Cusboonaysiinta fekerka diiniga ah iyo xuquuqda haweenka
Bishii Jannaayo ee sannadkii la soo dhaafay ee 2020, jaamacadda As'har waxay marti galisay shirweyne looga hadlayey mowduuca loo bixiyey "Cusboonaysiinta Fekerka Diiniga /تجديد الخطاب الديني". Intii shirkaasi uu socdayna waxaa dood culusi dhexmartay Dr. Maxamed Cusmaan Khishti oo ah maamulaha jaamacadda Qaahira iyo Shiikh Axmed Tayib oo ah madaxa masjidka iyo jaamacadda As'har.
Dooddu waxay curatay ka dib markii Shiikha As'har uu dhaleeceeyey khudbadii Dr Khishti uu ka jeediyey shirka, taas oo uu ku sheegay in muslimiintu aysan u baahnayn in milil dusha looga dhayo, balse ay u baahan yihiin in dib-u-eegid dhab ah lagu sameeyo fekerka islaamka ee hadda jira, lana abuur feker diini ah oo cusub oo casriga la socon kara.
Doodda Dr. Khistina waxaa si kulul uga falceliyey Shiikh Axmed Tayib, oo dooddaas ku tilmaamay in ay tahay mid lagu duminayo dhaxalka Islaamka oo dhan. Doodda wadaadkana waxaa si weyn ugu riyaaqay, uguna sacbiyey wadaadda badankooda, kuwaas oo Shiikh Axmed Tayib ku tilmaamay in uu yahay halyeey u istaagay difaaca diinta islaamka.
Hase ahaatee, labadii toddobaad ee bisha Ramadaanka ugu danbeeyey Shiikh Axmed Tayib wuxuu si taxane ah u jeediyey erayo ku saabsan isla mowduuca "Dib-u- eegidda fekerka Islaamka", wuxuuna ku soo bandhigay afkaar ka duwan kuwii horay isaga iyo wadaaddada islaamka badankoodu ay u difaaci jireen. Dadkii dhagaystay hadalka wadaadka qaarkoodna waxay yiraahdeen: "Shiikh Axmed wuxuu ku soo dhacay dhabbada Dr. Khishti". Dr. Khistina wuxuu sheegay: in uu Eebbe uga mahadnaqayo in uu shiikha xaqa tusay.
Dhanka kalena, dadka qaar baa waxay ku doodeen in hadalka shiikhu uu ka tarjumayo waraysigii Amiir Maxamed bin Salmaan uu uga hadlay cusboonaysiinta fekerka diiniga ah iyo axaadiista keli-wariga ah.
Hadalkii Shiikh Axmed uu jeediyey jimcadii la soo dhaafay ee bishaan May ay toddobada ahay, gebigiisaba wuxuu uga hadlay xuquuqda dumarka, qodobada uu ku xusayna waxaa ka mid ah:
- Haweenku maxram la'aan bay safri karaan
- Haweenku xil kasta waa qaban karaan marka lagu daro jagooyinka sare ee dowladda, garsoorka iyo fatwada.
- Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay istikhyaarkooda ku doortaan ninka ay guursanayaan.
- Furriinka sabab la'aanta ahi waa xaaraan iyo denbi xagga akhlaaqda ah.
- Haweenaydu waxay qayb ku yeelanaysaa hantida saygeeda, haddii ay si uun uga qayb-qaadatay tacbidda hantidaas.
Sidaan meelo kale ku xusay, waxaa jira ku dhawaad 40 xadiis oo nebiga carrabka loogu tiro oo haweenka xuquuqdooda lagu duudsiyo. Axaadiistaas soo seexiska ah waxaa ugu dhib badan labada kala ah:
- Xadiis ku sheegga sheegaya in haweenku ay xagga caqliga iyo xagga diintaba ay naaqus ka yihiin. Waa kan oranaya: "Ma arag cid caqliga iyo diinta naaqus ka ah, oo middiin kala tagid badan qalbiga ninka go'aanka adag /ما رأيت من ناقصات عقل ودين أذهب للب الرجل الحازم من إحداكن".
- Xadiiska labaadna waa kan oranaya: "Ma liibaanayaan duul ummuurahooda haweenay u dhiibtay /لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة".
Labadaan xadiis ku sheeg marka si dhab ah loo baaro waxaa la ogaanayaa in labaduba ay cillad leeyihiin oo midkoodna uusan xagga sanadka iyo xagga matniga midna sax ka ahayn, oo cidda warka sheegtay iyo waxa la sheegay labadaba waa la duray.
Tan iyo sannadkii 1980kii, waxaa la qabtay tobannaan shirweyne oo looga hadlay mowduuca 'dib-u-sixidda fekerka diiniga ah', waxaana la daabacay boqolllaal buug iyo kumanyaal maqaal oo isla mowduucaan la xiriira. Sidaas oo ay tahayna, weli wax natiijo ah lagama gaarin, sababtuna waxay tahay in hawsha laga sugo wadaaddada oo badankoodu aan ku qanacsanayn fikradda. Shiikh Axmed Tayib iyo guud ahaan wadaaddadu daacad uma ah doodda 'dib-u-eegidda fekerka diiniga', maxaa yeelay badankoodu waxay qabaan in wax khaldani aysan jirin. Horayna waa tii loo yiri: "Midkaan haysani ma bixiyo /فاقد الشيء لا يعطيه". Caadi ahaan, marka qura ee wadaaddada diimuhu ay mowqifkooda beddelaan waa marka ay arkaan bulshadii oo ka tagtay ku dhaqanka afkaarta ay faafiyaan. Marka taasi dhacdo bay qiil cusub jeebka kala soo baxaan.
Hawsha 'dib-u-eegidda fekerka Islaamku", waa hawl xooggeedu uu u yaal aqoonyahannada iyo waxgaradka muslimiinta. Si hawshaan loogu dhiirradana, waa in marka hore meesha laga saaro qaanuunka loogu yeero "xeerka ku jeesjeeska diimaha /قانون ازدراء الأديان". Waddamada islaamka badankooda, siiba kuwa carabta waxaa ka jira qaanuun loo yaqaan "Xeerka dhayalsiga ama ku jeesjeeska diimaha", kaas oo loo adeegsado aammusinta qof kasta oo ku dhiirrada in uu sheego wax ka duwan waxa wadaaddadu ay sheegaan. Inta xeerkaasi uu jirina suurogal noqon mayso in afkaarta diinta wax laga beddelo.
Isku soo duuboo, hawsha dib-u-sixidda afkaarta diintu waa lagama-maarnaan ay duruufuhu qasab ka dhigayaan, laakiin ma aha hawl looga fadhiyo wadaaddada iyo siyaasiyiinta toona, ee waa hawl u taal ummadda inteeda kale. Tillaabada ugu horraysa ee loo baahan yahay in la qaadaana waa in la oggolaado xorriyadda hadalka, tan fekerka, iyo tan caqiidada iyo damiirka. Inta wadaaddadu ay haystaan fatwada gaalaysiinta iyo seefta xadka riddada xaaladda muslimiinta waxba iska ay doorin maayaan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...