Sida looga gudbo hooseynta, loona ahaado mid kalsooni badan leh
Sida looga gudbo hooseynta, loona ahaado mid kalsooni badan leh
Waxaa jira dad la nool guuldarrada. Waxa ay la kulmaan maalin walba. Nolosha
meel kama soo muuqdaan. Waxa ay sidaasi u yihiin ma garaneysaa? Aan ku siiyo
warkeedee, waa kuwo had iyo goor isliida amma dareensan iney dadka ka
hooseeyaan! Waa kuwo aan wax kalsooni ah ku qabin naftooda. Waxa ay isbarbar
dhigaan dad kale. Waxa ay naftooda ka haystaan sawir xun.
Hadda ba, sidee looga gudbi karaa dhibaatadan? Waa weyddiinta macquulka ah ee
aad iska weyddiin karto arrintan. Akhrista, bishaareyso waxa aan xal kaaga
hayaa, sida aad uga bogsan lahayd isliidida. Waxaa aan kuu hayaa kalsoonida
aad xabaasha ka yar ku riday, sidii aad ciida uga soo foqi lahayd. Waxaa soo
noolaan doonta kalsoonidaadii hore amma waxa aad abuuri doontaada kalsooni
cusub oo aan duugoobeyn. Raac tallooyinkan adiga oo si foojignaan leh u
akhrinaay waqna kuwan:
1. Isbarbar dhig tagtadaadii!
Waxa aad isbarbar dhigtaa sida aad aheyd shaley iyo sida aad tahey maanta ,
balse meesha ma taal sabab aad qof kale isku barbar dhigto; iska ilaali
waligaa.
2. Garo qiimaaga.
Aragtida aad duniddan ku eegayso, ha noqoto inaad tahey mid ka duwan cid
kasta; ka duwanaantaasi waa ta keeneysa qiimahaaga aan la geyn kareyn! Ka
duwanaantu waa mid adiga kuu gaara. Qof ba qofka kale wuu ka jaad duwan yahey;
waxa aad leedahey dabeecad kuu gaar ah. Waxa aad leedahey awood kuu gaar ah
taa ku biyo- cab. Sida aanad u noqon karin qof kale, ayuuna qof kalena u noqon
karin adiga, maxaa yeelay waxa aad tahay abuur gaara! Marka aad sidaa
garwaaqsato, waxaa ka baxaysaa isliidida, waxaana kobci doona kalsoonidaada.
3. Ha ku dayin xoog
Haddii aad tahay mid isliida ama mid sare isku qaada, waxba ka baddeli mayso
waxa aad dooneyso, sida daraad qabo waxa aad dooneyso. Xoogga iyo ismaqiiqu,
waxba ma soo kordhiyo. Waxa wax lagu hagaajiyaa deganaan iyo hubsiimo.
Haddaad istidhaa xoog wax ku beddal, waxaa laga yaabaa iney kugu soo kordhiso
culeys iyo diiqad. Arrintu xoog maaha ee waa xeelad. Wax kasta oo aad
qabaneyso ha noqdaan wax aad jeceshay.
4. Hab sii guuldarrada!
Si kasta oo wanaagsan oo aad isugu daysey amma si qototada dheer ee aad isagu
daydey, haddana waxaa aad arki adoo wali guuldarreysanaya! Marka ay sidaasi ku
qabsato, waxaa lagaa doonayaa inaad soo dhaweyso guuldarrada. U qaabil si in
aad iyada u baahan tahay oo kale. Marka aad kulantiin adiga iyo guuldarradu u
dhoolacadee, gacanta gali oo hab sii adiga oo laabta gashanaya. Dadku aan
garashadoodu badneyni ha yabaan oo ha isweyddiiyaan: waa maxay qofkan maalin
walba guuldarreysanayaa?
Waxaa aad ogootaa in adiga iyo guuldarradu aad tihiin laba lagdamaya oo mar
walba ishaya; sida kaliya ee aad kaga guuleysan kartaa waa inaad noqoto mid ka
adag birta. Waa inaaney guuldarradu dib kuu celin. Naftaada ku qab kalsooni.
Guuldarrada soo dhawee, casharna ka baro . Hore xagaa uga soco. Gadaal ha soo
eegin, waxa aad tahay libaax ay isyaqaanaan guuldarrada oo inta uu soo
dhaweeyey, dhabta saartey marna hab siiyayba!
5**. Xasuuso caddaynta lidkaaga.**
Waa inaad u kuur gasho, waxyaabaha ku lidka ah shaqsiyadaada iyo guushaada.
Waa inaad diwaangelin ka samaysaa dhammaan waxyaabaha aad ka dhaqaaqi laadahay
ee ku haya lugaha.
Waxaa aad qortaa, waxa kugu abuuraya kalsooni la'aanta. Waxa aad taxdaa waxa
keenaya guuldarradaada, adiga si mug leh uga fiirsanaya, waxaa tidhaahdaa: waa
kow, labba iyo saddex ayaa ka mid ah.
