Hagaajinta Umadda
D adka waa la tabobari karaa qof ahaan iyo bulsho ahaanba. Waa run oo dadka waa laga xorayn karaa khuraafaadka iyo diimaha liita. Khuraafaadka iyo diimuhu dadka waxa ay ka dhigaan wax xayawaanka ku dhaw oo maskax qufulan oo aan dareen iyo aragti dheer lahayn. Waddamada maanta laga soo raadsado xuquuqda iyo nabadgelyada oo badaha loo jiiro in la soo cagadhigaa waxa ay haysan jireen khuraafaad kiristan la yiraahdo oo ah in uusan caqligu shaqayn ee buug waa fog la qoray lagu cibaadaysto. Waxa ay rumaysnaayeen in uusan qofku aragti yeelan ee uu u hoggaansamo Ciise iyo Eebbe. Qofkii garab mara waxa buugga Eebbe ku yaal ee Ciise laga weriyey xukunkiisu dil buu ahaa, waxa uuna ahaa eedaysane uu Eebbe u carooday oo aan xushmad lahayn. Waxa ay waddaadada iyo boqorradu u fakarayeen in dhulka iyo dadka uu Eebbe maslaxaddooda og yahay oo waxa buugga Eebbe ku qorani ay yihiin faa’iidooyin aysan maskaxdu gaari karin oo xagga Eebbe laga soo dejiyey.
Waxaa in sidaas maangaabnimada ah Ciise loogu harawsanaado diidey dad ay u cuntami weydey in ay wadaaddo dhawr ahi buug duugoobey bulshada ku haystaan. Waxa ay dadkaasi u bareereen in dadka maskaxdooda laga furfuro Eebbe iyo Ciise oo loo gudbo in maskaxda ummadda la isticmaalo.
Halgankaasi guyaal iyo guyaal buu socdey oo loo dhimanayey, waxaana ugu danbayn la gaarey in buugga Ciise iyo wadaaddadiisu ay ku koobnaadaan guriga Eebbe (Kaniisadda), gurigaasna uu galo qofkii rabaa, dadkuna ay noloshooda iyo danohooda u madax bannaanaadaan. Muruq iyo maskax in la adeegsado halkii buug duugoobey la dul hogan lahaa bay natiijadii noqotay, waxa ayna dalalkaasi noqdeen meelo ay u qaxaan dadka dhulalkooda ku noolaan kari waayey xag xorriyadeed iyo xag nabadgelyo. Wadaaddada iyo kaniisadda markii la isla tuuray oo maskaxda dadka loo xuubsiibtey baa nefis ugu horraysey ummadahaas.
Soomaalida curyaamin aad u weyn bay ku yihiin khuraafaadyada dareenkooda ku xididdaystey oo wakhtigooda badankiisa waxaa leh khuraafaad waayo hore dad joogey laga soo waaridey. Waxa aynu nahay dad oo dad kale wax ay sameeyeen waa aynu samayn karnaa, mana ay jirto cid inagu xukuntay in aynu kun sano khuraafaad u xayirnaano.
Waxaa khasab ah in loo halgamo sidii dadkeenna maskaxdooda loogu soo celin lahaa oo madaxooda looga jari lahaa xargaha khuraafaadka ee ay difaacdaan. Taas macneheedu waa in loo naxariisanayo dadka masaakiinta ah oo danahooda lagu dheelay, bilaashna lagu heli mayo in dadka laga xoreeyo dhibaatada ay buugaagta baaliyoobey ku hayaan. Markii hawl sidaas u weyn loo istaagayo waxaa dhalan kara oo la wajahaa dhibaatooyin, waayo dad kastaa waxa ay la qabsadeen iyo dhaqankooda waa ay ku dheggan yihiin oo dhib baa lagaga furfuraa waxyaalaha ay caadaysteen.
Dadka waxgaradka ah ee hawlo sidaas u qoddo dheer gelayaa waa in ay u bareeraan cay, dil iyo dhibaato kasta oo ay mutaan, waayo danta xalaasha ah oo ay leeyihiin baa ka weyn xumaan kasta ee dhacda. Shacabka uu khuraafaadku ku xiddaystey ma ay rabaan in waxa liita oo ay aamminsan yihiin laga taabto oo qofku haddii khuraafaadka laga dooddo waxa ay u la mid tahay in isaga wax laga sheegay oo kale, laakiin waa la bari karaa in uu la qabsado in waxyaalaha dadka ka dhexeeya toos looga doodo iyada oo aan qof iyo koox midna looga haybaysanayn.
Qofka khuraafiga ah waa in la baraa waxa keli ah oo uu xaq u leeyahay in ay yihiin in naftiisa iyo sharaftiisa qof ahaaneed aan lagu xadgudbin, laakiin khuraafaadka guud ee uu aamminsan yahay uu yahay dan ummadda u dhex ah oo uusan cidna ka xigin. Haddii ay koox ama qof ku doodaan in khuraafaadka loo nabadgeliyo waa in la baraa in uu khuraafaadku yahay dhibaato ummadda laga badbaadinayo oo qofkii difaacda aan laga yeelayn in looga aammuso.
Dadka halganka xalaasha ah wadaa waa in ay dhib kasta u maraan in la tarbiyeeyo dadka khuraafaadka riman, waana in aan la baqsan oo loogu hanjabin in ay waxyeello dhacayso haddii khuraafaadka laga doodo! Waa in ay waxyeello dhacdaa naf iyo maalba, waxyeelladuna qof ay la dhalatay ma jiro oo sida khuraafiga wax loo yeeli karo si ka weyn wax loo yeeli mayo dadka halganka suubban ku jira. Sida carruur dawo kharaar lagu khasbayo ayaa qof kasta loo gaarsiinayaa in uusan xaq u lahayn in uu khuraafaad difaacdo ee uu xaq u leeyahay in uu helo dowlad naftiisa iyo maalkiisa qof ahaaneed u badbaadisa. Waxa kale oo xoog iyo xeel lagu barayaa in wax kasta ee guud oo dadka ka dhexeeya looga doodi karo sidii loo baahdo.
Khuraafaadku isaga ayaa xumaan iyo curyaamin ah, dadka bulshada ka saarayaana iyaga ayaa jid saxan ku taagan ee kuwa ku hanjabaya in ay khuraafaad difaaciis waxyeello u samaynayaan waxaa la barayaa runta iyo waxa ay xuquuqdoodu tahay. Qofka waddiga soomaaliyeed ah xuquuqdiisa ka mid ma aha in khuraafaad dadka dhex yaal isaga dartiis looga aammuso oo wax dan guud ah qof ama koox lagu xushmeeyo. Waddaniga xuquuqdiisa asaasiga ahi waa in aan isaga qof ahaan loo waxyeellayn iyo in uu maskaxdiisa iyo muruqiisa kaashado. Waxa aan ku celinayaa in khuraafaadka dadkeenna dhex yaal si guud looga doodo iyada oo aan qof iyo qowm midna looga haybaysaneyn. Qofkii mabda’aas toosan ka naxaya maskaxdu ha olosho, hana ku waaro cadaabta khuraafaadka!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...