Mu'miniinta iyo maxaysatada
Ka gadaal xiisaha guud ee aadanuhu u qabo ogaanshaha su’aalo badan oo ku
saabsan qaabka adduunku u shaqeeyo, Maxaysatadu (hunter-gatherers) waxay xiisa
gaara iyo tix gelin mudan siiyaan suaasha ah; Muxuu xumuhu ugu dhacaa dadka
wanaagsan?!
Marka loo eego aaminaadda Qoomiyadda Ameerikaanka dhaladka ah ee (Haida) taas
oo ku dhaqan cidhifka waqooyi ee badda baasifiga dhul-gariirku waxuu dhacaa
marka Eebaha badda hoosteeda degan eygiisa wayni gilgisho (Eebahaa shaqadiisu
waa inuu hayo jasiiradda qoomiyaddu ku dul nooshay).
Sidoo kale qoomiyadda Mbuti ee ku dhaqan Congo waxay aaminsanyihiin hadii
qadhaabka ku yaraado maalin uun inay sababtu tahay ruuxda kaynta oo
gaajoonaysay maalintaa qadhaabkiina fuuqsatay.
Marka ruux ka mida qowmiyadda (Kung Bushman) ee ku dhaqan lama degaanka Kalahari uu bukoodo waa shuqul ka mida shuqulada ruuxdii awoowayaasha (Gauwasi) taas oo ku socotay amarka iyo aqbalka Eebe.
Dabcan maxaysatadu keliya kuma koobna ka fekerka su’aashan, duul waynaha kiristaanku in badan ayay su’aashan isa soo waydiinayeen waxaana jira qoraala badan oo sooyaalka kiristaanka ku jira su’ aashan iba furkeedana la xidhiidha.
Waxaase biyo kama dhibcaan ah in maxaysatadu ka jawaabo toosanaayeen badi
wadaado diimeedyada! Waayo Ugu yaraan jawaabaha maxaysatadu waxay ka maangal
san yihiin jawaabaha ay baxshaan wadaado diimeedyada diimaha
Ibraahimiyadu(Islaamka, Kiristaanka iyo Yahuudda).
Wadaada diimeedayada diimahaas kor ku xusani waxay ku doodaan inuu xaqiiqada
maamulo Eebbe Ogaalkiisa, Awooddiisa iyo iyo Naxariistiisuba lama koobaan
yihiin, mase fahmi karno sababta uu Eebaha intaas oo ogaal iyo awoodba ah
koobsaday uu ilmo yar ugu eego inuu kansar lafiihiisa feento kadibna sida
xansharka isagoo nool u kala daato, waa is diido aan ilaa hadda cid si saxa
isula doonata la hayn.
U malayn maayo inay jirto sheeko ka fiican sheekada (Job) ee ku timi buuga Job
(Book of job) oo laga fahmi karo qaabka ay wadaado diimeedyadu isugu dayaan
inay u daweeyaan isdiidada dooddooda ka muuqata.
Job waa nin miskiina oo xayn xoolo ahna kayn cidla ku raacda, Job waa nin taqi
ah oo cibaado badan masiixana talasaartay inuu yahay badbaadiyihiisa nolosha
danbe!.
Job isagoo noloshiisa iska wata ayay masiibo aan loo meel dayin ka
danbaynteedana uu Eebbe ku tuhmayaa ku habsatay, Job waxa iska raacaya
xaaskii, xayntii iyo caruurtii.
Dhacdadaa kadib job waxuu bilaabayaa inuu Eebbihii maankiisa wadaadadu ku
Abuureen halkiisa ku maxkamdeeyo, waxa uu galabsaday ee dhibkan ku mutayna
su’aalo ka waydiiyo.
Job isagoo isla hadalkiisa mooye Eebbe maankiisa ka baxsan jawaab ka helin
ayaa waxaa u imanaya sadex wadaad waxaanay bilaabayaan inay Job ku qanciyaan
in dhibku aanu xagga Eebbe ka imane uu isagu eedda leeyahay.
(وَمَا أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن
كَثِيرٍ).
