Kulankii Aniga iyo Eebbe
W axa u gu badan ee aan ku hamminayey waxay in aan Ilaahay la hadlo! Markii ay soo billatay bishii Ramadaan ayaan naftayda kula hasaaway, oo maad isku daydid iminka?. Waxaan is weydiiyey su’aal ah: horta kuwii Ilaahay la kulmay qaabkoodu sidee ahaa iyo la kulankoodu?. Waxay hore loo yidhi, “Ilaahay waxa uu jecelyahay in kulanku ka dhaco buur dusheed” Waayo, Ilaahay waxa ay Muuse ku wada hadleen buur dhakadeeda; Maxamed, waxa uu u gu soo warramay godkii ku yaallay buurta—qaarul xira; Ibraahim laftarkiisa buur bay ku wada hadleen. Waxaan iskugu niyad qaboojiyey in aan uu baxo figta u gu sarreysa magaaladeyda iyadoo aan cidna ii jeedin, annigoo ku rejo weyn kulanka Ilaahay. Waxaan sugayey in aan la kulmo Ilaahay laftarkiisa, ergay ka socda dhankiisa ama mid noo dhexeeya, oo warka noo kala qaada. Waxaan korodhsaday ixtimaallada niyad wanaagayga ku wejahan kulanka Ilaahay. Ramadaanno badan baa ii dhaafay si aan u naawilayey kulan caal waa’, oo u gu dambeyn kusoo idlaaday fashil iyo kulan noqday hal-bacaad-lagu-lisay!
Sannadkan, waxaan go’aan ku gaadhay godkii dhowrka jeer laygu qaniinnay; waxaan xad u yeellay baahideydii ku aaddanayd la kulanka Ilaahay. Ogaanshaha xaqiiqda, oo ah mid aan la gaadhi karin kulan la’aan ayaan garwaaqsanna. Salaadii subax ka hor annigoo hurdo iskaga jira ayaan mar qudha dareemay dareen ah in uu jiro wax ii werwergelinaya; waxaan dareemay in garaaca wadnahaygu kordhay heer lagu arki karo isha ama uu maqli karo qof qof la joogga. Neef qabbatow ka bacdi waan soo boodday, oo ka toosay hurdadii annigoo hortayda u ga jeedda mid dhoollacaddeynaya, oo uu eeg qof caadi ah.
Aniga: “Sidee halkan ku timi?”
X: “Waxaad qalbigaaga ka jeclayd in aad la kulanto Ilaahay, Ilaahayna wuxu
jeclaystay la kulankaaga!”
Aniga: “Kumaad tahay? Jibriil miyaad tahay?”.
X: “Maya, ma ihi Jibriil! Waa kuma Jibriilkaasi?”.
Aniga: “Waxaan ogahay in uu yahay safiirka u kala dabqaadda Ilaahay iyo
dadka”.
X: “Ma garanayo, ee waxaan doonaya in aad ii raacdo”.
Aniga: “Halkee?”
X: “Dhinaca Ilaahay!”
Aniga: “Labadeenna mid baa waashay!”
X: “Kolay anniga ma ahaa ka waallan, ee dhakhso aan Ilaahay aadno waayo,
Ilaahay wakhti badan ma hayo, oo kugula kulmo hadda ka dib”
Aniga: “Mar haddii aan annigu ahay ka keliya ee waallan waan ku rummaysan”
X: ” Ilaa soo fuul”
Aniga: “Maxaan fuulla? Ma waxaad wadata Bureeqa? Waayo, uma jeeddo baqal
e”
X: ” Maad khaldanayn markii aad isku sifaysay in aad waallantahay! Ma
waxay kula ahayd in aynnu Ilaahay u gu tegayno baqal?”
Aniga: “Haa, waa xogta ama macluumadka aan ka hayo safarkii ugu dambeeyey
ee Ilaahay cidii ugu tagto in ay raacday baqal”
X: “Ma ii raacaysa mise waan ka taga? Mid hadal lagu imtixaamay baad tahay
e”
Aniga: “May, mudane anniga ayaan baa ka hadhay waayo, fursadan oo kale
waxaan la rejo dhowrayey muddo tobon sanno ah, meeyey waxaynu raacayna? Mudane
magaca?”
X: ” Muhiim ma ahaa magacaygu, anniga shaqadaydu waxa weeye in aan waddada
ku tuso ee i soo dabagal”.
