Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Farqiga u dhaxeeya Soomaalidii hore iyo Soomaalida Maanta!!

W/Q: Ahmed Jidaal
Arrimaha Bulshada 0
15.8k
·

2/25/2022

Farqiga u dhaxeeya Soomaalidii hore iyo Soomaalida Maanta!!

Waan halkan ku soo gudbinayaa maqaal gaaban oo aan kaga hadli doona farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii shalay, walaalayaal sida aad ka warqabtana dadka Soomaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta tirada badan ee ku nool caalamkan, waxa ayna dadka Soomaliyed haystaan nimcooyin badan oo ay yar tahay cid haystaa Gaal iyo Muslim, waxaana nimcooyinkaasi ka mid ah iyagoo alle ka dhigay dad isku diin ah, isku af, isku midab iyo isku dhaqan, laakin sidaas oo ay tahay hadana waxa ay maanta noqdeen dadka dunida ugu xun ee ku rafaadsan buqcad kasta oo ku taal dunidan, marka waxaan rabaa inaan maqaalkan uga hadlo bal farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii hore.
Soomalidii hore

Soomalidii hore uma baahno inaan wax badan ka waramo maxaa yeelay waan ognahay waxa ay ahaayeen iyo taariikhdooda laakin si aan isu barbardhigno iyaga iyo Soomalida maanta waxa aan u baahannahay inaan wax ka niraahno si aan u helno farqiga u dhaxeeyo iyaga iyo kuwa maanta jooga, Walaalayaal Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad intooda badan xoolo dhaqato iyo kuwa beeraley ah, kuwaas oo si sharaf leh ugu noolaa dhulkii uu ilaah ku abuuray iyagoo dhaqanayo xoolaha uu alle ku maneystay sida Geela, Lo’da, Ariga iyo wixii soo raaca.
Waxa ay ahaayeen Soomalidii hore dad leh xeerar iyo dhaqamo wanaagsan oo intooda badan ka soo burqanayey diinta Islaamka, waxaana dhaqamadaasi ka mid ah geesinimada,deeqsinimada,martisoorka, iyo caawinta dadka maasaakiinta iyo kuwa kaloo badan, waxa ay ahaayeen dad qab leh oo u arko in cunsurka Soomaliga uu uunka ugu sareeyo, waxa ayna ku taamayeen in mar un la qotomiya dowlad xoogan (SOMALIWEYN) oo ka hanaqaada dhulalka ay Soomalidu ka degan tahay Geeska Africa, waxa ay xaqiijinta ahdaaftaasi u u hureen kumanaan kun, iyagoo la dagaalay Gumeystayaashii cadaa iyo kuwii Madoobaa.
Inkasta oo Soomalidii hore aysan ku nooleyn magaalooyin leh system dowladeed hadana Waxa ay ahaayeen dad neceb waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo kufsiga,dilka dadka loo yaqaano birimageydada, dhaca, bililaqada iyo dawarsiga.waxa ay sidoo kale aad u necbaayeen in la gumeysto sida aan ka arki karno taariikhdeena, waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah xitaa markii laga xuruubay Gumeysigii reer Yurub in Soomalidii diiday in afkii gumeystiyaashaasi lagu hadlo sida ay sameeyeen wadamo badan oo la soo gumeystay sida wadamada Galbeedka Africa iyo Koonfur America.
Gaba gabadii waxa aan dhihi karaa Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad is jecel oo cadowgooda si guud isaga celiya,waxa ayna dunida kaga tageen taariikh wanaagsan oo maanta baal dahab ah uga jirto guud ahaan taariikhda Wadankeena, waxaana ka xusi karaa Soomalidaasi Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo kuwa kaloo badan, kuwaasi oo la dagaalamay dhamaan Gumeystiyaashii soo hunguriyeey dhulka ciziga iyo sharafta ee ay Soomalida ku nooshahay.waxaana gunaanudki leeyahay ilaahay ha u naxariisto Soomalidii hore wixii danbi ah oo ka dhacayna ilaahay ha u dhaafo maadaama ay naf iyo maalba u hureen jirintaanka Umaddeena ayna ku guuleysteen iney taagaan dowlad Soomaliyeed oo xoog badan taasoo iyadana hamigeedu ahaa in la xaqiiyo dream- kii ahaa SOMALIWEYN.
Soomalida Maanta

Soomalida maanta waxa aan dhihi karaa waa Soomalidii ugu xumeyd ee soo marta qowmiyadda Soomalida ah, maxaa yeelay waxaa ay ka gudbeen dhamaan maxaariimtii ilaahay dadka ka reebay haday ahaan lahayd dhiig la daadiyo, dumar la kufsado bililiqo iyo dhac aan gabasho lahayn iyadoo waliba mararka qaar lagu faanayo, Intaasi kuma aysan ekaanin waxaa ay u soo horkaceen wadankoodii cadowgoodii soo jireenka ahaa ilaa ay soo dhex istaajiyeen caasimadoodii, waana wixii ugu xumaa ee ay Soomalida maanta sameyso.
Walaalayaal waxyaabaha ay Soomali sameysey, waa wax maanta oo dhan hadii la yiraahdo halaga sheekeeyo aan la soo koobi karin, maxaa yeelay waxa ay ku kaceen waa waxii ugu xumaa oo dad bani’aadam ku kaco, miyaad aragtay dad inta doomo lasaaro waliba iyadoo lacagi laga qaatay hadana badda bartankeeda lagu daadinayo iyadoo aan mar ahayn oo labo ahayn, ma waxaasi ayaad aragteen ama maqasheen ma jirto cid aan Soomali ahayan oo waxaasi sameyn karta.waxaa ka sii xun markii ay yiraahdeen waxaan kala jareynaa Jamhuuriyaddii la oran jiray Soomaliya halka dunida aan maanta ku noolnahay uu qof kasta doonayo isbahaysi iyo cid uu bah wadaag la noqdo, cajiib!!!!!

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...