Khudbo jimcaadka
I nta badan khudbo jimcaadka waxaa loo soo jeediyaa hab isku eg, joogta ah, waafaqsanna sunnada. Habkaasi waxa uu soo socday 1400 oo sano. Haddaba khudbooyinka la aqriyi doono saacadaha innagu soo aaadan, 90% waxa ay u dhici doonaan sidatan:-
“Inal xamda lilaah! Walaalayaal, waxaan naftiina iyo taydaba xasuusinayaa cabsida Allaah. Walaalayaal, waan ilownay aakhiradeenii oo waxaan is raacinay adduun. Adduunku waxba ma aha, waana labo beri. Saalixiintii waxa ay waqtigooda inta u badan ku dhamaysan jireen sujuud iyo salaatul layl illaa ay cirbaha luguhu ka dildilaaceen. Dunidu agtooda qiimo kama aysan lahayn. Ayaga oo gaajo la seexan waayay ayay habeenkii wadooyinka iskaga hor iman jireen oo ay iswaydiin jireen bal in midkood meel wax ku ogyahay. Kolkaas ayaa xabad timir ah ama cad kibis ah meel la iskugu sheegi jiray. Annagu ma awoodno in aan la tartanno saalixiintii marka ay noqoto cibaadada iyo sida ay adduunka uga jeesteen oo ay aakhiradooda iyo dhimashada kadib ugu diyaar garoobayeen, waayo annaga maal adduun, daaro-dhisasho iyo qosol ayaynu waqtigeena ku bixinaa kuwaas oo aanan Allaah farxad galinayn, kana fog waxii uu inoo abuuray. Walaalayaal, abaaraha, gaajada iyo roob-yarida waxaa innoogu wacan jidkii Allaah oo aynu ka weecanay iyo macsidii oo badatay. Walaalayaal, cadaabka Allaah waa mid daran ee aynu carada Alle iska ilaalino oo aynu fitanka iska qabanno inta aynu halaagsamin.”
Sida ay ku wanaagsanayd in loo aqriyo:-
“Walaalayaal, waad arkaysaan dalkeenii iyo dadkeenii halka ay marayaan. Colaado, abaaro, jahli, qabyaalad iyo siyaasad-goboleed ayaa isku biirsaday. Inteena maanta masaajidka joogta maxaa mid kasta oo innaga mid ahi uu qaban karaa si uu qeyb ugu yeesha wax ka badalidda wadankiisa iyo dadkiisa. Wali ma iswaydiisay waxa aad qaban karto iyo waxa ugu yar ee aad ku darsan karto dalkaaga, ha ahaato aqoon amaba dhiirigelinta kuwa u taagan in ay dalkooda wax ka badalaan iyo af-iyo-addin ku taageeridoodaba. Walaalayaal, maxaa innaga wada dhigay kuwo wada doonaya in ay arkaan dalkooda oo horumarayo, xasiloon, balse aaminsan in arintaasi aanan la gaari karin haddii reerkooda uusan xilka ugu wanaagsan dalka ka hayn?
Beeraha iyo dhiirigelinta beeralayda waa aynu dayacnay oo waxa aynu xoogeena iskugu gaynay ka hadalka siyaasadda iyo qabyaaladda. Xaggee ayaynu ku ognahay halka uu marayo xaaladda deegaanka iyo xaalufka dhirta, taas oo si ba’an uga socota dalka. Mala socotaa in dhul-beereedkii ballaarnaa ee Soomaaliiyeed soo koobmayo oo aynu noqonayno bulsho 100% ku tiirsan alaabta iyo walxaha ay kasoo iibsadaan dibadda. Sidoo kale, duur-joogtii ayaa iskaga kala firxatay dalka oo mar ahaan jiray meelaha ugu duur-joog badan gobolka.
Dalku waxa uu leeyahay hay’addo waxbarasho i.e. jaamacaddo. Maxaa diiday in aynu maalgashano cilmiga oo aynu ku dhiirigelino jaamacaddaha in ay sameeyaan baaritaan cilmiyeed oo aan ka taakulayno dhaqaalaha. Maxaa aan ugu eeganaa jaamacaddaha iyo aqoonteenaba in ay ahaato uun mid aragti ah (theoretical) balse aanan lahayn shaybaaro iyo xarumo cilmi-baaris.
Walaalayaal, marka aynu masaajidka ka baxno waa in aynu wada noqonaa wakiilo kula wada laabta guryahooda arimaha ku hareeraysan bulshadooda iyo deegaankooda oo kala dooda qoysaskooda sidii wax loo qabsan lahaa ama ugu yaraan waxa maqan la iskula ogaan lahaa. Aynu noqonno muwaadiniin wax fahansan oo mas’uuliyiin ah.
Waxaan kusoo gebagabaynayaa, walaalayaal, in cabsidu aysan ahayn wax wanaagsan, haddii aad cabsi darteed u cibaadaysato markaasi cabsida ayaad caabudaa ee ilaah ma caabudid, marka walaalayaal cabsida aynu ku badalno farxad iyo jacayl. Waxaan doonayay in aan duceeyo, balse waxaan xasuustay in ducadu aysan waxba badalin, kol haddii aynu aaminsannahay in wax walbaahi qadaranyihiin oo ay qoranyihiin. Mahadsanidiin!”
Bal marka la akhriyayo khudbada ee uu sheikhu bilaabo arimaha argagixinta iyo cabsida isoo xasuuso oo dhoola cadee adiga oo og in cabsidu aysan ahayn in laga cabsado.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...