Adduunka maxaa sababay?
S u’aashaa waa su’aasha ugu badan ee nala waydiiyo runtii. Waana su’aal mug wayn oo siyaabo badan loogaga jawaabi karo, hasayeeshee waxaan jecleystay in aan maanta isku dayo in aan ugaga jawaabo si aan horay loogaga jawaabin.
Su’aashaa waxay salka ku haysaa sharciga caanka ah ee Causation ama sababaynta
loo yaqaan ee ah in wax kaste oo aduunkaan ka dhaca ay wax sababaan waxna
aysan iska dhicin bilaa sabab. Laakiin su’aashu waxay samaynaysaa booditaan
dheer oo waxay ka boodaysaa in aduunkaan uu ka dhex jiro sharci ah in wax
kaste ay wax sababaan, waxayna ku boodaysaa in sharcigaa uu ka jiro ama ka
jiri karo adduunkaan bannaankiisa oo adduunka dhan bilaawashadiisa lagu dabiqi
karo.
Hadda tusaale, adduunkaan waxaa ka jira sharci loo yaqaan cuf is-jiid oo
walxaha mugta culus way isa soo jiitaan, intaan sharcigaa adduunkeena ka dhex
jira qaadno maku dabiqi karnaa aduunka dhan laftirkiisa oo ma oran karnaa “
maadaama ay waxkaste wax soo jiitaan, adduunkeena dhan maxaa soo jiidanaya?
”
Inta aana lays waydiin adduunkeena maxaa soo jiidanaya iyo adduunkeena maxaa sababay soo kama qumana in marka hore aynu isla meel dhigno in sharciga cuf is-jiidka ama sharciga ‘sababta’ uu ka jiro ama ka jiri karo adduunkaan bannaankiisa?
Haddii uu sharcigaa cuf-isjiidka ama ka sababta uu ka jiro adduunkaan
banaankiisa, waad i waydiin kartaa maxaa sababay adduunkaan ama maxaa soo
jiidanaya? Laakiin haddii aan caddayn loo hayn in uu ka jiro, ima waydiin
kartid ee horta waa in aad soo sugtaa jiritaankiisa.
Kudarsana in cilmigu maanta uu caddeeyo in aysan jirin xataa wax goob ama goor
la dhaho Big bang-ta kahor oo waxa dhami ay iyada la bilawdeen. Wuxuu
caddeeyay oo kale in shuruucda aan maanta naqaan ee adduunkeenaan ka jira
badankoodu sikimadii ugu horreeyay dunida aysan u shaqayn jirin sida ay hadda
u shaqeeyaan.
Marka goob iyo goor wax la dhaho ayada oo aysan jirin macquul xataa ma tahay
in ay jiraan sharciyadaan ka dhasha labadaa sida ka cuf-isjiidka iyo ka
‘sabata?’
Hadda tusaale, sharcigaa sababta wuxuu ku tiirsanyahay goorta ama waqtiga oo
waqti la’aan sabab maba jiri karto maadaama si ay wax wax kale u sababaan loo
baahan yahay waqti uu mid ugaga hormaro ka kale oo laba wax oo isku mar
dhacaya aana la oran karayn way isa sababeen.
Marka warka oo kooban, inta aadna i waydiin “aduunka maxaa sababay?” Kahor
waxaad ii caddaysaa in sharcigaa ‘sababta’ uu jiray adduunka inta uusan
bilaabanin kahor oo sidaa darteed uu adduunku ugu baahan yahay sabab sababta!
Illeen sharcigaa sababta haddii uusan meesha oollin marka uu adduunku
bilaabanayay oo uu la dhashay adduunkeenaan sida shuruucda kalaba ay ula
dhasheen adduunka, ima waydiin kartid “adduunka maxaa sababay?” Waayo waxaad i
waydiinaysaa sharci aana jirin wali wuxuu qabtay!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...