(Kadeed kasta oo kugu dhaca waa midaad isu keentay nafaaduna kasbatay) Jobow
weliba saa’iraad iyo xanaan baa la socda inaad ka cadhootana xaqba uma lihid.
Waxaanay wadaadadu Job ku qancinayeen inuu Eebbe mid xikamad badan yahay in
shuqulkiisa la fahmaana iska adag tahay.
Job ugu danbaynta isaga oo wareersan ayuu wadaada ka tegayaa!
Hadaba caalamka maxaysatada is diiddooyinkani ma yaalaan mushkiladda xumaha (
Proplem of Evil) iyo dhibka adduunkuna maaha mid wareer la socdo waayo Eebbe
maaha mid kaliya oo awood iyo Ogaal badan.
Abuurayaasha caalamka maxaysatadu waa kuwo fara badan, kuwaas oon markasta
laga rajayn karin wanaag badhax la’, Waxaa jira mar aanay faraxsanayn, mar ay
kibir sanyihiin, Aadanah dhaqankiisu inuu ka xanaajiyaana waa suure iyo wax la
sugi karo mar walba.
Tusaale; Eebbaha onkodka (Karei) ee qoomiyadda maxaysatada ah ee (Semang)
kuwaas oo degan Waqooyi bari Eeshiya waxuu ka cadhoodaa hadduu arko ruux
shanlaysanaya dabaylaha roobka dhexdooda ama ruux laba ey oo is kudaya
daawanaya.
Sidoo kale jasiiradda (Andaman Island) Eebaha Dabaysha ee Biliku waxuu aad u
dhibsadaa dhalaalinta malabka shinnida ama dhexgalka heesha (cicadas).
Dhaqan-baadhihii waynaa ee reer Ingriis (A.R Radcliffe Brown) mar uu qarni ka
hor darsayey dadka jasiiradda Andaman waxuu soo weriyay in dadka reer Andaman
ay iyagoo og inuu eebahoodu ka xanaaqo dhalaalinta malabka shinnida ay hadana
weli dhaqankaa sameeyaan iyagoo rajaynaya inaanu Eebahoodu ogaan doonin.
Radcliffe waxuu aad ula yaabay dhaqanka dadkan uu cawaanka ku tilmaamay waayo
isagu waxuu kasoo jeeday dhaqan Eebbe macnihiisu yahay wanaag oo dhan xumaana
ka nasahan yahay.
Sidaa aynu wada aragnay farqiga keliya ee u dhexeeya Eebayaasha faraha badan ee maxaysatooyinka adduunka dacaladiisa ku dhaqan iyo Eebbaha diimaha Ibraahimiyadu waa uun in ay umadaha Ibraahimiyadu Ilbax noqdeen Eebahoodiina Eedihii oo dhan ka duween meel eedihii Eebbe laga weeciyay dhigaana ilaa hada la’yihiin.
Aniga ahaan ma ogi sababta iyo xikmadda ka danbaysa in uu ilmo yari gaajo iyo nafaqo daro u go’o, ma garan karo xikmada ku jirta in libaaxu lo’ gisida iyadoo nool oo cabaadaysa cuno, ma garan karo xikamda ku jirta in aadanuhu malaayiin sano raf iyo rafaad ku noolaa markii uu halgan dheer ka dib harraad beel iyo inuu huqdii kaymaha ka nasto isku dayayna Eebbe intuu qaar Aadanaha ka mida lasoo xanshaashaqay oo buuro korkood wax ugu soo sheegay, abaallo fara badan oo goortuu galay cid garanaysaa aanay jirinna sheegtay weliba ku goodiyay inuu aadanaha meel aan cidi garan karin ku gubi doono haday diidaan.
Ugu danbayn laga yaabee inay maxaysatdu runta inooga dhowyhiin kownkanina
yahay mid aan xume iyo samo toona aqoon (cosmic indifference).
Dhibkuna yahay maankeena horumaray iyo miyir qabkeena..
Lo’ gisidu marka libaaxu hooyadeed cuno orodka iyo firdhadka hore daqiiqado
kadiba way iska daaqdaa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...