Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo soo diray?
Ibraahim waxa uu dhalay Isxaaq iyo Ismaaciil, Ibrahim waxa uu adeer u ahaa Luud, Isxaaq waxa uu dhalay Yacquub, Yacquub waxa uu dhalay Yuusuf. Haddii Anbiyada loo soo diray ummadaha dhunsan wali ma is weydiisay arrintani waxa ay ku dhacday?
D aa’ud waxa uu dhalay Suleymaan, Zakariye waxa uu dhalay Yaxye, Haaruun
waxa uu la dhashay Muuse. Dhammaantood waa hal qoys kana wada yimid hal
deegaan xitaa Ciise. Nabi Muxamed waa faracii Ismaaciil sida ay ku doodaan
muslimiintu.
Maxaad ku macneyn laheyd wiil iyo aabihiis, awoowgiis iyo abkowgiisa oo wada
rusul ah oo guri kuwad shaahaya oo dunida daafaheedana diin la’aani ka jirto.
Maxay macna sameyneysaa hadalka ah ilaah waxa uu rususha u soo dirray hanuuninta aadanaha! Raadka ay ka tagtay arrinkaas waxaad ka garan kartaa dadyawga taariikh ahaan aanay soo marrin wax rusul ah sida: Shiineyska, Jabaanka, hinduuska…iwm. Ogow waana halka ugu badan xagga deegaanka maanta dunida.
Su’aasha kale dadkii loo diray rususha oo badankoodu ahaa deegaan yar oo kooban ama si guud aan dhihi karno bariga dhexe maxay ka dheefeen risaalooyinkii faraha badnaa, ma heystaan nolol ka wanaagsan kuwii dagalaldooda aanay tagin rusushu bale saw kama nolol hooseeyaan illeen waa barriga dhexe oo xaajadiisub bariga dhaxe tahaye! Qudus maxay ka heysaa wixii anbiya ay rakaadatay/ladaabatay maxayse ugu faanikartaa maanta Taylaan iyo Jabbaan?
Caddaaladda alle waxa ay keensaneysaa in uu dadka u garsooro si ay u timaaddo
hadhawti (maalinta aakhirro) in lagu yiraahdo: “Miyayna idiin iman rusul idiin
ka warramaya aayadahayaga, idiin kana digaya kulanka maalinta danbe (Aakhiro)”
الم ياتكم رسل منكم يقصون عليكم اياتى وينذرونكم لقاء يومكم هذا
Oo iyaguna markaa ay ku jawaabaan: “Haa, way noo yimaadeen”
قالوا بلى
Ma is leedahay su’aashaasi wey qabataa Shiineyska iyo Jabbaaniiska? Maxaa lagu cadaabayaa aakhiro? Maxayse kaga daysadaan oo wanaag ah kuwa sheegtay in xagga samada looga yimid oo aan ka aheyn dhiig qubanaya, nacayb cudurro iyo gaajo?
Ma anoo u jeeda in aad iga liidato ayaan kaa yeeli karaa waan kaa fiicanahay been ah! Maxay tahay fiicnaantu miyaanay laheyn astaama lagu garto, maxay tahay xumaantu miyaanay laheyn calaamado lagu yaqaan?
Waxa aad la yaabeysaa rasuul loo soo diray hanuuninta dadka oo hadana
dooddiisu tahay in beeshiisa oo kalya dhibaato iyo duruufo haystay ka xoreeyo!
“Ee dir (u daa) Banii Israa’iil ha nala jireene, hana cadaabin (ciqaabin)”
(فأرسل معنا بنى اسرائيل ولاتعذبهم) iyo mid leh Jasiiradda carabta halla iiga
baxo! Iyo dalabaad cajiib ah oo ku dhisan xigto iyo qaraabanimo “Iina yeel
wasiir ehelkayga ah, Haaruun walaalkay” (واجعل لى وزيرا من اهلى هارون اخى)
halka mid kale leeyahay mid i dhaxla ayaan rabaa si aanu dabar go’ iigu imaan
ama ugu imaan sooyaalkii reer Yacquub (وانى خفت الموالى من ورائى…يرثنى ويرث من
آل بعقوب).
Daa’uud ayaa isana laga yiri sidan: “Daa’uud waxa uu dhaxlay Sulaymaan” (وورث
سليمان داوود).
Caadiyan marka aad sheekooyinka akhrineysid adiga oo aan maahsaneyn ama daroogeysneyn waxaa durbaba dareemeysaa in aad ka hadleysid boqorro wal-wal kahayo cidda dhaxli doonto kuna sii darsoo maba ahan qaar arrimahan inkiraadi ka jirto oo boqorro ayayba ahaayeen sida Suleymaan iyo Daa’uud.
Haddiiba markaa hal qoys ku dhex shaahayeen shan rasuul wallee in aanan la yaabeen Soomaalidan aan ku hadlin luqadaha nool ee dunida in loo soo diro rasuul ku af ah oo u caddeeya xaqa si aanay ugu marmarsiiyoon manaqaanno carrabiga laakiin wal-wal ayaan ka qabi lahaa haddii laga dhigo Daarood in Hawiya aqbalo ama cagsigeedu dhaco sidii ku dhacaday nimankii xafiiltanku ka dhexeeyay ee Qureysh!
قال عبد العزى : تنازعنا نحن وبنو عبد مناف الشرف أطعموا فأطعمنا وحملوا فحملنا وأعطوا فأعطينا حتى إذا تجاثينا على الركب وكنا كفرسي رهان قالوا: منا نبي يأتيه الوحي من السماء فمتى ندرك هذه ؟ والله لا نؤمن به أبدا ولا نصدقه
(Fardda la isu hayo markaan noqonnay oo ay haad ay naga baasaan waayeen reer Cabdi Munaaf miyay na dheheen nabibaa naga soo baxay, taga dheh, wallaahi in aanan yeeleyn).
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...