Kacbada haddii la dumiyo maxaa dhacaya?
D hismaha dhagaxa caanka ah ee ku yaal Makka loona yaqaan Kacbada ma jirto cid dhab u og xilligii u horreeyey ee la dhisay, sababtuna waxay tahay in dhawr jeer uu gebi ahaanba bur-buray oo dib loo qotomiyay ama dayactirro badan lagu sameeyey, sidaa darteed ma cadda gacmihii u horreeyey ee taagay.
Dadka aaminsan diinta islaamku way ku kala aragti duwan yihiin ciddii ugu horreysey ee dhistay, balse waxa qaarkood qabaan in Kacbada ay dhiseen Malaa’ig, qaar kale waxay qabaan in uu dhisay nabi Aadan balse quraanku waxa uu sheegeyaa inay dhismaheeda iska kaashadeen labada nabi ee Ibraahim iyo Ismaaciil. Kacbadu waxay ahayd meel ay ku cibaadeystaan kolba cidda deegaankaas degan ama qabsata iyo martida u timaada.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2018/08/2016_9_1_15_58_32_853.jpg?resize=314%2C220&ssl=1)
Kacbada Shaddaad Al-Ayaadi
Waxaa iyana mudan inaan ogaanno arrinka kacba dhisiddu inaanu ahayn mid ku koobnaa Makka ama Kacbada hadda dhisan oo keliya balse waxaa jirey tobanaan Kacbo oo iyada la mid ah, qolo kastaa waxay lahayd mid u gaar ah waxaase ugu caansanaa Kacbada Qadfaan (كعبة غطفان), Kacbada Shaddaad Al-Ayaadi (كعبة شداد الايادي) iyo guryihii cibaadada oo iyaguna Kacbooyin ahaa sida Baytul- Aqsa, Baytul-Ridaa iyo Baytu-Najraan.
Dadka muslimiinta ahi waxay aaminsanyihiin in Kacbadu tahay goob barakaysan oo Illaahay ka xushay arlada inteeda kale ilaashadana oo aan la dumin karin ama dhibi gaadhi karin. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin inay ku dumi doonto gacanta nin xabashi ah marka uu soo dhawaado dhammaadka adduunku. Tani waxay tusaale kale u tahay nacaybka iyo cunsuriyadda gunta dheer ee Islaamku dadyawga midabka madaw u qabo iyo sida uu mar walba madawga iyo sharka isugu xiro. Xadiis nabiga laga soo weriyayna waxa uu leeyahay “kacbada waxaa dumin doona Xabashi wegdo leh”.
وعن أبي هريرة عن الرسول صلى الله عليه وسلم أنه قال: «يخرب الكعبة ذو السويقتين من الحبشة ويسلبها حليها ويجردها من كسوته» (رواه مسلم)
Kacbadu waxba kama duwana dhismayaasha adduunka ee dad sameega ah, mana jirto cid ilaashata oo xagga sare fadhida. Taariikhda waxaa ku summadan marar badan oo la dumiyay ama aafooyin dabiiciya ay ku habsadeen dibna loo dhisay.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2018/09/image.jpg?resize=300%2C192&ssl=1)
Sida la sheego Kacbada waxaa isku deyey inuu dumiyo nin ka tirsan
boqortooyadii Aksum ee Xabashida ahayd taas oo Yaman iyo qaybo saxaaraha
carabta ka mid ahna xukumaysey. Waxaa la sheegaa in hogaamiye xabashi ah oo
magaciisu la odhan jirey Abraha uu isku dayay markay taariikhdu ahayd (570
CD) inuu dumiyo Kacbada si loo booqdo loona wayneeyo Kaniisad uu Yaman ka
dhisay. Ciidankiisii markay soo gaadheen deegaanka Makka, dadkiina ay ka
qexeen magaalada ayaa waxa la yidhi geel uu lahaa Cabdi Mudalib oo nabi
Maxamed awoowgii ahaa ayay ciidanka xabashidu qaateen, kadibna Cabdi-Mudalib
oo lahaa geela ayaa soo doontay oo yidhi; war geelayga isiiya,
gurigani(kacbada) Illaah ilaashada ayuu leeyahaye (انا رب الابل وللبيت رب
يحميه). Ciidankii Xabashidu markay xagga Kacbada u dhaqaaqeen Illaahay
shimbiro dhagxaan dab ah sida ayuu u soo diray, gurigiisiina waa difaacdey,
ciidankii xabashiduna halkaasay ku jabeen sida werinta quraanku sheegayso.