Waan dabagalay sidii qof riyoonaya, oo kale. Waxa uu furay daaqad gaadhi, oo
ka galay annigana daaqadda kale ayuu i ga furay, oo aan kasoo galay. Waxa uu
ahaa gaadhi la moodo gudihiisa diyaaradaha casriga ah ee raaxadda; waxay se uu
eeka baabuurta raaxada noocooda loo yaqaano Mclaren.
X: “Xidho xadhiga badbaadda(seat belts)”.
Aniga: “Miyaad kaftamaysa?”.
Intaa uu qoslay ayuu i gu yidhi, “Haa, markaan waan kaftamaya!”.
Gaadhigii waxa uu u dhaqaaqay si xawaare sare ah; waxaan dareemay in aan ku socono xawaare ka sarreeya ka ilayska; waxaan dareemay in ruuxdii iga baxday oo kale; cadaadiskii dhiigaygu hoos buu u dhacay sidii in aan ahay qof duulaya meel madhan(vacuum space), oo kale. Caqligaygu wuxuu ahaa mid la dayaysan mawjaddo afkaaro ah, oo aanan fahmi karayn; maan awoodayn in aan yeesho fogganaan dhammaystiran waayo, waxaan ahaa sidii mid lagu duray irbad bannaday(suuxisay) jidhkaygoo dhan.
Waxaan gacantayda la helay remote-ka lagu maamuullo radiyaha gaadhiga; waxaan maqlay codad aan fahmi waayey, oo baqdin iyo argagax ku lammaanyahay taas, oo i gu abuurtay wareer iyo in aan dareemo in wadnuhu dibadda i ga soo baxayo wareegga dhiigayguna noqday mid dhinac qudha u socda; waxaan bilaabay neef tuuris.
Aniga: “Imissa sannad ifeed ayuu qaadanayaa safarkeennu?”.
X: “Waxba qaadan maayo”.
Aniga: “Laakiin, waxaynu soconay wakhti badan”.
X: “Waxaynu sugaynaa idam si aynu ugu degno dhulka barakaysan”.
Aniga: “Oo waa halkee dhulkaas barakaysan?”.
X: “Waa carshiga Ilaahay!”.
Aniga: “Haa, waan garanaya sow sideed malag ma xambaarsanna, oo kuma
wareegsanna carshiga Ilaahay?”.
X: “Yaa! Ma ilaahay bay xambaarsanyihiin sideed malag?”.
Aniga: “Waxaan ku idhi sideed malag, adigu miyaanad malag ahayn?”.
X: “Dhegeyso qofyahow, carshiga Ilaahay ma jirto cid xambaari karta waayo,
Ilaahay waxa uu awood u lee yahay in uu keligii maamuullo, miyaanu adiga ahayn
kii doonayey inuu Ilaahay arko, oo haddana u malleynaya in Ilaahay addeegsado
makhluuqaad kale si ay u ga caawiyaan in uu fadhiisto!”.
Aniga: “Ha i qaban waayo, waa macluumaad hore, oo aan 1400 oo sanno ka hor
aan ka guntay e; waxaan filayaa in aad sidayadu kale dhallan-rogan(tadawur)
idinku dhacay?”.
X: “Dhallan-rogan sidiinoo kale! Horta idinku yaad tihiin aslan?”.
Aniga: ” Dhib ma leh haddii aanad malag ahayn adigu maxaad tahayna?
Ilaahay haddii aanu u baahnayn caawin adigu maxaad u qabata?.
X: “Ha degdegin, waxwalba waxaad ogaan doonta markaad Ilaahay la kulanto
e”.
Mar qudha ayaa waxaan raadiyihii ka maqlay—kii aan ka baqayey codadka kasoo baxaya— cod argagax leh; waxaan uu maleeyey in aanu ku degnay dhulkii barakaysnaa. Mar qudha ayaa wax walba baaba’een, oo aan is arkay annigoo taagaan meel cidlo ah, oo aad qol weyn moodo iyo waxaanan garanayn oo hortayda dhaqdhaqaaqaya; waxaan dareemay in aanay jirin wax aan sameeyo aan ka ahayn in aan sugo. Waan waayey makhluuqii aanan garanayn ee i soo qaaday iyo gaadhigiisi isagoo aan ii sheegin xaqiiqda waxa uu yahay! Immikana waxaan ku suganahay caalam aanan waxba ka fahmayn; meel la moodo in la damiyey dhammaan codadkii adduunyada, meel deggan, oo aad maqlayso socodka dhiiggaaga jidhka dhex burqanaya. Waxa ii dhawaaqay cod aad u weyn!
