Quraanka in wax laga bedelay maxaa ka jira?
Quraanku waa sharciga koowaad ee dadka diinta islaamka haysta ay ku dhaqmaan, waana sharcigii sida Maxamed sheegay ilaahay ku soo dajiyay laakiin waxa jira khilaaf dhashay geeridii Maxamed kadib kuna saabsan in wax ka bedel lagu sameeyey iyo in kale, waana halka ay dadka diinta islaamka haystaa ay ku kala jabeen uguna qaybsameen Shiico iyo Sunni qoloba qolada kale ku eedaysey in ay wax ka bedeleen oo ay aayado kamid ah ama suurado Quraanka kamid ah meesha ay ka saareen kuwo kalena ay kuso dareen.Sidoo kale waxaan iftiimin doonaa taarikhday soo martay in Quraanka la uruuriyo lana qoro iyo wixii ka dhashay.
Si aan cidda qortay ee uruurisay u ogaano waxa iyana mudan in aan xusno in ay
waagaa yaraayeen dadka wax qora waxna akhriya oo nebiga laftiisu ahaa qof aan
waxna qorin waxna akhrin sida Quraanka ku cad meelo badan aayaddan;
{ وَمَا كُنْتَ تَتْلُو مِنْ قَبْلِهِ مِنْ كِتَابٍ وَلا تَخُطُّهُ بِيَمِينِكَ,
إِذًا لَارْتَابَ الْمُبْطِلُونَ } العنكبوت:48
Markaa waxa dhici jirtey in nebiga asxaabtiisu ay qaybi jireen Quraanka oo
laabta ku qaban jireen. Kadib markii dadkii diinta islaamka haystey ay bateen
si dadka ka fog Makka iyo Madiina diinta loo gaadhsiiyo waxa loo baahday dad
qora Quraanka, dadka hawshaas loo igmaday waxa ka mid ahaa afartii ka dhaxlay
talada nebiga(khulafadii) waxa kale oo hawsha la wadey Cabdulaahi Bin Cumar
Bin Caas, Mucaawiye Bin Abi Sufyaan iyo Zayd Bin Thaabit.Quraanku ilaa
xilligii Abuu-Bakar laabta dadka ayuu ku jirey, sidoo kale waxa xusid mudan in
duulaanadii Abu-Bakar ku qaaday carabtii diidey taladiisa ee loo bixiyey
dagaalada ka noqoshada Islaamka (حروب الردة) ayaa waxa ku dhintey rag badan oo
ka mid ahaa raggii Quraanka laabta ku sitey, kadibna cabsi laga qabo in uu
lumo
Quraanku waxa loo igmaday in uu qoro uruuriyana Zayd Bin Thaabit.Zeydi ma qori
jirin aayad ilaa uu waydiiyo laba saxaabi oo kale in ay aayadda maqleen,
halkaa waxa kaaga cad in cidda hawshan loo igmaday ee loo soo xulay ayna
kalsooni buuxda ku qabin waxa laabteeda ku jirta balse ay u baahnayd inay
hesho laba iyo wixii ka badan in ay maqleen si loo diiwaan geliyo.
Sidoo kale waxa hubaal ah in Quraanka isbedel ku dhacay, waagaa ma jirin cid
wax qori jirtey ama akhriyi jirtey oo ku noolayd dhulka diinta islaamku kasoo
baxday, kitaabka hadda muslimiintu hor-yaalla waxa la qoray xiligii Cusmaan
Bin Cafaan 24 ilaa 25 dabshid kadib geeridi Maxamed.
Bal hadda aan eegno qaar kamida axaadiithta ku jirta labada kitaab ee ugu
waawayn kutubta muslimiinta marka laga yimaado Quraanka ee ay isku raacsan
yihiin sugnaanshaha waxa ku qoran waana “Saxiixul Bukhaari” iyo “Saxiixul
Muslim” oo soo warinaya axaadiith badan ka markhaati kacaya in Quraanku dhiman
yahay oo wax laga bedelay. .
1. أخرج البخاري ومسلم باسنادهما عن ابن عباس ، قال
: خطب عمر بن الخطاب خطبته بعد مرجعه من آخر حجة حجها ، قال فيها : ان
الله بعث محمداً (ص) بالحق وانزل عليه الكتاب فكان مما انزل عليه الله آية
الرجم . فقرأناها وعقلناها ووعيناها فلذا رجم رسول الله (ص) ورجمنا بعده .