Kacbada xilligaas ciidanka xabashidu ku soo duuleen waxaa gudaheeda ka buuxey
ilaahyo dhagaxaan ah oo lagu caabudayey, guushiina dhagxaantaas ayaa looga
mahad celiyey oo loogu xoola qalay. Dhacdadan maroodiyada Abraha ilaa maanta
lama hayo raadad caddaynaya sugnaanshaheeda taariikh ahaaneed marka laga
yimaado werinta quraanka.
Taariikhdu markay ahayd (693 CD) waxaa dawladdii islaamka ee uu hogaaminayey Cabdumalik Bin Marwaan ku fallaagoobey nin la odhan jirey Cabdullahi Binu Subeyr. Cabdumalik si uu shaqo uga qabto ninkaa fallaagoobey ee taliskiisa ka hor yimi wuxuu diyaariyey ciidan xoog leh oo uu hogaaminayo ninkii la odhan jirey Xajjaaj Binu Yuusuf Athaqafi. Ciidankii wuxuu weeraray Cabdulah iyo xertiisii iyana Kacbada ayay difaac ka xidheen, kadibna ciidankii u hogaaminayey Xajjaaj waxay kacbadii ku garaaceen Minjaniiq (madaafiicdii waqtigaas) sidaas ayayna kacbadii ku gubatey qayb ahaanna duntey, hawlgalkii markuu dhamaadayna taliskii Cabdulahi Binu Marwaan ayaa dib u dhisay Kacbadii ciidankiisu dumiyey.
Waydiinta meesha taalla waxay tahay hadduu Illaahay gurigiisa oo dhagax lagu caabudo ka difaacdey ciidankii Xabashida, muxuu uga difaacan waayey kuwa isaga aaminsanaa ee hadana dhulka la simay? Mise waa in Kacbada laga difaacaa xabashiga madaw xataa hadii dhagxaan lagu caabudeyo?
(930 CD) waxaa Kacbada soo weeraray oo qabsaday weliba xilli gudashada xajka
lagu guda jiro koox loo yaqaaney Qaraamida (القرامطة), kooxdaasi waxay Kacbada
ku dhex dileen kumanaan xujey ah, Kabcadana waa biliqaysteen waana burburiyeen
qayb ahaan, dhagaxa madaw ee loo yaqaan Xajarul-aswadka (حجر الاسود) ee ay
muslimiintu aaminsan yihiin inuu jannada ka yimidna way qaateen, dhowr iyo
labaatan sano kadib ayay soo celiyeen dhagax aan la hubin oo ka qara yar kii
hore. mudadaas dheerna lama gudan xaj, sidoo kale salaadahana dad badani waxay
u jeedsan jireen jihada deegaanka kooxda dhagaxa qaadatay oo dhaca waddanka
immika loo yaqaan Baxrayn.
Xujaajtii maalintaas Qaraamidadu gumaaday ee maydkooda ku gurtay ceelka
Zamzamka ilaahii ay martida u ahaayeen gacan uma fidin oo xaqii martida ma
dhawrin, gurigiisana ma ilaalin sidii uu ballan qaaday.
