Islaam kee?
Mustafa Faadil Basha (1830-1875) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dowladdii Cusmaanida waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii diintu ay ku ekaan weydo meesheeda sare iyo xaqiiqada abadiga ah, oo ay u soo degto in ay faraha la gasho arrimaha adduunyada, waxay noqonaysaa mid wax walba burburisa, marka iyada nafteeda lagu daro.”
Sida uu ku warramayo maqaalka hoos ku lifaaqan ee wargeyska New York Times uu daabacay jimcadii la soo dhaafay ee taariikhdu ay ahayd 2/10/2020, mas’alada ugu culus ee hortaal wufuudda ka qaybgalaya shirka magaalada Dooxa ee dalka Qatar ugu socda Afgaanida waxay tahay jawaab u helidda weydiinta ah: Kee baa islaamkiisa la qaadanaya? Wafdiga metalaya ururka Taalibaan wuxuu ku adkaysanayaa in loo baahan yahay in la sameeyo dowlad islaam ah oo shareecada lagu dhaqo, halka wafdiga xukuumadda metalayaa ay iyaguna dhankooda kaga doodayaan in xukuumadda hadda jirta qudheedu ay tahay islaami, qodobada dastuurkeeda ku qoronna uu ka mid yahay mid dhigaya: 'Diinta dalku waa islaam, wax shareecada islaamka khilaafsanna laguma dhiqi karo.'
Waxay ila tahay in Soomaalidu ay ugu horreeyaan ummadaha ugu baahida badan jawaab u helidda su’aasha ah: Kee baa islaamkiisa la qaadanayaa? Hayeeshee, waxaa muuqata in Soomaalidu jawaab ay weydiinta u helaan ha joogtee, aysan weli xitaa weydiinta qudheeda ku baraarugin. Sida la wada ogyahayna, in xanuunka daawo loo helo waxaa ka horreeya in xanuunka noociisa la garto.
Dadka badankoodu waxay u haystaan in islaamku uu yahay walax qura oo qeexan oo aan lagu kala aragti duwanaan karin. Waana middaas fikradda wadaaddadu ay faafiyaan. Laakiin sida dhabta ah, islaam mid qura ahi ma uu jiro, ee waxaa jira islaamyo fara badan. Waa run in muslimiintu ay wadaagaan hal Musxaf ama kitaab quraan oo mid ah iyo gacalada nebiga. Hase ahaatee, quraanka iyo islaamku isku macne ma aha. Kun iyo afar boqol oo sano ayaa muslimiintu quraanka akhrinayeen, isla jeerkaana siyaabo kala geddisan u macnaynayeen iyada oo qolo kastaa ay erayda quraanka waafajinayso danaheeda, duruufaheeda iyo fahankeeda. Khaliifkii Cali bin Abii Taalib-na waa kii yiri: "Quraanka labada jeldi ee musxafka ku qorani iskii uma uu hadlo, laakiin ragga ayaa ku hadla /القرآن بين دفتي المصحف لا ينطق وإنما يتكلم به الرجال". Hawraartaas oo macneedu uu yahay quraanka waxaa qeexa oo macne iyo ulajeeddo u yeela caqliga ragga, fahankooda iyo danahooda.
Mustashriqii Jacques Berque (1910-1995) oo baaritaanno aad u badan islaamka ka diyaariyey, macnaha quraankana af Faransiis u rogay, wuxuu leeyahay buug uu cinwaan uga dhigay "Dib-u-akhrinta quraanka" (=Relire le Coran /إعادة قراءة القرآن), toddobaad ka hor geeridiisna wuxuu daabacay daraasad uu u bixiyey "Islaam kee?" (=Quel islam?/ أي إسلام؟), oo macnahu uu yahay: Islaamkee baan ka hadlaynaa? Ama islaamkee baan doonaynaa?
Jacques Berque iyo aqoonyahanno kaleba waxay qabaan in quraanka labo siyaabood oo kala duwan loo macnayn karo. In loo macneeyo sida xagjirka salafiyiintu ay u macneeyaan iyo in loo macneeyo sida caqlaaniyiinta ay muctasilada iyo falaasifadu ka midka yihiin. Laakiin dhibka dhacay wuxuu yahay in macnaynta qolada hore ay xoogaystay ilaa xad ay ku guulaysatay in ay qariso macnaha qolada danbe. Taas oo ka dhigan in islaamkii jahliga, dib-u-dhaca, nacaybka, colaadda, dhiigga iyo qaraxyadu uu ka guulaystay islaamkii aqoonta, dimoqoraadiyadda, dulqaadka, xuquuqu insaanka, horumarka, ilbaxnimada iyo wada noolaanta. Waa halkaas meesha ay ka soo jeedaan dhaqdhaqaaqyada jihaad doonka ah ee Alshabaab, Booko Xaraam, ISIS, Qaacida, Taalibaan, Nusra iyo kuwa la halmaala iyo weliba kuwii ay ka farcameen ee Ikhwaanka iyo salafiyada oo nuxurkooda dhabta ahi uusan waxba ku kala duwanayn.
