Aragtiyaha shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan!
Hordhac
Ugu horeyntii maanta waxaynu sii balaaran uga hadli doona isbeddelada afkaareed iyo caqliyadeed ee ay sabaabeen isku-milanka aragtiyeed ee laga soo waarido ama laga fasiro dhacdooyiinkii iyo shirqoolladii wakhtiyadii kala duwana ee sooyaalka dhacay, iyo sido kale wajiyada dadban ee xaqiiqooyinka shirqoollada loo buriyo, isla markaana loogu sameeyo wajiyo qaldan, iyado la isticmaalayo habka fasiraada ugub ee xaqiiqo-beeninta ah ee lagu magacaabo "Aragtiyaha shirqoolka ama (conspiracy theory)", Af-qalaad ahaan. Haddaba inta aynaan uu gudo-gelin mawduuceenan, horta aynu qeexno macnaha shirqoolka ama dabin-qoolka! ?
" Shirqool | Dabin-qool " :
Macnaha shirqoolku ama fulinta dhacdooyinka caqliyadda baaran-daga leh ee ku
habsadda caalamka, waa falal iyo dhacdo wakhti hore laga sii baaran dagay
fulintooda, loona cayimay wakhtiyada ugu haboon ee lagu fulin karo, laguna
fulinayo siyaasad gaar ah ama shakhsiyaad gaar ah, iyadoon arrinkaas la
dhaadaneyn oo meel walba oo aagagga nolosha ah lagu fulinaayo , waana arrimo
qarsoon oo aan inta ka horeysa fulinta shirqoolka, laga ilaalinayo in siraha
qarsoon ee shirqoolka laoogaan karo. shirqoolku waa xaalad bini'adantinimada
guud ee aadamaha saameyn kuu yeelata, marka laga eego dhinacyada nolosha, se
dhacdoonyinkaas ayaan noqon kara, Qaabab ruuxi ah, mid siyaasadeed, iyo
Shirqoollada Dhinaca Akhlaaqiyaadka iyo aqoonta.
Waana nuxur qarsoon oo looga dan leeyahay cabsi gelinta iyo maan qabsashada
dadweynaha caalamka, badana waxay bulshadu ka haysata Qolyaha ama
shakhsiyaadka maleegay dhacdooyiinka shirqoolleed, fikrad ah kuwa wax dulmiya
oo xagjirin ah. Sido kale shakhsiyaadka aadka uu dhaleeceya, isla markaana
kashifa dabinada qolyaha dahsoon, ayaa qudhoodaba lagu eedeya maleegida
shirqoolka, balse waa shakhsiyaad ka bari'i ah, oo kaliyaata la doonayo in
ayna xogta dhabta ah la wadaagin bulshada.
" Aragtida Shirqoolka " :
Macnaha aragtida shirqoolku :- waa isku dayga fikrad ahaaneed ee aaminaad,
aragti, ama cabiritaan ee lagu fasiraayo ama lagu qiyaasi karo falalka iyo
shirqoollada Dhacay in sifooyin dhowr ah lagu asteeyo, iyaadoon lo hayn
caddaymo sii sax ah uu shaacinaya habka shirqoolku uu dhacay, iyo Xogta dhabta
ahba.
balse fikradahaas shakhsi ee la is weydaarsanayo waa qaar badanka sii cad isku
burinaya marka dhinaca bulsheed, aragtiyeed iyo siyaasadeedba laga eego, balse
muhimaddu waa in qolyaha dahsoon ee ajandaayasha caalamka dejiya ay abuureen
afkaar mira-habaabin oo dhaadashada xaqiiqooyinka ku baajinayaan, waana hadaf
ay qolyahaasii ka leeyihin inay fikradahu isburiyaan sii ay tuhun iyo eedeyn
gaar ah loogu sameeyo bulshooyinka aaminsan aragtiyaha shirqoolleed oo badana
muslimku uu badanyahay, waana xaqiiq jirta oo muslimintuba ku baraarugeen.