Waxa uu yidhi, “Kaahiye”.
Waan cabsooday; lugaha ayaa ii gariiray; kabuubyo ayaa tin iyo cidhib igu wada
dhammaatay.
Aniga: “Haa, waa anniga Kaahiye”.
Waxa uu yidhi, “Maxaad doonaysay?”.
Aniga: “Waxaan doonayey in aan Ilaahay la hadlo!”.
Intaa uu qoslay ayuu yidhi, “Waa anniga Ilaahay!”.
Waxaan dareemay in lugahaygu awooddii la’yihiin in ay sidaan qaarkayga sare;
waxaan damcay in aan sujuuddo ama jilbaha dhulka dhigo. Qosolkiisu wuxuu ahaa
mid weyn laakiin debecsan!
Aniga: “Runtii ma Ilaahay baad tahay?”.
Eebbe: “Ma waxaad doonnaysa caddeyn?”.
Aniga: “May, laakiin dhabtii waxaan fahmi kari la’ahay waxa ku xeeran
hareerahayga, soddon daqiiqo ka hor waxaan ahaa mid hurda qolkiisa haddana
waxaan la hadlayaa Ilaahay!”.
Eebbe: “Hadda ka bacdi waxaad dareemi xasilooni, ee is deji”.
Waxaad mooda in naftii i gu soo noqotay, oo aan dareemay firfircooni.
Eebbe: “Imminka ma dareentay xasilooni?”.
Aniga: “Haa!”.
Eebbe: “Maxaad i ga doonaysay?”.
Aniga: “Miyaanad ilaahay ahayn? Miyaanaad garanayn waxkasta, oo ku sabsaan
naftayda?”.
Eebbe: “Haa, waxaad doonaysa in aad ogaato xaqiiqdu waxay tahay!”.
Aniga: “Haa, waxaan doonaya in aan ogaado xaqiiqada; dhulka, dadka,
xayaawaanadka, meerayaasha, shay kasta xaqiiqdiisa. Ma jiraan rasuullo aad soo
dirtay? Maxa ka jira diimaha? Ma jirta nolol dambe? Ma jiraan Naar iyo Janno?.
Eebbe: “U kaadi u kaadi, waan garanaya waxaad doonayso, anniga ku
faahfaahin doonna”.
Aniga: “Laakiin, waxba ma arko, oo meel bannaan ah baan u jeedda, kuma
arko adiga iyo waxkale toonna”.
Eebbe: “Ima qoondaysna in aad ii aragto!”.
Aniga: “Oo hadda maxaad halkan ii keentay? Safarkaygu muxuu kugu jillana?
Dhulkan barakaysani maxay ahayeen? Kuma ayuu ahaa kii safarka i gu
wehelinayey? Maxaad rasuullada noogu soo dirtay, oo aad iminkana u ga
kaftoontay?”.
Eebbe: ” Halkan waxaan ku keenay in aanad ii maqasheen marka aad joogtay
dhulka, dhulka barakaysan, waa meesha qudha ee ay makhluuqaadku igula hadli
karaan, rususha iyo kownka gadaal baan kaga warrami doonna, ee marka hore
maxaad halkan u joogta ama aad u joogtay dhulka? Ii sheeg Kaahiyow, ma arki
karta magaalada Muqdisho?”.
Aniga: “Haa Ilaahayow”.
Eebbe: “Yaa dhisay Muqdisho?”.
Aniga: “Ma garanayo!”.
Eebbe: “Waxaa dhisay dadka, waxa aanad u aragtaa in ay weyntahay adigu”.
Aniga: ” Way weyntahay marka la eeggo laakiin, waa awooddaha dadka”.
Eebbe: ” Haddii aan jidhkaaga kasoo qaado gobol yar, oo le’eg cabbirka
unugga dhiigga cas, oo aan ka geliyo awood uu dhiganta awooddadoo kale, ma
karta in aad iyadoo leh cabbirkaas iyo awooddadoo kale aad ka dhisto–gobolka
yara– magaalada Muqdisho, oo kale?.
