee aad akhridey; tusalayaasha aad akhridey
ee kusoo jiitey; sababta aad u jeclaatey. Wixii aad akhridey ee aad
fahmiweyday ama kaa dhaadhiciwaayey.
Waxaad intaa ku dartaa, inaad qofka aad u sheekeynayso weydiiso kuwan: inuu
hore u akhriyey iyo in kale; isaga, wixii soo jiitey ee uu ka helay; wixii
fikrad ah ee uu kugu darayo.
Soo koob
Ogow, in aanu qofna jeclayn intuu meel fadhisto, dhageysto khudbbad aan
dhammaad laheyn.
Sidaa darteed, qofka ha saarin gaadhi bilaa fariina. Waa inaad soo koobtaa,
wixii aad akhridey, adigoo sheegaya inta ugu muhiimsan ee ubucda ah. Markaa
qofku, wuxuu kuu dhageysan si degan oo xiiso leh. Waxaad sidoo kale isku
deydaa, inuu qofka ku dhageysanayaa inuu doorkiisa qaato. Waa in wada xaajood
idin dhex maraa, qofku ku darsadaa fikirkiisa; sida inuu doonayo, buugga aad
akhridey, inuu isna akhriyo.
Markuu xaalku sidaa yahay, waxay sheekadiinu noqoneysaa darandoori. Waxa ay
noqoneysaa inaad kala faa'iideystaan oo mid ba midka kale aqoon ku kordhiyo.
Waxa ay ahaaneysaa, mid labbada dhinac ba farxad-gellin ku abuureysa.
Waxa aad maanka ku heysaa, haddaad buug kasta akhridid oo aad habkan sheekada
ku dabaqdid. Adiga oo aan dhana uga leexaneyn, tallaabooyinka aynu soo
sheegney. Waxaa muran laheyn inaanad ilaaweyn wax kasta oo aad akhridid. Sida
birlabtu ugu dhegto biraha, eyey wixii aad akhridaana ugu dhegi doonaan
maskaxdaada.! Bal adba tijaabi.!
Waxa aan filayaa, inaad sifiican uga boggatey qoddobkaa. Waxa aan rajeynayaa in aad durduuratey oo aad ka dharagtey ujeeddadiisa. Haddaba aynu u wada soconno sida hadhka ama hooska. Waxa aynu u gudbi doonaa, qoddobkii labbaad oo ka sii xiiso badan.! Kaama dheera. Is-arag dambe oo xiiso leh iyo qoddobkii 2aad.... Isma dhaafno.....
W/Q Maxamed Haybe Axmed.
Iigala soo xidhiidh: mo.haibe03@gmail.com
Hargeysa, Somaalilaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...