Badana qolyaha shirqoollada fuliyay waxay xogta dhabta ah ee dhacdada uu badalaan waji been abuur ah, iyado loo adeegsanayo warbaahinta caalamka ee kala duwan, iyo baraha bulshada, sido kale waxay isticmaalan hababka afkaarta ama fikrad gudbineed ee filimaanta iyo muuqaallada ee laga matalay dhacdadaas iyado lagu saleynayo fikrado been abuur ah, oo aan sal iyo raad toona laa lahayn nuxurka saxda ah ee shirqoolka.
Badana dhacdooyinka muhimka ah, waxa sii dadban ugu lug leh maleeg- yahanada/Qorshe-dajiyaasha shirqoollada qarsoodiga ah iyo qolyaha qarsoodiga ah (maasooniyadda) , balse dhacdooyinkaasi malaha fasiraado dhab ah oo lagu tuhminayo falalkaas dhacay in ay iyagu ka danbeyeen waana arrin xasaasi ah marka loo eego aragtida iyo fasiraadaha bulshada dhexdeeda ah, waayo waa wax ay iyagu fuliyeen qorshihiisa iyo Qoolitaankisa. Waxaana jira fikrado badana isburinayaa oo ku dhex faafay bulshada caalamka, oo ah in umaddaha kale ay sii indho la'aan ah uu aamineen in umaddaha muslimka ihi ay aamiinsanyihiin In shirqool loo maleegayo, oo ay mira-habaabinayan umaddooda, sii taasina uu dhicina waa in aanay muslimka dheg u taagin, oo mar walba oo aragtiyaha shirqoolka ah ee kaga imanaya bulshooyinka islaamiga ah aanay sinaba uu aaminin. Oo halkana waxa sii cad uga dhex arki kartaa in qolyahan qarsoodiga ihi ay doonayan in la isku dhex qariyo xaqiiqooyinka dhabta ah iyo wajiyada been abuurka ah ee ay uu sameeyeen aragtida saxan ee shirqoolka. tanina waxay cadeyn uu tahay, waa in aanay dooneyn in la ogaado sirahooda shirqoolnimo ee ay jidka ugu sii saxartirayaan hirgelinta nidaamka cusub ee caalamka (NWO).
Dadka dhinaca taariikhda iyo geedi socodka siyaasadeed ku dhex jira ama ogi waxay aad ugu nugul yihiin aaminaada iyo la qabatinka aragtiyaha shirqoolka. Badana qolyaha reer galbeedku waxay sii dadban uu dhaleeceeyaan dalalka bariga dhexe ee ay ka jiraan aragtiyaha shirqoolka ee ugu saameynta badan, sido kale danta siyaasadeed ee reer-galbeedku ay uga dan leeyihiin waxaa weeye in mu'maraddaha gudeed ee ay iyagu maleegeen in ay dusha uu saaran umadaha islaamka, sii umadaha kale ee caalamku ay fikir qaldan uga qaatan nidaamka dhismeed ee islaamka. Aragtidan shirqoolka waxaa aad loogu isticmaalay dhacdooyiin ay kamid yihiin kacaankii faransiiska, ameerika, burburkii khilaafadi cusmaaniyinta, doontii laga been abuurtay ee titaanik 1912, afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ilaa laga soo gaadhayey tuhunadi shirqool ee COVID-19. Aragtidan ayaa markii ugu horeysay uu shaaciyay taariikhyahankii reer america ee Richard Hofstadter isagoo tixraacayay fikradaha soo jeedineed ee aragtiyaha guud ee bulshada.
Taariikh ahaan, aragtiyaha shirqoolku waxay badana la xidhiidheen arrimaha ah, dhacdooyinka lama filaanka ah, cunsuriyadda, dilalka waaweyn, dagaalada iyo xasuuqyada, kacdoonada, afgembiyada iyo dhammaan falalka muuqaallada kala duwan leh. Aragtidan shirqoolku waxay aad uu hanaqaaday wakhtiyadi colaadaha ee soddomeedyadi iyo afartan-meeyadi( 1930s -1940s) ee qarnigii 20aad, waxaanay caan ka noqotay warbaahinaha caalamka, iyadoo u soo ifbaxay dhaqan dhaqameedkani dabayaaqadii 20aad iyo horaantii qarniyadii 21aad. Waana silsilad aragtiyeed soo taxnayd in ka badan 70 sano oo xiriir ah.
