Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nebinimo (Maanso)

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Fanka 0
11.3k
·

4/17/2018

Nebinimo (Maanso)

Caawa fiidkii hore oo ay taariikhdu ahayd 17-4-2018 waxa aan tiriyey tix jiifto ah oo aan isla markii aan tiriyey faafiyey, waxa ayna ku saabsanayd garaadka ama maskaxda, magaceeduna waxa uu ahaa “Nebinnimo”. Waxa aanna rajaynayaa akhris wanaagsan iyo naallo suubban.

Caqliyow ku naawiley
Noloshayda idilkeed
Nuxur aan ku taamiyo
Nooligaygi baad tahay

Markay talo ningaxan tahay
Nuuxayso aragtidu
Naxwuhuna sirgaxan yahay
Ninkarmeedku gaabsado
Maskaxduna nagiig tahay
Adigaa nasteexoo
Naqshadaha aqooneed
Dadku kuu naqraacaan

Neeftuurka doodeed
Marka hadal nacayb iyo
Naxli murugsan leeyahay
Lagu noogo sheekada
Naabaalka murankana
Nin weliba iddiis rido
Runta naalladeedana
Sida nabari loo liqo
Naqdi iyo isgaranwaa
Nabarradu isdhaafaan
Marka nacalleqabayaal
Naaraha afuufaan
Nabaadguur murtiyi tahay
Ereyada namiimka ah
Marka la isku wada nabo
Goortay nuxuuskiyo
Niyadxumaha liitaa
Nuuxnuuxsadaan oo
Nidarka iyo dhaaraha
Nuunaas qarsoon iyo
Nuxnux hoose lagu daro
Beentuna nashaaddoo
Runta naxashka lagu sido
Adigaa naruuriyo
Nuurkaaga garashada
Naashnaasha taladoo
Naakhuude wacan oo
Nefis keenayaad tahay

Naadiga aqooneed
Namuunnada waxbarashada
Jahli nacab markuu yahay
Cilmiguna nasabad iyo
Maskax nuuraddeed yahay
Naqtiinkiyo dadaalkuna
Nasakhaan wixii hore
Nawaaxiga iskuullada
Noocyada kitaabaha
Adigaa nadaamshoo
Imtixaan nurkuu jiro
Noqoshada duruusaha
Adigaa natiijiyo
Nasrigii Ilaah iyo
Naacaw san keenoo
Nimco geeddiyaad tahay

Falsafada nuddeediyo
Ku negaanta fiiradu
Niikiyo ciyaar iyo
Nikaax gogoshi ma ahoo
Dad baa sida nimcooley
Ama nirigta sidigeed
Ama naylo dayreed
Naxariis u raacdoo
Garashada nishaaboo
Nayruus ka nayruus
Murti naadiroo wacan
Dooggiyo nabaadkiyo
Nagaarrada ka baaroo
Naaxnaaxsha qalinkoo
Nafaqeeya madaxoo
Sida geesi nacab galay
Nafta hura iskoodoo
Nabadsugid sideedii
Ilaalada ku niibtoo
Been iyo naceed iyo
Nahaabnimo ka dheeroo
Naasaha aqooneed
Nuugnuugistoodaas
Sida geed najaar qoray
Ku nafaca dadyowgoo
Caqliyow wax nool iyo
Nasashada indheergarad
Nebigeedi baad tahay

Nugul iyo qof xoogliyo
Naaqis iyo garaadmaal
Inta neefsatoo idil
Nafar iyo jamaacaba
Naanaab hadduu jiro
Ama uu dad naafiyo
Naflacaari leeyahay
Neef ay rartaan iyo
Naq u soo baxaad tahay

Muslin iyo nasaariyo
Nabasleyda dumarkiyo
Naakiro haween iyo
Murwo naashisaa iyo
Nacnac cune carruuriyo
Ragga naa’ibkoodiyo
Oday magaca nabadeed
Naanays u yeeshiyo
Nacamleeye doqoniyo
Inta nacaladowdiyo
Diredire najaasiyo
Naag iyo ninkeeduba
Wax ay naadiyaan oo
La nabdaadiyaad tahay

Naafto iyo baasiin
Ilays naar ah bixiyiyo
Iftiin aan la nicin oo
Nabaaddiino aadnigu
Nacfi uga helaan iyo
Nal u daaran baad tahay

Nabsiley adduunyadu
Farxad iyo qofkii naxa
Nacid iyo wax rabitaan
Nacaybkiyo jacaylkiyo
Dhulka aynu naalliyo
Cirka naga sarreeyiyo
Nafleyda iyo geeduhu
Nadi ay sitaan oo
Fardo lagu nadoocshiyo
Nebinnimo kal furan iyo
Nadiif daahiraad tahay
Dadnimada nuskeed iyo
Noolaan saraad tahay
“Nacam” baanna kuu iri.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...