Aniga:”Ma rumaysan karo arrinkaas, oo ma awooddo in aan ku arko aragga
indhahayga caadiga ah, cabbirka siilishka yar ee dhiigga lagu qaaddo waxa
halkii mar ee lagu soo nuuggo in yar, oo dhiig ah; dhiiggaasi waxa uu ka
koobanyahay malaayin unnugyo cascas ah”.
Eebbe: ” Marka mawduuco waa mawduuc ku saabsan xajmi iyo awood”.
Ainga: “Maxaad u ga jeedda?”.
Ilaahay waxa uu yidhi, “Sow kuma odhan ma awoodid in aad ii aragto?”.
Aniga: “Haa”.
Eebbe: “Unugyada dhiigga cascasi miyay awooddaan in ay ku arkaan?”.
Aniga: “Waxay ku guda jiraan jidhkayga, oo ma awooddaan in ay ii arkaan
kala duwaanaanta xajmiga, oo kala weyn awgood; aaah haddaan ku fahmay, waxaad
doonaysa in aad dhahdo waxaan ahay mid aad iyo aad u weyn ilaa iyo heer aanaad
awoodi karin in aad ii aragto qayb yar, oo ka mid ah mooye marka loo eeggo
xajmigaaga, laakiin xita gobolkaas yar annigu ma arko”.
Eebbe: “Haa, waad arki karta”.
Aniga: “Marka kumee?”.
Eebbe: ” Ma u jeeddaa qaybta weyn ee bannaan kownkiinna ee aad u bixiseen
cir?”.
Aniga: “Haa”.
Eebbe: “Si aan u soo dhoweeyo fahankaagga, waxaad ku shabahda dhiigga ku
jira jidhkaaga”.
Aniga: “Ma waxaad ula jeedda in aad ku sugantahay kownkeenna ama aad qayb
ka tahay?”.
Eebbe: “Haa degdegin, waxaad i ga arki karta cirka laakiin ma
dhaadsanid!”.
Aniga: “Haa, waa ku fahmay, laakiin maxay ahayeen meeraayaasha, galaakiska
iyo waxyaabaha kale ee la halmaalla?. Waxaas, oo dhan waxa i ga muhiimsan
anniga, miyaad ii cadaabi doonta dhimashada ka dib? Waxaan ka arkaa in aad
tahay mid naxariis badan; waxaan hadalkaaga ka dhadhansaday in aad si aanan
mallaysan karin uga duwantahay sawirkii hore ee aan ka haystay ee diimuhu ka
sheegeen!”.
Eebbe: “Adigu ma tihid mid samir leh, oo doonaya in u wax ogaado, annigu
shakhsina ma cadaabo!”.
Aniga: “Adigoo i ga raali ah haddii aan ku weydiiyo su’aal sida qodaxda
igu taagaan, horta maxaad dadka uu abuurtay?”.
Eebbe: “Ma fahmaysid ilaa aan dhammaystirno mawduuca marka hore”.
Aniga: ” Haye, dhegehaygu adigay amaanno ku yihiin”.
Eebbe: “kownkan aad arkayso waa qayb anniga i ga mid ah laakiin, ima arki
kartid xajmigaygoo weyn awadiis; dhulka aad arkayso annigu i gu guda jira;
meerayaasha, qorraxda, galaaksiiska waa qayb kale, oo anniga i ga mid ah, way
ila weynadaan, way ila xanuusadaan, marmarka qarkood waa la beddela, oo way
dhintaan. Laakiin, annigu waxaan awood uu lee yahay in aan jiro, oo halkayga
kasii socdo, siina weynaado!”.
Aniga: “Xanuunsadaa aa! Waxaan u haystay in aanad xanuunsan e”.
Eebbe: “Maya, geerida iyo nolosha waxa macno ah agtayda kama leh laakiin,
waan xanuunsada, se iima saaameeyo sida uu adiga kuu sameeyo; waxaan ahay mid
ku jira korriin joogto ah, oo waxa jirtay xilli aan xajmi ahaan aad u ga yara
hadda, laakiin, imminka waxaan isku kordhiyey qaybo kale, oo i ga yeellay mid
aad u weyn”.
Aniga: “Maxaad dadka uu abuurtay? Weli igama aad jawaabin”.
Eebbe: “Dadka, oo keliya ma abuurin ee makhluuqaad farabadan baan
abuuray”.