Asalka Ereybixinta Aragtida Shirqoolka
(Conspiracy theory)
Robert Blaskiewics oo ahaa dhakhtar dhinaca daaweynta uurku-jirta sido kalena ahaana daraaseeye sooyaal ayaa sheegay in ereybixinta (conspiracy theory) la isticmaali jiray horaantii qarnigii 19aad wuxuuna sido kale raaciyay in isticmaalka ereybixintani ay ahayd dhif iyo naadir oo xilligaas way adkayd in la maqla ereybixintan ugub.
Sido kale, Sida laga soo xigtay daraasad uu sameeyay Andrew McKenzie-McHarg, Taas bedelkeeda wuxuu sheegaya in qarnigii 19aad ereybixinta (conspiracy theory) loo fasiri jiray inay tahay aragti iyo dajin xeelad dabin ama shirqool la doonayo in la fuliyo, waxaana uu si raaciyay in macno ahaan xilligaas loo fasiran jiray tabanaan iyo toganaan labada, oo aanay lahaan jiran fasiraado kale.
Ereygan "aragtida shirqool" laftiisu waa mawduuc nidaam-fikreed la sheegay in ereygan ay caan ku ahaayeen CIA-da maraykanku sii ay uu yareyso aaminaadaha xadka ka baxay ee ay qabeen shakhsiyaadkii aaminsana dabinada shirqoolka ah ee xilligaas maraykanka ka jiray, waxaana kamid ahaa shakhsiyaadkaas kuwii dhaleeceeyn jiray Guddigii Warren ee loo xilsaaray inay soo baaran shirqoolkii dilka ahaa ee lagu fuliyay madaxweynihii 35aad ee maraykanka ee John F. Kennedy. Aqoonyahankii siyaasadeed ee Lance DeHaven-Smith wuxuu ku sheegay buuggiisa (Conspiracy theores in America), in isticmaalka ereybixintani ay sii dadban uu la falgashay luuqadda maalinlaha ah ee dadka maraykanka wixii ka dambeeyey 1964kii, sanadkan oo ah sanadkii ay guddigii warren (warren commission) ay soo saareen natiijooyinkoodi baarista ahaa ee dilkii John F Kennedy, waxaana xilligaas aad uu batay isticmaalka warbaahintu isticmaalaysay ereybixintan (conspiracy theory). Si kastaba ha noqote waxaa soo jeedintii DeHaven-Smiths aad uu dhaleeceyey Michael Butter oo ah barre dhiga culuumta suugaanta iyo sooyaalka dhaqanka ee jaamacadda (Tübingen University). Waxaana uu Michael dhaleecayntaas uu cuskanayay dukumiinti loo diray CIA-da oo deHaven-Smith uu tixraacay, dukumentigan oo ku saabsana Dhaleeceynta loo jeedinayay natiijadii ay soo saareen guddigii warren (Warren Report) - oo markii dambe si toosa loo sii daayay natiijadii dilka sanadkii 1976kii, kadib codsigii Xorriyadda Macluumaadka ah ee bulshadu ku dalbanaysay sii ay uu ogaadaan natiijada shirqoolkii 1963kii.
**Aaminaadaha dadyowga iyo Aragtida Shirqoolka **
Aaminaadaha shirqoolku waxay aad ugu baaheen adduunka oo dhan, waxaana jira aragtiyooyin shirqool oo badana marka gorfeyn dhinaca fikirka adag ee (critical thinking) lagu darso ay ugu dambeyntii ku muuqanayso in xaqiiqada aragtiyahaasi ay run yihiin, waxaana kamid ah aragtiyahaasi, aragtida ku saabsan tiknoloojiyadda ee tilmaamaysaa in tikniyoolajiyadda casriga ah lafteedu inay tahay nooc kamida ah sixirka ugub, oo ay ujeeddadeedu tahay in lagu waxyeelleeyo ama lagu xakameeyo garaadka aadamaha.
