Maxay ku dhacday in nin kasta oo Wahaabi wayn ahi uu lacag badan haysto?
M axay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto? Dalka Sucuudi carabiya oo ahaan jirey waddan ku dadaala in ay wahaabiyadu caalamka ku faaftaa nimanka ka soo baxa jaamacadaha dadka lagu wahaabiyeeyo waxa uu u qori jirey lacag ay dalalkooda kaga hawlgalaan oo ay ku faafiyaan wahaabinimada, laakiin lacagtaasi ma ahayn hanti badan oo shirkado lagu samaysan karo ee waxa ay ahayd biil yar. Haddaba maxay ku dhacday in wahaabi kasta oo weyni uu yeesho hanti badan?
Sida la og yahay waxaa dhaqan ah in ay wadaaddadu ku noolaadaan hantida shacabka oo weligeed wadaaddadu ka ma tegin in ay ummadda ay la nool yihiin xoolo ka helaan. Waayadii hore wadaadku qofkii uu jus Qur’aan ah baro neef ari ah buu ka heli jirey, qofkii uu Qur’aanka oo dhan barana tulud geel ah buu ku lahaa. Dadka iyo xoolaha waxaa loo samayn jirey xirsiyo ama qardhaaso lagu daweeyo, waxaana lagu heli jirey hanti, isla markaas tahaliil ama cashar, kunmayr iyo akhris baa dad iyo duunyaba lagu samayn jirey, waxaana jirtey dun cad oo Yaasiin la yiraahdo oo dadka dhudhunka loogu xiro oo xoolo lagu helo. Dadka jirran waxaa la saari jirey Qur’aan iyo diin kale oo jinsaar iyo waxyaalo kale isugu jira oo wadaadkii Qur’aankiisa iyo ducadiisa lagu biskoodo waxaa loo yaqiin ”Tuf ku khayrre”. Xoolaha baxsada wadaaddadu waa ay u xirsixiri jireen si uusan dugaag u helin, waxaana badnaa in dad iyo duunyaba markii la rabo Qur’aan loo akhriyo xataa haddii aysan cidi jirranayn.
Meherinta dumarka wadaaddadu hanti bay ku heli jireen, isla markaas dhibbaannada ama qaamaha dadka loo ka la simo xoolo ayaa lagu siin jirey. Maddiiddada oo ah sixir ama fal naag lagu jeclaysiiyo nin aysan rabin iyo asmada oo ah habaar qorshaysan oo cadowga lagu aaddiyo labadaba wadaaddada wax baa lagu siin jirey. Wadaadkii af dheer oo cilmul’asraarka ama sixirka wax ka garanayaa qofkii uu muraadkiisa u fuliyo xoolo ayuu ku lahaa. Siyaarooyinka iyo allabariyada waaweyn xoolaha la isu keeno in badan baa wadaaddada la siin jirey, isla markaas waxaa jirey xoolo magacooda ”Siyaaro” la yiraahdo oo ciddii ay wadaaddo soo booqdaan lagu lahaa. Siyaaraysiga ama walanbaysigu waxa uu ahaa dhaqan wadaaddada lagu yaqaan oo ninka wadaadka ahi sida uu u joogo ayuu reerkiisa ka dhaqaaqi jirey oo ummadda dhex mari jirey si reerkii uu u yimaadaaba neef ugu qalo, neefna u siiyo. La ma soo koobi karo risaaqadaha ama hantida ay wadaaddadu bulshada ka heli jireen, laakiin intaaas ayeynu dhaqankii hore uga baxaynaa.
Wahaabiyadu markii ay carriga soo galeen waxa ay dureen ama dhalliileen
qaabkii ay waddaaddadii hore ummadda wax uga qaadan jireen maaddaama uu iyaga
biil uga socdey Sucuudi Caraabiya oo ay u haysteen in aysan u baahnayn hanti
soomaalida ka soo gasha, isla markaas ay wadaaddadii hore tartan ku la jireen
oo ay rabeen in ay canbaareeyaan si ay bulshada uga kaxaystaan. Wahaabiyadu
barakooyinkii iyo dhaqankii hore ka ma ay wada tegin oo waxa ay banneeyeen in
qofkii jirran Qur’aan lagu akhriyo xoolo lagu heli karo, in dugsiyada ama
malcamadaha nimanka dhigaa ay ardada xoolo weydiiyaan, in cadowga la habaari
karo ama la asmayn karo, in dumarka lacag lagu nikaaxi karo, in wadaad qofkii
uu u duceeyo uu afuro ka qaadi karo, in siyaaro magaceeda ”Tabliiq” la
yiraahdo lagu walanbaysan karo iyo tahaliisha ama casharka oo ay markii hore
diideen ay se dib ka oggolaadeen markii ay ogaadeen in wadaaddo Khaliijka
jooga oo ay shifooyin u furan yihiin ay dadka biyahaas lacago qaali ah ka
siiyaan.