Aniga: “Waan ogahay laakiin, waxaa xiiso gaar ah iyo muhiimad ii leh dadka
anniga”.
Eebbe: ” Ujeeddada abuuritaanku waxay ahayd mid isku mid ah, oo ma jirto
wax dheeraad ama gallad ah, oo dadku dheeryihiin makhluuqaadka kale agtayda!”.
Aniga: “Waa maxay waxaan, oo kala duwanaansho yaabka leh, ee dhulka oo
keliya ka jira? Iyadoo kownka intaa ka baxsan dhulka uu yahay mid madhan,
waxaan uu mallayn jiray in kownkan ballaadhaan ay buux dhaafsheen kuwo annaga
nala mid ah”.
Eebbe: “Waad khaldantahay, annigu makhluuqaadka u ma abuurin si aan u gu
qaybqaybiyo meerayaasha”.
Aniga: “Oo marka maxaad annaga noogu abuurtay dhulka, oo keliya?”.
Eebbe: “Ujeeddada aan ka laha abuurka waxay ahayd tijaabo. Waayo, waxaan
doonayey in aan abuurro mid leh qaab samaysan ii eeg anniga laakiin, xajmi ah
aad i ga yar, oo aan u bandhiggo tijaabooyinkayga kana yeello mid adadag, oo
awood u leh in uu tarmo iskuna ballaadhiyo dhulka, hore waanigii kugu sheegay
in aan wakhti ahaa mid xajmi ahaan aad u yara, markii dambena aan is
weyneeyey”.
Aniga: “Marka waxaad ka abuurtay unug leh qaabkii aad ahayd markii aad
yarayd bilowgii, oo taasina waxay na tusaysa bilowgaagii Ilaahayow”.
Eebbe: “Haa, ka bacdi waxaan bilaabay tijaabooyin isku xigxigga, oo aan
marinayo unuggaas ilaa heer uu ka gaadhayo mid la qabsada dabiicadda ahna mid
weyn iyadoo aan isugu uruuriyey goobo cayiman si ay isula falgalaan, oo u
midoobaan una soo saaraan noocyo farabadan, oo kala duwan unugyo ahaan,
noqdaanna qaar xajmi ahaa waweyn; markii aan gaadhay in aan tijaabadaas ka
hello maxsuulkii aan doonayey baan ka badiyey naftayda si aan u gaadho
makhluuqaad leh suurad wanagsan dhinaca ad-adkaysiga, xajmiga, maamuulka,
sugnaanshaha iyo la falgalista qaybaha gudeed ee jidhkayga sida aad adu jeeddo
adiguba in aad tahay mid aad u yar, oo ku guda jira unugii i ga midka ahaa.
Aniga: “Waan ku fahmay Ilaahayow, waxaan la mid nahay xayaawannada ay
dadku u isticmaallaan tijaabooyinka baadhista si ay soo saaraan dawo ama shay
kale”.
Eebbe: “Haa, waa arrin kaas la mid ah, oo kale”.
Aniga: “Sax. Sabaabta u gu weyn ee noolaayaashu u joogaan adduunyada waa
tijaabo, oo qudha. Kala duwanaanshaha la yaabka leh ee muuqdana marka ma
gebogebadii tijaabada?”.
Eebbe: “Haa, sidaa awgeed dhalan-roganka(evolution) kuu muuqda ee ka dhex
dhacaya ama ku dhacaya noollayaasha iyo isku dardarkooda ma ahaa natiijo ku
dhacday lafdhabarta, oo qudha sida aad u mallaynaysaan, ee waa tijaabooyin iyo
bedbeddelis aan ku sameeyey noollayaal isku dhafan, oo u jira qaab aad u
fudud”.
Aniga: “Laakiin, Ilaahayow sow ma jiraan xayawaanno dabargo’ay tusaale
ahaan Diinaasoorkii, oo kale?”.
Eebbe: “Haa, annigaa sameeyey markii hore laakiin, waxaan mar dambe
ogaaday in ay fashilantay tijaabadaasi deedna waan dabargo’oyeey, oo waxaan ku
noqday tallaabadii hore, tijaabadiina waan ku celiyey ilaa aan gaadhayey nooca
kale ee hadda uumman, dadku waa wixii u gu wanagsanna ee aan sameeyey ilaa iyo
hadda isagana waan ka shaqeeyey in aan sameeyo noocyo farabadan, oo kala duwan
lehna midabbo kala geddisan si tijaabo ahaan ilaa aan hellayey nooca u gu
wanagsan, ee aan doonayey”.