Islaamku waa diin weyn oo dhul ballaaran iyo ummado badan ku dhex faafay, caqiidadana waxaa u weheliya taariikh iyo dhaqan. Sidaa awgeed, in uu laamo iyo midabyo badan yeeshaa waa arrin si fudud lagu fahmi karo, oo waxaa ku rumoobaysa oraahda gabyaagii Maraykanka ahaa ee Walt Whitman ee tiraahda: "Miyaan iska hor imaanayaa? Hagaag, haddaba waan iska hor imaanayaa, waan weynahay, wax badanna waan ka koobnahay /Do I contract myself? Very well, then I contradict myself, I am large, I contain multitudes." Mar walba oo dhulka islaamku uu ku faafayo iyo dadka qaadanayaa ay bataan, waxaa badanaya jaadadka iyo muuqaallada islaamku uu yeelanayo (Akhristaha danaynaya in uu wax badan ka ogaado wejiyada islaamku uu leeyahay, wuxuu kaga bogan karaa dhigaallada uu ka midka yahay buugga uu qoray Shahab Axmed ee magaciisu yahay "What Is Islam? The Importance of Being Islamic/ما الإسلام؟ في مغزى أن تكون منتميا إلى الإسلام").
Saamaynta diintu ay dadka ku leedahay mid la mid ah ayaa dadku diinta ku leeyihiin, islaamkuna waa miraha ka dhasha falgalka u dhexeeya dadka iyo nusuusta diinta. Islaamka Ibaadiyada, kan Shiicada iyo kan Sunnadu isku mid ma ah. Marka qolo kasta gudaheeda loo yimaadana waxaa la ogaanayaa in islaam mid ah aysan haysan. Tusaale ahaan, islaamka salafiyada iyo kan suufiyadu isku mid ma ah. Salafiyada iyo suufiyadana mid waliba waxay u qaybsantaa firqooyin fara badan oo dhexdooda ay ka aloosan tahay khilaaf iyo colaad ay seefta iska aslaan. Bilmatal Alshabaab iyo Ictisaam toban sano ka hor -si toos ah iyo si dadbanba- waxay uga wada tirsanaayeen hal urur oo Wahaabi ah, isku kutub bay raacan jireen, waxayna isu ahaayeen culumo iyo xertood, maantana doodaha iyo isgaalaynta u dhaxaysa waa laga wada dheregsan yahay. Weli labada qolo quraan mid ah bay akhriyaan, laakiin waxaa is-khilaafay danahoodii, arrinkaas oo keenay in qoloba ay si gaar ah oo danaheeda waafaqsan ay u macnayso nusuusta diinta ee horay ay isku sida u macnayn jireen.
Haddaba islaamkee baa laga hadlayaa marka la leeyahay islaamka ama shareecada ayaa la isku xukumayaa? Ma islaamka salafiyada mise kan suufiyada? Salafiyada yaa metela oo shareecada ay rabaan noo sheegaya, ma Ictisaam mase Shabaab mase Salafiya Jadiida mase... mase... mase? Suufiyada iyaga yaa metala, ma qaaddiriyada mase saalixiya mase... mase... mase..:? Soomaalida aan salafiyada iyo suufiyada ahayn waddanka wax ma ku leeyihiin mase kuma laha? Islaamka iyo soomaalinimadu ma isku macnaa mase waa labo arrin oo kala geddisan, oo midi waa diin iyo aydaloojiyad midina waa dhiig iyo dhalasho (=Muslim kastaa Soomaali ma aha, Soomaali walbaana muslim ma aha. Qarniga 21-aad dunidu ma ahaa tii beelbeesha ama diindiinta loo noolaa, ee waa duni dadka iyo diimuhuba ay isdhex dageen, islaamka iyo muslimiintuna ay dhexgaleen diimo iyo dhaqamo kale oo badan)?