Waxaana jirta aragti labaad oo Shiinaha gudahiisa ah oo sheegaysa in tiro dhacdooyin ah, oo ay kamid ahayeen soo ifbixii naasiyiinta iyo hitler, Qalalaasihii dhaqaale ee Eeshiya ee 1997kii iyo isbeddelka cimileed ee adduunka ay yihiin shirqool ay qorsheeyeen qoyska Rothschild ee yuhuudda ah, waxaanay sido kale qabaan in qorshahaasi uu ahaa qorshe shirqool oo kasoo fulmay qolyaha maasooniga ah jiilalkoodi uu dhaxeeyey 1885kii ilaa 1985kii.
Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka badanaa si caadi ah ayaa loo rumeeyaa, qaarkoodna xitaa waxaa aaminsan inta badan dadka badankiisa. Qeyb ballaaran oo ka mid ah xogo isweydaarsiga Mareykanka maanta waxay ay muujinaysa ugu yaraan xoogaa tiro aragtiyo shirqool ah. Tusaale ahaan, daraasad la sameeyay sanadkii 2016kii ayaa lagu ogaaday in 10% dadka Mareykanka ah ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin in aragtida shirqoolleed ee xalfinta kiimikada ah (chemtrails nefarious spraying) ay "gebi ahaanba run tahay" halka 20-30% ay u maleynayaan ama aaminsanyihiin inay tahay "xoogaa/yara run ah". Tani waxay dhigeysaa ama ka dhigantahay " in 120 milyan oo kamida dadyowga Mareykanka iihii ay aaminsanyihiin aragtida shirqoolleed ee xalfinta kimikada ah (chemtrails nefarious spraying). Sidaas awgeed aragtiyaha shirqoolka waxay sidaas ku noqdeen mowduuc ay xiiseynayaan khubarada cilmiga bulshada, cilmu-nafsiga iyo khubarada dhaqanka.
Xiriirka ka dhexeeya aragtiyaha shirqoolka iyo Xaqiiqada
Aragtiyaha shirqoolku guud ahaan kuma salaysna caddayn iyo xaqiiqooyin, balse waxay xaqiiqo ahaan loo caddeyn kara marka lo helo caddaymo ku filan oo xaqiijiya runnimada aragtida shirqoolka. Sidaanu horey uu soo sheegnayba, aragtida shirqoolku waxay si kadis ah u muujineysaa jiritaanka isbahaysiyo qarsoodi ah oo shaqsiyaad ah waxayna tibaaxaysa qoolitaanada iyo howlahooda dahsoon. Clare Birchall oo ka tirsan jaamacadda King's College London ayaa ku tilmaamaysa aragtida shirqoolka inuu yahay " qaab aqooneed caan noqday ama dhacdo turjumid sii xeeladeysan loo fasiray ", halkan Adeegsiga erayga 'aqoon' wuxuu ku tusayaa ama ka turjumaya siyaabaha fikradda shirqoolka loogu tixgelin karo aqoon, taaso la xiriirta hababka sharci ee ogaanshaha.