Aniga: “Dabcan horumarinta iyo is bedbeddelka aad ku samayso noollayaashu
waxay kugu qaataan wakhti si aad u gaadho noollaha ugu wanagsan ee aad
doonayso sow ma ahaa Ilaahayow?”.
Eebbe: “Haaheey, haddii aad u fiirsato indhahaagaad ku arki karta in
ficilkaasi dhacay!”.
Aniga: ” Ma arag noollayaal dadka ka fiican weli”.
Eebbe: “Dhalan-roganku(tadawur), ma ahaa arrin sahlan sida aad u
malleynayso, laakiin haddii aad arki lahayd dadka boqolaal kun sanno ka hor
waad garwaaqsan lahayd in qaabkoodu ka duwanna kan maanta iyo in noollahaasi
ka da’ weyna kan iminka”.
Aniga: “Dabcan, annigu waxaan dhugtay filimo wakhti hore la metellay,
waanan dareemi kara in kala duwanaansho jiro dadka maanta iyo xitaa kuwa boqol
sano kaliya kahor noolaa marka loo fiirsado, runtii haddana kala duwanaanshuhu
ma ahaa mid si quman loo dheehan karo, laakiin se farqi waa la dareemi kara”.
Eebbe: “Iminka sow si sax ah kuguma dhicin arrinku? Maxay kula tahay in
dhul keliya jiro? Maxay u jiraan waxan, oo noole ah?”.
Aniga: “Haa, waan ogahay. Laakiin, waa maxay summaddaha ka dhexeeya
noollayaasha iyo dhallan-roganka aanan fahmayn ujeeddadiisa sidii inuu yahay
silsillad taxan, oo kale?”.
Eebbe: ” Adigu iminka waxaad tahay gobol yar, oo ka mid ah kownka;
jidhkaagu waa gobol yar, oo anniga i ga mid ah; waxyaabaha ka dhacaya
gudahaaga waa intii u gu badnayd ee dhallan-rogan ah aad awooddaysay; dadku
hadda waxay bilaabeen in ay sameeyaan sawir yar, oo ka mid ah iyaga sidaa aan
anniguba sameeyey, waxayna ku magcaabeen Robot; doonista ah in aad horumariso
qayb ka mid ah waa dhaxal aad anniga i ga hesheen; jidhkaaga xita waxa uu
diiday in u ahaado mid yar sida Fayraska yaryar, oo kale; sida awgeed waxaad
arki karta isla falgalka kownka weyn ee gudahayga iyo kownka yar ee gudahaagu
in ay is shabahaan”.
Aniga: “Waxaad ii ogollata in aan ku weydiiyo, waa maxay waxaan oo dhib ah
ee guudkayaga ah? Dhulgariir, foolkanayaal iyo dhimasho, miyaanad u muuqan mid
na dhibaateynaya?”.
**Eebbe: ** “Adigu waxaad tahay qayb anniga i ga mid ah! Miyaanad
noollayaasha kale dilin si aad u noollaato? Miyaanad tijaabooyin ku samayn
noollayaasha kale si aad u noollaato? Xayawaanadda kale miyaanad geyiysiin
duruuf aanay xammili karin si aad u hesho natiijooyin wax-ku-ool ah? Si aad
nolol wanagsan u hesho waad samaysa arrimahaas waayo, waxaad tahay qayb i ga
mid ah anniguna waan sameeya hana ilaabin in aad la abuure tahay!”.
Aniga: “Dhimashada iyo xanuunka haleella da’aha kala duwan—caruur iyo
wayeel— maxay yihiin?”.
Eebbe: “Waxaan uu baahanahay in aan maaddooyin cayiman ku tijaabiyo jidhka
dadka si aan u ga salgaadho falgalka ay samaynayaan, marmarka qaarkood waan ku
guulaysta, oo waan xalliya mushkiladdaha, markaas baad iska dhaadhicisa in aad
bogsootay; marmarna way guuldarraystaan deedna waad dhimata, kala
duwaananshaha da’dana waan u baahanahay, waayo, tijaabadda ayaan u ga maarmi
waaya, jidhka dadka marka aan ka dhammaysto tijaabo wixii aan uu baahna wuu
gaboobba, oo dhinta”.