Sideedaba maxay tahay shareecada lagu baaqayo in lagu dhaqmo? Shareecada iyo xuduuddu ma isku mid baa mase way kala geddisan yihiin? Fulinta xuduudda ma laga maarmi karaa mase waa lagu khasban yahay in la fuliyo oo wiilasha dayacu ku khasbay in ay dadka jeebsiibaan gacmaha laga rifo, dumarka duruufuhu badeen in ay jirkooda iibiyaanna la karbaasho ama dhagax lagu dilo, barbaarta wadaaddada u caroodana luqunta loo dheereeyo kadib marka riddo iyo diin ka bax lagu xukumo, haweenkana lebbiskooda la kontoroolo, lagana dhaadhiciyo in ay ragga ka hooseeyaan. Waayo waxaan ognahay in saddexdaan qolo ay yihiin kuwa had iyo goor u nugul in xuduudda lagu fuliyo, oo si arxan daran loo ciqaabo. Wadaaddadu marka lagu baraarujiyo in rajminta -ama dhagax ku dilka- gabdhaha aan quraanka lagu xusin, waxay ku andacoodaan in Eebbe uu arrinkaas hilmaamay kolkii quraanku soo degayey asii nebigu uu gadaal ka xasuustay! Laakiin sida wadaaddada qudhoodu ay noo sheegeen qofka Alle iyo nebiga ku been-abuurtaa taqi ma aha, meel xun buuna ku danbeeyaa. Run ahaantii, wadaadda islaamka oo dhammi waa diidaan fikradaha xorriyadda, sinnaanta iyo xuquuqu insaanka, oo la’aantood dowladaha casriga ahi aysan si hagaagsan u shaqayn karin.
Soomaalida qaarkeed waxaa yaab iyo amakaag ku riday dooddii caqliga iyo dowladnimada labadaba khilaafsanayd ee xildhibaanada soomaalidu ay kala horyimaadeen soo jeedintii xildhibaanad Maryan Axmed Haaruun ay ka hor sheegtay barlamaanka, ee ahayd in soomaalida aan muslimka ahayni ay yihiin muwaadiniin xuquuqda iyo waajibaadka dalka dadka kale ula siman, oo xaq u leh fursadaha shaqo ee waddanka ka jira.
Xildhibaannada ma waxaa isaga khaldamay qabiilkii ay baarlamaanka ku yimaadeen iyo dowladnimada? Mase dhammaantood waxay rumaysan yihiin fikradihii dunidu qarniyadii dhexe ku dhaqmi jirtey ee dadku ay kala sarreeyeen, ee ku dhisnaa faquuqa fikradaha ahlu-dimada, jisyada, iyo guri islaam iyo mid dagaal (=دار الإسلام ودار الحرب)? Mase xildhibaanada sharafta leh damac iyo danaysi baa ka hadlinaya, oo kursiga iyo jeebkooda baa kala weyn mustaqbalka ummadda ay sharci dejiyaha u yihiin? Xildhibaannadu Soomaaliga aan muslimka ahayn maxay ka damacsan yihiin? Ma sida wadaaddada xagjirka ah bay riddo iyo dil ugu xukumayaan? Haddii sidaa la yeelo, tillaabada xigtaa soo noqon mayso in muslimiinta markooda la sii kala guro oo marba qoladii laga awood bato inta riddo lagu xukumo la layn maayo, xaalkuna noqonmayo "Ninba waa mare mus ma kula koray".
Mar kasta oo fikirka islaamiyiinta uu fashil ku yimaado waxay durba ku andacoodaan in waxa la fuliyey ee fashilmay uusan ahayn islaamka saxda ah. Haddaba, waa yaabe islaamka saxda ahi waa kee???
Wadaadda ku baaqa in shareecada lagu dhaqmo intooda wacyiga lihi waa dareensan yihiin in dooddaasi ay fududahay marka dadka la wacdinayo, laakiin ficil ahaan aan dowladi u fulin karin. Maxaa yeelay cidda isku dayda in ay dhaqan geliso waxay shanta la galaysaa qurmoon bulshada kala geeya. Sida maqaalka hoos ku lifaaqani uu tilmaamayo fikirka Taalibaanka ee hadda taagani ilaa xad waa ka duwan yahay midkii ay rumaysnaayeen 1990-aadka, oo waxyaabo ay xilligaas xaaran u arkayeen -sida waxbarashada gabdhaha iyo adeegsiga isgaarsiinta casriga ah- bay hadda xalaal u arkaan.
Dhammaan dalalkii isku dayey fulinta shareecadu maanta waa ka qoomameeyaan. Tusaale ahaan, baaritaannadu waxay tibaaxayaan in magaalada Tahraan ee caasimada dalka Iiraan ay tahay caasimadaha dalalka Bariga Dhexe midda dadkeedu ay ugu diin yar yihiin. Dalka Sacuudiga magaalooyinka Maka iyo madiino waxaa ka buuxa dhallinyaro diin iyo wadaad toona aan la maqashiin karin. Weydiimaha dhallinyaradaani ay ka doodaanna waxaa ka mid ah kuwa oranaya: “Ma caddaalad baa in muslimiinta oo keli ahi ay janno galaan? Muxuu Eebbe islaamka uga dhigay diin caalami ah isaga oo hal af ku tiiransan ( waxay tilmaamayaan quraanka afka carabiga ku qoran)”.
