Gogoldhaafkii shahiidka baahnaa ku dhacay
S aboolnimada iyo fakhrigu waa caado ay soomaalidu leedahay oo tacab la’aan, aqoon darro iyo ilbaxnimo xumo ma aha ee waa dhaqan ummadeed. Tuulo soomaaliyeed oo ay wadaaddada Eebbe u go’ay ee Ashabaab haystaan baa waxaa deggan wadaad Ashabaab ah oo reer leh. Qoyskiisu waxa ay sabool u yihiin sida uu shaydaanku fakhri u yahay, wadaadkuna aqoon ma leh oo xoogaa xaddiisyo ah buu garanayaa, waana askari dagaalyahan ah.
Marmarka qaarkood waxa uu ka qadeeyaa xaafado aan gurigiisa ahayn maaddaama aysan aqalkiisa cunto ool. Maalin buu harkii waxa uu aadey xaafad uu cunto ku malaynayey, waxa uuna ciddaas aadey markii salaadda duhur jamaaco lagu tukadey. Qorrax daran baa jirtey oo waxa uu madaxa ku sitey cimaamad uu wajiga iyo afka ku qarsan jirey, waxaana calooshiisa iyo maskaxdiisa gubaysey gaajo macangagad ah oo saaka ma uu quraacan.
Iriddii reerka ayuu garaacay, waxaana ka furtay gabar indho shareeran oo isaga dherer la eg oo fareheeda keli ah laga ogaan karey in ay cas tahay. Waxa ay weydiisey in uu soo gelayo iyo in kale, waxa ayna u sheegtay in ay keligeed guriga joogto oo ay dadkii kale safarro ku maqan yihiin. Waxa uu u sheegay in gaajada haysaa aysan u saamaxayn in uu laabto. Gurigu barando ma lahayn oo waxa ay geysey qol ay gogol caag ahi ku goglanayd, waxa ayna u keentay baasto baaf weyn ku jirta iyo biyo.
Intii uu wadaadku qadaynayey waxa ay ku fadhidey ganbar hortiisa ah iyada oo indho shareerkii iska tuurtay. Sheeko badan bay shubaysey, waxa ayna ruxaysey bawdyaha oo xaggiisa u soo jeedey. Wadaadku markii ay gaajadii xoogaa ka jabtay oo uu baastadii qaar cunay buu bilaabay sheeko, waxa ayna u sheekaysteen sida ehelu jannada.
Waxa ay wadaadka u sheegtay in ay shaah u keenayso, markii ay shaahii keentayna garbosaar bay huwanayd oo dharkii badnaa culayskiisa waa ay iska dhigtay. Wadaadku intii uu gaajaysnaa kacsi ma uu dareemi karin oo raggu sida awrta gaajo ku ma qooqaan, laakiin markii uu wax liqliqay buu sheekada iyo gabadha u macaansadey.
Baastada faraha ayuu ku cunay, waxaana gogosha dul saarnaa koob shaah ah oo bigays ah. Wadaadkii baa kacay oo gabadhii madaxeeda ku taabtay gacanta bidix oo uusan baastada ku taaban, iyaduna caloosha ayey inta ka taabatay waxa ay cod macaan ku tiri
“Rabshada dhaaf!”
Codkeeda iyo codkiisaba waxaa laga dareemayey kacsi daran, wadaadkuna waa uu illaawey in uu Ashabaab ahaa, waa uu illaawey xaddiisyadii Buluuqul maraan iyo Riyaaddu saalixiin, waa uu illaawey in dhagax lagu dilayo haddii uu gogoldhaafo.
Cabbaar ka dib waxaa gogoshii ku rogmadey koobkii shaaha ahaa, waayo waxa ay labada xabiib gogosha ugu rafteen si daran. Saxankii weynaa oo ay weli baasto ku jirto ayey cagahoodii nuuxnuuxsanayey durkiyeen oo gogosha geeskeeda yiil. Gacantiisa midig baastadii uu ku cunay baa weli ka qoyanayd, guskiisana wax kale ayaa ka qoyanaa.
Wadaadku markii uu intaas Eebbe u calfay buu galjeelkii isku sii daayey, waxaana ka hor yimid gabadha aabbeheed iyo walaalkeed oo fure ku soo furay albaabka hore. Waxa uu Eebbe ku mahadiyey in ay soo daaheen, waxa uuna ku salaamay salaanta islaamka isaga oo dhididsan oo ragga yimid daba maraya.
Gurigiisii buu beegsaday, waxaana joogtey gabar uu dhawaan aroosay oo gaajaysan. Isaga oo aan qubaysan bay labo Ashabaab ahi la soo istaageen oo waxa ay u sheegeen in uu dagaal meel dhaw ka socdo oo loo gurmanayo, waxa uuna guriga ka la soo baxay qori silsilad leh.
Wadaadkaasi casarkii ma uu gaarin oo markii ay rasaastii isdhaafdhaaftay bay wajiga kaga dhacday, waxaana looxul maxfuud ku qoran in qubayskii lagu lahaa ay isaga oo meyd ah malaa’igi u mayrtay, mana uu aha mujaahidkii ugu horreeyey oo uu malag muqarrab ahi u qubeeyey!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...