Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Cuf-isjiidadka iyo carshiga

W/Q: Gallad Gurxan
Awood sare 0
12.5k
·

2/5/2019

Cuf-isjiidadka iyo carshiga

X agaagii 1687, Sir Isaac Newton waxa uu daahfuray buugiisii “Philosophiæ Naturalis Principia Mathematica (the Principia), buugaasi waxyaabaha ku cusbaa ee uu Newton la shirtagay waxaa ka mid ahaa Xeerka Cuf-isjiidadka Kowniga ah (Universal Law of Gravitation), xeerkani waxa uu qabaa in cuf (shay) kasta uu kusoo jiito cufafka kale awood, awoodaas oo ku falgalaysa qad mala-awaalka toosan ee bartanka ka gooya cuf walba. Awoodaasi waxa ay saami gal quman ku tahay maxsuulka kasoo baxa isku dhufashada labada cuf, waxa ayna saami gal rogan ku tahay labajibaarka masaafada ay isku jiraan labada cuf. Haddii aan sii faahfaahiyo halkaasi, laba cuf kastaahi waa ay is cuf-isjiitaan, ayada oo awoodda ay isku sheeganayaana ay ku xirantahay laba arimood oo kala ah; sida ay cuf ahaan u weyn yihiin, iyo hadba masaafadda ay isku jiraan. Markasta oo uu cufku badanyahay, awoodda cuf-isjiidadkuna waa ay badantahay (saami gal quman), markasta oo masaafada ay isku jiraan labada cuf ay dheeraatana cuf- isjiidadku waa uu yaraadaa (saami gal rogan). Ugu dambayn, labada cuf midka weyn dhankiisa ayaa loo jiitaa midka yar, waana sababtaas mida keentay in dayuxu dhulka ku meeraysto, dhulkana uu cadceeda ku meeraysto, cadceedda laftigeedana ay ku meeraysato dalool madoobe ku yaala bartanka diilin caanoodkeena.

Marka aynu u weecano awooda cuf-isjiidadka dhulka, waa mida suura gelisay in wax walba oo dhulka dushiisa saaran ay dhulka uun ku sugnaadaan oo aysan ka duulin oogada dhulka. Dhulku maadaama uu aad uga weyn yahay wax walba oo dushiisa saaran, sidaas daraadeed, awood cuf-isjiidad oo xoogan ayuu ku hayaa wax walba oo oogadiisa ku sugan. Inta mitir ee aad kor u boodi karto marka aad dhulka dushiisa joogto waa ay ka yartahay inta aad boodi karto marka aad dayaxa dushiisa joogto, maadaama uu dayuxu cuf ahaan ka yaryahay dhulka.

Marka aad dhulka dushiisa wax qaadayso ama aad xajinayso, waxa aad la hardamaysaa oo aad ka guulaysanayso waa cuf-isjiidadka dhulka, haddii uu cuf- isjiidadkaasi jiri lahayn, uma aadan baahateen in aad wax qaado. Nuxurku waa in falka qaadista looga gudbo ama looga guulaysto cuf-isjiidadka dhulka. Injineerada ama kuwa wax dhisaahi, waxa ugu badan oo ay caqabadda kala kulmaan waa cuf-isjiidadka iyo sidii ay uga guulaysan lahaayeen. Haddii cuf-isjiidadku guulaysto, dhismahaasi waa uu dumi, haddiise la iska caabiyo cuf-isjiidadka, dhismahaasi waa uu jiri waxa uuna noqon mid hawl gal ah. Maadaama qaadistu caddayn u tahay jiritaan cuf-isjiidad, haddaba waxa la qaaday si ay ugu sugnaadaan xaalada sugan oo xasilooni ah, waa in la helaa meel loo gudbiyo amaba la iskaga reebo awoodii la siday. Xoogga ku falan dhismaha, ugu dambayn waxa ay ku aruuraan dhulka, halkaas ayuuna dhismahii iskaga reebaa, awoodii uu siday, asaga oo usii marinayo aas-aaska (foundation-ka). Marka aad 50 kilogram oo sokor ah ku sido dhabarkaaga, waxa aad awoodda uu 50-kaasi Kg kugu reebayo, adigana iskaga sii gudbinaysaa dhulka, adiga oo dhulka ugu gudbinaya halka ay cagahaaga iyo dhulka iska taabtaan.

Falka qaaditaanka ma dhaco, illaa in ay jirto cuf-isjiidad laga guulaysanayo oo cagsigiiga loo shaqaynayo, iyo sidoo kale in ay jirto, meel la iskaga reebayo waxii aad qaaday oo ah halka aad usii gudbinayso awoodda kugu falgashay ee aad xajinayso.

Diimaha qaasatan diinta Islaamka waxa ay ka hadashaa “Carshi la qaadayo” sidii la doonaba haloo qaadee, haddaba arintaasi, waxa ay noqonaysaa in ay jirto meel carshigaasi laga soo cuf-isjiidanayo oo kuwa xajinaya carshiga ay ka ilaalinayaan in uu ku dhaco. Meeshaasi cuf ahaan waa meel ka weyn carshiga. Kuwa carshiga xajinaya ayaa ayagana u baahan meel ay u gudbiyaan xoogga ay sidaan, taas oo uu macnaheedu yahay meel ay ku taagsadaan. Arinta kale ee muhiimadeeda leh ayaa ah in xajinta carshiga ay caddayn u tahay in carshigu cuf leeyahay.

Bal Sheikh Xassaana ila daawada iyo sida uu u sharxayo diinta iyo waxa ay ka tiri qaar ka mid ah kuwo xambaarsan carshiga, qaasatan mid ka mid malaa’igta xambaarsan oo la yiraahdo Diik.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...