Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Meherka masaajidka

W/Q: Aadan Xuseen
Aragtiyo 0
3.8k
·

2/27/2019

Meherka masaajidka

Q iyaastii saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey waxa magaalooyinka Soomaalilaan ka bilaabmay in meherrada loo leexiyo inay ka qabsoomaan masaajidada, halkii markii hore laga tegi jiray huteelada faraha badan ee hoolalka casriga ah u dhistay adeegyo badanna u diyaariyay si ay u soo jiitaan dadka is-calmaday ee meherka diyaarka u ah. Qormadan waxa aynu ku dul-istaagi doonaa hababka ay u shaqeeyaan meherrada ka dhaca masaajidadu.

KHARASHKA LAGA QAADO MEHERKA MASAAJIDKA

Masuuliyiinta masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherrada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meherradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto. Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin. Masaajidada ku yaalla badhtamaha suuqa iyaga laftoodu waxa ay ku kala duwan yihiin xaddiga lacagta laga qaado dadka.

Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaa $130 – 200 meherkiiba, kaarka meherka lagu gelayo waxa shaanbad tii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaa $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaa inta u dhaxaysa $65 illaa $80. Suuqa meherrada ee masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalaha masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherrada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada. Markaa haddii aynu xisaab ahaan eegno maalintii haddii aynu ka soo qaadno inay ka dhacaan laba meher oo min $80 ahi, bishii waxa ay noqonaysaa: 30 x 80= $2400. Haddii intaasi laga sii kordhiyo lacagtu way ka badanaysaa. Illaa hadda lama hubo in lacagtaasi masaajidka nadaafaddiisa, dayactirkiisa iyo shaqaalihiisa waxa uu ka soo gaadho iyo in kale. Waxa aynu ognahay in inta badan masaajidada loo ururiyo lacag laga qaado dadka ku tukanaya si dayactir loogu sameeyo. Waxa aan xusuustaa sheeko nin wadaad ah oo masaajid khudbad jimce ka jeedinaayey ayaa wax-bixinta iyo sadaqada ku dheeraaday, dabadeed xaaskiisii oo masaajidka ku tukanaysay ayaa is-kala garan weyday, markaasay dahabkeedii sadaqado u bixisay. Markii ay gurigii isugu tageen ayey ku tidhi “Sheekh maanta khudbad qiimo badan ayaad jeedisay oo sadaqada iyo wax-bixinta ka hadlaysa, markaasaan qiirooday oo aan dahabkaygii oo dhan sadaqo ula baxay” Markaasuu ku yidhi “isku maynaan ogeyn in aad dahabkaaga bixiso, balse dadka in aynu ka gurno ayey ballanteennu ahayd”.

SHAQAALAHA MASAAJIDKA IYO GABBAATIGA

Ka hor inta aanay masaajidka soo gelin labada dhinac ee ku ballansan meherku, waxa masaajidka dhexdiisa sii jooga shaqaalaha masaajidka iyo laba askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee masaajidka. Labada askari waxa ay joogsadaan albaabka ay ballantu tahay inay ka soo galaan dadka ballansani, si ay u guraan kaararka casuumaadda ee lagu gelayo meherka. Marka ay dadka labada dhinac ku soo dhamaadaan gudaha masaajidka ayey shaqaalaha iyo askartuba ka mid noqdaan kuwa ka tirsan dadka labada dhinac ee meherka ku ballansan, iyaga oo lacagta gabaatiga ka qaata labada dhinac ee meherka ku kulmay. Qaarkood waxa ay dalbadaan lacag ka badan ta ay dadku qaadanayaan, iyaga oo ku af-gobaadsanaya waar culimada u kordhiya.

MAXAA KU JABAN IN MEHER MASAAJID LAGU QABTO?

Dadka is-mehersanaya iyo eheloodu waxa ay jecel yihiin in goobtan barakaysan ee gurigii Ilaahay ah ay isku mehersadaan oo ay qaataan sahayda ducada si guurkoodu uu u naajixo inkasta oo ay jiraan dad kale oo ku dooda in dhaqankan ugubka ahi yahay ku dayashada masiixiyiinta ama si guud reer galbeedka oo kaniisadaha ku qabsada faraanti geliskooda balse taas waxa looga jawaabi karaa inay jiraan qaybo kamida dhulka soomaalida iyo caalamka islaamka oo tobanaankii sano ee u danbeeyeyba dhaqankani ka jiray. Si kastaba ha ahaatee waxa jira arrimo haddii dhinaca kale laga istaago weji kale u yeelaya meherrada masaajidada, taasi oo ah inay masaajidadii isu-beddeleen hoolalkii dadka laga kireyn jiray ee lacagta laga samayn jiray, maadaamoo masaajidadii iyo hoolalkii isku lacag noqdeen. Maadaama masaajidda lacago fara badan loo uruuriyo jimce walba ama bishiiba mar oo uuna jirin walwal laga qabo dayactirkiisa iyo nadaafaddiisa waxa habboon inuusan noqon goob ganacsi oo ay wadaadadu u adeegsadaan inay ku ciriiryaan huteelada iyo goobaha kale ee kaga habboon adeeg bixintan masaajidka. Masaajidku waa goob cibaado ee maaha goob ganacsi.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...