**Shirqoolka iyo Aragtiyaha shirqool ee caalamka **
Taariikhyahankii reer ameerika ee Richard Hofstadter ayaa kaga hadlay doorka jahwareerka iyo shirqoolka guud ahaan soo maray taariikhda Mareykanka maqaalkiisii 1964kii ee ahaa "The Paranoid Style in American Politics". Iyo sido kale Buuggii hore ee Bernard Bailyn " The Original Ideology of the Revolution of America (1967) wuxuuna ku xusayaa in dhacdo la mid ah xilligii Kacaankii Mareykanka laga heli karo wakhtigan Waqooyiga Ameerika , oo wuxuu tibaaxaya in dhacdooyinka qaar ee soo maray taariikhda maraykanka ay la mid noqdeen qaar wakhtiyadan dhaw ka dhacay maraykanka, muuqaal ahaana wuxuu xusaya in tabaha loo fuliyay dhacdooyinka qaari ay isa soo shaabahan oo wuxuu caddayn ahaan uu soo qaatay sheeko faneeddi la qoray 1897kii ee ka waramaysay markabka The Titanic ship ee ugu dambeynta qarqoomaya iyo dhacdadi markabkii Titanic ee badweynta atlantic ku qorqoormey sanadkii 1912kii, waxaana uu isbarbardhig ku sameeyey muuqaalka sheekada Titanic 1897kii iyo muuqaalka dhacdadi qorqoomkii markabkii Titanic ee 1912kii. Waxaana uu Richard Hofstadter ku doodey in shirqoollada qaar ay yihiin dhacdooyin laga sii baarandagay oo ugu dambeyntii sii farshaxan leh loo fuliyay, waxaana uu sii raaciyay hadalkiisa " in tiro badan oo falal ah oo sii qiyaasan oo asteysan loo fuliyay aanay aheen dhacdo dabiiciya oo sii aan ku tala gal ahayn isaga dhacday, balse taas baddalkeed uu yahay qoolitaan laga sii baarandag ". Shirqoolku wuxuu ku jan-go'anyahay tusmo iyo xeelad sii asteysan la isugu biiriyey.
- Aragtiyaha Shirqool ee bariga dhexe
Aragtida shirqoolku waa astaamo fikireed oo aad ugu baahay dhaqanka iyo siyaasadaha umadaha barriga dhexe sida faarisiyiinta, kurdida iyo Carabta. Kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ay qabaan umadahaasi waa qaar ka kala turjumaya waaqica dhaqaale, nololeed, umadeed iyo ka aqooneed ee ay ku suganyihiin, waxaana barriga dhexe ka jira xarumo daraasadeyn ah oo badana lagu lafa guro dhacdooyinka lama filaanka ah ee ka dhanka dhulweynahaasi. Sida ilo warbixineed ay sheegayaan waxaa jira dhowr aragti-shirqool oo xaqiiqo iyo male-awaalba iskugu jira oo ay qabaan umadaha ku dhaqan barriga dhexe. waxaana ka mid ah shirqoolada ku lug leh gumeysiga, Dabinada (Zionism-ka), quwadaha waaweyn, awoodda nukliyeerka ugub, dagaalka saliida (shidaalka), iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, oo xaqiiqo ahaan loo tixraaci karo dagaal ka dhan ah Islaamka.
Tusaale ahaan, waxaa jira qorshe yuhuudeed ay dajiyeen duqowdii yuhuudda ama Borotokoolladi guurtidi Siyoon (Zion), kaaso oo uu hogaaminayay Theodor Herzl. Borotokoolladan oo ah dukumiintiyo xaqiiqo ah oo umadaha caalamku ka aragti bixiyeen, waxaanay sheegeen inuu yahay qorshe Yuhuudeed ku saabsan xukunka yuhuuddu la maaganyihiin adduunkan, qorshahan oo fulitaankiisu ka soo bilaabmo dabayaaqadii qarnigii 19aad. Oo aragtidan shirqoolleed ee Borotokoolladda sahyuunku waa mid xaqiiqo ah, oo muuqaal ahaan ka turjumaya waaqica samankan, oo xaqiiqadiisa waxa si dhab ah loogu akhriyii kara dabinka burburineed ee dunida Muslimka haysta.
- Aragtida shirqoolka ee Ameerika
Fikradaha ama aragtiyaha shirqoolka siyaasadeed ee Mareykanka ka jira waxaa badanaa lagu qeexaa isla hal mowduuc oo ah, in koox yar oo awood leh isla markaana leh ilaha dhaqaale ee maraykanka ay iskudaydo fulitaanada iyo qorsheynta dhacdooyinka iyo shirqoolada isla markaana ay qariso macluumaadka qarsoon ee dhacdooyinka shirqoollada.