Haddii, waxa ay noloshaadu ka dhaqaaqi laadahay ay tahay isliidida, waa inaad
si geesinimo leh u abbaarta. Qalinka iyo waraaqda inta aad la boodo, waxaa aad
ku dhigtaa: waxa keenaya inaad isliido. Halka lagaa raacey ee ay kaaga timid
hoos-usudhigani.
Diwaankaa dheer aad qorey, waa inaad ilaashataa. Waa inaad meel muhiima ku
xaseysataa.
Sidoo kale, diwaankaa aad qoratey waa inaad maalin walba eegtaa. Waxa aad
isweydiisaa: maxaa kuu qabsoomay? Maxaa aad ka gudubtey amma maxaa aad se ka
gudbin?
6. Eedu waa shikiga
Haddii aanad hubin inaad isliidayso iyo in kale; haddaad ka shikisan tahay
naftaada, waxa xil kaa saaran yahay inaad dooratid waxa kuu leh dareenka
wanaagsan.
7**. Ahow bilow.**
Qofka bilowga ahi waa mid cid kasta wax ka barta amma ka korodhsada, halka ka
waaya-araga iska dhigayaa uu iska dhaafo isaga oo iska weynaynaya.
Islaweynidaasina ay noqoto mid uu ku jabo hadhow!
8. Aamin dadka kale.
Haddii qof kuu bogo ama ladhaco wax aad qabatey, kuna yidhaa: howshan waad ku
wanaagsan; sifiican baad u qabatey; aamin qofkaa. Waxa aad ogaataa in ay jirto
sabab weyn oo uu sidaa u leeyahay!
9. Carruurta wax ka baro!
Carruurtu malaha aragtida is-hoyseysiinta amma isyasidda. Wax kasta ay
doortaan, waxa ay u sameeyaan ficil ahaan. Adna isku dey sidaas oo kale!
10. Qaad xil.
Haddii intaa tallaabo ee aynu soo marney ilaa haddana aad dareemayso hoos isu
dhigidii, waa inaad isweydiisid sidaan u beddeli laheyd. Waxaa lagaa doonayaa
in aanad cidna ku haleyn, halka aad taagan tahay. Kalsooni la'aanta iyo hoos-
isu-dhiga ku heysata, cid kale xil kama saarna kuna eedayn kartid. Wax kasta
waa inaad adigu madaxa saarataa. Maalin kastana waa inaad ka shaqeysaa sida
aad uga takhaluusi lahayd. Marka aad sidaa sameyso, waxa aad arki
kalsoonidaadii oo soo koreysa.
11. Jooji Cabsida.
Inta badan isliididu waa fikir aan kala joogsi lahayn, kaasi oo aan si kala
go' lahayn usoo gala maskaxdeena. Malaha rogo xaqiiqa. Waa inaad wax iska
weydiisaa, waa inaad ladagaalantaa, ugu dambeynaa waa inaad ku guuleysataa ka
saarida maskaxdaada.
Marka aad madaxaaga ka saartaatid isyasida iyo kalsooni darrada ku soo
noqnonaya, waxaa aad dareeni daganaan iyo naf-ku-kalsoonaan.
12. Baddel wax-isku-sheegaaga.
Maalintii kasta labba jeer waa inaad waxa aad rumaysan tahey, aragtiyahaaga
iyo waxa aad dooneyso inaad ka gun gaadho, si dhaba aad ugu sheegtaa naftaada.
Waa inaad u sheegtaada naftaada iney isku kalsoon tahey. Xaqiiji naftaada!
13. Ammin sii.
Qof kasta wuu istaaga bilowga. Wax kasta waxaa ugu adag bilowga. Jooji inaad
markiiba natiijo heer sare ah gacanta ku dhigtid. Nafta guul deg dega ha ka
filanin. Sii naftaada waqti ay ku korto.
14. Waxba dhib ma leh.
Haddaad aragtid in ayna wali kaa tagin isliididii iyo kalsooni darradii ha u
bixin ma jirto dhibi. Qof boqolkiiba boqol dhammaystirani ma jiro. Hal shay
sameyntiisa inaad kalsoonidarro dareento malaha ceeb, balse waxa ceeb ah in
wax kasta kalsooni darro ka muujiso!
Guntii iyo gabogabadii, waxa aan filayaa in aad kasoo bogatey sidii uga bixi
lahayd isliidida iyo kalsooni la'aanta. Hadda, waxa aad taqaan sida nolosha
baal dahaba uga gali lahayd. Waxa aad ku hubeysan tahay kalsooni. Maanta waxa
aad ka soo baxsatey xabsigii weynaa ee isliidida!
Waxa aan kaaga tagayaa dardaarankan: haddii aad isku aragtid kalsooni la'aan
amma isliidid, waxa aad dhibtan ka hoos gashaa ILLAAHAY. Badi baryadiisa
isagaa sama-tabixiye ah 'e.
Ifku ha idiin samaado.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed. bilow...
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...