Yaa gar leh Cabdi-Cuzza mise Maxamed?
Gallad Gurxan
-9/15/2018
K asoo qaad in aad ku nooshahay magaalo, magaaladaas oo ay nolosha si caadi ah uga socoto; oo waad ganacsataan, waad roobaysataan, waad baraaraysataan, waad barwaaqowdaan, waadna abaarsataan. Waxa aad ku nooshihiin nolol caadi ah, soo jireenna ah sida maantaba magaalooyin badan oo kala gedisan oo daafaha caalamka ah looga noolyahay. Waxa aad leedihiin xeerar iyo qawaaniin aad adinku dhigateen oo aad ku kala ammaan heshaan, dadkuna ku qanacsanyahay.
Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa dadkii oo idil kasoo horjeestay oo yiri
qaabka aad u nooshihiin iyo hab nololeedkan aad doorateen waa mid qaldan,
waayo aniga waxa aan ogahay wax aydaan ogayn. Ninkii waxa uu bilaabay in uu
xeerarkii u dagsanaa bulshada jabiyo iyo in uu falaagoobo. Maalin ayuu yiri
dadka deegaanka dhamaantood fagaare hala iigu keeno, waxa aan doonayaa in aan
kala hadlo arin e. Goortii dadkii fagaarihii la iskugu keenay oo yar iyo
waynba lasoo kacshay, lagana soo kaxeeyay camalkoodii ayuu bilaabay in uu la
hadlo, waxa uuna yiri:-
“Dadoow, haddii aan idin iraahdo cadaw ayaa idinku soo socda oo halkaan
magaalada afkeeda ah soo maraya, soo ma aydaan i aaminteen?”
Dadkii ayaa haa ugu jawaabay, deetana warkiisii ayuu sii watay, asaga oo leh:-
“Waan idin digayaa oo cadaab daran ayaa soo socda”
Adigii oo dadka ka midka ah, lana yaaban sida uu waqtiga kaaga qasaaray iyo
waxa aad kusoo lug go’day, maadaama aadan waligaa maqal wax leh: Cadaab iyo
halaag ayaa soo socda oo sidaasi dadka u argagax galiya, ayaad dadkii ka dhex
kacday oo aad tiri:-
“Hoog baa kuu sugnaadaye, ma waxan ayaad iskugu keen yeertay!”
Ninka cadaabka iyo halaaga soo socda uga digayay magaalada, cadaynta kali ah
ee uu ku cadayn karo arintaasi waa hadalo uun asaga afkiisa laga maqlo oo uu
ku hadlo ee ma jirto cadayn kale oo la taaban karo.
Haddaba haddii kiiskani maxkamad loo gudbiyo, si loo kala saaro labadan qof, maxkamadana uu fadhiyo garsoore cadaalad ah, maxaa laga fili lahaa garsoorahaas in uu sameeyo si uu idiin kala saaro? Muxuuna ku salayn lahaa ayay kula tahay go’aankiisa iyo waxa uu u yaqaano “gar lahaansho” xaaladan oo kale?
Xikmadyahankii qallin-maalka Romanka ahaa ee Pubililius Syrus (85 – 43BC) ayaa laga hayaa in uu yiri:- “Garsooraha ayaa dambiile noqda, goorta uu dambiiluhu dambi laawe noqdo”