Waxaanay badana bulshada maraykanku aaminsanyihiin in duminta iyo burburinta garaadka bulshada maraykanka ku socda uu yahay qorshe dheer oo ay fuliyeen qolyaha qarsoodiga ah ee maraykanka ku nool. Inta badan, loolanka u dhexeeya aragtida dhabta ah ee shirqoollada iyo aragtiyaha khaldan waa mid keena isku dhacyo bulsheed, qalalaase doorasheed, kala firdhimaad iyo kalsooni darro lagu qabo dowladda, iyo sidoo kale kala qeybsanaan midabeed, iyo mid siyaaseedba. Aaminaadaha iyo faafka aragtida shirqoollada siyaasadeed ee Mareykanka waxay badana ka yimaadan dhammaan dhinacyada, Axsaabta /Xisbiyada, ururada fikradaha /Caqliyadaha (Ideologists), dadyowga kala duwan ee heerarka dhaqan-dhaqaale (socioeconomic), qowmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan.
Harry G.West oo ahaa caalim cilmiga Sooyaalka iyo kuwa kale oo kamida taariikhyahanada maraykanka waxay xuseen in fikradaha shirqoolka ee dadyowga ameerika ay aaminsanyihiin in ay xadka bax noqdeen oo tiro 3,000 oo aragtiyood oo shirqoolka ah ay la kulmeen, caddaymaha qaarkoodna waxay muujinayaan in tiro ballaaran oo dadyowga Mareykan ah ay sii wadaan aaminaadda aragtiyaha shirqoolka. Harry G.West wuxuu sidoo kale isbarbar dhigayaa aragtiyahaas kuwa salka ku haya xaqiiqada iyo kuwa dareenka dhalanteedka ah ka soo maaxay.
Waxaa jira warbixin ay soo saartay Taariikhyahanaddi Kathryn S. Olmsted taaso ku xusaysa seddex sababood oo ay dadyowga Mareykanku ugu nugul yihiin inay aaminaan aragtiyaha shirqoolada ee ka dhanka ah dowladda Maraykanka :-
B- Xadgudubyadi dowladeed ee dhab ahaan iyo sir ahaanba loo arkay intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, sida dhacdadi Watergate ee fashilmankii dilka madaxweyne richard nixon, Mashruucii CIA-da ee (MKUltra) oo ahaa mashruuca maan-qabsashada ugub iyo wadashaqeyntii iyo is taageeriddi CIA-du kula shaqaysay ee mooryaantii /maafiyada reer cuba ee isku dayday dilka madaxweynihii hore ee Fidel Castro.
T- Dacaayadihii been abuurka ahaa ee Maraykanku ku sida shirqoolka ah uu isticmaalayay, sida sheegashooyinkii ahaa soo gelitaanka Jarmalku kusoo galay Mareykanka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo sheegashadii markii dambe la beeniyay ee ahayd in Saddaam xusseyn uu door ku lahaa weeraradii 9/11.
J- Kalsooni darrada ay abuurtay jaajuusnimada iyo dhibaateynta dowladdu ku waday bulshada maraykanka sida ficiladii basaasnimo ee dhacdadii guurtida ee 1918kii iyo basaasnimada ugub ee FBI-du wado ee la magac baxay hawlgalka 'COINTELPRO'.
Waxaa jira Aragtiyo Shirqoolleed oo garaadka iyo aaminaadaha guud ee aadamaha adduunka haysata, oo raad iyo cabsi dheer oo dhinaca qayibka ah ku abuurtay waxaana kamida aragtiyahaas :-
- Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan UFO ama noole cireedyada
Waa aragtiyo laga soo minguuriyay dhacdooyin ciireed oo kala duwan oo soo maray taariikhda aadamaha, waana dhacdooyiin qariib ahaa, oo aan hore loo arkin, balse aragtiyahaasi waxay ku kala duwanyihiin fasiraadaha dhacdooyinka iyo ujeeddooyinka ku-lamaanan dhacdooyiinkaas. Qolyaha qaar ee fasiray dhacdooyiinkii ku saabsana noole-cireedyada ee markii dambana sheegay in adduunka ay soo gaco-dhigteen noolayaal shiisheeye oo qariib ihii, ayaa waxaa sii adag ugu gacansaydhay aqoonyahanada caalamka, waxaanay ku tilmaameen inuu yahay qorshe ay ka danbeeyaan dawladda maraykanka iyo qolyaha qarsoodiga ah ee maasooniyiinta, sii ay uu hirgeliyaan cabsi-wadareed caalamka oo dhan ah, taaso hadhow suurtogelin karta in nidaamka cusub ee caalamka umadaha lagu ciriiriyo inay uu hogaansamaan.
