Adiga yaa ku abuuray? Kownka se yaa abuuray?
Badanaa dadka somaaliyeed inay arkaan qof soomaliyeed oo aan Alle rumaysnayn waxay ku noqotaa mucjiso iyo qaadanwaa, si ay qofkaa ay u arkaan inuu caqligii ka tegay ugu caqli-ceshaan, su’aalaha ay arkaan inaanu qofka Alle diida ka jawaabi karin waxaa kamida; Adiga yaa ku abuuray? Kownka se yaa abuuray? Labadan su’aalood waa sababta dad badan oo Soomaliyeed Alle u rumaysan yihiin waayo waxaa loogu sheegay inuu Alle kownka u abuuray iyaga dartood, iyagana u abuuray inay isaga caabudaan! Cajab.
Hadaba ma runbaa inay su’aashani laf dhuun gashay ku tahay Alle koodyada. Waa marka koowaade adigaagan su’aasha keenay moodayana inaad jawaabta hayso sow ma ogid inaan waxaagu sheegasho dhaafsiisnayn. Maxaadse caddayn u haysaa inuu Alle aniga i abuuray oo aan ka ahayn in Quraanka lagu sheegay, Quraanka hadddii aanan rumaysnayn ooaan u arko inuu yahay hadallo dad hore oo la dhoodhoobay sidee ayuu caddayn iigu noqon karaa?
Sow ma ogid in Aadanaha adduunka ku nool qolo waliba ay leedahay (Creation Myth) ama sheeko xariireed abuurka kownka iyo noolaha ku saabsan, inta la ogyahay waxa la arkay hal qabiil oo reer Amazonian ah oo la dhaho (Piraha) oon lahayn wax sheeko xariir abuureed ah.
Sheeko xariiro abuureedka Masaaridii hore
Sheeko xariir abuureedyada Aadanaha qaarkood waa kuwo yaab badan waxaana ka mida sheeko xariir abuureedka (hymn) ee ay rumaysnaayeen masaaridii hore waxayna u taal sidan. Wax walba waxay ka bilaabmaan abuure loo yaqaan (Atum) kaas oo aan waxba ka horrayn isaguna is abuuray, kadib Atum wuxuu dareemay oo is tusay inuu wax kale abuuro dabeedna intuu siigaystay -Biyaha gacanta isaga keenay- ayuu manidii afka ku shubtay kadibna hindhisay dabaysha, waxaanu afka kasoo daayey roobka, labadaasna waxaa ka abuurmay nolosha. Sheekooyinka qaarbaa ah inuu Atum u galmooday hadhkiisa balse mid kay tahayba waxay u muuqataa wax aan caqli gal ahayn lagana yaq-yaqsoodo waaba hadduu jiro eebbe siigaystaa.
Haddii ay sheekooyinkaasi wax lala yaabo iyo qosol kula yihiin waa hubaal in sheekada Quraanka ku qoranna ay dad badan ula muuqato wax lagu qoslo iyo yaab.
Sababta keentay in dadku meel kasta oo ay joogaanba samaystaan sheeko xariireed abuurka ku saabsana sida uu falkiyay David Hume dadku kama fikiri karaan shay bilaa sababa, waana ujeedada ay nolosha iyo kawnka ahaanshahooda fasirka ugu raadshaan, hadday waayana ay mid jeebkooda ah u saaraan.
Ujeedada aanay dadku badanaa u malayn karin abuure la’aan waxaa kamida qaabka iyo quruxda nolosha ka muuqata oo u eg mid aan si madax bannaan isu samayn karin waana su’aasha in badan dadka soomaliyeed ee fajacay ku hadaaqaan “Oo immika ma waxaad i leedahay adduunkan iyo adigaagan saan u egiba waan iska samaysanay?”.
Intii ka danbaysay daabicii buuggii Darwin ee (Origin of species) waxa jirta aragti saynis ahaan hadda aanu wax muran ahi ku jirin (Theory of Evolution) oo ugu yaraan sharraxi karta nolosha dhulka dushiisa iyo kala duwanaansheheeda, waana aragti cilmiya oo tiirar culus ku dhisan walow aanay weli ka jawaabi karin halka uu ka yimi unuggii ugu horreeyay ee is koobiyayn karay hadana waxay si qurux badan oo la fahmi karo u sharaxdaa nolosha dhulka guudkiisa ka jirta iyo kala duwanaanshaheeda. Laga yaabee sida uu ku doodo Richard Dawkins kownku waxuu sugayaa Darwinkiisii (The cosmos is still waiting it’s own darwin). Inay maruun dhacdo inuu dhacdo in Aadanahu fahmo halka uu kawnkani ka yimi.
Ugu danbayn anigu ma ogi cid i abuurtay balse waxaan ogahay in hooyaday i dhashay, hooyadayna hooyadeed dhashay, silsiladaa Ayaydeey ka baxdayna ay tahay mid waayo badan isa soo daba taxnayd, oo mar uun aan isku hooyo nahay aniga iyo Daanyeerku!! ‘Haa daanyeerka’, sidoo kale waxaan ogahay in libaaxa iyo dacawadu aanay tol durugsan ahayn, dhurwaagana aanu diddib iska soo galo, waxaan rumaysnahay in dhammaan nolosha adduunku bah-wadaag tahay.
Aragti kasta oo Aadnaha cidla taagtaa waa miduu isagu samaytay oo kibirkiisa iyo isla waynidiisana laga dhex arki karo halka aragtida Aadanaha la midaysa Abuurka iyo noolayaasha kale xaqqa u dhowdhay haba la yaabee.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...