Maxay isku diidan yihiin ururada Al-shabaab iyo Al-ictisaam?
I nta aynaan guda gelin dhumuca qormadan aynu qeexitaan kooban ka bixino ururadan Islaamiga ah ee aynu gorfayn doono waxa uu ku salaysan yahay is maan- dhaafkoodu.
Kooxda Al-Ictisaam ee Soomaaliya oo horena loogu magacaabi jiray Al-Ittixaad waa koox ka tirsan qolyaha Salafiyada ama Wahaabiyada loogu yeero, waxaana kooxdan aasaasay Sheekh Bashiir Salaad sannadkii 1996, kooxdani waxay xoog badan saartay dhisidda goobaha fikirkooda wahaabiga ah lagu fidiyo sida Masaajidda iyo Macaahidda Islaamiga ah, waxay ka qayb qaateen dagaallo badan oo lala galay Itoobiya iyo qaar kamida maamulada Soomaalida, waxayna ahaayeen raggii bilaabay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa. Kooxdan ragga ugu magaca wayn waxa kamida Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Kooxda Al-shabaab oo aan filayo inayna qeexitaan badan u baahnayn waa urur sidoo kale ka tirsan Salafiyada ama Wahaabiyada, waxay ahaayeen garabka dagaalama ee Maxaakiimtii Islaamiga ahaa sannadkii 2006, waxa hadafkoodu yahay fidinta iyo dhaqan gelinta shareecada islaamka iyada oo la adeegsanayo Jihaad.
Si kooban waxa ay kooxahani isku-qabteen waa dano siyaasadeed, dano dhaqaale iyo dana maamul ee diin wax la xiriira iskuma qaban. Xagga diinta isku fahan ayey ka haystaan.
Markii Al-shabaabku koonfurta qabsadeen waxaa aaday dhammaan raggii ictisaam
ugu cuslaa, kuwa dhintay iyo kuwa noolba sida sheekh Gacamey iyo Dr: Axmed
Xaaji, waxayna codsadeen in Ictisaam iyo Shabaab ahaan jagooyinka loo
qaybsado, wixii talo iyo manaafacaad ah la wadaago maadaama Ictisaam ay
odayaal u badan yhiin, tixgelin iyo maamuus gaar ah loo qoondeeyo oo guusha
garabka hubaysani soo hoyey ay ictisaam suuq-geeyaan, xayeysiintana
ka qayb-qaataan, faa’idadana la qaybsado.
Al-shabaab arrinkaa waa diideen, waxayna dheheen Buntlaan iyo Soomaalilaan markaad soo qabataan oo guul keentaan ayeynu wax isku darsan karnaa, haddana waad faramarantihiine dhulkiinna war ka keena marka hore si aynu dhib iyo dheefba u wadaagno.
Al-ictisaam hadalkii Al-shabaab waa dhibay waxayna ku doodeen ineysan arrinkaa karin oo tabar ciidan aysan gacanta kuhayn waxayna ku doodeen inay yihiin culamaddii wax soo baray shabaabka, laakiin shabaab dooddaas iyo codsigaasba dheg uma-dhigin.
Al-ictisaam aad iyo aad ayey u caroodeen, waxayn go’aansadeen dicaayadeynta
iyo wax ka sheegga Al-shabaab iyagoo leh: Al-shabaab waa dad fud-fudud, aqoon
yar, da’yar u badan, fikir adag.
Waxayna Ictisaam bilawday doodo ah diintu waa dhexdhexaad, diintu waa
naxariis, diintu waa debecsanaan, doodaas ictisaam waxay uga dan lahayd Al-
shabaab in dhalinyarada lagaga hor keeno iyo in bulshadu ka yaacdo sidoo
kalana inay Ictisaamku muujiyaan saameynta ay ku leeyihiin bulshada iyo in
kooxda Al-shabaab aysan dhayalsan oo fududaysan awoodda Al-ictisaam ay
bulshada ku leedahay.
Al-shabaab ayaa ka carootay dacaayadda jirta ee ururka al-Ictisaam ku hawlan
yihiin, kana
dhanka ah ururkooda, waxayna go’aansadeen in ururka Al-ictisaam odayaasha laga
laayo, waxayna ku bilaabeen dilal is daba-joog ah oo lagu beegsanaayo madaxda
u waaweyn.
Ururkii Al-Ictisaam agoon ayaa lagadhigay, indhahaa laga-riday, waa la aabayaal tiray, maalintaa ayaa isku dhacoodii yimi ee wax diin iyo alle jacayl ama shacab loo turaayo midna salka ku haya ma’aha is hayntoodu. Bulshada soomaaliyeed oo la xasuuqaayo ayey labadooda ahaayeen ururo wada shaqaynaya.
Markii Al-ictisaam rasaastii Al-shabaab soo gaartey ayey afka furteen oo buuqeen laakiin kahor kama hadli-jirin dhibtooda iyo xad-gudubka ay-bulshada kuhayeen waayo waxay ilaashanaayeen xiriirkooda iyo suurtagalnimada iney isla jaanqaadaan.
Waxa labada urur udhexeeyaa waa dagaal sokeeye, markii dagaalkoodu xumaadayna
taariikhdii tagtay iyo sooyaalkii muslimiinta ayey u baareen una baal-rogeen
buugta, waxayna u-arkaan dagaalladii
saxaabada dhex-maray inuu lammid-yahay dagaalkoodu oo waxay ugu-yeeraan magaca
“Xuruub Al-Fitnah حروب الفتنة” dagaalladii fitnada, ama “Xuruub Al-ta’wiil
حروب التأويل ” dagaalladii ku salaysnaa micneynta diinta iyo fasiraadda. kahor
intaan gacan ka hadalku bilaaban waxay ahaayeen rag isku fiican, is garabsada,
wada shaqeeya, carruuraha iyo xaasaska isu biila, guryaha wada-deggan, hablaha
kala qaba, isu cammira, isku culimo ah, isku buug ah, isku sheeko ah, isku-raq
ah.
Khilaafka Al-shabaab iyo Al-ictisaam dhexyaal ee heerka dilka gaaray, wuxuu
lamid yahay kii dhex maray hoggaankii sare ee Al-shabaab dhexdiisa oo Axmed
Godane iyo Af-qaani isku dileen, isku xasuuqeen, isku-dabar jareen, wuxuu
lamid yahay kii ay isku qabteen Cali Dheere iyo Roobow. wuxuu lamid yahay kii
ay-isku qabteen Keyse iyo Col-haye oo isku-rag ahaan-jirey.
Dhammaan dagaalladaas kuma-jiro mid bulshada loogu-daneynaayey ee waa daneysi
qofeed, kooxeed, firqo, shaati diina ah huwan. Waxaan weli wax fahmin waa
qofka u haysta in khilaafkoodu yahay mid bulshadeenna wax loogu taraayo ama
loogu-daneynaayo.
Waxaan ku dhiirri gelinayaa akhristaha inuu daaawwado muuqaalkan hoose. Wadaadka hadlaaya waxaa loogu yeeraa Fu’aad Aflow waana xubin Ictisaam ka tirsan ee bal xog kala-bax akhristoow.
khilaafka Al-ictisaam iyo Al-shabaab u dhexeeya wuxuu lamid yahay kan Daacish iyo Shabaab u dhexeeya oo kale. Qofka fahma Daacish iyo Shabaab dagaalkooda wuxuu si fiican u fahmi-karaa dagaalka u dhexeeya Ictisaam iyo Shabaab.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...