Sidee loo qoraa sheeko xiiso leh?
Sidee loo qoraa sheeko xiiso leh?
Marka hore Illaahay baa mahad leh, kaasi oo I abuurey, iguna galladey nimcadda
qallinka. Waxaa la sheegaa maanta, iney tahay qarnigii sheeko qorista. waxaa
ay noqotey wecyigellinta ugu saamaynta badan. Haddii aad dooneysid, wax aad
ummadda uga digto ama wax aad ku dhiirigellineyso oo aad ugu gudbiso qaab
sheeko, waxaa la hubaa iney si fiican u qaadanayaan. Waxaa aan muran ku jirin
in bulshadeenu ka arraddan tahay.
Dhanka kale, waxaa iyaguna la daalaadhacaya, inta qallinleyda ah ee isku deyda
sheeko-qorista. Sidaa awgeed, aqoonyahankeenu wuxuu baahi weyn u qabaa, siduu
u qori lahaa sheeko xiiso leh. Hadda ba, siyaabaha loo sameeyo sheeko soo
jiidasho leh, wey noocyo badan tahay. Maaha wax hal maqaal ama xitaa dhigane,
lagu soo koobi karayo.! Waxaa aan isku dayayaa in dul-ka-xaadis ku suubiyo
qaababkaa. Diyaar ma u tahay in aad weeleyso?
Marka aad sheeko qoreyso, waa in aad u yeesho dhadhan. Waa in aad ka dhigtaa,
mid dhaayuhu ku dheygagayaan. Mid aan akhristuhu ku marganeyn oo ay erayadeedu
dibnaha dhibbeyn. Waa in aad qurxisaa oo qaabeysaa. Waa inaanad ka i laawin,
waxyaabaha qurxinaya ee farshaxanka ashqaraarka leh abuuriya; kuwaas waxaa ka
mid ah:
B. Adeegsiga murtida iyo maahmaahyada.
T. Adeegsiga mahada iyo madadaaladda.
J. Adeegsiga ciyaar-dhaqameeda.
Saddexdaa qodob ee kore, waa waslad yar oo macaan. Waxaa aan ugu talogallay,
inaad ku sii sugto, mowjadda xiiso-gellinta ah ee aynu muquuran doono. Waxaa
aynu madax-madax u galleynaa, wixii aynu goorahan ba u soo gaagatineynay.
Kaasi oo ah, aalladaha furaha ah, maanka iyo qalbiga sheeko-akhristaha. Waxaa
aan kuugu deeqayaa tabbo iyo xeeladdo, kaa caawin doona.Waxaa la hubaa hadaad
baratid tallaabooyinkan, in qofka buugaaga kor u qaadaaba, aanu dhulka dhigeyn
ilaa uu dhammeeyo.! Wax la raajaa rag kuma samee, waa kuwan farsamooyinka aad
ku samayn karto, sheeko mallabka ka macaan:
1.U Samee nolol adag, cidda sheekada jilaysa!
Qoraa, waxaa aad gawska ku qabsataa, in sheekada guusheeda iyo guuldarradeedu
ku xidhan tahay, habka loo bilaabo iyo erayada la gu furto.! Marka aad hesho
furitaan macquula, waxaa kuu fududaaneysa sheeko-qorista. Sidoo kale, bilowga
sheekadu waa halka akhristaha ka dhigeysa, inuu ka biyo diido iyo inuu
durduurto. Sidaa darteed, waxaa aad u baahan tahay si aad u qabsatid maanka
akhristaha, in aad nolosha jilaaga sheekada ka dhigtid mid adag.! Tusaale
ahaan, inuu yahay mid aan laheyn waalid... Cid gacan qabata..malaha xaas...
Malaha ehel... Malaha guri uu dhaxanta ka galo.... Sidaa uun u sii wad.!
Haddii, nolosha matalaha sheekada ka dhigtid, nolol macaan oo raaxo leh,
sidaana uu ku dhammeyso, taa la ma odhan karo SHEEKO. Sheekada waxaa sheeko ka
dhigi kara iskudhaca (conflict). Jilaaga, waxaa aad u qortaa sida ugu
suurtogalka ah ee aad ku adkeyn karto noloshiisa.!
Mar kasta oo aad sawirto noloshaa qallafsan, akhristuhu wuu ku sii
dhaganaanayaa sheekadaada.!
2. Samee dhibaatooyin ku dhaca jilaaga.!
Akhriste, ila soco markii ugu horreeysay waxaa aynu si guud u sawirney nolosha
jilaaga. Waxaa aynu ku xigsiineynaa, dhibaatooyin ku dhacaya jilaaga.! Hadda
ba, sidee loo sawiraa? Tusaalahan ku biyo-cab:
"Haddii jilaayadu saaran yihiin doon, waxaa ku dhufaneysa dufaan. Haddey
tareen la socdaan, waxaa xayiraya buundo. Haddey tahay habeen, waxaa dhexda u
galaya tuuggo".!
Qoraa ahaan, waxaa ay masuuliyaadu tahay, in aad ka fikirtid dhibaatada ku
dhici karta jiaagaaga iyo sida ay kugu dhici karto.
Sidee kale, dhibaatada ku dhaceysa, waa in midi ba mida kale kasii darnaataa.!
Ka ragoo, hadana saar weeyi.Tanina waxaa ay keenaysaa in sheekadii sii socoto.
Akhristaha waxaa ku dhalaneysa inuu ku raad joogo, kolba waxaa soo kordhay.