Wahaabiyadu waxa ay meesha ka saareen cilmul’asraarkii ama sixirkii oo ay
wadaaddadii hore isku khilaafsanaayeen maaddaama ay Sucuudigu ku liitaan
aqoonta rooxaaniyadda iyo asraarta oo ay haystaan diin angagan oo ilxaadka
shabbahda. Cilmul’asraarka ama sixirku haddii uu xaaraan yahay in Eebbe la
rumeeyaa waa xaaraan, waayo xaqiiqo ahaan iimaanka diin la rumaysan yahay waa
sixir oo weliba waa sixirka qaybtiisa la yiraahdo ”Sixrul iidhaar” oo ah in
qofka isaga oo aan jismi ahaan loo qabsan maskax ahaan iyo dareen ahaan loo
maamusho. Dadka aqoonta asraarta ku xeel dheeri waa ay isku khilaafsan yihiin
in waxa iidhaarka lagu qabsanayaa uu yahay qofka laftiisa iyo in uu yahay
”Qariin” uu qof kastaa leeyahay oo ku lifaaqan. ”Iimaan” ama rumayn diimeed
haddii aad maqashid wax kale ma aha ee waa in qofka ama qariinkiisa la
qabsado, ka dibna sidii la doono laga yeelo markii uu iimaan yeesho, waana
siddeedda qaybood ee sixirka ugu waaweyn mid ka mid ah oo ah kuwa ugu sii
muhiimsan. Cidda uu qofka iidhaarka lagu haystaa u sixran khasab ma aha in ay
yihiin dad la xilli ah oo qofku waxa uu u sixranaan karaa qof 20 qarni ama ka
badan mootan oo looga sheegay in uu amray in uu galab kasta foorarsado toban
jeer ama uu habeen kasta aqalka cad ee Maraykan u jeesto isaga oo af talyaanni
ku hadlaya. ”Mu’min” iyo ”Masxuur” markaas isku macne ayey noqonayaan, laakiin
ujeeddadeennu ma ahayn in aynu halkan sixir ku baranno.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2019/02/1010.png?resize=660%2C440&ssl=1)
Shirkad dhisme oo uu leeyahay wadaadka Umal oo magaalada Kismaayo ka hir- galinaysa mashruuc lagu dhisayo xaafad cusub oo hanti badani ku baxayso.
Wahaabiyada kuwooda waaweyni in ay xoolaystaan waxaa keenay dhowr arrimood. Midda kowaad soomaalidu waxa ay weligeedba dhaqan u leedahay in uu wadaad maskaxdooda sida turubkii u boolaysan karo oo ganacsato badan baa ku xirantay wahaabiyada, kuwaas oo markii maskaxda laga qabsaday ka dib wahaabiyada waaweyn maalgelin weyn ku sameeyey.
Wadaaddada waxaa loo arki jirey dad hawlo gaar ah u xilsaaran oo talada ummadda wax laga ma weydiin jirin, laakiin wahaabiyadu waxa ay isu muujiyeen in ay yihiin niman wax kasta la weydiin karo oo siyaasad, dhaqaale, arrimo bulsho iwm in iayaga loogu soo hagaagaa ay xaq tahay.
In badan waxa aad aragtay niman wahaabiyo ah oo isu muujinaya in aysan diin ku koobnayn ee ay aqoonta casriga ah wax ka garanayaan iyaga oo laga yaabo in ay aqoontoodu aad u liidato. Nin kuwa wahaabiyada ugu waaweyn ka mid ah baa waxa uu yiri ”Xubinta taranka dumarku 100 maalmood bay markii loo galmoodo biyaha kaydisaa oo haddii muddadaas ay niman badani ku galmoodaan waxa ay haweeneydu dhalaysaa ilmo ay raggaas badani wada dhaleen oo dhammaantood u wada eg, arrintaasna waxaa dadka la wadaaga eyda oo ay 100 ey wada dhali karaan hal ey, waxaana sidaas caddeeyey dhakhtar New York jooga”.
Waxaasi in laga jawaabo ma mudna ee waxa aan uga jeedaa in waxa ninkaas dhibtaas baday ay tahay in uu isu muujiyo in uusan diinta keli ah aqoon ee uu ilbax yahay oo xoogaaga fiqiga ah ee uu garanayo uu New York ku faruur xiro. Falalka noocaas ahi aad bay wahaabiyada uga dhacaan oo waxa aad arkaysaa kuwo islaamo soo doontay in salaadda iyo soonka looga sheekeeyo saacado badan kaga lumiya istustus uu macnihiisu yahay in aysan wahaabiydu wadaaddo jaahiliin ah ahayn ee ay ka hadli karaan aqoon casri ah.
Arrintaasi waxa ay keentay in dad badan oo ganacsato ah lagaga furto xoolo badan oo loo arko in wadaaddada carabaha ka yimid ay ka ilbaxsan yihiin kuwii dalkooda ku sugnaa. Wahaabiyadu dal iyo debedba waxa ay ka ururiyaan dhaqaale badan oo ay marmar ku magacaabaan in masaajid lagu dhisayo, marmarna in dacwada lagu kaalmaynayo, xoolahaasna waxaa farta laga saaraa kuwooda waaweyn oo laga yaabo in ay laftoodu meelaha aad la isugu yimaado qayb weyn ka qaataan ururinta hantidaas.
Dadka xoolahaas laga qaadaa dib u ma sii raacaan meesha ay wax maraan ee waxa ay sii ururiyaan hantidii ay bixin lahaayeen muxaadarada ku xigta!
Ugu danbayntii waxa aan ganacsatada u sheegi lahaa in ay hantidooda ku bixiyaan wax dantooda iyo danta dalkooda ah oo aysan naaxin dhibaatada ummadda saboolka ah, dadweynaha dahabka iyo doollarka la yaacayana waxa aan oran lahaa masaajid iyo madarasooyin lacagtiinna lagu ma dhiso, waxaana la idin ku khatalay iimaanka iyo aamminaadda ee maskaxdiinnii dib u soo ceshada! Xoolaha maskaxda ayaa laga maammulaa oo maandooriye ayaa la idin liqsiiyey.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...