فأخشى إن طال بالناس الزمان ان يقول قائل : والله مانجد آية الرجم في كتاب
الله فيضلوا بترك فريضة انزلها الله.( البخاري ج8 ص208 باب رجم الحبلى حديث
رقم 6328 ومسلم ج4ص167 وج5ص116)
Xadiiskan sare waxa toos ugu cad in aayadda rajmiga(dhagax ku dilka qofka
gogol-dhaaf sameeya) ka hadlaysa ay Quraanka ku jirtey laakiin maanta kitaabka
muslimiintu maanta haystaan kuma jirto aayaddan xadiithku xusay ee xagay tolow
ka
baxday?
Werin kale waxay leedahay Cumar wuxuu yiri hadii aanan ka baqayn in dadku
yiraahdaan Cumar baa aayadda dhagax ku dilka ku daray Quraanka waa ku dari
lahaa.
عن عمر قال : ( لولا ان يقول الناس ان
عمر زاد في كتاب الله لكتبت آية الرجم بيدي) (البخاري ج4 ص152و135 باب
الشهادة عند الحاكم في ولاية القضاء)
2. عن أبي يونس…فأملت عائشة
عليَّ (حافظوا على الصلوات والصلاة الوسطى وصلاة العصر وقوموا لله قانتين)
قالت عائشة: سمعتها من رسول الله. صحيح مسلم 1: 130، سنن النسائي 1: 236.
Caasha waxay leedahay waxaan maqlay nabiga oo u akhrinaya aayadda sidan
(حافظوا على الصلوات والصلاة الوسطى وصلاة العصر وقوموا لله قانتين) laakin
maanta sidan ayay kitaabka ugu qoran tahay ( حافظوا على الصلوات
والصلاة الوسطى وقوموا لله قانتي ) oo qaybta ay kamida ayaa laga tagay.
3. عن عائشة انّها قالت كان فيما اُنزل من القرآن:(عشر رضعات معلومات
يحرمن) ثم نسخ بخمس معلومات، فتوفّى رسول الله صلعم وهن فيما يقرأ من
القرآن. صحيح مسلم 10: 29 و30 كتاب الرضاع سنن ابى داود 2: 230.
Caasha cid Maxamed uga war rooneyd ma jirin, maadaama ay ahayd minyaradiisa uu aadka u jeclaa, waxay inoo sheegeysaa in nebigu dhintay iyagoo quraanka ay ku jiraan aayaddo ka hadlaya naas-nuujinta ragga waawayn si ay muxramkaaga uga mid noqdaan balse aayadahaasi Quraanka maanta kuma jiraan.
4. عن عائشة: لقد نزلت آية الرجم، ورضاعة
الكبير عشراً، ولقد كانت في صحيفة تحت سريري، فلمّا مات رسول الله وتشاغلنا
بموته دخل داجن فأكلها. صحيح البخاري رقم 1945 كتاب النكاح.
Halkan waxay Caasha mar kale inoogu sheegeysaa in ay soo degeen aayadaha dhagax ku dilka iyo nuujinta ragga waaweyn laakin uu neef xoola ahi cunay warqaddii ay ku qornaayeen xilli ay ku mashquulsanaayeen geerida nabiga, ogow waxa rida ama xoolahan kale cunay waa hadalkii ilaahay ballanqaaday ilaalintiisa.
5. خرج أحمد بن حنبل في مسنده: “عن أبي
بن كعب أنه قال: “كم تقرؤون سورة الأحزاب؟ قلت: ثلاثا وسبعين آية. قال: قط!
لقد رأيتها وأنّها لتعادل سورة البقرة وفيها آية الرجم! قال زرّ: قلت وما
آية الرجم؟ قال:(الشيخ والشيخة إذا زنيا فارجموهما البتة نكالاً من الله
والله عزيز حكيم)”. مسند احمد 5/123 حديث 21245. والاتقان 2/25.
Xadiithkan waxaa ku cad in ninka la yidhaahdo Ubaya Bin Kacab uu yiri waxaan aqaanay suuradda Al-Axzaab oo dhiganto xagga aayadaha suurada Quraanka ugu dheer ee Al-Baqrah welibana ay ku jirto aayadda dhagax ku dilka maantase suurada Al-Axzaab waa 73 aayadood oo kaliya kumana jirto aayaddii dhagax ku dilku.
6. أخرج البخاري في كتاب فضائل القران
باب نسيان القرآن وكذلك باب من لايرى بأساً أن يقول سورة كذا وكذا وأخرج
مسلم في كتاب صلاة المسافرين وقصرها باب الأمر بتعهد القرآن وكراهة قول
نسيت آية كذا .. عن عائشة قالت : سمع رسول الله (ص) رجلاً يقرأ في سورة
بالليل ، فقال : يرحمه الله لقد أذكرني آية كذا وكذا كنت أُنسيتها من سورة
كذا وكذا.