Waxaa xoogeysanaya rabitaankiisa, godka ay sheekadu gasha ba, wuu ka war
doonayaa. Sida ay sheekadu u soco,ayaa waxaa daaqada ka soo gallaya sheeko
cusub; akhriataha ayaa laga rabaa, inuu maskaxdiisa ka shaqeysiiyo oo uu isku
xidho, tii hore ee u socotey iyo tan ugubka ah soo korodhay.!
Intaa marka aad uu qoraagu yeelo, maxaa la gudboon?
Waxaa la gudboon, in uu hadimooyinkii uu ku jirey jilaagu, sida uu uga soo
saari lahaa, I saga oo nool.! Sidee ayay arrintaasi u dhacdaa? Waa weydiin
macquula. Si aad jawaabta u hesho, ha is dhibine qunyar ku daandag qodobkan
hoose.!
3. Isweydaari, wanaag iyo xumaan!
Hadda, sida aynu hore ba soo sheegnay, howsheenu waa ineynu jilaaga ka samata-
bixinno culayskii, waliba isaga oo nool. Waxaa kuu raaca ineyna sheekadeenii
wax ba iska baddelayn ee ay sii soconeyso. Si aynu Taa u yeelnana, waxaa aynu
ka soo amaahanaynaa labba hab oo ay isticmaalaan shirkadaha filimaantu
(Hollywood). Waxaa ay kala yihiin, kuwan soo socda:
B. Wanaag ama wax la jeclaysanayo(good) iyo
T. Wax aan la jeclaysaneyn (bad).!
Labbadan farsamo, waxaa ay u jeedadoodu tahay, in la soo jilaabto dareenka
akhristaha. Waxaa loo kaayeeyaa . Mar waxaa la soo dayaa wanaaga(good), marna
waxaa la soo dayaa wax aan la jeclaysaneyn(bad). Ma maqli jirtay:"waxaa aan
ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaal" ama se ma maqashay heestii odhan
jirtay:
"Marna waa qadhaadh, marna waa macaan"
Marb ba waa siduu kuugu soo maree".
Sidaa si la mid ah, ayaa aad sheekadaada, marna qadhaadh ka dhigeysaa, mar na
macaan.! Cajiib! Si aad si qotodheer ugu fahanto, hoo tusaalahan:
"Wuxuu ka soo dhacay diyaaradii (bad), laakiin wuxuu haystey barashuud (good).
Wuu u furmiwaayay(bad). Wuxuu ku soo dul dhacay, geed aad u weyn, isaga oo aan
wax gaadhin (good). Wuxuu bilaabay, inuu ka soo daandago(good), laakiin waxaa
ay waji ka waji isaga hor yimaadeen mas(bad).!
Habkaa sare ee aynu wax u qornay, waa mid aad u soo jiidanaya akhristaha.
Waxaa la mid ah, filimaanta. Bal hadda dhaqaaq oo filin daawo. Waxaa aad arki,
iney isku mid yihiin.!
Waxaa aan kugu la talinayaa, marka aad qaabkan isweydaarka ah(good and
bad),qoraysid in aad isticmaashid weedho gaagaaban. Maxaa yeelay, waxaa
akhristaha fududaanaya xawaaraha akhriska. Waxaa soo dhawaanaya fahanka.
4. Dhammaadka, waa in guushu u muuqataa mid aan suuragal aheyn.!
Waxaa soo dhawaatay, dhammaadkii sheekada. Waa xilligii loo kala baxayey bur
iyo biyo. Waxaa aad la socotaa in ciddii sheekada jileysay, soo martay
dhibaato badan. Haddana ma gaadhin xilligii guusha.! Waayo? Kummaan odhan:
waxaa ay gaadhey dhammaadkii sheekada, laakiin, waxaa ku idhi, waxaa ay ku
dhawaatey dhammaadkii.! I la garo, iney howli inoo hadhey. Wax ma fahmeysaa?
Sidaa awgeed, halkan marka uu marinayo qoraagu sheekada, waa inuu u qoraa hab
aanu jilaagu si dhib yar u guuleysan karin.! Taasina, waa ta farshaxanka
quruxda badan keeneysa.
Waxaa aad arkeysaa, inuu jilaagii dadaalayo, haddana daalaa dhacayo... Wuu
kufaa, haddana wuu kacaa.. haddana uma muuqdo, inuu guulaysanayo. Adagaa.!
Xalladda ceynkaa ah, waa ta ugu cajiibsan. Akhristaha, waxaa ay ku abuureysaa
in dareenkiisu sheekada dhex gallo oo uu noqdo jilaagii ba(Isagii ayaa is
moodaya matalaha sheekada)!
Sida ay nolosha dhabta ahi tahay, weynu isdhiibnaa, weynu guuldarreysanaa,
weynu oynaa, laakiin haddii aad sheekada sidaa ku soo gabagabeysid, akhristaha
sheekadu waligii ku cafinmaayo.! Haa adiga ayaan kula hadlayaa Qoraa,
akhristaha sheekadaadu waligii ku cafinmaayo.!
Waxaa lagaa doonayaa in jilaaga wax walba ha soo gaadhaane, uu doorto inuu
dhabar-adeygo.
Inuu goosto, inuu u dagaalamo guusha. Ugu dambeyntana ku gaadho guusha
halgankaa. Sidaana sheekadu ku dhammaato, iyada oo xiiso leh.. Nabadgelyo.!
W/Q Maxamed Haybe Axmed.
Iigala soo xidhiidh: mo.haibe03@gmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan.
bilow...
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...