Waxaanay sido kale tilmaameen in xaqiiqada ama runnimada jiritaanka noole- cireedku aanu ahayn mid la aqbali karo isla markaana suurtogal noqon kara. Balse aragti ahaantayda, xaqiiqadu waa mid wajiyadeeda leh, waxaa dhici karta in dhacdooyinka qaar ee noole-cireedyadu ay ahaayeen qaar run ah, halka kuwa kale oo been abuur ah oo aadamuhu ogsoonyahay ay yihiin dhacdooyiin cireedyo sameys ah, oo danta laga laha uu ahaa cabsi gelinta dadyowga caalamka.
Qaar ka mida aragtiyaha shirqoolleed ee noole cireedyada:-
Aragtida Shirqoolleed ee hawlgalkii cireed ee Naasiga :-
Aragtidan shirqoolleed waxay soo jeedinaysaa in Naasigii Jarmalku uu sameeyay hawlgal cirbixineed oo ay ku doonayeen in dayax gacmeedyo uu diiraan meeraha meerkuuri (mercury) iyo dayaxa, waxaanay aragtidani sido kale sheegaysa in naasiyiintii jarmalku doonayeen in ay uu duulaan hawada sii ay uu soo ogaadaan noole-cireedyada iyo guud ahaanba meerayaasha. Laakiin aragtidan waxaa ku gacansaydhay dhammaan aqoonyahanada iyo culimada nukliyeerka reer galbeedka, oo waxay caddayn uga dhigeen in xilligaas aanay jirin tiknoloojiyad horumartay oo xilligaas ka hawlgali lahayd cirka iyo hawada sare.
**Aragtiyaha Shirqool ee dhacdadi Roswel ee noole-cireedyada :- **
Sanadkii 1947kii, Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan in "sixin duulaya" oo burburay laga soo helay meel u dhow magaalada Roswell, ee Gobolka New Mexico. Wakhti kadib war-saxaafadeedkan ayaa si dhakhso leh ciidankii cirku dib uga noqday, kadib markii amar uga yimid taliska guud ee ciidanka maraykanka. Saraakiishina dib waxay uu sheegeen in diyaarad dagaal oo tijaabo lagu waday si khaldan loo aqoonsaday/fahmay. Kiiskan dhacdada Roswell si dhakhso leh ayaa loogu gudbiyay ururka dabagalka arrimaha cirka ee (UFOlogists), baarista kiiskanina waxay socotay ilaa 1970-dii. Xanta iyo ku tiri-kuteenta dhacdaduna way sii socotey, inkasta oo dawladda maraykanku si rasmi ah uu diidey tuhunka bulsho ee ah in dayax gacmeed shisheeye uu ku dhacay meel u dhow magaalada Roswell. Balse Sagaashameeyadii ayaa militariga Mareykanku daabacay labo warbixin oo muujinaya been-abuur aan sal iyo raad toona la lahayn xaqiiqada dhacdadi Roswell ee 1947kii.
Si kastaba ha noqotee, dhacdadii Roswell waxay noqotay xiisaha aanay warbaahintu uga daalin buunbuuninta aragtiyaha shirqoolka ah ee ku hareeraysan dhacdada roswell. Dhacdada Roswell-na waxaa lagu tilmaama inay tahay "dhacdada ugu caansan adduunka casriga ah, waana mid kamida sheegashooyinka jiritaanka noole-cireedyo ee ugu saameynta badan, ee isla markaana aanay weli haayadda (UFOlogists) uu helin caddaymo buuxa.