Dalka Turkiga oo labaatankii dabshid ee u danbeeyey uu ka socday hawlgal lagu abuurayo “fac cusub oo taqwo leh/ a new pious generation”, isagana waxaa ka soo baxay facyaal ku doodaya in ay Alle rumaysan yihiin, laakiin anbiyo iyo waxyi toona aysan rumaysnayn (=Rubuubiyiin/ Deism). Saxaafadda dalkana waxaa ka bilaabatay dood ku saabsan sababta keentay “daacuunka rubuubiyada/ deism plague.” Dalka Suudaan oo dhowr iyo soddonkii sano ee u danbeeyey arrinka shareecada faraha uga gubtayna waa kii bishii hore ku dhawaaqay in uu ka laabtay shareecadii, oo calmaaniyaddii dib loogu noqonayo. Waayo sida uu ku dooday Cabdiwahaab El-Affendi oo ah cilmibaare u dhashay dalkaas Suudaan: Islaamka siyaasiga ahi “wuxuu la mace noqday musuqmaasuq, munaafaqnimo, cadaawad iyo caqiido xumo. Malaha Suudaan waa dalkii u horreeyey ee si dhab ah islaamiyiinta looga horyimid." (Eeg maqaalka Cabdiwahaab ee cinwaankiisu yahay ‘Sudan protests: How did we get here?’). Guud ahaan, dalalka carabtana waxaa ka jirta mowjad calmaaniyad doon ah.
Dhammaan dalalkaan iyo guud ahaan dunida, doodda wadaaddada saxwadu waxay ka abuurtay in muslimiin badani ay islaamka iyo xitaa diimaha oo dhan ay nacaan. Doodda fulinta shareecadu ma dhalin natiijo aan ahayn in dadyow badani ay islaamka la colloobaan. Waxaana laga digayaa in islaamiyiintu [=wadaaddada saxwadu] ay diinta burburinayaan haddii inta goori goor tahay aan laga gaarin. Khudbadii madaxweynaha faransiiska 'Emmanuel Macron' uu darraad jeediyey ee uu ku yiri: islaamku "waa diin dunida oo dhan uu dhib ka haysto /a religion that is in crisis all over the world", ma aha hadal ama dareen u gaar ah Makroon iyo Faransiiska, balse waa dareen ay la wadaagaan ummado badan oo kala diin, dhaqan iyo midab ahi. Taana waxaa ugu wacan sawirka wadaaddada xagjirka ahi ay islaamka iyo nebiga ka bixiyaan (=بعثت بالسيف بين يدي الساعة، وجعل رزقي تحت ظل رمحي). Qarniyadii dhexe diinta kirishtaanka wadaaddo ayaa faddareeyey, islaamkana maanta wadaaddo iyo siyaasi aragti gaaban baa foolxumaynaya.
Isku soo duubo, islaamku waa noocyo badan yahay, fikradda fulinta shareecaduna ma laha nuxur aan ahayn in talada waddanka wadaadda loo dhiibo iyo in bulshada inteeda itaalka yar la ciqaabo oo jeedal, gacan goyn iyo dhagax ku dil la isugu daro. Laakiin weydiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: Wadaaddadu ma ku heshiin karaan haddii hoggaanka dalka farta laga saaro mase taasi waxay abuuraysaa khilaaf hor leh iyo urur diimeedyo cusub?
Saxaabad qaarkood nebiga waxay weydiiyeen: Rasuulkii Allow islaamka kee baa ugu wanaagsan? Wuxuu yiri: “Kan muslimiintu (=aadanuhu) ay ka badbaadaan afkiisa iyo addinkiisa.”
https://l.facebook.com/l.php?u=https%3A%2F%2Fwww.nytimes.com%2F2020%2F10%2F02%2Fopinion%2Fafghanistan- peace-talks-doha.html%3Ffbclid%3DIwAR2PIiOkcwKdt_rCXblQSaUJoksydA- fNxenrOeVd34CVqF38wE7mklHJ5k&h=AT1AEWGNAsIxO-HjIb8b7RiIF- zHIGAFXal2qUUgmVxmE9zKXAk8GC70nOuyN2Vv-OJArBLp15z7cLZg_qhpuHQgTQZcv- SThvRZIq_qNqJMi4pcB_UPotwUUvuA&tn=%2CmH-R&c[0]=AT12gbi9i5CM0NtptXugM1YxANzdVLJxqatKKX-1ZyjS3uVpi7Rx0OJFgc_K47d_ni0uNmFTmMOhqi2ciRmOEB8Zmc8_vDJZvpf1-SZtesH2L32EHYGDHqredwPnXAHDW9kIejfIL9btERphBxrddAaKRPcOYYtXtY6qXnfp6BdxQhI
5 October 2020
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...