Ma maqashay nabi Maani?
Maani Bin Futk (216-274 CD) wuxuu ku dhashay Baabil oo ahayd deegaan ay ka
asaasmeen kana jireen ilbaxnimooyin waaweyn oo aduunka soo maray.
Maani yaraantiisu wuxuu ku koray nolol aad u dhib badan waxaana laga qaaday
isagoo aad u da’ yar hooyadii, aabihii ayaana kula biirey koox diimeed kale,
koox diimeedkaas oo caan ku ahayd u ban-baxa cibaado iyo ka dheeraanshaha
adduunyada.
Taasi waxay u fududaysay in uu wax badan ka barto diimaha berigaa ka jirey
deegaanka Baabil oo xilliyada qaar ka tirsanaa boqrtooyadii baaxadda weynayd
ee Beershiya.
Maani muddo kadib wuxuu sheegtay Nebinimo iyo in ilaahay farriin ugu soo
dhiibey dadkii waagaa noolaa. Maani wuxuu dadkii u sheegay Markuu da’ ahaan
jirey 12 dabshid in malag wax uu ku sheegay u yimid, waxaas oo ku amray inuu
isu diyaariyo si uu farriinta ilaahay dadka u gaadhsiiyo.
Taarikhdu markay ahayd 241CD Maani wuxuu dadkii u sheegay in isla malagii u
yimi mar labaad uuna ku amray inuu is muujiyo oo farriinta iyo sharciga
ilaahayna dadka gaadhsiiyo.
Maani wuxuu sheegtay inuu yahay nebi Ilaahay soo diray welibana uu yahay kii u
danbeeyey nebiyadii ilaahay soo diray, sidoo kale wuxuu dadka u sheegi jirey
in diimihii xaqa ahaa ee tiisa ka horreeyey uu ilaahay laalay ama waxba kama
jiraan kasoo qaaday (la nasakhay) isagoo u sababaynaya in wax ka bedel lagu
sameeyey isaguna uu xaga ilaahay ka sido sharcigii iyo fariinti cusbayd ee
saxda ahayad uguna danbeysey fariimaha.
Maani wuxuu kaloo ku dooday in kutubtii hore gaar ahaan kuwii Ciise isaga imaanshihiisa lagusii sheegay wuxuu kaloo ku dooday in aan ciise la dilin ee uu xaga sare u duulay, Maani nebinimadiisa dad ayaa aaminey dadka qaarna waa ka hor yimaadeen, Maani wuxuu dadkii aaminey u sheegay inay jiraan 10 Cir, 8 Dhul iyo 7 tiir ama udub dhexaad wuxuuna faray dadkii aaminey in ay ka reeban tahay oo ay xaaraan ka tahay xerta aamintey Dhagax-caabudka, Tuugada/xatooyada, Dilka, Dhabcaalnimada, Khiyaamada, Sixirka iyoKa shakiga diinta iyo nebinimadiisa.
Sidoo kale Maani wuxuu faray xertiisii inay tukadaan maalintii afar jeer midkastaana 12 jeer madaxa dhulka la dhigayo (sujuud) ayna ka horrayso weesa- qaadasho iyadoo biyo la adeegsanayo hadii la waayana ciid. Wuxuu kaloo faray in ay soomaan, maalmaha soonka ka danbeeya waxay ahaayeen maalmo la dabaal dego hantidoodana ay wax ka bixiyaan (sadaqo), galmada dumarka ay ka dhowrsanaadaan ama iskaba dhaafan haday karaan isagoo ku tilmaamay aafo inay yihiin haweenku.
Nebi maani wuxu dadkii aaminey u kala qaybiyey laba kooxood, koox walbana wuxuu u sameeyey xeer gooni ah.
I. Dagwayn/Caamo: Kooxdani waa kooxda ay ku abtirsadaan dadka aaminey inta
badan, waana kooxda ugu badan.
II. Culimo: Kooxdani waa kooxda dooran ee gaarka ah, waa culimo asxaabtii
nebiga ah ama qusuusiga.
Maani waxaa u suurtagashay in uu muddo kooban ku helo dad aad u badan oo aamina ilaa maantana ay dunida ku nool yihiin dad weli aaminsan diinta maaniyada oo isaga loogu magac daray.
Diinta Maaniyadu waxay ka wayn tahay diinta Islaamka ku dhawaad saddex qarni.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...