Aniga: “Sidaas awadeed baan u dhallanrogmanna, u gabowna, una dhimanna sow
ma ahaa? Wax walba, oo kownka ka mid ahina waa sidaas sow ma ahaa?”.
Eebbe: “Haa, waayo, jidhku uma dulqaadan karo tijaabooyin badan, way u
dhammaata deedna wuu dhinta si mid ka duwan, oo ka adkaysi badan aan u
sameeyo”.
Aniga: “Maxay u jiraan labka iyo dhedigu?”.
Eebbe: “Dhammaan unugyada aan haysto iyo sifooyinkooda ayaan meel ku wada
gurra, oo isku dhex qasa si aan u hello doorashooyin badan, oo aan ka dhex
doorto kuwa ugu wanagsan—jinsiyada”.
Aniga: “Waxaan moodayey in aad tahay mid awood badan, waxwalbana og una
baahnayn inuu tijaabooyin dheer sameeyo si uu xal u gaaro”.
Eebbe: “Annigu sidaas ma odhan!”.
Aniga: “Sidaas waxa yidhi rasuushii aad soo dirtay”.
Eebbe: “Annigu wax rasuullo ah uma soo dirsan si toos ah! Laakiin, kasoo
qaad in aan soo dirayba”.
Aniga: “Sidee?”.
Eebbe : “Cidna uma wakiilan ama kuma kellifin in ay xambaarto risaallad
dadka kalena gaadhsiiso, laakiin, waxa aan u suurtageliyey in ay shaqadaas
qabtaan, oo kama hor istaagin”.
Aniga: “Oo haddaa yoolkoodu muxu ahaa?”.
Eebbe: “In ay isku dubbaridaan dadka, oo uruuriyaan kuna dhuftaan shaambad
ka dhigaysa in yeeshaan sifooyin ay la gaar noqdaan ama wadaagaan. Tusaale
ahaan unugyada dhiiggagu waxay lee yihiin sifooyin kala duwan, oo ka dhigaya
sifooyin mid kasta sidiisa gaarka ah jidhku ugu baahanyahay”.
Aniga: ” Waxa ugu badan ee maskaxdayda ku wareegaya waxa weeye Ilaahayow
geerida maxa ka dambeeya? Iminka waan fahmay waxa aan u dhimanayo laakiin,
geerida ka bacdi noloshaydu ma halkaas bay ku dhammaanaysa?”.
Eebbe: “May, ma dhammaanayso ee waxa ku bilaabmaya nolol kale, oo cajiib
ah; jidhkaagu wuu baabaya, laakiin guntii iyo gebagebadii waxaad tahay qayb
anniga i ga mid ah, anniguna ma dhinto; geeridaadu waxa weeye in aad isu
beddesho nooc kale ama qaab kale–noole kale– kaas oo qabta shaqooyin kale, oo
ka geddisan kuwii hore”.
Aniga: “Ma waxaan noqon doonna sida noolihii halkan ii keenay, oo kale?”.
Eebbe: “Haa, iyo noocyo kale, oo ka duwan baa”.
Aniga: “Tusaale ahaan sidee oo kale?”.
Eebbe: Ilaahay waxa uu yidhi, “Waxaan ku tusayaa hadda marxalladaas, oo
kale, hana ka cabsan marka marxalladaasi ku dhammaato waad ku noqon
noloshaadii hore”.
Waxaan si kedis ah madaxayga uga dareemay in dubbe lagu dhuftay; waxaan maqlay coddad iyo iftiin ka imanaya meel fog; waxaan dareemay in aan hawo, oo kale noqonayo diyaarna u ah in uu duullo. Iminka waan duuli kara! Waxaan awood u yeeshay in aan duullo, laakiin halkee baan u duullaya?.
Ilaahay waxa uu yidhi, “Waxaan ku tusaya hadda marxalladaas, oo kale, hana ka cabsan marka marxalladaasi kuu dhammaato waad ku noqon noloshaadii hore”.
Waxaan si kedis ah madaxayga uga dareemay in dubbe lagu dhuftay; waxaan maqlay coddad iyo iftiin ka imanaya meel fog; waxaan dareemay in aan hawo, oo kale noqonayo diyaarna u ah in uu duullo. Iminka waan duuli kara! Waxaan awood u yeeshay in aan duullo, laakiin halkee baan u duullaya?.