- **Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan dilkii John F. Keneddy **
Aragtiyaha Shirqoollleed ee Dilkii John F. Kennedy ee 1963kii waxaa lagu tilmaama "Shirqoolkii ugu weyna ee wakhtigan casriga ah". Shakhsiyaadka iyo ururada aan tirada lahayn ee lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkii Kennedy waxaa ka mid ah CIA-da, Mafia-da Ameerika, Madaxweyne ku xigeenkiisi Lyndon B.
Johnson, Raiisal wasaarahii Cuba ee Fidel Castro iyo haayaddi sirdoonka soofiyeeti ee KGB. Balse xaqiiqada aragtiyahan la sheegaya waa qaar sameys ah, marka loo eego xaqiiqada aan la dafiri karin ee ku hareeraysan dilka Kennedy, oo ilaha qaar ayaa sheegaya in qolyaha maasooniga ah ee maraykanku ka dambeeyeen dilka kennedy, oo badana waxaa la sheega in marki uu noola kennedy in uu aad uu rumeysna in waddankiisa awoodo qarsoon soo fara-gashanayaan, waxaana uu khudbadihiisa qaar kaga hadli jiray dabinada qolyahaas iyo sidey uu doonayaan inay uu burburiyaan akhlaaqiyaadka iyo garaadka dadyowga ameerika. Waxaana sido kale la rumeysanyahay in dilkii kennedy ay ka dambeysay haayadda CIA-da iyo qolyaha maasooniga ah oo qorshaha uu dajiyay. kadib dilkii kennedy, dowladda federaalka ah ee Mareykanka ayaa si ul kac ah u qarisay macluumaado iyo xaqiiqooyin muhiim ah oo ku saabsan dilkii kennedy, si looga hortago in shirqoolka la ogaado.
- **Aragtiyaha shirqooleed ee ku saabsan isdilkii Adolf Hitler **
Aragtiyaha Shirqoolleed ee ku saabsan ka shakiga dhimashada hogaamiyihii naasiga ahaa ee Adölf Hitler, waa aragtiyo burinaya xaqiiqooyinkii la aqbalay ee ku saabsana in hitler laftigiisu isku dilay madaxtooyadiisa (Führerbunker) sanadkii 1945kii-30kii Abriil. Inta badan aragtiyahani waxay qabaan in Hitler iyo xaaskiisii Eva Braun ay badbaadeen oo inta badan waxaa la sheega in ciidankii iyo taliyayaashii hitler ay dageen qorshe mira-habaabin oo ay ku badbaadinayaan Hitler iyo xaaskiisa, sii aanay gacanta ugu dhigin soofiyeetku, oo waxay ahayd wakhti ciidankii Colki casa ee soofiyeeti soo gaadheen duleedyada magaalada Berlin, adolf hitlerna muu doonahayn in isago oo nool la qabto, waxaana uu ka doorbiday in laba arrin la yeelo, in marka koowaad la soo gubo meydad hore uu dhintay, dambaska meydadkana la soo uruuriyo, iyo tan labaad oo ah in marka ciidanka casi ay soo gaadhaan afka taliska madaxtooyada in loo sheego in Hitler iyo xubno kamid ah qoyskiisa iyo taliyayaashiisi sar- sare ay horaba isku togteen kadibna meydkoodi lagu gubay aqalka dabadiisa (Führerbunker).
kadib dabin-habaabineedkani ay naasiyiintu dageen waa laa aaminay, oo ciidankii soofiyeeti way aamineen hadaladi dadyowgii loo xilsaaray inay been abuurkan sameeyaan, hitler, eva braun iyo taliyayaashi naasiguna wey badbaadeen, oo waxaa la sheega inay uu baxsadeen midkood dalka Arjentina ama qaaradda Antaratica. Balse xaqiiqada iyo runnimada aragtiyahani waxaa rumeysan aqoonyahanada qaar, qaar kalo oo kamida taariikhyahanada iyo khubarada cilmiga raadraacuna waxay aragtidan ku tilmaameen aragtiyo iyo hadalo been abuur ah. Sidoo kalana iyagoon diidahayn waxay tilmameen inay dhici karto xaqnimada arrimahanni oo ay dhab ahaan xaqiiqo noqon karraan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...