![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2018/09/882.jpg?resize=600%2C338&ssl=1)
Kacbada oo daad gudaha u galay
Xilligii ay arlada xukumeysey boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxaa la sheegaa mar ay ku beegnayd (1630 CD) in Kacbada daad qaaday gebi ahaanteedba kadibna dib loo dhisay. Haddiiba daad qaadayo gurigan malaa’igta iyo anbiyadu ku fara yaraysteen muxuu kaga duwan yahay guryaha maalin walba dhul gariirku dumiyo ama daadku qaado? balse waxaaba jiro dhismayaal dad samee ah sida Ahraamta Masar oo aan la sheegin inay waxyeello wayni ka soo gaadhay aafooyin dabeeci ah.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2018/08/images.jpg?resize=190%2C265&ssl=1)
Juhaymaan Al-Cutaybi
(1970 CD) waxaa Kacbada qabsaday koox uu hogaaminayey nin la yidhaado Juhaymaan Al-Cutaybi (1936-1980), ninkaasi wuxuu aaminsanaa in reer Al-Sacuud ka leexdeen jidkii xaqqa ahaa oo uu soo baxay Mahdigii la sugayey, waxa uu ku sheegay mahdiga saaxiibkiis oo la odhan jirey Maxamed Cabdallah Al-Qaxdaan (1935-1979) waajibna ay tahay in la adeeco. Reer Al-Sacuud arrinkaasi jahwarwer buu ku ridey waxayna u arkeen inuu yahay afgenbi, kadibna waxay weerareen Kacbada oo diinta islaamku qabto inay xaaraan tahay in dhiig lagu daadiyo ama uu galo qof aan muslim ahayni, weeraradaasi waa fashilmeen dhiig badanina waa ku daatay. Kadibna boqortooyada Sucuucdigu waxay ka dalbatay dawladda Faransiiska ee gaalada ah inay la xorayso guriga Illaahay. Dawladda Faransiisku iyadoo ka jawaabeysa codsigii Sucuudiga waxay u soo dirtay Cutub ka tirsan ciidanka Faransiiska ee sida gaarka ah u tabobaran. Ciidamadaa gaalada ah ayaa ugu danbayn suuragaliyay in guriga ilaahay ee labada todobaad xoogga lagu haystay dib gacanta Ilaahay ugu soo celiyaan.
Kacbadu waxba kagama duwana guryaha adduunka maanta ka dhisan ee u nugul inay ku burburaan colaadaha iyo aafooyinka dabiciiga ah, sidoo kale ma jiro Illaah xagga sare fadhiya oo ilaashanaya dhisme yar oo dhulka ku yaal. Iyadana waxaa been ah shimibirihii la yidhi ciidankii xabshida lagu soo kiciyey, haddii ay shinbirahaasi run yihiin waxaa lagu soo fasixi lahaa ciidankii Cabdumalik Binu Marwaan ee sida kutalo galka ah u dumiyey Kacbda ama Qaraamidadii kumanaanka qof ku dhex dishey welibana fadhataysatay Kacbada.
Kacbadu waa dhagax lagu baadho malaayin dad masaakiin ah, marar badanna ay ku naf waayaan boqolaal qof oo u haysta inay tahay guriga Ilaahay ee barakaysan. Kacbadu waa dhagax ay carabtii hore dhisatay si ubadkoodu dadka ugu baadhaan ugana xukumaan, nabi Maxamed markii uu yimidna sanamyadii badnaa ee gudaheeda yaalay ayuu hal mida ka dhigay. Ma jiro Illaah ilaaliya balse waxaa ilaashada reer Al-Sacuud iyagoo adeegsaneya hubka ay dalalka gaaladu sameeyeen.
Kacbada haddii kun jeer la burburiyo ma jiro qiyaame wax la yidhaahdo oo dhacaya, hore waa loo dumiyey waa la bililiqaystay kumanaan qofna waa lagu dhex diley waxbana isma bedelin qiyaamana ma dhicin, haddana waa la dumin doona goor ay ahaataba.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...