Waxaan bilaabay in aan duullo, waa dareen cajiib ah. Bilowgii waxaan dareemay xoogga wareer ah. Laakiin, waxaan bilaabay in ku raaxaysto qaabkayga cusub iyo shaqadayda cusub. Waxaan isku dayey in jidhkayga sidii hore u dhaqdhaqaajiyo ma se ahayn sidii hore. Waan ku raaxaystay in aan hadba dhinac u dawaafo si xawli ah. Waxaan is weydiiyey sabaabta aan sidan u ahay, waxaan se isku qanciyey in Ilaahay iga ballanqaaday in uu ii tuso shaqadaydu waxay noqonayso geerida ka bacdi. Ma sidan baan u duuli doonna? Oo waayo? Hareerahayga ayaan balla daymooday, oo waxaan ku arkay saxiibkaygii markii hore i soo qaadday ee halkan ii keennay. Laakiin iminka waxa uu ahaa mid anniga ilaa mid ah ama aan annigu la mid ahay!.
Aniga: “Waar iminka kula mid baan noqday dee”.
X: “Sow ma aragtid, iminka ma fahamtay waxa aan ahay? Ma u heshay jawaab
wixii madaxaaga ka dhex guuxayey?”.
Aniga: “Haa, laakiin waxaan doonaya in aan ogaado waxay shaqadaydu
noqonayso? Waayo, markii hore waxaan ahaa mid xooga yara wareersan, iminka se
awooddayda waan la dhacsanahay”.
X: “Waynu baxayna iminka sidii aad u ogaan lahayd waxa shaqadaadu
noqonayso, waxaynu tagayna halka ay yimaadaan dadka geeriyoodda ee aan aqoon
shaqooyinkooda sida adigoo kale. Oday gaboobbay, oo dhowaan soo geeriyooday
baynu u tegi doonna iminka”.
Aniga: “Ma mid anniga ilaa mid ah?”.
X: “Haa, laakiin adigu waad noqon doonta isagu se wakhti dheer buu halkan
ku qaadan doonna, oo wakhtigiisi wuu soo dhammaaday”.
Aniga: “Xiiso gaar ah baan u qabba in aan la kulmo”.
Waanu wada duulnay annigoo marna ka hormaraya marna uu iga hormarayo isagu, annigoo ku raaxaysanaya qaabkayga cusub. Waanu gaadhnay halkii aanu ku soconnay.
Odaygiibaa na weydiiyey, “Qiyaamihii miyuu dhacayna?”.
Haggahaygii waxa uu yidhi, “Ma jiro wax qiyaame la dhaho, ee is deji!”.
Odaygii waxa uu yidhi, “Cimrigaygii, oo dhan waxaan cabuudayey Ilaahay,
markaasad ii leedahay ma jiro wax la dhaho qiyaame!”.
Hagge waxa uu yidhi, “Waad noolayd, waanad gudatay waajibkaagii; iminkana
waxaad gudan doonta shaqo kale”.
Odaygii waxa uu yidhi, “Maxa imminka ii ballanqaadaya in aanan khiyaamo kale
ku dhacayn?”.
Hage, waxa uu yidhi, “Wax doorasho ah ma haysatid iminka. I soo raac iminka;
waayo, anniga dambigayga ma ahaa in aanad isticmaalin caqligaaga markii aad
joogtay adduunka, laakiin wax dhib ah ma ahaa imaankaagii indho-la’aanta ku
dhisna, oo waxba maad khasaarin!”.
Si kedis ah waxa noogu timi gabadh na aragtay, oo maqlaysay wada-hadalkii dhex
marayey Haggahaygii iyo Ninkii kale. Waxa na dhex maray wada sheekaysii.
Gabadhii waxay tidhi, “Adduunkii ha la igu celiyo si aan Eebbe Ciise Masiix
ugu toobad keeno, oo aan dariiqiisi raaco, iminka halkee buu joogga Ciise si
uu ii hanuuniyo, waayo, ma doonayo in aan Jaxiima galo!”.
Hage, waxa uu yidhi, “Waad arki doonta Ciise, waxa uu yimi kumanaan sanno ka
hor halka, waad ku farxi doonta la jirkiisa”.
Waxaan ku idhi, “Dhammaan Nebiyadii ma halkan bay ku suganyihiin?”.
La soco qaybaha xiga.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...