Halkan waxa ku cad in nebiga laftiisu uu kala ilaawi jirey Quraanka oo saxaabadiisa qaar kamida xasuusin jireen aayado lagu soo dejiyay oo uu waa hore ilaaway.
7. رد في الصحاح عن عمر أنه
سمع هشام بن حكيم بن حزام يقرأ سورة الفرقان في حياة الرسول (ص) وقال
فاستمعت لقراءته ‘فإذا هو يقرؤها على حروف كثيرة لم يقرئنيها رسول الله (ص)
.
البخاري ج6ص239 باب من لم ير بأساً أن يقول: سورة البقرة كذا وكذا.
Xadiithkan waxa ku cad in saxaabiga Cumar uu maqlay saxaabi kale oo akhrinaya suuradda Al-Furqaan kuna daray ereyo badan oo aanu nebigu ku darin, tolow xaguu ka keenay ereyadaas? maxaase loo qaban waayey ileen nebigu waqtigaas wuu noolaaye? Maxaase ku dhacay maligii Jibriil oo uu nabiga u wargelin waayay in Quraankii la bedelay sidii uu u wargeliyay xam-xamtii yuhuuddii reer-bani- Qurayda ee sababtay in xasuuq lagula kaco?
8. في صحيح مسلم (..فنزلت هذه السورة :{ تَبَت يدا أبي لَهَبٍ و (قد) تَبّ } ثم قال : كذا قرأ الأعمش الى آخر السور
Xadiiskan waxaa ku cad in suuradda Al-Masad qayb ka mid ah laga saaray qaybtaas oo ah ereyga (قد) hadii xarafkan loo dayn lahaana gebi ahaanba micnaha suuradu wuu is bedeli lahaa.
Quraanka xilligii la soo uruurinayay ee la diiwaan gelinayay ma jirin dhibcaha xarfaha iyo shaqaladuba sidaa darteed ayay suurta gal ahayd in hal ereyo loo akhriyo boqol qaab oo kala duwan, taas oo raadkeedii meelo badan oo Quraanka ah maanta aad ku arkaysid.
Hadaba ma Ilaaha Maxamed ayaa ka baxay ballantii oo Quraankiisa ilaashan waayay mise qolyaha culimada ay muslimiinta aadka u qadariyaan ee axaadistan qoray ayaa ku been-abuuranaya? Yaa been sheegeya yaase run sheegaya? Waxaa hubaal ah in wax badani qaldan yihiin, waxbadnina lumeen kol haddii aanay jirin waagaa cid wax akhriyi jirtey waxna qori jirtey ama kayd.
Qolyaha kudooda 1400 dabshid isma bedelin Quraanku waxaan odhan lahaa dib isugu noqda taariikhda ayaa tusaale inoogu filan oo waxa maanta weli aduunka yaal oo aanay waxba iska bedelin taalooyinki la dhisay xadaaradi masaaridi hore 3000 sanno ciise horti ilaa maantana ay dunidan ka kor taagan yihiin.
Waxaa mudan in aan is waydiino inagoon indhaha is qabanayn waxa ka runta ah in
wax ka bedel lagu sameeyey Quraanka?
Sidoo kale waa in qofka Muslimku go’aan ka qaato inuu aamino ama diido oo
beeniyo axaadista sida cad inoogu sheegeysa in Quraanka waxa laga bedeley iyo
in xoola cuneen qaar kamida aayadihiisii.
Muslimow suurtagal ma aha in aad rumayso bad-qabka iyo sixada kitaab lamida
Saxiixul-Bukhaari oo ay buux dhaafiyeen axaadiista ka marag kacaysa in
Quraanka wax laga bedeley, isla markaana aad ku hadaaqdo aayaddan sheegaysa in
Quraanku ilaashan yahay (إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ
وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ ) oo aadan is waydiin meesha ay wax ka qaldan
yihiin, sidoo kale hadii wax laga bedeley ama laga bedeli karo maxaa guud
ahaan ka run noqonaya Quraanka? Miyayna suurta gal ahayn inay jiraan waxyaabo
kale oo lagu daray ama laga saaray balse cidina ayna u suurtagalin inay soo
weriso?
Sidoo kale waa inaad si qoto dheer baadhitaan ugu samaysaa mawduucan iyo axaadiistan aan xusnay laftooda haddii aad ka shakisan taha, waxaana lama huraan ah in qofka Muslimka ahi mar walba caqligiisu shaqeeyo oo wax walbana u bandhigo miisaanka caqliga. Kol haddii culimada islaamku ay kaa qariyeen axaadistan beena ay kuu sheegeen cid la aaminaana aanay jirin waa in aad garashadaada ku kala shaandhaysaa waxa guud ahaan ka run ah sheekooyinka la qoray boqoleydi 9aad.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...